| SOOMAALAAY MA SIDAN BAAD DAN MOODEEN? Maryan xaaji Cumar (Ifiso)Maryan_ifiso@hotmail.com
   
 
 
 
 Assalaamu Caleykum Waraxmatullahi Wabarakaatuhu. RAMADAAN KARIIM. Inta xusuusataahi waxaa Ramadaankii 2002 ka dhacay madasha 
 shirka ee Kenya in ergadii Soomaaliyeed ee shirka iyaga oo afurkii saf dheer 
 ugu jira ayaa lagu yiri “War orda oo naga taga oo guryihiina cunto u doonta”.
  Mar kale iyo soonkan, ayaa in badan oo ka mid ah kuwii 
 shacabku ka sugayay inay ka soo taliyaan arrimahan murugsan ee siyaasadda 
 Soomaliya ayaa waxaa afur la’aan loogu daray in laga laabto sariirihii oo ay 
 meel kula hoydeen doofaarka jooga xerada iyadoo weliba ay u dheer tahay roobab 
 iyo dhaxan. Kuwii ugu roonaa ayaa waxaa uu waagu ugu baryaa iyagoo ku hurda 
 kuraasta maqaayadihii ay shaaha ka cabi jireen. Haddaba waa su’aale Soomaalaay ma sidan baad garateen oo 
 aad dan moodeen? Waxaa yaab iyo amakaag leh markii kuwii laga saaray 
 hoteelada, cuntadana loo diiday ay u tageen madaxdii IGAD iyagoo ku qeylinaya 
 “Ma haysanno wax aan ku afurno, ma haysanno meel aan seexanno, waxaan ku 
 rafaadsannahay magaallada Nairobi”. Waxaan kuwan weydiinayaa yaad eersataan oon 
 idinka ahayn? Yaad wax u dhiibateen ood ka rabtaan? Yaa dalkoodii iyo dadkoodii 
 soo burburiyey oo sababay xitaa inaad waxaad ku afurtaan weydaan? Yaad ka 
 sugeysaan in ay dawlad idiin dhisaan?  Cakuye dadkaygu caqli daranaa, waryaada kuwa aad u 
 tagteen ee IGAD inay dhibtiina ku naaxaan ma ogiye ma iney ka nixi ayaad 
 moodeen? Haddii cunto iyo hotel la idin siiyo oo shirku soo gabagaboobo sow 
 iyagu shaqo la’aan ku dhici meyso. Inaad iska dabawareegataan oo midkiinba 
 maalin shirka ka baxo oo sheekadu iska noqoto Alfa Leyl Wa Leyl ayaa iyagu dan 
 ugu jirtaa.  Afur na siiya ayay ku doodayaan, sow ma oga in ninku gaal 
 yahay oo ALLAH iyo Rasuulkisa diidan yahay. Bal eegga dulinimadaa intaa le’eg 
 oo qof Muslim ah oo maantoo dhan soonaa baryaya nin gaal ah inuu afur siiyo. 
 Walaalayaalow ii sheega heerka kan ka hooseeya ee qof aadami ah oo muslim 
 sheeganaya gaari karo? Waxaad wax u dhinteen sumcaddiina (waaba haddaad 
 leedihiine), tii Islaamka iyo tii Soomalida. Ihaanadaa ku dhacday magacii iyo 
 Diintii Soomaali ay macnaheedu tahay in maanta Ethiopia iyo Kenya iyo wixii la 
 fikrad ahi ay taabteen xaniinyaha raggeenii Soomaaliyeed, una soo baxday fikrad 
 ka duwan tii laga heystay ka hor dagaaladii sokeeya. Waxaa u soo baxday in 
 sarwaalka ugu jiraa wax ka hooseeyo uusan jirin. Maxaan sidaa u leeyahay? U 
 fiirsada nooc kasta oo bulshada ka mid qaar ayaa laga laabtay sariiraha, waxaa 
 ugu dambeeyey odayaashii dhaqanka oo sharaf iyo karaamo ku lahaa dhaqanka 
 Soomalida ayaa lagu yiri 50 ma ogiye intii kale banaanka, iyagii ayaa hor 
 dhooban xafiisyada IGAD. War yaa u haray IGAD oo aysan sharafta ka qaadin? 
 Oggow qof walba oo Soomaali ah meel kasta oo adduunka ka joogo inuu ku gowracan 
 yahay madasha shirka. War IGAD ka hor yaa idin hagi jiray? Ma leedihiin dhaqan, 
 diin iyo xeer aad ku maareysaan arrimihiina idinkoo dal kale dawarsan. Mar 
 haddii min odey dhaqan (nabadoon ama capo qabiil waxaad doontidba ku sheege), 
 siyaasi, aqoon yahay, culimo, haween, dhallinyaro ilaa mooryaan la hor fadhiyo 
 xafiiskii IGAD oo la weydiisanayo wax la cuno iyo meel la seexdo, goormaa laga 
 hadlaa maaxa Soomali u dan ah iyo dib-u-heshiisiin. Ileyn horaa loo yiri calool baahani ma xishooto, sow wax 
 caqliga geli karo ma aha in haddii kuwan baahan oo afurka heli la’ waxoogaa 
 lacag ah la siiyo waraaqaha laga sixiixdo oo xitaa dalkii inay iibiyaan ayay 
 diyaar u yihiin. Haddaba calool Soomali ALLAH iyo Rasuul ma taqaano ee ninkii 
 wax ku shubta ayay taqaan. Inay sidan tahay IGAD iyo ergada shirka ayaa aragti 
 kuugu filan. Waxaa gurigoodu ba’ay kuwa (Shacabka) ka war sugaya inay 
 kuwan Nairobi dawarsanaya soo gaaraan talo suuban oo ALLAH (SWT) iyo 
 Addoomankiisu raali ka yihiin soo gaaraan taasoo Soomali bedbaadin karta oo 
 qaranimadii iyo sharaftii aanu lahayn soo celin karta. Haddaba shacabyahow waad aragtaan meel taladaadu mareyso ee
 maxaa kuu dan ah ama kula gudboon? Waxaan jawaabta u daayey akhristaha. “AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA” Wa Bilaahi Towfiiq, Maryan xaaji Cumar (Ifiso)Maryan_ifiso@hotmail.com
  QORAALADII HORE EE MARYAN IFISO Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2003  ..
 FOGAANTA U DHEXAYSA 
 MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....   .... 
 Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri  Kulaabo bogga hore ee  
 www.somalitalk.com  
      |