SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Sharci Allaah Diide Sharaf ma laha.

YUUSUF CABDI SAHAL
(YUUSUF XIDDIG)
yussuf_hiddig@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM.

Ilaah baa mahad leh, nabad gelyo iyo naxariis Eebe korkiisa ha ahaato midka ugu sharfanaa uguna danbeeyay Rususha iyo Nabiyada Eebe Muxammed(nnk).

Ilaah midkuu karaameeyoow, xoolana waad ka liidataa. Fasahaad badanoow, Ilaahba ma simin. Manala gudboon tahay midaanoo?, dhalanteed dhab ma moodnaa?. Waa balan qaad Eeboo, hubaal baan haynaa. Gaalo u gurbaan tumoow goodi baa kuu yaaloo, lama waayo qolo xaqa garab taagan. Dhuuni raac meel xun ku dhimaye, caamooy yaa kuu maqan. Dhaqan suubanoo sariig lahaan leenahay, maan ku soo gabagabeeyaa midaa.

Ilaah midkuu karaameeyoow.

Banii'aadamku waa maqluuqa uu Ilaaheey karaameeyay ee koonkan ku nool. Uuna Ilaah u doortay inuu ahaado khaliifka dhulka(kan dega). Khaliifnimadaa iyo karaamadaa oo uu ku helayo uun markuu raaco awaamirta Eebe, oo ah wixii la faray iyo wixii laga reebay.

Xoolana waad ka liidataa.

Eebana uu noogu sifeeyay dadka xaqa ka jeesta kuwo ka sii liita xoolaha, oo ayagoo leh quluub ay wax ku kala soocaan, oo ay ku kala gartaan waxa xun iyo waxa san, ayay haddana wax arkeyn, iyagoo leh indho ay wax ku arkaan, ayay haddana wax ku arkeyn, iyagoo leh dhago ay wax ku maqlaan, ayay haddana wax ku maqlayn. Uuna noo sheegay Eebe in badankood(banii'aadamku) wax maqlin waxna kasin, oo xoolo oo kale ay yihiin, ama ka sii dhunsan yihiinba. Ileyn xooluhu maba hadlo, waxna ma qoro, balse banii'aadamku iska hadlo, uuna wuxuu rabo iska qoro, isagoo isula muuqda inuu yahay mid cilmi leh(cilmise uu faro ugu jirin), ayna aqoontiisu tusiso inuu ka hadlo ama qoro wax uu waxa ka danbeeya ogeyn, ama uunan ka fiirsan, taasoo ku hanuunisa inuu iska dhumo.

Fasahaad badanoow.

Banii'aadamkuna uu ku sifoobay, sifooyinkeey ku sifeeyeen malaa'igta Eebe ee ahaa fasahaadka. Kaasoo jiilba jiil u gudbinaayo, fasahaadkaasoo ah dhaqan xumo walba oo dhan, uuna ku jiro midka aan rabo inaan qormadeydaan uga hadlo oo ah "isku dayida sharaf ka qaadida qof Ilaah sharfay"

Ilaah ba ma simin.

Taasoo ah inaan qof muslim ah qof aan muslim ahayn barbar dhigno. Inagoo markaa sharaftii uu lahaa qofka muslimka ah la wadaajineyna mid uu Eebe sharafta ka qaaday oo

gaal ah. Eebana uu nooga digay;

" Ruux mu'min ah mala midbaa mid faasiq ah, ma eka."

Qur'aanka Kariimka ah Suurat As-Sajad, aayada 18

"Ma muslimiinta yaanu kala mid dhigeynaa dambiilayaasha.

Seed u dhihi kartaan saas."

Qur'aanka Kariimka ah Suurat Al-Qalam, aayadaha 35:36.

Inagoo ku andocooneyna in maanta caalamku hormaray, oo kal xerxernaantii jiri jirtay laga tagay, oo la isdhexgalay, isdhexgalkaasoo ku qasbay waddamo aan ogoleyn Islaamka inay ogolaadaan. Muqadasaadkii Muslimiintana ay ku soo fatahmeen gaararkiisa gaalo, walibana ay la jiraan dad Muslimiina oo gaalada jinsiyadahooda wata oo la socda dadkaa duulaanka nagu ah. Culumaddii Islaamka qaarkood oo wadamadoodii dil looga xukumay ay ku nool yihiin waddamada gaalada iwm.

Ma nala gudboon tahay midaanoo.

Anagana haddaan Soomaali nahay aan nahay dadka laga doonayo inay taa ku waano qaataan, oo aan maro ku dhegnimada iyo adadeyga iska deyno, maadaama aan u qaxnay caalamka afartiisa gees, aan waajahno waxa jira oo dhabtu tahay, oo aan dhaqankeenii iska deyno, lana qabsano dhaqamada jira.

Dhalanteed dhab ma moodnaa?

Xaqiiqdii waxa kan oo dhammi ay yihiin waxa maanta uu ku hadlo ama qoro aqoon yahan isku sheega Soomaaliyeedi. Taasina ay tahay wax xaqiiqda ka fog, oo aan dhaan dabagaalle uun sii tiigsaneyno mar walba, oo uu oonkeenii u bi'i layahay. Ilaa aan runta ka qaadanona aanan oon baxeyn.

Waa balan qaad Eebe.

Islaamka oo ka daahira meelo hore looga necbaa waa balan qaad Eebe;

"Waxay dooni gaaladu inay ku damiyaan nuurka Eebe afkooda Eebana wuu diidi dhameystirka nuurka mooyee haba naceen gaaladu.

Eebana waa kan ku diray rasuulkiiisa hanuun iyo diin xaqa inuu ka kor mariyo diimaha dhammaan haba naceen gaaladu"

Qur'aanka Kariimka Suurat At-Tawbah, aayadaha 32:33

Gaaladu waxay isku dayi jireen inay hor istaagaan fidida diintan, haddana kuwo anaga naga mida oo afkeena ku hadlaya ayaaba raba inay hor istaagaan, oo qiil uga dhiganaya Islaamka heerkuu gaaray inay Islaamka ku burburiyaan, kuna hor istaagaan. Maadaama ay isbarbar dhigeen, lana simeen gaarida uu Islaamku gaaray reer galbeedka in ay ayana gaafaf joogaan Muqadasaadkeenii, lana mid ah Islaamku hadduu horumaray reer galbeedkuna horumare. Miyuusan Risaaladda Islaamka yareysan qofka saa u hadlay? ama isbarbar dhigay labadaa.

Hubaal baan haynaa.

Waana mahad Ilaah iyo bishaaraddii uu noo bishaareeyay Rasuulkeenu(nnk) inay diintayadu ahaan doonto diin caalami ah oo wada gaarta caalamkaan markuu yidhi

"Diintu waxay gaari meesha habeen iyo maalin joogaan, waxayna gali guri kasta"

Gaalo u gurbaan tumoow goodi baa kuu yaala.

Gaalo oo gaafaf joogta xurumaadkeenii oo ay sabab u yihiin kuwo naga mida oo uu Eebe hore noogu sheegay:

"Kuwa xaqa rumeeyoow ha ka yeelanina yuhuud iyo nasaaro sokeeye qaarkood waa sokeeyeha qaarka(kale) cidii ka sokeeye yeelata oo idinka mid ah wuxuu ka mid yahay iyaga Eebana ma hanuuniyo qoomka daalimiinta ah.

Waxaad arkeysaa kuwa qalbiga ka buka(munaafiqiinta) oo u degdegi dhexdooda iyagoo dhihi waxaan ka cabsan inay nagu dhacdo dhibaato(socota) waxay u dhawdahay in Eebe keeno fatxi(gargaar) xagiisa ah oo markaas ay ahaadaan kuwa waxay u qarsoonaayeen naftooda(oo gaal jaceyl ah) qoomameeya."

Qur'aanka Kariimka ah Suurat Al-Maa'ida, aayadaha 51:52

Lama waayo qolo xaqa garab taagan.

Gaafaf jooga ay Muqadasaadkeenii gaafaf joogaan, ma aha inaan diinteenii iyo ku dhaqan keediiba aan ayaga u dhiibanayay, oo ay qolooyinkaan soo dhaweeyay dadkaan ku hanuunin karaan in dadku raaco kuwan, ee waxaa jira culimo uu Ilaaheey u gargaaray, oo goor walba hortaagan inay ka fushadaan meelahaas mabaadiidii ay la soo duuleen.

Siduu Rasuulka Suuban ku tilmaamay:

"Lama waayo koox ummaddayda ah oo xaqa ku taagan oo muuqda wax dhibi karana uusan jirin inta qiyaamuhu ka timaado"

Kuwaasoo xaqa tusinaaya ummadda, una diidan duulkaan daalimiinta ah inay marin habaabiyaan dadka.

Dhuuni raac meel xun ku dhimay.

Dadka la socda kuwaan duulaanka nagu ah, oo wata dhalashooyinka ay dhuuni raacnimadda ku heleen, waxay ila tahay ayaga ayaaba u baahnaa wax badbaadiya, oo maba ayan fahmin mabda'a uu wato kan ay difaacayaan oo duulaanka u yihiin iyoduruuftii aabahood dalkaa u tagay. Aabahood wuxuu dalkaa u tagay asagoo nolol doon ah, rabana inuu ilmihiisa u helo nolo, uuna ugu dadaalay nolosha, balse uuna barin waxay ku badbaadi lahaayeen iyo say u badbaadi lahaayeenba. Taasoo dhalaankii uu la dhumay dhalashadaan dhalanteedka ah, oo uuna doonayn inuu u dhinto, balse wuxuu isleeyahay armaad darajo iyo sharaf dadkaaga ugu heshaa, oo laydinka qadariyaa quruumahaan uu qoyskaagu qaxa ku yimid, waana waxa halaag uu aabuhu inanka la rabin u horseeda, aabuhu inanka nolol buu la doonayay, inankuna noloshii ma diidana ee qadarinta qoyskaa ku dhaqaajiyay inuu mabda'aa xun u dhinto.

Caamooy yaa kuu maqan.

Culimmadda Islaamka qaarkood oo dalalka reer galbeedka jooga, waxay ila tahay in nin caalim ahi(kuma jiraan kuwa cilmiga aduun sheeganaya, ileyn qaar ka mida waa kuwa waxa kan ku doodee) uu xaqa u sheegayo qoom walba oo uu dhex joogo, oo mar walba kheyr uun baa gaafaha ka jooga, oo dadka la nool baa ku manaafacaadsan.

Ee dhibaatadu waxay naga soo gaareysaa haddaan nahay dadka Muslimiinta ah, kuwan isku hubeeyay cilmiga aduun iyo caamada u carowday caro shisheeye, oo cid jidka toosan ku leexisa aan heli karin, lana yidhi 'caburin iyo cadaadin baad ku jirteenoo, codkiina fura maantoo, caaya kaad rabtaan, cisaana leydinku siin'. Ceebina uun halkaaseey nooga iman.

Dhaqan suubanoo sariig lahaan leenahay.

Soomaali haddaan nahayna waxaan leenahay dhaqan soo jireen ah oo salka ku haaya diinteena. Kaasoo aan sinaba uga maarmeyn. Dhaqankaasoo ah mid suuban, oo sariig leh, oo samaha nagu hoggaamiya. Maantadana uuna jirin dad Islaam ah maahee dad kale

oo naga dhaqan suubanaan kara, marka waxaan dhaqan galbeed uga baahan nahaaba jirin.

Ilaa haddaan leenahay aan xishoodka ka tagnoo ha leys dhex boodo sida dadkaasu isku dhex boodeen, oo xoriyado aan wax ka jiraaba jirin, oo kuli been ah aan qaadano.

Banii'aadamkuna wuxuu leeyahay Alle Adkaade ah oo Og oo xakameeya xoriyadihiisa,oo wixii waxaa ka badan waa been abuurasho, uu banii'aadamku rabo inuu hawadiisa iska raaco, oo natiijada ka soo baxaysana aan ka aragno maanta reer galbeedka waxa ka haysta xoriyadahaa.

Maan ku soo gabagabeeyaa.

  • Shahaadoda nin qiroo
  • Shantiisa waqti tukan
  • Shaharka soona gudanoo
  • Shilinkiisa sakeyn
  • Shardiyayna inuu xajinoo
  • Shafeecadii Rasuulkiisa sugi
  • Shaahidna uu uga yahay Eebe, miyaan
  • Shareeco midaan lahayn
  • Shar qabe ah shakisan
  • Shariig sheydaan la ahoo uu shakaashay
  • Sheegsheegnaayoo shaacinaa, ee
  • Shalaayto shinsay
  • Shacab shisheeye kii sharaxoo
  • Sharci Ilaah diide sharaf ma laha


YUUSUF CABDI SAHAL
(YUUSUF XIDDIG)
yussuf_hiddig@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]