SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sidan ayuu u hadlay Mr John

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

Soomaali, waa markii koowaad ee aan toos kuula hadlayo, waxaanan filayaa in aanan ku qaldanayn. Waayo inta dunida la wada joogo wadahadalku waa wax furan. Haddaba i dhegayso!

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Awooddayda aan awood ka weyni jirin baan ku dhaartay! Diintayda diin la’aanta ah baan ku dhaartay! Dadnimadayda taada ka sarraysa ayaan ku dhaartay! Midabkayga kaaga ka cad baan ku dhaartay! Horumarka aan Eebbe ku beeniyey aadamina kaga adkaaday baan ku dhaartay! Calankayga sida haybadda leh hawada u babbada ayaan ku dhaartay! Diyaaradahayga hawada jibaaxa iyo maraakiibtayda badaha gurguurata ayaan ku dhaartay! Intaas iyo inta qiimo ii leh oo dhan baan ku dhaartay, waa in aan shaqo kaa qabtaa; waa in aan ku dulleeyaa, oo gaajo, qax, cudur iyo silic ku badaa, kuna geeyaa heer aad suxullada iigu soo gurguuratid oo gondaha iga leeftid!

Soomaali, adiga oo madow oo caato ah ayaad iga haybaysan waydey. Adiga oo gaajaysan oo harraaddan baan ku idhi: ”Aan wax ku siiyo ee i caabud”, oo aad diiddey. Taas waxaabad iigu dartay in aad anigii i yastay oo gaal iyo saancad igu sheegtay. Waxaad ku dartay in aad dhiiggayga muqaddaska ah ciiddaada omoska ah ku daadisay. Waxaad ku sii dartay in aad dhaqan iyo diin aan kuwayga ahayn sii haysatid. Sidee baad isugu darsan kartaa in aad sidaa u liidatid iyo in aad isku kay taagtid?

Berigii aynu isbarannay itaal kale ma aad hayn, waxaadse lahayd xoogaa isla weyni iyo adadayg nacasnimo ah. Dhaqanxumadaasi waa tii aan kaaga xanaaqay. Ma cid aan aniga ahayn baa isla weynaan karta ama adadayg yeelan karta? Maalintaas ayaan ballan ku qaaday in aan ku edbiyo. Haddii aadan taa ogeyn waa kuu doqonnimo. Intii aad moodaysey in aan kaa maqnaa adiga ayaan kugu maqnaa. Adiguse maxaad ku maqnayd?

Soomaali, bal taariikhdaada dhow iyo dhacdooyinka maanta labadaba yar eeg. Sow argagixi maysid? Imisa jeer baad dhimatay? Imisa jeer baad burburtay? Imisa jeer baad qaxday? Imisa jeer baad silicday? Imisa jeer baa lagu kufsaday? Imisa jeer baa lagugu qoslay? Imisa jeer baa lagaa naxay? Imisa jeer baa albaabbada lagaa xidhay? Imisa jeer baa lagu caayey? Taasi yaqyaqsi ma ku gelinaysaa? Mise durba dulliga iyo gunnimada waad qaayibtey oo dareenkoodu waa uu ku daayey?

Haddii aad oggolaatay gunnimadii ay ahayd in aad mar hore oggolaatid, haddii aadan hadal- iyo ficil xun ka damqanayn, haddii cidhifyada dunida barbaartaada dhulka la jiidayo oo aadan dan ka lahayn, haddii nin iyo ooridiisa la kala dhex seexday, oo waalid iyo ubadkiisa la kala irdhay, waxaas oo dhami in ay jiraan haddii aad qirsan tahay, waa aynu wada hadli karnaa. Imika ayeynu dhab u wada hadli karnaa. Iska bixi dharka oo dabada harag ku xidho. Afartaba ku soo hardaf, oo saddex jeer cagahayga ku sujuud, dabadeed adiga oo hoos u foorora i soo hor fadhiiso. Haddii aad intaa oggoshahay dhab ayeynu u wada hadli karnaa. Haddii kale weli dhib baa jira, aniga iyo adigaba hawl badan baa inoo hadhay.

Hawsha inoo fududee. Anigu yaanan noqon saadiste weligii xanuunjintaada ku raaxaysta, adiguna ha noqon axmaq xanuunka aan ku hayo ku raaxaysta. Wax kale kaama rabo ee oggolow in aan ku yeesho; in aan ilaah kuu noqdo. Maxaad ilaahnimadayda ku diidday? Sow ma ogid haddii aad i beenisid in aan ku cadaabayo?

Addoonnimo iyo cadaab kala dooro. Haddii kale dadnimo aad iskaga kay celisid yeelo. Fuley yahow nin kaa adigi ma wax la isku fiiqaa?! Beydkaas jiiftada ah ee waalan waxaan ka soo qaatay wadaadkii waalnaa.

Soomaali, rag haddii ay colaaddoodu dheeraato waa ay isbartaan, dabadeed wax uun isu qiraan. Maanta waxaan kuu qirayaa in aadan doqon iyo kartilaawe midna ahayn, laakiin waad talo xun tahay. Aad baad u talo xun tahay. Waxa aan anigu ku yeelo wax ka badan baad isyeeshaa. Siiba marka uu saarku kugu dhaco billaawe baas baad muruqyada iskala dhacdaa oo aad u dhiigbaxdaa. Anigaygani markaas waan kaa naxaa.

Horta saarka aad qabtaa waa maxay? Anigaba iguma dhaco ee muxuu adiga kugu maagay? Ma waxaan maqlay awoow hore ayaad ka hiddaysatey? Marka uu kugu dhaco maxaad maatada ugu xayraantaa? Wallee kaasi dhib weyn buu kugu hayaa! Maalin dhoweyd adiga oo aan i arkayn baad hortayda martay. Kalaashinkoof duug ah iyo qashin kale ayaad degta ku sidatey. Dabadeed inta aad mar uun sidii wax waalan u qaylisay ayaad rasaas dhan walba u farraqday. Markii ay rasaastii kaa dhammaatay dhulka ayaad isku legedday oo dhagaxa ku galgalatay, adiga oo cabaadaya, oo dhididaya, oo afka ka xumbaynaya, oo meel walba dhiig kaa da’ayo. Mar waan kugu qoslay marna kaa naxay. Malaha saarka waxaa kuu wehelisa waalli? Malaha isaga ayaaba waalli ah? Sunta doogga ah ee aad qaadka ula baxday ayaaba kaaga daran.

Soomaali, ooryahayga dukaannada cammiran niyadsamida kaga adeegta iyo kuwaaga xeryaha qaxootiga ku darxumaysan, carruurtayda aroor walba dugsiyada farxadda ku aadda iyo taada cudurrada iyo nafaqo daradda la daadsan, habsamida bulshadayda iyo qalalaasaha taada, waxqabadka waxgaradkayga iyo daciifnimada kaaga, liibaantayda iyo hooggaaga, intuba waa wax aynu kala mudan nahay oo xaq u kala leh nahay. Dabeecaddu noolaha uma kala eexato ee kartidooda ayey ku kala reebtaa. Taas xogteeda Ilaahaaga ha weydiin ee weydii Charles Darwin*.

Qorraxdu dartay ayey u soo baxdaa, gugu aawaday ayuu u curtaa, ubaxuna ajligay ayuu u dillaacaa. Adigana gabbalka ayaa kuu duma, cudurka ayaa kuu dillaaca, abaarta ayaana kuu dhacda. Waydda jiilaalka kaa joogsatay lafaheeda feeno. Imisa jiilaal baad lafo wayd ah feenan? Gaajada buurta u cun, harraadkana badda u cab. Aniguna marka aan caajiso silicaaga iigu maadee. Aan dhergo ee gaajood. Aan nabdo ee dirir. Aan dego ee qax. Aan qoslo ee ooy. Aan liibaano ee hoog. Aan noolaado ee dhimo. Nolosha waan kaa xigaa, adiguna dhimashada ayaad iga xigtaa. Car madaxa kor u qaad, inan gumeed yahow inan gumeedku dhalay! Waa adigaas kufsiga hooyadaa ku foogan, ee bal car mar keliya madaxa kor u qaad!

Soomaali, aynu daacad u wada hadalno. Adiga oo leeb iyo qaanso la gaatamaya hub casri ah ma kugu raray? Axmaq yahow, muuskii webiyada dhooqada leh kaaga bixi jirey iyo xoolihii caatada ahaa shilimmadii kaa soo galay ayaan hubkaa kaaga beddeshey. Weliba amaah ribo badan baan kuugu daray. Isla markaa cuntada waad dawarsan jirtey. Hubkaa in aad magaalooyinkaaga ku dumisay, in maatadaada ku xasuuqday, iyo in aad gabdhahaaga ku kufsatay ayaad ka dhigtay. Bal ii sheeg wax kale oo aad ku qabatay? Mar baad dulliga kale ee deriska kula ah ku weerartay? Aan ku baro haddaba hubku in uu yahay wax uu ka iibiyaa ku noolaado ka iibsadaana ku dhinto.

Soomaali, waa markii koowaad ee aan toos kuula hadlayo, waxaanan filayaa in aanan ku qaldanayn. Waayo inta dunida la wada joogo wadahadalku waa wax furan. Runtu waa sidan: in aan jabkaaga ku digto guushaydana ku faanaa iga dhigimayso qof xun. Halka aad maanta taal aniga ayaa oolli kari lahaa haddii aan sidaada u talo xun ahay. Ha i baryin hana ii caban ee dad noqo ama dhimo. Dhimo, fadlan, dhimo! Daciifku in uu quluusho halyeyguna hore u socdaa dadnimada oo dhan ayey dan u tahay. Mas’aladaa xaqiiqadeeda nebigaaga ha weydiin ee weydii Friedrich Nietzche* kana tixraac buuggiisa ah (”Also sprach Zarathustra” – Sidan ayuu u hadlay Saaratushtara).

Soomaali, horta sidaadaba ma fekertaa? Shalay haddii ay dacwadaadu ahayd ”Waan ku eeday ee iga guur”, maxaad maanta iigu soo qaxaysaa? Maxaad adiga oo qabaal daldaloola fuushan xeebahayga ugu le’anysaa? Maxaad adiga oo diihaal qaba iigu gaaf wareegaysaa, oo aad xafiisyadayda u galaabaxaysaa? Sow anigii uun ma ahi? Sow adigii uun ma tihid?

Inta qiimo ii leh oo dhan baan ku dhaartay, waa in aan shaqo kaa qabtaa!

–––––––––––––––––––––––––––––––

*Charles Robert Darwin (1809–1882) wuxuu ahaa caalim ingiriis ah oo ku xeel dheer sayniska. Qoraalladiisa waxaa ka mid ah On The Origin of Species, ilaa maantana waxaa loo yaqaan asaasihii aragtida hiddeysiga iyo mudhbaxa noolaha. Aragtidaasi waxay saamayn asaasi ah ku leh dahay hab-fekerka dadka reer galbeedka.

*Friedrich Nietzche (1844–1900) wuxuu ahaa maskaxshiil jarmal ah. Fikradihiisa waxaa ugu yaab badan ta uu ku soo bandhigay buug uu u bixiyey Also sprach Zarathustra oo jidaynaysa u kala xaq lahaanta nolosha. Aragtidaasi waa ta uu ku dhisan yahay mabda’a nazi-ga ee labaatanaadkii ilaa afartanaadkii qarnigii tegey Yurub gilgilay. Fikraddaasi weli dunida caddaanka ah xoog ayey ku leh dahay. Waxaa la sheegaa Friedrich Nietzche intii aanu dhiman in uu aragtidaa ka toobad keenay.

Qore: Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE Ibraahim Yusuf

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]