SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

XORIYADDA KII KEENEY IYO KII DUMIYEY MA ISKU XAQBA

Yusuf Osman Kenadiid.

London, Ontario, Canada

yusufosman277@hotmail.com

Dadka Degan London Ontario oo Xusey Kacaankii 21kii Octoober

[London waa magaalo kutaal Canada]


Maxamed Siyaad Barre

Waxaa ka soo wareegey 13 Sano oo guuldaro ah markii Nacabka Soomaaliyeed dumiyeen Dowladdii Ummadda Soomaaliyeed ee Kacaankii 21kii Octoober 1969. Waxaa Tabey Dowladdii Soomaaliyeed Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed maanta meel walba uu joogo wuxuu qabaa Dar xumo iyo daryeel la,aan ay ku maadeystaan dadkii aynigiisa ahaa waxaana lumey qiimihii iyo sharaftii Dadka Soomaaliyeed.

Dadkii iyo dalkii waxay gacanta u galeen Nacab aan ka naxayn ilaa laga baqayo iney taariikhdii fiicneyd ee Ummadda Soomaaliyeed sanado badan laheyd lunto gabi ahaanba. Waxaa nasiib daro ah in tiro ka badan 500.000 Somaali ah Islaamna ah uu naftoodii si xaqdaro ah ku diley mid kale oo Somaali ah muslimna sheeganaya. BAL CAWAAQIB XUMIDAAS FIIRI. Taasoo noqotey natiijadii Dowlad la,aanta.

Adduunka naaneysyo badan ayaa Soomaalida loo bixiyey sida, Hell on Earth, Merciless people, Dead country iyo kuwo b adan oo kale. Halaagga iyo dilka silicdilyada ah ee Soomaalidu isku geysatey waa kii ugu xumaa taariikhda qarnigan 20aad. ee dad isku dal ahi isku geysto. Waxaa u caaddo ah reer London On iney xusaan sanad kasta 21kii Octoober hal ku dhaga sanadkaani wuxuu ahaa:- XORIYADDA KII KEENEY IYO KII DUMIYEY MA ISKU XAQBA. Goobtii lagu xusayey waxaa lagu dhageystey Heesihii Xiisaha Lahaa ee lagu Amaani jirey 21kii Octoober.

Si loo baro dhallinyarada Soomaaliyeed Taariikhdooda inta fiican, waxaana laga akhriyey goobta Halyeyyayaashii dhaliyey Kacaanka Octoober. oo kala ahaa:-


1-Mej Gen. Mohamed Siyaad Barre. Allaha u Naxariisto.
2- Maj. Gen Jamac Cali Qoorsheel. "
3- Brig. Gen. Mohamed Ceyneshe Guiuleed. "
4-Brig. Gen. Xuseen Kulmiye Afrax. "
5-Brig. Gen. Salad Gabeyre Kadiye. "
6-Brig. Gen. Mohamed Cali Samater.
7-Brig. Gen. Cabdalle Mohamed Faddil. Allaha u Naxariisto.
8- Col. Cali Mataan Xaashi. "
9-Col. Ahmed Mohamud Cadde. "
10-Col.Mohamud Mire Muse. "
11-lt.Col. Ismaciil Cali Abukar.
12-lt.Col. Axmed Sulleemaan Cabddale.
13-lt.col. Mohamed Shiikh Cismaan.
14-lt.col. Mohamed Cali Shire.
15-lt.col. Mohamed Gelle Yusuf
16-lt.col. Farax Waceys Duule.
17-lt.col. Ahmed Mohamud Farax. Allaha u Naxariisto.
18-lt.col. Ahmed Xasan Muse.
19-Maj. Cabdirisaaq Mohamed Abukar. Allaha u Naxariisto.
20-Maj. Bashir Yusuf Cilmi
21-Maj.Cabdulqadir Xaji Moahmed.
22-Maj. Mohamed Cumar Jess. Allaha u Naxariisto
23-Maj. Cisman Mohamed Jelle.
24-Maj. Moose Rabbiile Good. Allaha u Naxariisto.
25- Maj. Cabdi Warsame Isaaq.
 

Muxuu Ina taray Kacankaankii maxuuse inoo Dhimay?  [Waaberi]

ILLAAHOW UMMADDA SOOMAALIYEED U MICIIN UNA SOO CELLI DOWLADDODII SHARAFTA LAHEYD. WAA GUUL MAANTA XUSUUS MUDAN.

NABAD IYO WARSAN. YUSUF OSMAN

 QORAALADII HORE EE YUSUF KEENADIID

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]