|
Booqashadii kornayl C/hi oo la Bogaadiyey
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis
Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Waxaa la sheegaa in mar nin Sheekha ah oo
ka hadlayey Sakada uu yiri geela sadaqo laguma leh, isagoon hadalkii dhamayn
baa waxa ka kacay dad dhowr ah oo ahaa kuwa aan warka sugin markaasay dadkii
ku dhaheen geela sadaqo lagama rabo laakiin hadday sugi lahaayeen hadalka
sheekha oo ahaa sadaqo lagama rabo geela shan tuldood ka yar.
Hadda waxaan ka baqayaa in taageerayaal
badan oo C/hi markay arkaan cinwaanka maqaalka dhahaan: C/Waaxid waa “toobad
keenay” oo waakaas hadda C/hi ammaanaya! Waxaa dhici karta taageerayaasha
kale oo aan boggagga Soomaalida akhrinteeda fursadda u helin inay
falanqeeyaan waxa ku khasbay C/Waaxid inuu saacaddan “toobad keeno”. Qaar
waxa dhici karta inay yiraahdaan:
1. Carta iyo C/Qaasim bay is-qabteen,
arrimo la xiriira lacag uu ka waayey.
2. Inuu Gaalkacyo taguu rabaa marka waa
inuu kornaylka cafis waydiisto.
3. Runtii buu hadda ogaaday iyo in
qolyaha Xamar yihiin kuwo aan la dhinac istaagin karin.
4. Boggag ka mid ah kuwa Puntland baa
qabiilkiisii u diiday oo hadda wuxuu rabaa inuu qabiilkiisa dib loogu
ogolaado.
5. Xafiiskii Puntland ka furatay
Washington DC baa howlo badan qabtay oo muddo ka yar asbuuc keenay inay
ku qalqaaliyaan in C/Waaxid ina-adeerkiis dhinac istaago.
6. C/Waaxid oo naftiisa u baqay markuu
arkay siyaasiyiin badan oo Kenya lagu dilay.
7. Iyo hadalo kale oo faro badan.
Inta aanan u gelin dantayda waxaan rabaa
inaan xassuusiyo in Allaah kaliya leeyahay mulkiga wax kasta, Kaligiisna uu
maamulo caalamka.
Sidaad la socotaan waxaa kulmay booqashadii
lagu sheegay in kornaylku kaga tagay Puntland iyo roobab ka da’ay meelo ka
mid ah Puntland. Saan horay ugu soo arartay, joogidda C/hi iyo maqnaantiisu
roobka shuqul kuma leh, Ilaah baa raxmaddaas keenay. Aniga waxaan jeclahay
waxa la yiraahdo “tafaa’ulka”. Tusaale ahaan waxaan aamminsanahay in
dagaal-oogayaashu aysan nabad keeni karin. Waxaan rajaynayaa haddii dadka
akhyaarta ahi isu yimaadaan inay heshiin karaan. Waligay waxaan ku taami
jiray in dadka Puntland iyo konrnaylka lakala fogeeyo. Joogistiisa kaliya
ayaa dhib nagu haysa. Inkastoo abaarta Ilaah keeno, shantii sano iyo
xoogaagii uu Puntland haystay waxaa halkaas ka jiray abaaro ba’an waxaan
rabi lahaa inuu halkaas yimaado hogaamiye Ilaah iyo muslimka jecel oo kheyr
aakhiro iyo mid adduunba Ilaah noo waydiiya.
Soomaalidu horay bay “Tafaa’ulka” u
taqaanay. Waxaa la sheegaa in markii askarta Sayidku dileen Sheekh Awees, uu
Sayidku gabay ku yiri:
candho dagoble goortaan dilnaa roobku noo
da’aye
Marka hadda markuu kornaylkii naga duulay
baa roobkii noo da’ay. Ilaahoow adaa mahadleh.
Arrinta kale waxay tahay sida ku cad
waraysigii uu siiyey Hornafrik madaxweyne ku-xigeenka Puntland Maxamed Cabdi
Xaashi wuxuu sheegay inuu kornaylku yiri waxaan gaarayaa Dubai. Meel kale ma
xussin. Xukuumadda C/hi intooda badan looma sheegin safarkiisa, kii loo
sheegayna wuxuu u dhego duleelay iyadoo Dubai la leeyahay. Waxaa markiiba
arrinta Dubai sheegay Allpuntland oo rabtay inay sheekada loo sheegay
madaxweyne ku-xigeenka sharci ka dhigto. Waxay ugu darnayd markii
Mudugonline sheegtay in “madaxweynuhu” u socdo Malaysia ama Indonesia. Waxaa
warar lagu kalsoonyahay sheegeen in uu shalay joogay Thailand. Hadday
arrintaasi run noqoto waxaa la iswaydiinayaa:
1. Maxaa kornaylka ku khasbay inuu
ku-xigeenkiisa iyo xukuumaddiisa ka qariyo inuu Thailand aadayo?
2. Maxaa ogaysiiyey safarkiisa Asia
Mudugonline oo u diiday inuu ogaado ku-xigeenkiisa?
3. C/Qaasim markuu Malaysia u socday
wuxuu sii sheegay muddo ka hor inuu haysto martiqaad uu ka helay
ra’iisalwasaarihii hore ee Malaysia kadibna waa uduulay. Sidoo kale C/Qaasim
markuu Libya u socday waa la ogaa waliba markii loo diiday inuu
Balidoogle ka baxo. Sidoo kale Muuse Suudi iyo golihiisu waxay sii
sheegeen inay u socdaan Libya. Daahir Riyaalaha Somaliland markuu u
socday Senegal iyo Jibouti wuu sheegay.
4. Taageerayaasha C/hi waxay sheegaan
in dadka ugu dambi badan Soomaaliya ay yihiin C/Qaasim iyo
qab-qablayaasha Xamar, iyaguna markay safar rabaan ma qariyaan ee maxaa
geesi/halyeey C/hi ku khasbay inuu ku-xigeenkiisa iyo wasiiradiiska ka
qariyo?
5. Hadduu Thailand caafimaad u aaday ha
ogaado inay Thailand ahayd meeshii ay ku dhinteen labadii gabdhood ee
madaxa iskaga dhegenaa ee u dhashay Iran.
Waxaan filayaa inuusan qofna moogayn
khilaafka siyaasadeed ee ka jira Puntland khaasatan kan u dhaxeeya C/hi iyo
xukumaddiisa. Hadday arrinta Thailand run noqoto waxaan filayaa inay run
tahee waxay noqonaysaa “kala-bax kitaabkaa qaba”.
Ogaada markii kornaylku rabay inuu yimaado
London sanadkii hore waxaa taageerayaashiisa iyo boggagga taageeraa sheegin
inuu rabo inuu ka qaybgalo xafladdii ka dhacday Maraykanka ee lagu xussayey
sanadguuradii kasoo wareegtay qaraxyadii ka dhacay Newyork iyo Washington.
Marka ma dhici kartaa in sheekadu taas oo kale tahay? Kaliya markaas waxay
noo tilmaameen Galbeed haddana Bari.
Marba haddaan booqadashii kornaylka baraare
ka qaadnay (roob) waxaan jeclaan lahaa inuu safarkiisa sii dheereeyo oo uu
sii maro Tunisia, Tanzania ama Trinidad.
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|