SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Duurjoogti Soomaaliyeed Dabargo’dee, Dadkii ka Warrama

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa.

Ciid Mubaarak. Ilaahay sanado badan kheyr hanagu gaarsiiyo.

Waxaa mar cashar bay’olaji ah, oo aan jeclahay inuu ku saabsanaa maaddada “Ecology”, waa barashada xiriirka ka dhaxeeya noolaha iyo waliba noolaha iyo degaankiisa/geyigiisa, ka bixinayey kulliyadda waxbarashada Lafoole ustaad Cabi Timir Cali oo macallin ka haa. Wuxuu noo sheegay in fatuuraddii “landrover” wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta uu Maroodi ka dhigtay kubbad/banooni iyadoo fatuuradaasi ku sugantahay Shabeelada Dhexe. Waqtigaas wuxuu ku sheegay toddobaatameeyadii.

Waxay ku heesi jireen: maroodiga Afmadow iyo ugaar joogta Waamo. Cidna iswaydiinmayso joogitaankii duurjoogtu joogeen Soomaaliya sida maroodiga, wiyisha, geriga, shabeelka, haramcadka, dameer farowga iyo kuwa kalaba. Xaggee qabteen duurjoogtii Soomaaliya? Inta aynaan ka jawaabin su’aashaas aan gudogalno waxa hal-abuurrada qaarkood ka dhaheen Soomaaliya. Hadraawi mar uu ka hadlayey Daallo isagoo u bixiyey maad Daallo korisaan waxaa erayadiisii ka mid ahaa markuu duurjoogteeda ka hadlayey: ninna uusan dilinoo, ninna uunu dabanoo, dadka weheshanaysaa.

Haddaad tagto waddamada Bariga Afrika waxaad arkaysaa duurjoogta oon dadka ka baqin sida Hadraawi sheegay. Markii iigu dambaysay Nairobi, jidad badan oo soo gala waxaad magaalada agteeda ku arkaysaa geri iska daaqaya oon cidna ka baqayn. Geriga Kenya, booliska Kenya kama baqo, iyaguna geriga ma waydiiyaan dhinacuu ka yimid xittaa hadduu yahay geri dool ah oo dhinaca Soomaaliya ka soo tegay. Rumayso ama ha rumaysan, dadka Soomaali Keenyaanka ahi (Somali-Kenyan) xorriyadaas duurjoogtu haysato kuma raaxaystaan oo inta badan waxaa la waydiiyaa kaararka aqoonsiga (ID cards). Soomaalida qaxootigaa warkeed daa. Maroodiga Kenya wuxuu wataa labo ilig oo qaali ah isagoon booliska ka baqin halka gabadha maryoolaydaa aysan Nairobi ku qaadan karin silsilad, jinjimo, kaatun ama dhego dahab ah oon boqol ama dhowr boqol oo Doolar ka badnayn. Dad badan waxaa lagu dilaa telefoonada gacanta. Dhibtaas Soomaalida kaliya ma hayso oo dadka Kenya ku dhaqan oo dhan baa la qaba laakiin Soomaalidu waa “u faruuranyihiin”. Sidoo kale duurjoogta itaalka daran ee waddamadaas joogta sida kuwa yar-yar oo ay ka midyihiin bakaylaha iyo deerada ama kuwo qolofta weyn sida dameer-farowga iyo lo’ gisida, dhibaataa haysata oo sharcigii ay booliiska iyo dad uga nabadgeleen ugama nabadgeli karaan xayawaanka wax ugaarsada sida libaaxa, shabeelka, haramcadka, dhurwaaga iyo kuwa kale.

Kenya waxay ka mid tahay waddamada musuqmaasuqu aafeeyey. Nabadgelyada magaalooyinkeedana aad baa looga deyrshaa iyadoo booliiskii loo xilsaaray nabadgelyada, ka mid yahay kuwa dhibka dadka ku haya laakiin waxay kharash aad u badan iyo cilmo baaris heer sare ah ku sameeyaan duurjoogta Kenya. Dhaqaale ahaan maroodiga iyo wiyisha Kenya ama dheh waddama saboolkaa ayaa ka qiimo badan qofka u dhashay waddamadaas! Marka waxay xoogga saaraan daryeelka duurjoogta halka daryeelka dadku yaal sagxadda. Reer baadiyaheena geelaa halkaas u jooga.

Soomaaliya xayawaanka duurjoogta ah iska daaye waxaa khatar ku jiray kuwa dabjoogta ah sida mukulaalaha, ariga rabbaayadda ah oo uu ku jiro ari Carbeedku, dameeraha iyo kuwa kale. Dhallaanku inay qoolleyda dilaan waxaa ka xigay shiishkooda. Digaagga haddaan qofkii lahaa joogin ama aan looga baqayn waa la sur-goyn jiray. Xattaa baadiyaha geel-jiruhu waxay ka heli jireen awrta dadka kale markaasay maalintaas oo dhan kooraysanyihiin. Kuwa lo’ sidii faraskii ugu joogana waan arkay. Waxaa kaaga daran nin walbaa wuxuu jeclaa in awrkiisa ama dibigiisa ka adkaado kuwa kale. Marka ma ka filaysaan in Soomaalidu joojiso taageeridda qab-qablahooda? Soomaaliya waxaa laga gabbanjiray dadka kasoo jeeda beelaha badan oo kaliya. Soomaaliya oo waxaan xassuustaa intii Maxamed Siyaad haystay, qofka waalan ama jiran la tuuryeeyo oo lagu ciyaari jiray khaasatan hadduusan ehel meeshaas ku lahayn. Markii dowladdii dhacday, dadkii laga badnaa ama magaaladaas looga adkaa, waxaa laga dhigay dad waalan ama jirran oo kale markaasaa shilke lala dhacay.

Maxay reer Galbeedku u arkaan dadkan Soomaaliyeed ee dabar go’i raba?

Haddii reer Galbeedku Soomaaliya u diri jireen dad “anthropologists” ah, waa dadka barta isirka dadka khaasatan halka asalkoodu ka yimid, isbed-bedelkooda, caadooyinkooda iyo waxay rumaysiyiin, waxay hadda u dirayaan dad “zoologists” ah, waa dadka dersa xayawaanka. Waxaan idiin hayaa waxyaalo tusinaya arrintaas. Waligiin ma aragteen dacwado ka dhan ah libaaxa iyo dhurwaayada, ooy soo saareen hay’adaha u dooda xuquuqda Binu Aadamka, iyagoo leh maxkamad hala keeno libaaxa iyo dhurwaaga maaddaama ay mariyeen duurjoog badan? Jawaabtu waa sahal maxaa yeelay waa dugaag oo dad maahan.

Saynisyahannada dersa xayawaanka waxaad arkaysaa iyagoo cilmo baaris ku samaynaya libaaxyada ama dhurwaayada. Mararka qaarkood waxay ku xiraan qalab bixinaya fariimo si ay u ogaadaan meeshuu markaas joogo si ay u darsaan sabadiisa (meeshuu geyiga kaga noolyahay), meeshuu ka ugaarto iyo waxyaalo kale.

Sidaad la socotaan waxaa jirtay in cayayaanka ama cawska aan la rabin lagula dagaali jiray waxyaalo kimiko ah sida “insecticides, herbicides” siday ukala horreeyaan. Soomaalidu waxay taqaan sunta la yiraahdo dhibta (DDT) ay xoolaha dhamiijada uga dili jireen sidoo kalana loo isticmaali jiray kaneecada. Waxyaalaha kimikada ah waxaa la arkay inay dhib u leeyihiin noolaha kale iyo geyigaba. Waxaa muddo la waday in waxyaalahaas lagu koontaroolo si bay’olaji ah (biocontrol). Tusaale ahaan iyadoo noolihii noole kale lagu diro, iyadoon arrintaasi dhib u keenin deegaankii iyo noolayaashii kale midna. Inkastooy dhici karto in arrintaasi wax u dhinto silsiladda cuntada ( food chain). Hadda waxaa loo sii gudbay hab kale oo wax looga qabto arrimahaas iyadoon noolihii la dilin. Waxaan hadda la sii marayaa in hido-sidayaasha noolaha lala tacaalo “genetic engineering/gene manipulation/ Recombinant DNA”.

Haddaysan reer Galbeedku xoolo noo arkin maxay hay’adaha xuquuqda Binu Aadamku uga hadli waayeen qab-qablayaasha Soomaaliyeed? Ma rabo inay dhahaan dhib baa Soomaaliya ka jirta. Maxay qab-qablayaashu u maraan caalamka meeshay rabaan, oo waddamada reer Galbeedku ku jiraan? Haddii aynaan ahayn xoolo daraasad lagu samaynayo sida kuwii aan ka soo hadlay maxaa reer Galbeedku lacag ugu bixiyeen shir ay horboodayaan qab-qablayaashu? Waxaa ka sii daran reer Galbeedka oo raba in xubnaha baarlamaanka ay xulaan qab-qablayaashu sidoo kalana madaxweynuhu ka soo baxo qab-qablayaasha. Waxaad mooddaa in reer Galbeedku isku haaraamaan inay khalad ahayd inay Soomaaliya ula dhaqmaan sidii dadkoo kale. Waxaad isleedahay in Bushkan hadda madaxweynaha ka ah Maraykanku aabbihiis nacladayo isagoo leh muxuu ugu khasaariyey intaas oo ciidan ah Soomaaliya. Waxaad isleedahay waxay noo cuskadeen xeerka duurjoogta oo ah in midba midka uu ka xoog badanyahay cuno iyadoon lagu eedeyneyn. Warbaahinta adduunka ayaa si aan sheex lahayn wax uga qortay hay’adaha sirdoonka Maraykanka iyo kuwa Yuhuudda oo ku shaqaysanaya qab-qablayaal ku jira kuwa shirka fadhiya oo xalka Soomaalida ka hadlaya ayna u dhowdahay inay ka mid noqdaan xukuumadda la dhisi doono haddaysanba madaxweynanimo ama ra’iisul wasaare kusoo bixin! Hay’adahaas hal faa’iido bay helaan, qab-qablayaashuna hal faa’iido. Hay’adahaas waxaa loo qabtay howl iyadoon xagtin soo gaarin. Waxay bixinayaan xooggaa lacag ah oo wax badan ka yar intii Maraykanku Soomaaliya ku caawin jiray intay Soomaaliya dowladda ahayd. Midda qab-qablayaashu helayaan waa iyadoo loo arkayo sidii dugaagii, oo wax kasta ooy geystaan ayna ciqaab iyo maxkamad ku mudan doonin ilayn waa xoolee. Marka qalabka hay’aha sirdoonku ku xirayaan qab-qablayaasha waa jeeg aan la sarifi karin intay howsha qabanayaan. Markay howsha qabtaan waa inay jeega soo sariftaan oo iska xaadiriyaan halka uu saydikoodu joogo. Soomaalidu waxay dhihi jireen lafo maroodi iyagaa la isku jabshaa, waa markii labada koox isku dhowaayeen sidii labo qabiil laakiin hadda waa lafo maroodi oo lagu jabinayo lafo bakayle. Shilimaadka iyo hubka cadowga ayaa kaa dhigi kara maroodi walina xayawaanimadii kama baxaysid oo sharciga Binu Aadamka u yaal kuma qabanayo.

Waxaan aad ula yaabaa qabiilo badan oo Soomaaliyeed oo nimankaas lagu ugaarto horboodaan. Waxaad arkaysaa dadkaas Soomaaliyeed ee nimankaas taageera oo soomman oo tahajud tukanaya! Xaggey dhibtu naga haysataa?

Yaa shakki uga jiraa in dadka Soomaaliyeed riiqmi doono?

Hadalkii Hadraawi ka yiri Daallo iyo ugaartii Soomaaliya lagu sheegay waxaad ku dartaa hadal ay tiri haweenay hal-abuurad ah oo la yiraahdo Xaliimo Soofe, markay gobollada Soomaaliya u buraan-buraysay waxaa hadaladeedii ka mid ahaa:

ku dakkee haddaad Jowhar timid waa dan raaxaduye

kalluun duban , digaag shiilan oon deeq laguu siinahayn Xamar usoo doono.

Waatee Xamar ama Jowhar? Yaa xukuma? Baydhabo Janaay meeday? Marka iyo Baraawe? Waxaan filayaa wixii ka dhacay Baydhaba inaysan maskaxdeena si sahal ah uga go’ayn. Ha ilaawin in Marka oo haddeer mooryaantii isku haysato, dad laga iibin jiray biyaha webiga. Dhul beereedka baadda lagu haysto oo dadkii lahaa lagu shaqaysanayo isna warkii daa. Meeye dadkii gosha degi jiray? Qaar Tanzania aaday iyo qaar xeryo qaxooti ku xaraysan oo haddii Telaviv usoo baxdo xittaa diyaar u ah kadib markii lagu sameeyey wax Binu Aadamnimada ka baxsan. Puntland waxaa ka huleelay culumadii, dadkii yaqaanay culuunta maaddigaa, hogaamiye dhaqameedyo badan iyo ganacsatadii.

Hadraawi markuu Daallo ka hadlayey waa tuu lahaa ugaarteedu dadkey weheshataa iska daa in la dilee. Hadalkaas haddii reer Baydhabo ama Buur Xakabo maqlaan ma garaysanayaan kadib markii dadkoodii laga soo saaray “Somaliland” iyagoon dhulkaas u dhalan? Soow baabuur kulama gaddoomin dhex oo qaarkood aakhiro ma aadin? Daahir Riyaale garanayoo wuxuu ahaa nin NSS ahaaye, guddiga waxaan go’aamiyey ma qaar Carabaha laga soo tarxiiley baa ku jiray oo raba inay wax u tarxiilaan sidoo loo soo tarxiilay ilayn macquul maahan in qof Soomaali ah la yiraahdo Hargeysa uma dhalane?

Lama yaabi jirin hadal laga sheego dad badan oo joogay Kenya oo diidi jiray inay yihiin Soomaali, dhibtay soo arkeen darteed waxaan la yaabay hadal laga sheegay wasiirka maaliyadda Somaliland oo leh: shirka dib-u- heshiisiinta Soomaaliya halagu qabto Somaliland! Wasiirka waxaan waydiinayaa yaa loo qabanayaa dadkii laga cayrshay Waqooyiga Soomaaliya oo baabuurkoodii shilka la galay? Mise adna maroodiga iyo wiyishaad rabtaa si aad ilkaha iyo geesaha ugala baxdid? Teeda kale waad taqaan ninka Soomaaliga ah ee shir-guddoomiyaha u ah kooxda Kenya ku hartay, ma cafiseen? Mise eedaynta Soomaalidu waa intaan arrinteenna naloo yeelin?

Kaalinta ugu weyn waxaa qaata shacabka. Ma ilownay sidii dadweynaha Roomaaniya (Romania) ku faleen Nicole Ceausescu waa Jeseskihii ay gacanta ula tageen? Waa la ogaa shacabka iyo Boris Yeltsin waxay dhigeen cinqilaabkii ka dhacay Midowgii Soofiyeeti 1991. Dadka rayadka ahi maxay ku dhigeen Milosevic? Haddeer oo la joogo xaggee ku dambeeyey Eduard Shevardnadze Georgia? Howlgalka shacabku fuliyo waa mid aan la hor istaagi karin, khasaare yar oo dhagso badan. Maxamed Siyaad kacdoon baa Xamar looga saaray inkastuu ku dhisnaa jabhad iyo qabiil laakiin kacdoonkii shacabka Boosaaso C/hi uga saareen ayaa la yaablahaa maxaa yeelay ninka la saaray iyo dadku waxay ahaayeen isu qabiil. Nasiib-darro reer Boosaaso arrintoodu waxay noqotay sidii haweentii Qur’aanku xussay oo inta geeddigeedii/xarigeedii soohday markuu noqday mid adag oo wax lagu qabsan karo haddana dib u fur-furtay. Marka reer Boosaaso iyagaa kornaylka kusoo dhoweeyey mar labaad. Marka waxaan uga danleenahay kaalinta shacabka.

Waxaan maqaalka ku soo xirayaa su’aashan. Dadkee Soomaaliya ugu hor suuli doona? Ma culumada Soomaaliyeed? Reer Xamar? Baraawe? Jareer weyne? Raxanweynta? Aqoonyahannada? Madhibaanka? Dhaqaatiirta? Macalimiinta iyo ardayda?


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24, 2003

»C/waaxid oo Dafiray Beel Degta Puntland [DhegoCade]

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]