Danyartii Gaalkacyood oo guryahoodii lagu dur-durshay
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahadleh.
Nabadgelyo iyo naxariis Nbi Muxamed ha ahaato.
Soomaalidu waxay tiraahdaa
haddaad aragtid nin naagtiisa diraac dilaya ha waydiin waxa uu ku dilayo
maxaa yeelay waxay u dhowdahay inuusan xikmad ku dilayn ee ay dhici karto
inay ka qadisay buunshe ay iyada iyo ciyaalku nafta ku cesheen iyadoo is
lahayd raggu ma cuno laakiin nasiib-darro taasi ma dhicin oo haddii ragga
laftiisu naftu qabato buunshuhu wuxuu noqdaa wax la isku baanto ama badar
caadi ah.
Mar kasta oo kornayl C/hi
Boosaaso laga soo cayrsho ama shirarka dib-u-heshiisiinta looga gacan
sarreeyo waxuu ku cartaa bushaska dadka ugu faqiirsan Gaalkacyo. Waxay ahayd
daboyaaqadii 2001 markii inta Boosaaso laga soo cayrshay uu yiri waxaan
duminyaa guryaha sharci-darrada ah. Waligay isma oran qof siyaasi ah baa
dadkaas oo kale ku carta. Waxay ahayd inuu dhowr kun oo doolar u qaybiyo
Ramadaanka dhexdiisa si uu iskaga dhigo nin Ramadaanka qaddarinaya oo
masaakiinta jecel. Markii aan Gaalkacyo ka hadlayo waxaa mar walba i
horyimaada gabaygii Cismaan Yuusuf Keenadiid Allaha u naxariistee oo aad
mooddo inuu saaka tirshay. Bal aan qodobadaan milicsano:
1. Waqtiga ay la
beegteen inay howlgalkaas fuliyaan. Waa Ramadaan, iyadoo dadkaas
danyartaa iskaga dhex jiraan nolol-maalmeedkoodii baa salow ka dhex
yeeray. Ma sugi waayeen intay dadku ka ciidayaan?
2. Dadka sharciga lagu
fuliyey waa kuwii danyarta ahaa. Waa ficilkii reer Banuu Israa’iil.
Waxaan ognahay Gaalkacyo in dadka qabiilkooyinka badan oo hubaysan ka
soo jeedaa qaarkood jid bartanki guryo ka dhisteen ama iskuulo dhexdood
dhisteen iyadoon cidna la hadlin halka dadka maasaakiinta ah aysan dhul
xoogin kaliya inay rabaan inay iska sii degaan inta dowlad dhalanayso oo
shaqo iyo horumar imaan doono.
3. Waxaa lagu jiraa
waqti abaar ah oo hanti intaas le’eg ma ahayn in la baduugo/burburiyo.
4. Haddii kornaylkii
saan noqday waxaa la waayey hogaamiye dhaqameedyadii, oo nin walba
laftiisii buu raacay iyagoo ku soo baxay wax aan jirin ama wax kornaylka
ka amar qaata. Kuwii kusoo dhowaa hogaamiye dhaqameedyaduna waa kuwa
dadka ka cayrsanaya dhulka.
5. Dowladda Hoose ee
Gaalkacyood way u jeedday dadkaas dhisanaya waliba waxay ka qaadi jireen
canshuur.
6. Dadweynihii oo in
badan oo ka mid ahi afka iska qabsadeen iyagoo is leh Alloow yaa mar
kornaylka dhan idiin dhaafsha qaarkoodna waa kuwa aan ku sheegnay inay u
dabbaaldegeen saxiixii 15/09/03 markii kornaylku u sameeyey is-bahaysi
cusub.
7. Waa maamulka
Puntland waxa dhulka dadweynaha sharci darro u gata sidii xeradii
daraawiishta. Marka kornaylku hadduu xeradii gatay ma u dayn waayey
dadkaas masaakiinta ah inay bushashkooda sii degenaadaan inta abaaraha
laga baxayo oo bisha barakaysani dhamaanayso oo la siiyo waqti ku filan
oo ay cooshkooda kula tagaan.
Kornaylku wuxuu is leeyahay
dadka Gaalkacyood taageero kaga hel falalkaas waxashnimada leh laakiin
Wallaahi waa dambi weyn. Waan ognahay ducada qofka la dulmiyey. Ka warran
haddii dadkaasi yahay dad dhulkoodii ka soo qaxay oo danyar ah oo ah kuwa la
yasso? Haddii Ramadaan lagu jirana ka warran? Kornaylka iyo cawaantiisu ha
xassuusteen in aayadda ah “WA IDAA SA’ALAKA CIBAADII CANNII FA’INII QARIIBUN
UJIIBU DACWATADDAACI IDAA DACAANI FALYASTAJIIBUU LII WALYU’MINUU BII
LACALLAHUM YARSHUDUUN” oo ah hadday Nabi Muxamadoow (SCW) addoomahaygu ku
waydiinaan Aniga xaggayga, Anigu waan dhowahay oo waxaan ajiibaa qofka
ibaryaya. Aayaddaas waxaa Ilaah dhexgeshay aayadaha ka hadlaya Ramadaanka.
Marka dadkaas danyarta ah waxaa la dulmiyey Ramadaan dhexdii. Waxaan shakki
ku jirin inay Ilaahay u dacwoodeen.
Horta waxaan Ilaahay uga
beryeynaa dadkaas masaakiinta ah inuu ka samirsiiyo dhibtaas ku dhacday,
bedel kheyr qabana siiyo. Waxaa dhici karta in kornaylka, cawaantiisa iyo
ganacsata dariiqaas qaabka darran u isticmaashay inay masaakiintaas uga
qaadaan dhulkooda inay ka helaan Ilaah agtiisa jasahoodii mar dhow ama
dheer.Teeda kale reer Gaalkacyo haddaysan dulmiga iska qaban ha ogaadeen in
Qur’aanku sheegay in dhibtu dadkoo dhan gaarayso. Marka ha arko meeshay
arrintu ku dambayso.
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|