Faallo:
Dibu-heshiisiinta Doofaareey iyo Dibin-daabyada
Dalalka Dariska ah
C/raxman
Ceynte
Minnesota, USA
abdirahmanceynte@yahoo.com
Nov 14, 2003
Muddo sanad kor u dhaafeysa ayaa durbaba kasoo
wareegatay billowgii shirka fadhiidka ah ee ka socda koleej-ka doofaarey ee
duleedka magaalada Nairobi Kenya. Natiijada la taaban karo ee ilaa iyo imminka
kasoo ifbaxdayna waa dilalka gaadmada wata ee sida waxashnimada ah loogu dilay
laba kamid ah ka qeyb galayaashii shirkaas. Inkastoo eysan cadeyn masuuliyadda
dilkaas, hadana dilalkani wexeey wataan sumado isu-dhow oo ishaaraya in
maleegayaashii dilalkani eey yihiin quwado huwa qaac dowladeed. Walow eeysan
Igad ku dhiiraneyn ku dhawaaqida fashilnaanta shirkan, haddana waxaan ummada
Somaliyeed ka qarsooneyn in shirku afka dhulka la galay, sababo maamul-xumo,
maslaxad dowlado iyo miidaamin siyaaadadeed isugu jira.
Aan ku hormaree, sababta maamuleed ee uu shirku u fashilmay waa mid ku
qotonta xirfad-xumida Igad ee daadihinta shir sidan oo kale ah. Sida eey
qorayaan khubaro ku takhasusay xallinta isku-dhacyo sokeeye oo caalamka ka
dhacay, heshiisiinta kooxo awood ahaan iskadaba dhow waa saldhiga ugu adag ee
lagu dhameyn karo wada hadalo oo qura. 27 dagaal sokeeye oo ka dhacay caalamka
qarnigii ina dhaafay ayaa 12 kamid ah waxaa lagu xaliyey: awood roonaansho eey
xoog bateen dhinac kamid ah dhinacyadii is leynayey, halka 3 kamid ah
dagaaladaas sokeeyana lagu dhameeyey muquunis millatari kaga yimid dowlad
seddexaad, iyadoo illaa iyo haatana xal loo la'ayahay meel marinta dagaalo
sokeeye oo qeybihii isku dhacay eey awood ahaan bar-bar dhig yihiin.
Muhimadeydu waa inaan ifiyo in Igad eey isku dayday ineey dhexdhexaadiso
mahligiin soo calaliyey dhuuxa iyo lafaha shacabka eey rabaan ineey horboodaan.
Igad wexeey aheyd ineey si goodis ku dheehan yahay ugu hanjabto qeybahan, isla
markaana xakameyso carooshada qaar kamid ah hogaamiye kooxeedyada oo ku laabtay
dhulka eey xooga ku heystaan, inkabadan 4 goor, iyagoo markaas tu walba
caro-celin gunad ah lagu soo sasabayey. Talaabadaas iyo kuwa kale oo suureyn ah
oo Igad u muujisay raggan ayaa horseeday meel-mari-waaga ku habsaday shira
xerada Doofaareey ka socda.
Maamul-xumo kaliyata ma aheyne, waxaa kaloo shirka marin habaabiyey maslaxadaha
dowladaha dariska ah, oo mid walba wata liis dheer oo eey ku tixan yihiin
agendayaal siyaasadeed. Waxaa laga yaabaa in qof isweydiiyo; maxeey noqon
kartaa maslaxadda dalalka dariska ah naga leeyihiin? Ma shidaal baa noo aasan?
Mise mooska iyo canbaha ayaa loo dig iyo dam leeyahay? Kolleey maslaxad
dhaqaale kama marna dibin-daabyada eey wadaan dowladaha dariska ah. Ha yeeshee,
maslaxado siyaasadeed ayaa ah la dhabarta xaasidnimada ku jirta dowladaha
dariska ah. Ineey taas xaqiiqo tahayna waxaan ku ogaaday hadal uu Madaxweyne
Moi ka yiri Jaamacadda Goerge Washington ee ku taala Washington D.C, halkaas oo
uu booqasho aan rasmi aheyn ku yimid kal hore. Moi wuxuu si dadban u ifiyey
cabsida fog ee dowladda Kenya ka qabto awood mideysan oo Somalia la yiraahdo,
oo markale ka soo ifbaxda geeska Africa. Sidoo kale, Itoobiya iyadu wexeey si
aan gabashaba laheyn u taageertaa dhamaan dib-jirada go'aansada ineey
cinwaankooda hogaamiye kooxeednimo sii heystaan iyagoo waliba aan dhaqdhaqaaq
siyaasadeed ama millatari heysan. Wexee kaloo hubka la isku gumaado usoo
dhoofisaa xudunta Somalia, iyadoo iska dhaga tireysa cuna-qabateynta xagga
hubka ah ee ku oogan Somalia. Intaas kaliya ma ahane, Itoobiya wexeey dhufeys
soo jireen ah kaga jirtaa soo ifbax danbe oo ku yimaada calanka macnaha weyn
xambaarsan ee shanta geesood ee itobiya geeska uga jirto ku dhaqshadeysan tahay.
Aqoonyahano uu ugu horeeyo Prof.Cabdi Samatar-ka Jaamacadda Minnesota ayaana
qoraal dheer oo bidhaaminaya lugooyada itoobiya shirka ku heyso diyaariyey,
isagoo waliba xitaa loo goodiyey markii uu ahaa guddoomiyaha guddiga is-waafajinta,
intii uu shirku car-cartiisa qabay. Jabuuti iyadu maslaxadda kaliya eey nagal
leedahay waa mid walaaltinimo oo eey ku dooneyso ineey aragto dhulkoodii hooyo
oo mar uun cagihiisii dib ugu istaagay. jabuuti wexeey nqotay cunug rajay ah oo
hooyadiis geeriyootay isagoo 13 jir ah. Allahuma laga yaabee ineey
jabuutiyaanku doonayaan ineey nabdeeyaan Somalia si eey ugu soo xagaa baxaan,
marka kuleeylka biirta ahi huwiyo jamhuuriyada jabuuti.
Waxaa maamul-xumada siyaasadeed iyo maslaxada dowladaha dariska ah sii dheer,
miidaamin siyaasadeed oo eey isticmaalayaan kooxaha isbaaradu u taal ee
Somalida. Caadi ahaan, siyaasaga gaamuray laguma yaqaano inuu si is-biimeyn ah
u rogo mabdi'iisa siyaasadeed, waliba si layaab leh. Taas waxaa lagu arkay
Somalia. Waxaan maqalnaa hogaamiyo kooxeedyo qarniyo aflagaadeyn jiray kooxo
siyaasadeed oo misana inta dhanka kale si anfariir leh uga soo jeestaan ku
dhawaaqa la bohoobid kooxdii uu shalay naqdinaayey. Waxaad kaloo arkeysaa kuwa
kale oo sidii iskuul marna iska qoraya marna isaga baxaya jiritaano siyaasadeed,
iyagoo ku andocoonaya ineey "is-fahmi waayeen" kaabaha guruubkaas. War heedhe,
shalay markii aad sii socotayba sow tii aad amaaneysay? Maxaa is bedelay oo aan
adiga aheyn? Waxaa imminka ka abuurmay Somalia isbeheysiyo looga gol leeyahay
in leysu gaashaanbuureysto kooxaha kale. Gaashaanbuureysiga noocani ahi waa mid
aalaaba eey kooxaha isku biiray isku qabaan nikaax qudbo-siro ah, oo markii uu
runta gaarana ku dhamaado furiin aan wax xuquuq ah leysku laheyn.
Ugu danbeyntii, dibu-heshiisiin ku sheega ka socota doofaareey waa mid eersatay
oo sababsatay xakameyn xumida Igad, maslaxada dalalka nagu wareegsan iyo is--biimeynta
siyaasadeed ee eey caanka ku yihiin dagaal-oogayaasha Somalia. Marka la
daalacdo xaqiiqooyinkana, waxaa qofka caadiga ah usoo bidhaami kara muhimada
eey leedahay in Igad dib ugu noqoto istiraatiijiyadeed ku beegan xal u helida
arrinta Somalia. Aqoonyahano badani wexeey soo jeedin lahaayeen in walba eey
dowladaha darisku si bareer ah u hubeeyaan qabiil hebel, si qabiilkaasi uu mar
uun ugu dur-duriyo haraadiga qabiilada kale, isla markaana u askunto dowlad ku
sheeg ka kooban nin, walaalihiis iyo wiilashiisa, sida khaliijka oo kale.
Sababtuna waa fududahay: Xalka ugu macquulsan ee wadanku ma ahan shirar jiitama
oo awood-qeybsi keena. Xalku waa fara-maroojin awoodeed, si loo helo nabad
sandulle ah, sidii dowladii Siyad Barre-ba aheyd. Hadii eeysan intaas sameyna,
dowladaha darisku wexeey iyana qeyb ka dha-dhamin doonaan marin-habaawga ka
jira Somalia.
C/raxman Ceynte
Minnesota
abdirahmanceynte@yahoo.com
QORAALADII HORE EE CEYNTE
|