SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Xafiiska Madaxwayanaha Oromia oo loo dhacay.
  • Ø Aqoonyahanka Itoobiya oo wadanka ka baxsanaya.
  • Ø Ku xigeenkii duqa magaalda Addis Ababa oo baxsaday.
  • Ø Ururka Suxufiyiinta Itoobiya oo la mamanuucay.
  • Ø Ku xiggeenka xoghayaha guud ee qaramadda midowbay Kieran Prendergast oo ka hadlay arrimaha soomaaliya.
  • Ø Barnaamujkii geeska Afrika iyo Suugaan halgameed.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

  Xafiiska Madaxwayanaha Oromia oo loo dhacay.

Wariyaha Wakaalda Wararka Ogadenya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in jimcihii la soo dhaafay uu boolis ka tirsan xukuumadda dhexe ee Itoobiya u daatay xafiiska madaxwaynaha kililka Oromada Nadi Sado, isla markaana ay baadhis xoog leh ku sameeyeen. Wararku waxay intaa ku dareen in xoogaga baadhay xafiiska madaxwaynaha Oromada iyo waliba xafiisyada kale ee laga maamulo kililka ay markii hore furayaasha xoog kula wareegen, ka dibna ay baadheen qoraalladii yaallay xafiisyada iyo askartii ilaalada ahaydba.

Baadhitaankan degdegga ah waxa lagu baadhay dhamaan xafiisyadii kililka Oromada, waxaana la sheegay in Askarta baadhaysay xafiisyadaas ay aad u hubaysnaayeen, isla markaana ay wateen gawaadhi gaashaaman. Warku waxa kale oo u intaa ku darayaa in markii jimcihii xafiikaas la baadhay in sabtidii iyo axaddii laga baddalay ciidamadii gaadhka ka hayn jiray, waxaa kaloo xafiiskiisii laga xidhay taliyihii ciidamadii xafiiskaas gaadhaka ka ahaan jiray gaashaanle Tasfaye.

Dad arrimahan u dhuun-duleela ayaa sheegaya in madaxwayanuhu uu toddbaad ka hor iska beddalay ciidamadii gaadhka ka hayn jiray iyo darawalkii intaba, isla markaana uu hawlahaas u dhiibtay dad uu isagu aaminsan yahay. Warku wuxuu kaloo u intaa ku daray in ayna wali kala caddayn cidda amarkaas lagu baadhay xafiiska kililka oromada bixisay, inkasta oo laysla dhex marayo in uu amarkani ka soo fulay xafiiska Ra`iiysalwasaaraha.

Aqoonyahanka Itoobiya oo wadanka ka baxsanaya.

Wargayska Askwal oo afka axmaariga ku soo baxa ayaa qoray bishan nov 13dii in ay aqoonyahannada Itoobiya wadanka si xad-dhaaf ah uga baxasanayaan, wargaysku wuxuu sidaas ka soo xigtay Africa Economic Commission.

Wararku waxay intaa ku dareen in ay aqoonyahanka Itoobiya ay u qaxeen Yurub iyo waqooyiga Ameerika, sababta ay u qaxayaana ay tahay siyaasda dawlada Itoobiya oo maanta aad u kharriban, dimoqraadiyada oo aad u yar, xadgudbka xaquuqal insaanka, shaqo la’aanta oo aad u sii korodhaysa iyo xasilloonida waddanka oo aad u liidata. Warku waxa u intaa ku daray in ay maanta Itoobiya dhibaato aad u wayni ka soo gaadhi doonto aqoonyahannada dalka ka firxanaya, oo u badan Ingineero, dhakhaatiir iyo Sanisyahaniin intaba.

Ku xigeenkii duqa magaalda Addis Ababa oo baxsaday.

Sida aanu ka soo xiganay wakaalada wararka Ogaadeenya waxaa baxsaday ku xigeenkii Duqa magaalada Adis Ababa Khaalid Cabdiraxmaan. Wararku waxay intaa raaciyeen in Khaalid uu u baxsaday wadanka Canada oo hadda ka hor uu joogi jiray intii ay xukuumadii dhargigu wadanka haysatay. Khaalid ayaa la sheegayaa in uu baxsadkiisu ka danbeeyay warar uu ka helay illo ku dhadhaw Nabad sugida Itoobiya oo sheegaya in la qaban doono kadibna xabsiga loo dhaadhicin doono.

Waxaa kaloo iyaduna xukuumada Itoobiya ka baxsatay Mamit Gabre Igzabaheer oo iyana ahaan jirtay xoghayaha guud ee is-maamulka magaalda Addis Ababa. Miss Mamit waxay magangalyo waydiisatay waddanka Marykanka. Is-maamulka magaalada Addis Ababa ayaa hadda si toos ah looga maamulaa xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya, waxaana duqa magaalada Addis Ababa lagu magacaabay nin u dhashay qowmiyada Tigreega, kaasoo la sheegay inuu ka mid yahay dadka sida wayn daacadda ugu Ah keligii taliye Meles Zenawi.

Ururka Suxufiyiinta Itoobiya oo la mamanuucay.

Wararka naga soo gaadhaya magaalda Addis Ababa ayaa sheegaya in xukuumada Itoobiya ay mamnuucday Ururka Suxufiyiinta Itoobiya, waxayna mamnuucida ururkn xukuumaddu sabab uga dhigtay inuu buuxin waayay shuruudihii ay wasaarda cadaaladu ku xidhay. Warqad ka soo baxday xafiiska wasaarada cadaalada ee Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in ururku aanuu wax shaqo ah ama dhaqdhaqaaq ah ka samayn karin wadanka gudihiisa ilaaa iyo inta uu amar danbe ka soo baxayo.

Ururka Suxufiyiinta Itoobiya waxaa la sharciyeeyay sannadkii 2000, wuxuuna ururku hadda codsaday in oggolaanshaha loo cusboonaysiiyo, hase yeeshee waa laga diiday. Ururkani wuxuu aad ugu dhaleeceeayay xukuumadda Meles Zenawi inay kula kacdo suxufiyiinta falal aad u xun-xun oo ay ka mid yihiin xabsi, jidhdil iyo daba-gal hawlaha suxufiyiinta lagu sameeyo.

Ku xiggeenka xoghayaha guud ee qaramadda midowbay Kieran Prendergast oo ka hadlay arrimaha soomaaliya.


Sida aanu ka soo xiganay Shabakada Internetka Qoraxay Online Kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramadda midowbay Mr Kieran Prendergast ayaa si weyn uga xog warramay arrimaha soomaaliya & halka uu hada marayo shirka kooxaha soomaaliyeed uga socdo duleedka magaaladda nairobi.

Mr Kieran Prendergast ayaa arrimaha soomaaliya kaga warramay wareysi dheer oo uu siiyey Idaacaddaha guddaha & telefiishinadda dalka kenya. Mr. Prendergast ayaa marka horre u mahadcelinyey dawladda kenya iyo dawladdaha safka horre kaga jira dhexdhexaadinta soomaaliya isagoo xusay in ay dawladda kenya ay shirka soomaalida u martigalisay si heer qaran ah. Mr. Prendergast ayaa ku booriyey kooxaha haatan ku suggan dalka liibiya in ay la shaqeeyaan guddiga farsamadda ee IGAD isagoo sheeggay in waddanka soomaaliya ay hareysay dagaallo sokeeye oo ilaa iyo hada ay halkaasi ka jiraan qulqulatooyin siyaasadeed.

Kaaliyaha xoghayaha guud ayaa warbaahinta kenya u sheeggay in hoggaamiyayaasha ugu cad cad siyaasadda waddanka soomaaliya ay dhawaan kaga dhawaaqeen guddaha waddanka soomaaliya dawladda ku meel gaar ah taas oo uu macneheedu ahaa sidii ay u fashilin lahaayeen shirka muddada halka sanno ah ka socday waddanka kenya oo ay ku baxday malaayiin doolarka mareykanka ah.

Kaaliyaha ayaa intaa ku daray in soomaaliya aysan dawladdi ka jirin tan iyo intii xukunka laga riday Mahamed siyaad barre intaasi wixii ka dambayeyna aysan soomaaliya ka jirin wax dawlad ah oo gashay bedelkii xukuumaddii la riday. Kaaliyaha ayaa sheeggay in ay jiraan qaar ka mid ah soomaalida in ay aaminsanyihiin in dawladda mareykanka aysan dan iyo muraad ka leheen arrimaha soomaaliya isagoo xusay in ay dawladda mareykanka ka go"antahay iney taageerto shirka dib u heshiisiinta islamarkaasna ay meelmarin ku samayso waxyaabaha ay soomaalidu ku heshiiyaan. Mr Kieran Prendergast ayaa sidoo kalsheeggay in labadii bilood aynu soo dhaafnay ay ka sii daraysay xaaladda ammaanka ee waddanka soomaaliya sida ay sheeggeen buu yiri Hay"addaha ka hawlgala aaggaasi.Warku waxuu intaasi ku darayaa in dawladda kenya ay isku mashquulisay sidii ay dawlad ugu dhisi lahayd waddanka sudan oo in kabadan labaatan sannaddood ku jiray dagaal sokeeye. Kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramadda midowbay ayaa ku booriyey dhammaan madaxda ku hardamaysa guddaha waddanka soomaaliya in ay taageeraan dadaalka ay waddo beesha caalamka islamarkaasna ay la dagaallamaan waxay ugu yeedheen argagixisadda gobolka.

14.11.003

Dhoodi Danwaa.

raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

Dodobaadka iyo Geeska Afrika

Ø Ciidanka sirta Itoobiya oo Dad rayid ah xabsiga u taxaabay

Ø Gudi ay soo dirtay qaramada midoobay oo socdaal baadhis ah ku maraaya wadamada Soomaaliya Jaarka la ah.

ciidanka sirta Itoobiya oo Dad rayid ah xabsiga u taxaabay

Dawlada Itoobiya oo caadaysatay in dadka u dhashay soomaalida Ogaadeeniya ay ku qasabto in ay u dareeraan xafiis kusheega ay wayaanuhu ka sameysteen magaalooyinka ogaadeeniya todobaadkiiba halmar, si ay warbixin u siiyaan ciidanka sirta ee Itoobiya. Dadkaasi waxaa loo geeystaa dhibaatooyin ay ka mid yihiin cabsi galin iyo caga jugleeyn, waxaana midmid loo weydiiyaa waxa ay guud ahaan qabtaan iyo xidhiidhka ay la leeyihiin JWXO. Waxaa Todobaadyadii la soo dhaafay magaaladda Godey lagu xidhxidhay dad rayid ah oo aan waxba galabsanin. Xidhxidhka dadkaas ayaa sabab looga dhigay in ayna warbixin u gudbinin ciidanka sirta ee degmada mudo laba todobaad ah.

Gudi ay soo dirtay qaramada midoobay oo socdaal baadhis ah ku maraaya wadamada Soomaaliya Jaarka la ah.

Gudi kasocda qaramada midoobay oo loo xilsaaray in ay soo baadhaan wadamada ku xadgudbay xayiraada hubka ee la saaray soomaaliya sanadkii 1992dii ayaa booqasho ku tagay dalka masar, waxayna booqan doonaan wadamada kala ah Itoobiya, Eretrea,Yaman, Somaaliya, iyo Kenya. wadamadaas qaar kamid ah ayaa lagu tuhunsan yahay inay jabiyeen cunaqabateeyntii hubka ee la saaray Somaliya.

Masuul u hadlay wafdiga qaramada midoobay ayaa sheegay in soomaaliya ayna u baahneeyn hub la soo galiyo sababtoo ah ayuu yiri wuxuu sii abuuri oo kali ah dhibaato aad u badan oo keeni kara dhimasho iyo daganaansho la’aan.

Waa markii oogu horeysay oo ay qaramada midoobay qaado talaabo noocan oo kale ah ilaa iyo intii cunaqabateeynta hubka lagu soo rogay somaliya. Socdaalka guddiga ayaa dib u dhacay bishii oktoobar ee la soo dhafay, waxana la filayaa in socdaalkan uu qaadan doono muddo dhan toban maalmood.

DKG ayaa in badan ku eedeysay in Wadanka Itoobiya ay si joogta ah u galiso hub iyo ciidanba dalka soomaaliya haseyeeshe wax talaabo ah lagama qaadin arintaas. Sida laga war qabo Qaar kamid ah hogaamiye kooxeedyada ayaa gacan saar la leh dawlada Itoobiya kuwaas ooy ku taakuleyso Hub iyo ciidanba.

Abdirahman Abdullahi

Radio Xoriyo
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 



Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD