SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.


· Dagaallo ay ku naafeeyay ciidanka wadani xoraynta Ogaadeenya ciidamada gumaysiga Itoobiya.
· Sadex sargaal oo EPRDF ka tirsan oo la xidhay.
· Sargaal sare oo ka tirsanaa kililka Axmaarada oo baxsaday.
· Afayeenka Baarlamaanka Itoobiya oo loo hanjabay.
· Waraysi aanu la yeelanay gudoomiyaha hogaanka dhaqaalaha Jabhada wadaniga xiraynta Ogaadeenya Ing Saaluxidiin C/raxmaan Macow iyo waliba suugaan halgameed.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Dagaallo ciidanka gumaysiga lagu naafeeyay.

Dagaallo is-dabajoog ah oo ka dhacay meel u dhaxaysa magaalooyinka Galadiid iyo Wiji-waaji ayaa ciidanka gumaysiga Itoobiya lagaga dilay Siddeed askari, Lix kalana waa lagaga dhaawacay.

Dagaalladan, oo ahaa kuwo cadowga si fiican loogaga gacan sarreeyay, waxay dheceen intii u dhaxaysay 2-8 bishan Nofember.
Dagaallada dhex-mara ciidammada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa xoraynta Ogadenya waxay u dhacaan si aan kala go’ lahayn, waxayna ka dhacaan gobollada dalka oo dhan, mar kastana waxaa lagu jabiyaa ciidammada isu keen-keenka ah ee gumaysiga Itoobiya.

Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegay in xukkumadda gumaysiga Itoobiya ay xabsiyada magaalada Jigjiga ka sii daysay dad rayad ah oo aad u badan, kuwaasoo muddo dheer lagu hayay xabsiyada gumaysiga, waxayna dadkaasi u badnaayeen dad laga soo qaqabtay gobolka Dhagaxbuur, laguna soo eedeeyay inay taageerayaal u yihiin Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya.

Sadex sargaal oo EPRDF ka tirsan oo la xidhay.

Wariyaha Wakaalda Wararka Ogadenya u jooga magaalda Addis Aabab ayaa sheegaya in la xidhay 3 sargaal oo sare oo ka tirsan isbahaysiga EPRDF.

Sadexdan sargaal waxay EPRDF wakiillo uga ahaan jireen ismaamul ku-sheegyada Soomaalida, Canfarta iyo Binishangulka, waxaana xabsiga ninmankan lala xidhiidhsiiyay kala qaybsaanata iyo is-aamin la’aanta ka dhex taagan isbahaysiga EPRDF, oo maaliinba maalinta ka danbaysa soo kordhaysa.

Laba nin oo ka tirsan xukuumadda fadaralka Itoobiya ayaa si gaar ah loogu xil-saaray xallinta dhibaatda ka taagan Ogadenya. Hase yeeshee sarkaal is-maamulka Soomaalida wakiil uga ahaan jiray isbahaysiga EPRDF ayaa hadda lagu soo eedeeyay insaga iyo nimanka madaxda ka ah is-maamul ku-sheegga soomaalidu in ay lacag aad u badan wada lunsadeen.

Dadka u dhabba-gala siyasada Itoobiya ayaa sheegaya inaanuu maanta jirin qof ka mid ah madaxda EPRDF oo ka caaggan lunsashada hantida dadwaynaha, balse arrimaha saddexdan sargaal loo xidhay ay salka ku hayaan kala qaybsanaanta isbahaysiga EPRDF, gaar ahaan ciidamada iyo maamulka.

Sargaal sare oo ka tirsanaa kililka Axmaarada oo baxsaday.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Baaxir-dhaar ayaa sheegaya in sargaal sare oo ka tirsanaa kililka axmaarda, isla markaana ahaa xubin sare oo ka tirsanaa xisbiga axmaarda ee isbhaysiga kula jira isbahaysiga EPRDF uu dalka ka baxsaday oo magangelyo wayddiistay dalka Marayknaka.

Sargaalkan, oo lagu magacaabo Lulsagadh, wuxuu dalka ka baxsaday xilli ay xukuumadda Wayaanuhu si wayn uga shakisan tahay hawlaha uu qabto Ururka Axmaarda oo hadda lagu samaynayo dabagal wayn.

Xukuumadda Wayaanuhu waxay dabagalka ururka si gaar ah ugu xilsaartay wasiirka warfaafinta Baraket Simon, oo ah nin u dhashay qowmiyda Tigreega, isla markaana si wayn ugu dhaw keligii taliye Meles Zenawi.

Afayeenka Baarlamaanka Itoobiya oo loo hanjabay.

Afayeenka Baarlamaanka Itoobiya Dhawit Yuhanis ayaa toddobaadkan lagu wargaliyay inuu aad u gaabsado, isla markaana uusan booqan karin xafiiska iyo guriga Meles midna.

Afhayeenka waxaa farriintan, si ay handaadi ku dheehan tahay ugu gudbiyay Xayle Kiros, oo ah madaxa nabad sugidda ee xafiiska keligii taliye Meles Zenawi.
Arrinatani waxay caddayn u tahay inuusan wax nidaam iyo kala danbayn ahi ka jirin isbahaysiga EPRDF dhexdiisa, isla markaana uu khilaaf siyaasadeed iyo tartan shakhsi ahi ak dhex socdo.

Dhawit Yuhanis, marka laga soo tego afhayeennimada baarlamaanka, waa hooggaamiyaha labaad ee xisbiga Almxaarada, hase yeeshee waxaa amarkan siisyay sargaal hoose oo nabadgelyada xafiiska Meles qaabilsan, kaasoo ka duulaya awoodda qabiilka ku dhisan ee Itoobiya maanta lagu maamulayo.

Dhinaca kale madaxwaynihii hore ee Itoobiya Nagaaso Gidhaadha ayaa isagana loo hanjabay, ka dib markii Guddiga Sharciyada ee Baarlamaanku uu kulan degdeg ah ugu yeedhay, isla markaana la gaadhsiiyay inuu sharciga ku xadgudbay, ak dib markii uu khudbad ka jeediyay xaflad lagu qabtay xarunta Royal College, oo ku taalla magaalada Adaama.

Nagaaso Gidhaadha ayaa isaguna sheegay in sharciga loo sheegay inuu ku xadgudbay uu yahay mid loogu danaynayay xisbiga talada dalka haysta ee aanuu ahayn sharci dadwayn ah dan u ah, waxaanuu sheegay inuu xaq u leeyahay inuu fikirkiisa dhiibto, waxaanuu is-waydiiyay sababta ay xukuumaddu uga soo jawaabi wayday waraaqo badan oo u diray intii xilka madaxwaynanimada xoogga lagaga qaaday.


18.11.003
Ahmed Gaal´ eri
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 



Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD