SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Puntland Community Collage oo laga dhigay afar sano

wardheere Maxamuud Nuur Wardheere 

 mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota, USA

Nov 10, 2003 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Dad Soomaaliyeed oo isxilqaamay ayaa waxay Soomaaliya gudaheeda ka wadaan dadaal aad u qiimo badan. Dadkaasi waxay ku fikiraan inay horumar dalka doorkii ay ka qaadan karaan ka qaataan. Meelaha ugu horeeya ee lagama maarmaanka ah waxaa ka mid ah wax barashada dhallaanka.

Waddan walba horumakiisa waxaa lagu qiimeeyaa daryeelka uu u sameeyo dhalaankiisa iyo sida uu ugu dadaalo in dhallaankiisa ay helaan fursad wax barsho taas oo uu dalka u aayi doono. Marka dhalaanka wax la baro waxay umadda ku soo kordhiyaan horumar dhinaca dhaqaalaha, caafimaadka, difaaca , inay abuuraan shaqooyin, inay sharciga u hogaansamaan oo wadaniyiin noqdaan.

Garowe oo ku taal meel istiraatiiji ah oo isku xirta Soomaaliya oo dhan hadday ahaan lahayd waqooyi, koofur, Bari, iyo galbeedba oo aan weligeed loo dhisin Jaamacad ama machadba waxaa sanadku markuu ahaa 1999 laga furay dugsi la yiraahdo “ Garowe School of Management” oo loo soo gaabiyo GSM kaasoo lagu baran jiray luqadda Englishka, xisaabta iyo culuumta Computerka. Waxgaradkii maamulayay GSM waxay ogaadeen durbadiiba in baahida meesha taal ay intaas ka weyn tahay oo waa weyneeyeen waqtiga iyo duruustana waa badiyeen.

Waxay GSM u bedeleen Puntland Community Collage oo labo sano ah oo loo soo gaabiyo PCC. PCC waxaa la bilaabay 2001 dafcaddii ama racii u horaysayna waxay qalin jebiyeen September 2003 halkas oo xaflad balaaran loogu dhigay ardadii najaxday. Faa’iidada ay GSM u leedahay umadda Somaaliyeed waxaad ka garanaysaa in ay kuwii ka qalin jebiyay goor hore ay wadanka u shaqeeyaan ayagoo shaqo ka heley hay’adaha caalimiga ama xukuumadda ama iskood u shaqaystaan. Maadooyinka lagu barto PCC waxaa kamid ah xisaabaadka, luqadda Englishka iyo carabiga, maamulka iyo maareeynta, iyo culuumta computerka.

Dadka waxgaradka ah oo maamulayay PCC haddana waxay go’aan sadeen inay PCC ka dhigaan 4 sano waayo baahida waxbarasho ayaa aad u wayn gaar ahaan ardada rabta inay sii wataan waxbarshada heer ka sare ah si ay u helaan shahaadada jaamacadda darajadeeda koowaad iyo kasii sareba.

Dawladdii Soomaaliyeed ee jaamacada dhiska badnayd oo waxbarashada bilaashka ah u babac dhigtay markii la waayay oo jaamacadihii ay dhistayna la burburiyay waxbarashada caruurta cid lagu halayn karaa ma jirto marka waa xilsaaran qof walba oo soomaaliya sidii uu u taageeri lahaa ama wax uga dhisi lahaa intii tabartiisa ah waxbarashada Soomaaliya meel kasta ha ahaatee.

Waxaan u hambalyaynaynaa maamulka, Ardada iyo dadka taageera Jaamacdda Garowe waxaanan leenahay guulaysta dadaalka aad umadda u haysaanna sii wada.

Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com    

Minneapolis, Minnesota USA.

 

Mogadisho University oo Dadaal Dheeraad ah Muujisay
Warbixintii Maxamuud Nuur Wardheere.... Guji.. Oct 10

Caruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis Qaarkood ma Gangs bay ku biireen?
Waa Daraasaad uu sameeyey Maxamuud Nuur Wardheere.. Guji..

QORAALADII HORE EE WARDHEERE

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD