SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Caruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis Qaarkood ma Gangs bay ku biireen?

Daraasaad lagu sameeyey xaaladda caruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis.

  • Wiil Soomaaliyeed baa yiri “dawladeenii idinkaa riday oo dawlad kalena dhisi waayay oo na biday in aan ku korno halkan” waxaa kale oo uu raaciyay “hadda haddaad nala yaabaysaan waxa soo socda ayaa ka daran.”

wardheere Maxamuud Nuur Wardheere 

 mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota, USA

Sept 5, 2003 

 

barxad Barxad ka mid ah xaafada Cedar, Minneapolis

Hordhac:

Qoraalkan waxaa looga dan leeyahay in dadka waaweyn la dareensiiyo xaaladda ay ku sugan yihiin caruurta Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis si loogu baraarugo isla markaana wixii laga qaban karo laga qabto. Waxaa kale oo qoraalkan looga gol leeyahay in dadka wax garadka ah ama mas’uuliyiinta ah oo ka gubanaya dhibaatada dhallaanka Soomaaliyeed meel kasta ha joogaane ay talo ka dhiibtaan wixii ay la tahay wixii laga qaban karo iyo sida ku haboon in loo daryeelo haddiiba ay suurtoobayso. Waxaad talooyinka ku soo aadin kartaan mnwardere@yahoo.com

Waxaan kale oo aan ka cudurtaaranaynaa in aanan halkan ku sheegi karin magacyada caruurta iyo weliba aanan soo bandhigi karin masawiradooda waayo waxaan ixtiraamaynaa sirta iyo sharafta shaqsiyaadka arrintan hadal ka dhiibtay iyo sharciga oo aanan noo ogolayn in aan caruur ku faafino qalabka warbaahinta ayadoo aanan waalidkood fasax laga helin.

Qoraalkan waxaa kalifay in hadda la qoro ka dib markii ay qaylada isla yeertay xilligan (Iskuuladaa xiran , jawigana waa wanaagsan yahay oo baraf iyo qabow ma leh) Magaalooyin badan oo maraykanka ku yaal oo ay Minneapolis ka mid tahay oo ay denbiyadii cirka isku shareereen. Waxaan nasiib darro ku soo aaday waqti uu booliiska magaalada oo kaashanaya dadwaaweyn oo Soomaali ah ay qab qabanayaan wiilasha iyo gabdhaha xaafadda oo lagu tuhmo inay denbi samaynayaan oo habeenkii aan bilaabay wareysiga waxaa la qabtay 20 dhallin yaro ah inkastoo 13 markiiba la soo daayay.

Sidaa darteed waxaa dhib igu noqotay inaan helo kalsoonidii aan ka rabay dhallaankaas oo marka hore oo dhan igu tuhunsanaa inaan jaajuus u ahay booliiska oo aan u baaqi doono booliiska goor ay ahaatoba ka dibna la qaban doono. Laakiin waan ku guulaystay aakhirkii ka dib markaan isu sheegay oo aan cadeeyay ujeedadayda. Waxaa ila shaqeeyay kuwii i garanayay iyo kuwa af-soomaaliga aadka u yaqaan – waxaase iigu dhib badnaa kuwa aan af-soomaaliga aadka aan u garanayn oo xataa haddii aan af- ingriisi kula hadlay weli aan qalbigooda hanan waayey oo ii arkay qof yaara ajnebi ku ah oo kale. Qaarkood waxaa ii sahlay saaxiibadood oo ay soo raaceen.

Qoraalkan waxa uu ka waramayaa koofurta Minneapolis gaar ahaan xaafadda Ceder oo noqotay meesha loogu badan yahay oo bartilmaameed u noqotay Soomaalida Minnesota iyo xarunta ganacsiga Soomaalida ee Chicago iyo 24 Street.

Labada nin ee Soomaaliyeed oo waday taksiga oo la dilay isla bil gudaheed oo la kala yiraahdo Maxamed Saalah iyo Axmed Xuseen Allah ha u naxariisto ayaga waxaa dilay dad aan Soomaali ahayn marka inkastoo cabsi iyo welwel wayn ka dhalatay dilkoodaas waxashnimada ahaa haddana qoraalkan arrintooda kuma soo qaadanayno. [Halkan Eeg].

Habka la isticmaalay si qoraalakan u suurto galo xaqiiqadana ugu dhowaado waa wareysi dad badan la waraystay iyo caruur loogu tagay meelaha ay caan ka ku yihiin oo inta la soo dhoweeyay lala fadhiistay qaarkoodna meel kale la geeyay oo la sharfay si loo waraysto.

Bilowga qoraalka:

Oday baa la dilay ama la garaacay. Yaa garaacay (ama dilay)? [Dilay halkan uguma jirto qur-gooyo]

Wiilal yar yar oo Soomaali ah baa ku goobtay!

Wiil Soomaaliyeed baa suuxsan oo isbitaalka yaal. Yaa dilay?

Wiilal Soomaaliyeed baa ku goobtay?

Wiil Soomaaliyeed baa dhabarka saddex tooray laga geliyay. Yaa ka geliyay?

Wiilal Soomaaliyeed.

Afar wiil oo Soomaali ah oo dilaya nin Soomaaliyeed ayaa laga riday oo waxay rabeen inay telefoonka gacanta ka dhacaan iyo boorsadiisaba.


Tartankii cayaraha Soomaalida ee laba kooxood ee Maine iyo Boston ku dhexmartay Porland ka akhri Pressherald
Sawirada: Pressherald
GUJI...

Booliiska ayaa qabtay wiilal Soomaali ah oo baabuur ku haysta qori.

Wiilal Soomaaliyeed ayaa qori ku qabtay wiil Soomaaliyeed.

Caruur Soomaaliyeed ayaa qamro caba, xashiish ayay dhuuqaan, boorso ayay dafaan.

Falalkan ayaa dhagahayga ku soo dhacay oo waxaan ka maqlay dad igu yiri annaga ayaa goob joog u ahayn oo shaahid u ahayn. Waxaa kale oo aan raadiyay magacyada ay la baxeen kooxaha caruurta Soomaaliyeed ee lagu sheego Gangska oo aan u haystay qatar ka dib markii la ii sheegay in aan naftayda halaagayo marba haddii aan luuqyada ugu tago ama ay ogaadaan in aan wejiyadooda baranayo.

Magacyadooda waxaa la kala yiraahdaa Hot Boys, Somalia Mafia, Smokers, South East Neggers, Supreme. iyo kooxda hadda isa soo caan bixinaya oo ah gabdho Soomaaliyeed oo la yiraahdo 3W6 oo ayaga maraya hadda inay magac yadooda derbiyada ku qoraan si loo barto in ay jiraan. Waxaa jira koox kulligood ka horaysay oo ay Booliiska Minneapolis garan jireen oo laga raadin jiray iskuulada oo la dhihi jiray Rough Tough Somali (RTS) laakiin kuwaasi suuqa waa ka baxeen waxaa ku xigay oo ayagana hadda suuqa ka sii baxaya Hot Boys oo ah kuwa loogu cabsi badan yahay oo la yiri ayagana waa weynaanayaan oo qaarkood ayaa guursaday.

Dadka qaarkii waxay aaminsan yihiin in caruurta Soomaalida oo kala ah gangs ay xataa magaalooyin ka kala yimaadaan si ay isu weeraraan ama baabuurta u xadaan..

Natiijada baaritaankayga

Gangs: magacyada aan maqalno ee ah gangska aan kor ku soo sheegnay waa magac u yaal oo wax gangs ah oo abaabulan ma jiro. Waxa jira waa caruur xaafadeed oo ah ciyaal meelo isu dhow deggan ama isa soo raadsada oo isla socda mararka qaarkoodna isu hiiliya.

Iskaashiga noocan ah waa mid America ay ku caan tahay waayo nolosha caruurta nabad gelyo ma aha sida dadka waaweyn oo caga juglayn iyo cay iyo cabsi badan ayaa la soo deristaa. Qaar badan oo caruur ah ayaa dareema inay u baahan yihiin gaashaan buur iyo inay muujiyaan inay aag u xiran tahay oo calaamadahooda lagu arko sida ay samaynayaan gabdhaha Soomaaliyeed ee xaafadda Ceder.

Waa ay jiraan ciyaal dhib badan oo dagaala ama wax dhaca laakiin waa yar yihiin oo ma aha in dusha eedooda laga saaro caruurta badan ee soomaaliyeed oo edebta badan ixtiraamkana badan. Waa in lala yimaadaa xeelad la isaga qabto kuwa burcadka noqday iyo kuwo naftooda dayacay oo daroogada iyo alkolada caba oo magac xumada u keenaya caruurta fiican. Caawimaad ayay u baahan yihiin ee waa in la isu kaashadaa badbaadintooda intaanay kuwo kale halligin.

Qamrada:

Qamrada dhallaanka caba waa ay jiraan laakiin kama badna ilaa 6 qof. Sharciga dalkan waxaa qamriga gadan karaa qofka gaara 21 jir. Sidaa darteed caruuurtu sharci ahaan ma gadan karaan laakiin caruurtu waxay ii sheegeen inay sahal tahay in ay qamro gadan karaan waayo qof weyn ayay u dirsan karaan. Nasiib darada xaafaddan haysata waxaa ka mid ah baararka qamriga lagu gado oo ku badan iyo ayadoo xarun u ah soomaalida meelo kale deggan oo waa meesha loo soo wareeg doonto. Dadka waaweyn qaarkood waxay leeyihiin markay lacag ay qamrada ku gataan waayaan ayay na dhacaan. Caruurta kale ee aan qamrada cabin waxay leeyihiin warkaas waa waxba kama jiraan waayo kuwa qamrada cabba waa lawada yaqaan oo ilko ma leh tabar ay wax ku dhacaanna ma leh waa uun dhul yaal.

Haddii aad Soomaali tahay oo aad ku nooshahay Minnesota laazim waxaad tahay kii yimaada Ceder. Xaafaddan waxay leedahay saddex masaajid oo uu khayr badan ka socdo.

Daroogada:

Nooca ugu badan oo ay caruurtu isticmaalaan waa xashiish. Dadka waaweyn ayaa qaadka cuna laakiin ilaa 20 caruur aad u da yar yar ayaa lagu qiyaasay kuwa ku hawlan hawlahaas. Caruurtu waxay ka dayriyeen xashiishka oo ay yiraahdeen si xun ayuu ugu fidayaa.

Jir iibsashada:

Inkastoo qalabka warbaahinta luqadda ingriisiga lagu faafiyay (Pioneer Pres) haddana dhallaanka Soomaaliyeed waxay yiraahdeen arrintaas waxba kama jiro. Inkastoo aan la dhihi karin suurtogal ma aha haddana dhaqankii suubanaa ee islaamka iyo Soomaalida ayaa arrintaas naga caawiyay oo waa ilaah mahaddii wax muuqdo oo arrintaa ku saabsan ma jiraan. Caruurtu waxa ay cadeeyeen inay arrintaas gabdho iyo wiilalba aanay xiiso u hayn lurna ku hayn, waxaase jira dad badan oo rabi lahaa inay arkaan Soomaali arrintan samaynayso- xusuusnow waxaan ka hadlayno waa dhallaan Soomaaliyeed ee ma aha dadka waaweyn..

Iskuulada laga tegey (drop out)

Waa ay jiraan laakiin tiro ahaan ma qiyaasi karo laakiin waa laba nooc. Kuwo raba inay shaqaystaan oo guursadaan oo ku biiraan dadka waaweyn iyo kuwo uga tago iskuulada daroogo awgeed ama la qabsan waayey kuwo danbe ayaa wel wel badan waayo dhinacna kuma roona. Ogow caruurta Soomaaliyeed iyo dadka waaweyniba kuwa maskaxda wax ka gaareen ama dagaalkii sokeeye ama jaha wareerka qurbaha ama si kaleba wax ha u gaaraan waa badan yihiin cid kala saari kartaana ma jirto.

Raaxada Afka Soomaaliga:

Kuwa yar yar oo aan la kulmay kuwooda aanan garanayn af-soomaaliga ayaa iigu dhib badnaa in aan waraysto waayo sida dadka soomaaliyeed ee wax ku soo bartay bariga Afrika [East Africa, sida Kenya iwm] ama Jabuuti qaarkood kuma raaxaysan karaan Af- Soomaaliga raaxadiisa waayo dadka waaweyn ee ku soo wax bartay Soomaaliya waxay dhagaystaan radioyo as-somaali ah, waxay aqristaan joornaalo af-soomaali ah, waxay xataa aqristaan bogagga shabakadda internerka. Caruurta aan arkay badankood waxaas oo dhan kuma raaxaysan karaan oo dadka waaweynina is ma fahmi karaan.. Shabakadda Internetka waxay ka isticmaalaan e-mailka iyo siyaabo kale oo ay jecel yihiin. TV-yada Soomaaliga iyo Joornaalada Soomaaliga waxa ogeysiisyo ah oo ku soo baxa maba la socdaan. Marka qofkii raba inuu la xiriiro waa inuu helaa hab kale oo lagula xiriiro.

Waalidka:

Walidka qaarkii wax u tar bay islahaayeen marka waxay soo kaxeeyeen caruur aysan dhalin ama qaraabo kore ay yihiin waayo ma sahalana in la xukumo kuwa aadan dhalin.

Kuwo badan waxay la socdaan ayeeyooyin iyo qaraabo durugsan. Qaarkoodna Saaxiibada xun xun iyo Tvga xun ayay ka celin waayeen. Caruur badan ayaa telefoonka gacanta soo daystay oo xor noqday oo xataa uma baahna telefoonka reerka sidaa darteed waalidku maba garan karo cidda uu la saaxiibka yahay/tahay.

Waalidka qaar ayaa eedeynaya nidaamka cadaaladda ee dawladda oo ay leeyihiin waa naga hiiliyay ama waa jilicsan tahay. Jawaabtii ka timid qolada xagga ammaanka u qaabilsan xaafadda Ceder waxay yiraahdeen “arrintu ma joogto dawladda iyo nidaamkeeda cadaaladda ee waxay mas’uuliyadda dusha uga dhacaysaa waalidka oo la rabo inuu la socdo caruurtiisa meesha ay joogaan iyo inuu ilaaliyo saacadaha habeenkii kuwaas oo caruurta aan la ogolayn inay keligood joogaan banaanka (Curfew).

Waxaa kale oo ay sheegeen inay jeclaan lahaayeen in Soomaalida degan meelaha kale aanay u ogolaan inay caruurtooda yimaadaan Ceder keligood waayo had iyo jeer kuwa rabshada ka rida xaafadda markaan qabano waxaan ogaanaa badankood in aanay deganayn xaafadda –Fadlan waalidow na caawi”.

Dadaalka Guddiga Masaajidka Shaafici

Khayr ilaahay ha siiyo ee waxaa is xilqaamay guddi masaajidkan ka socdo oo bilaabay dacwo iyo inay dhallaanka waddooyinka ka ururiyaan oo ka caawiyaan xagga cuntada qaarkoodna kaba caawiyay xagga jiifka ka dibna khayrka u sheegay. Guddigan waxay reer Minnesota u soo hoyiyeen guul aan la qiyaasi karin ayagoo ku guulaytay in ilaa 54 wiil ay masaajidka ku xiraan sidoo kale in ka badan 50 gabdhoodna masaakidka ku xireen oo ay ilaa hadda ku xiran yihiin. Barnaamijyada ay u sameeyaan waxaa ka mid ah inay sabtida iyo axadda basas ku qaadaan oo geeyaan dalxiis iyo cayaaro inta kalena aqoon u kordhiyaan.

Waxaa xusid mudan in markaad tagto meekaha ay caruuraha isugu tagaan ay kuu sheegayaan ganska kuwii ugu weynaa waxay ku jiraan masaajidka oo waa hanuuneen. Waxaa intaas ka sii daran in kuwaas qaarkood ay hadda ayagiiba u guntadeen dacwada oo ay saaxiibadoodii ka haray ugu yeeraan jidka toosan. Waxaa muhiim ah in dadweynaha Soomaaliyeed ay ogaadaan dadaalkan ay sameeyeen mutadawiciintan oo aanan rabin in magacooda la faafiyo ayagoo ilaahay uun ajir ka sugaya waana in la garab istaagaa.

Dadka waaweyn qaarkood

waxay leeyihiin ubadkan faa’iido ma leh oo waa kuwo dulaysan oo gangs ah oo dhaqan celin waxba uma tarayso oo waa sidey u halaabeen. Falalka ay ku kacayaan wax aan hore u aragnay ma aha oo waa mar marsiiyo haddii la yiraahdo ilmahan waa jiran yihiin oo dagaalkii sokeeya ayaa wax u dhimay [ama  layiraahdo buufis ayay qabaan]. Ficilada ay samaynayaan caruurta Soomaaliya joogto ma sameeyaan. Edeb iyo anshaxna ma leh, waxna ma maqlayaan oo annagii bayba na leeyihiin waad danbaysaan, afka Ingriisigana waaba naga badiyaan oo waa siday u lumeen.

Caruurta kuwii fiicnaan lahaana waxaa u jooga kuwan qariban oo waa kalluun qurmay baa bad dhan qurmiya, in aan ka qabanno oo ka dhexsaarno ayuu xalka ku jiraa.

Oday Soomaaliyeed baa igu yiri “wiilashan Soomaaliyeed ee meesha dhooban iskama fadhiyaan meesha ama waxay sameeyaan ma waayin ee waxay sugayaan qof dagan ama waxay ay darsayaan qodkii ay dhici lahaayeen mana ka soo raynayaan–KANU GALBAY KU KALE MOOYEE!”

Caruurtu maxay leeyihiin:

“ Waalidiinow run isu sheega halkan Amerika ayaa la dhahaa sidii caruur joogto Soomaaliya ma noqon karno afka Soomaaliga uma baran karno dhaqankana uma baran karno. Annaga ma dooran in aan nimaaddno halkan oo idinkaa na keenay. dawladeenii idinkaa riday oo dawlad kalena dhisi waayay oo na biday in aan ku korno halkan. hadda haddaad nala yaabaysaan waxa soo socda ayaa ka daran. ” Wiil Soomaaliyeed

Wiil Soomaaliyeed baa yiri “ Waalidiinow run isu sheega halkan Amerika ayaa la dhahaa sidii caruur joogto Soomaaliya ma noqon karno afka Soomaaliga uma baran karno dhaqankana uma baran karno. Annaga ma dooran in aan nimaaddno halkan oo idinkaa na keenay” Waxaa kale oo uu ku daray wiilkaas “dawladeenii idinkaa riday oo dawlad kalena dhisi waayay oo na biday in aan ku korno halkan” waxaa kale oo uu raaciyay “hadda haddaad nala yaabaysaan waxa soo socda ayaa ka daran.”

Wiil kale ayaa yiri “ha u malaynina in aanan ogayn in waxan iyo wax ka daran ay ka jireen Soomaaliya oo aad xataa lahaydeen baarar qamro ah iyo daroogaba, ha isaga kaaya dhigina malaa’ik. Oo haddaad fiican tihiin sidaan maanta ma ahaateen bal fiiri! car qaadka iska dhaafa! Dadka waaweyni munaafaqad baa ka buuxda.”

Wiil kale ayaa yiri “dadka waaweyn waa in ay iska aqbalaan sida ay xaaladdu tahay waayo waxba kama qaban karaa marka yaanay ka wel welin”. Markaan weydiiyay wax uu ula jeedo waxa uu yiri “haddii barnaamij la sameeyo marka hore waxaa imaanaya inay maamulaan dadka waaweyn annagana amarkooda ma rabno tan kale haddii aan rabi lahayn xataa kuwa kale ayaa nagu caynaya oo na dhahaya waa daciif in la wad wado ayay rabaan oo ayaga isma wadi karaan”. Gadaal waxaan ka ogaaday in wiilkaasi jiro 18 oo uu leeyahay baabuur oo uu meeshii u doono tegi karo.

Wiil kale oo yiri xaafadda Ceder waxaan joogay 9 sano ayaa yiri “ annagu dad xun ma nihin ee waxaan la’ nahay wax na fahmo” Gangsna ma nihin ee waxaanu nahay caruur isla soo kortay oo isla wareegta. Dadka waaweyn lacag ayay haystaan oo maqaayadaha ayay fadhiistaan oo shaah iyo cunto ka gataan annagu lacagtaas ma haysanno waanan ku daalay gurigii la isku badnaa iyo TVgaba ee waxaan u soo baxnaa banaanka xaafadda si aan u neecowsanno dadka waaweynina waxay noo qabaan in aan gangs nahay oo meesha edebdarro u joogno”.

Wiilkaas waxa kale oo uu yiri” Labo sano ka hor ayaa laga qaaday tiirarkii kubadda kolayga halkan mana la soo celin wax nashaad ah oo aan haysanna ama barnaamij ah ma jiro oo haddii aan helno nashaaddaad iyo ama shaqo naloo raadiyo ama nala mashquuliyo dhibba ma dhacdeen” Waxaa kale oo uu ku daray hadalkiisii ‘odayaasha Soomaaliyeed iyo hooyooyinkaba in la ixtiramo haddii ay rabaan ayagana hana ixtiraameen waayo waxaan had iyo jeer aragnaa ayagoo na soo ag istaaga oo na yiraahda -Haa bal eega waa wax dhintay oo duloobay oo gangs noqday”

Wiilkan yar waxaa u hadalkiisii ku soo gabo gabeeyay in ay dadka waaweyn ee Soomaalida ahi joojiyaan yeeritaanka ay noogu yeerayaan booliska waayo booliiska dhib weyn ayuu nagu hayaan oo annagoo aanan waxba galabsan ayuu nasoo weeraraa oo na yiraahdaa derbiga madaxa saara . haddii wax la qaribo kuwa kor ka yimid ayaa qariba cadaaladna ma aha in la isku kaaya duuduubo”

Wiilka yar waxa uu yiri “dadka waaweyn ha ogaadeen ama booliis u yeera ama ha u yeerina annagoo aan barnaamij naloo samayn derbi istaag ma daynayno”

Talo:

1) waa in aan caruuta Soomaaliyeed loogu yeerin gangs ama dulli

2) Waa in la ogaadaa dhibta haysata sida luqadda la dheer yahay, iyo culayska waxbarashada ay ku jiraan

3) In loo naxariisto oo dhinaca dhaqaalaha , guryaha, iyo baahidooda hoose lala socdo.

SIIRADII NEBI MUXAMED (SCW):
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43-44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51-52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84

SAXAABADII RASUULKA
0 | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 |

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

4) In la baro dhaqankii wanaagsanaa iyo taariikhda Nabiga iyo asxaabta iyo dadka wan wanaagsan ee Soomaalida ama waxbarshada heer sare ka gaaray oo ku darsaday diinta iyo asluubta wanaagsan si ay ugu daydaan.

5) In lala xiriiro Guddiga Masaajidka Shaafici oo la weydiiyo waxa ay ku guulaysteen iyo waxa ay ku guuldaraysteen iyo waxa ay u baahan yihiin ka dibna la taageero

6) In Soomaalida reer Minnesota u diyaar garoobaan Xilliga kulaylaha ee soo socda (Summer 2004)

7) In lagarawsado qatarta meesha ka soo socota iyo sidii looga gaashaaman lahaa asagoo qofwalba oo Soomaali ah ay mas’uuliyadi ka saaran tahay meesha uu joogo.

8) In la raadiyo barnaamijyo iyo ilo dhaqaale sidii dhallaankan dahabka ah loo badbaadin lahaa.

Wixii talo ah ama iyo tusaale ah fadlan ku soo aadi

mnwardere@yahoo.com

Walahu aclam

Wabilaahi Towfiiq

Waxaa diyaariyay Maxamuud Nuur Wardheere

Minneapolis, Minnesota USA.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

  

QORAALADII HORE EE WARDHEERE

25-jir Loo Xiray Dilkii Maxamed A. Saalax
Waxaa xabsiga loo taxaabay ninkii taxi-wadiha Soomaaliyeed ku diley magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota, USA.. Guji...

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]