SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Dirirdhabe Duce Qabe iskuulkaaga iska Dhigo

Aden Mohamed adengas@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......


Salaan qiimo badan kadib


Waxaan jeclaystay inaan waxoogaa waano ah siiyo Maxamed Xasan oo ku magacdheer DIRIRDHABE,qoraalo badanna kasoo walfiya wadanka Pakistaan.qoraaladaasoo ah kuwa ay ka muuqato waayo aragnimo la,aan iyo aqoongaabni,taasoo ay ugu wacantahay dirirdhabe oo ah wiil aad uyar oo jooga da,dii waxbarashada ee aan inaba hayaraatee aan meelna uga furnayn qoraalo siyaasadeed iyo mid taariikheed,waxaad arkaysaa qoraal kasta uu soo qoro 80%inay qaldanyihiin oo uu iskala soo boodo isagoon hubsan inay waxaasi run yihiin iyo inkale.

haddaba sida uu isaguba sheegtay oo uu soo galiyay shabakadaha da,diisu waa 21 jir,waxuu kaloo yiri waxaan u immid pakistaan inaan wax kabarto,marka waxaa isweydiim mudan inan da,diisu ahayd markii dagaalkii sokeeya qarxay 5sano,fikarad intee le,eg ayuu usoo bandhigi karaa ummadda daalacanaysa qoraaladiisa,waxuu yiri Usc waxaa la asaasay 91kii,SNM waxay isa soo miidaamisay horaantii 91kii,halkaa waxaa kaaga cad inuu dirirdhabe macalin aan dhaamin uu ka bowsaday sheeko aan jirin,balse dadka usoo joogay oo goob joogga ka ahaa,waxay wada ogyihiin in USC la aasaasay sanadkii 1986uuna aasaasay marxuum Cali wardhiiglay,dirirdhabana jiray 4sano,SNM hargaysa iyo burco waxay soogaleen 1988,waxuu kaloo yiri 1da luulyo waxay ahayd maalin madow,iyana halkaa waxaa kaaga muuqanaysa wiilka markii loo soo dirsadday inuu aado waxbarasho oo uu cilmo soo kororsado inuu ubayray dhanka xun iyo cayda,oo meeshii heeryada gumaysiga laiska qaaday lagana xoroobay gacan shisheeye,ka doorbiday inayan dhicin,maxaanse ula yaabin wali ma,uu arag faadiidada midnimada iyo dibindaabyada tafaraaruqa.

DALKEENA WAA MID SAREEYA
Waxaan marqaaati-madoonto ah in wadankayaga uu ubaahan yahay qof hogaamin kara; laakiin wuxuu aad ugu baahan yahay dhalinyaro wadankooda daacad uah una diyaar ah inay u shaqeeyaan xataa lacag la-aan. Yaa iska soo saari kara. Mardhow waxaanu ku siganahay in caruurta aanu ku dhalno wadamada kale ineyna garan meesha Soomaaliya ay ku taalo. Marka kolay wadadnka anaga ayuu inoo baahnayahay sabatuna waxa weeye berito caruuratayada wadankale ayey leeyihiin. Wadan walba oo dagaal soo maro wuxuu yeeshaa dhalinyaro oo usoo baxdo ama"Dayaxyo" anaga kuweenii meeyeen? waxaan halkan idinkugu soo gunaanudayaa erayadan aan u tiriyey Dalkeyga:
DALKEYGU MIDSAREEYO WEEYE OON SABOOL AHAYN,SISINTA IYO SUBAGA XOOLAADKA LAGA SAHMIYO,BATROOLKOO SAAFIYAA PARTY WACAN KU JIRA, SAANTANA DHIGI MAAYO SOOMAALI NIMAAN AHAYN.
Qore:
Imanaddo@aol.com

waxaad arkaysaa isagoo baaqyo iyo waano usoo jeedinaya golaha guurtida,salaadinta.iyo madaxweyne Daahir Riyaale,waa yaabe boowe diridhabe mawaxyi baa kugu soo dega aad intaas oo xeerbeegto wax tusaalayn karto oo aad tiraahdid wadadaad haysaan oo aad dalka ku hagaysaan waa qaldan tahay ee anniga ayaa ini sixine qaata tayda, wadamadan reer galbeedka qofkii ka yar 22sano wali waxuu kayahay qof aan wax lagu aamini karin oo aan qaan gaarin,oo xitaa meelo badan waxaa lagu xiraa inuu keeno waalidkii sida haduu rabo inuu galo college,soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa nin gu,ka wayn il guruxdeed kaa wayn.

Waxaa kugu waaninayaa dirirdhabow laabi labo ula,ee iskuulkaga iska dhigo oo waqti ha iskaga lumin qoraalo aani dani kuugu jirin,wixii aad dadka ka maqashana iska hubi ee hala soo bowdin waayo wixii dalka ka dhacay uma aadan soo joogin oo ilma saqiira baad ahayd,khasab ma ahan in qofku usoo joogay dhacdooyinka balse taariikhaha oo qoran qofku wuu daalacan karaa oo in ku filin fikrad wuu ka qaadan karaa balse nasiib daro waxaa ka muuqda qoraaladaada xitaa inaadan eegin buugagta iyo joornaalda wax ka qoray taxanaha cusub ee taarikkhda dhow ee soomaaliya wixii ka dambeeyay xornimadii 19960kii.

Waxaa xitaa muddo aan saa ufogayn qormo dheer ka qoray wargays kasoo baxa Hargeysa oo ka faalooday siday usamayseen jabahadaha SNM,USC, SSDF,SPM&SSNM, halka fadhi ku dirirka aad soo dhega dhegaysay aad kusoo koobtay 1991dii,marka duce qabe sanadkaa siyad barre hal maalin ah saldano kama dhamdhamin oo waa laga tuuray xukunka,teeda kale cadawadda aad marwalba dhexdhigayso walaalaha koofur iyo waqooyi iska daa,oo ogaw xukunkii dhibka badnaa qolo walba wuu taabtay dadkii aadka ula shaqayn jirayna nin walba cidiisii ayuu hoos tagay oo waxaad tusaale kaaga filin jagooyinka usareeya somaliland waxay ahaayeen ragii udub dhexadka uahaa taliska meliteriga ee dalka burburka uhorseeday.

Waxaan hadalka kusoo gabagabayn halka aad kasoo qorayso qoraalada xumaanta iyo necaybaka xambaarsan fadlan home workaaga ka shaqee,oo iskuulkaaga iska dhigo


wabilaahitowfiiq
Aden Mohamed
adengas@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD