SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

  Maxay soo siyaadiyeen Jabhadihii Qabiil ku dirirka ahaa, sida SSDF,SNM, USC?

Y. Kaarshe Warfaa2oct@yahoo.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Marka hore waxaan salaamay dhamaan inta fikirkooda ku dhista aragti ka fayoow cudurka qabiilka iyo nin jeclaysiga, ku dhisa aragtidooda xaqiiqada ama runta, Aan lahayn hal  il (one resources) oo ay wax ka qaataan ama hal dheg oo ay wax ku maqlaan, balse leh aragti furan oo aqbali karta fikrado badan oo kala duwan(open minded), Aaminsan in uu qaldamikaro lagana sixi karo wuxuu ku qaldanyahay, Aanan ku qiimayn dadka deegaanka ay ka yimaadeen ama Qabiilka ay u dhasheen, balse ku qiimeeya qofka  aragtidiisa, Aanan qalad u arkin ruuxii wata ama aaminsan aragti ka duwan mida uu aaminsanyahay balse ku qiimeeya qofka aragtidiisa inkastoo uusan ku raacsanayn, ka fakara wuxuu ku hadlayo ama qorayo inta uusan oran ama qorin qiimayna kara saamaynta oraahdiisa-qoraalkiisa.  Ugu danbayn waxaan iyagana salaamay kuwa aanan laga helin sifooyinkan-calaamadahan kore ee la yiri markay idinla hadlaan ku dhaha NABADEEY.

Aqristow, waqtiga oo igu yar, mawduucan ama aragtida qoraalkan oo aad u dheer hadaanan faa’faahin badan laga bixina laga yaabo in ay dadku si qaldan u fahmaan ayaan jeclaystay in aan inyar ku soo koobo, anigoo jecel in ujeedada hadalkaygu inta badan ee hadalka intiisa wanaagsan qaadata uu anfici doono inta hadalka intiisa xun qaadatana uu dhibaato u siyaadin doono oo ay adagtahay in lagu saxo qaab “rational” ah.

Aqristow, dadku waxay isweydiiyaan yaa ka masuul ahaa dhibaatadan sababtay, Naf iyo Maalba, ee qabsatay umadii Soomaliyeed mudada dhawrka iyo tobanka sano kor u dhaaftay, qoraalo badan oon arkay waxaan ku arkayay in dhibaatada loo saariyo dawladii Militariga ee wadanka ka talinaysay mudadii 21,ka sano ahayd. Iyo dad badan oo qaba in dhibaatadan ay ka danbeeyeen Jabhadihii ku dhisnaa Qabiilka ee ay Xabashidu(Ethiopia) ku soo hubeeyeen qarankoodii si ay u abuuraan xasilooni daro iyo bur-bur ku yimaada umada Somaliyeed. Hadaba si taa aynu u ogaano waxaa lagama maarmaan ah in aynu isbar-bar dhigno ama aynu qiimayn ku samayno wixii laga faa’iday, Kacaankii iyo Jabhadihii ku dhisnaa qabiilka ( dhib iyo dheefba), waxaa xaqiiqo ah in qof kastaa oo leh aragti furan oo ka feyow cudurka Qabiilka uu qiimayn karo, oo aysan u baahnayn in faa’faahin badan laga bixiyo, cidii ama kooxdii ka danbaysay bur-burkan Somalida ka helay dhamaan dhinacyada nolosha,sida  Naftii, Maalkii, Diintii iyo Dhaqankiiba. Inta aanan u gelin aragtidayda ku aadan jawaabta su’aashan ayaan jeclaa in aan ka hadlo dabeecadaha bulshada iyo sida ay ku dhisaan aragtidooda siyaasadeed kadibna waxaan u gudbi doonaa jawaabta qoraalkayga.

Aqristow, dadka u kuurgala cilmiga bulshada ama dabeecadaha bulshada, waxay dadka u kala qaybiyaan dhawr nooc oo ay ka mid yihiin, Radical, Liberal, and Conservative, oo kala ah Radical- dadka jecel in isbedel deg-deg ah uu imaado iyagoonan ka fiirsan waxa uu sababi karo isbedelkaa degdega ah, aan qiimeyn ficilkooda-go’aankooda, Aan ka fiirsan waxa ay samaynayaan iyo jawaabta ka imaankarta, kuna dhisa fikirkooda qaab ah laab-lakac (emotional). Liberal, waa dadka marka ay qalad dareemaan isku daya in ay ku saxaan qaab ay xigmadi ku jirto ama ka fiirsi leh, qiimayna ku samayn kara waxa ay doonayaan in ay badalaan iyo waxa ay doonayaan in ay ku bedelaan, ama ka fiirsada tilaabada ay qaadayaan waxa ka imaankara, Conservative ku, waa dad iyagu qunyar socod ah, aan jeclayn in dhibi imaado oo waxay inta badan jecelyihiin in arimaha loo dhaafo sida ay yihiin sababtoo ah waxay ka baqayaan in hadii isbedel uu imaado uu sababi karo dhibaato ka weyn mida ay hada ku jiraan. Hadaba Aqristow hadaad eegto dabeecadaha bulshada waxaad dareemaysaa in dadku aysan isku aragti ama maskax ahayn tilaabooyinka ama go’aanada ay qaadanayaana ay ku xiranyihiin hadba marxalada ay maskaxdoodu ama aqoontoodu gaarsiisantay.

Aqristow, inagoo tixraacayna qoraalka kore ee ah sida ay dadku ku dhisaan go’aankooda, ayaa waxaan is weydiinaynaa nimankii warlordska ahaa ee hogaaminayay Jabhadihii Qabiil ku dirirka ahaa muxuu hadafkoodu ahaa ama maxay siyaasadoodu ku dhisnayd? Dhab ahaan tii way noo fududaan lahayd  in aan ka jawaabno su’aashan hadii ay ahaan lahaayeen dad leh hadaf ama fikir siyaasadeed oo leh meel loogu soo hagaago, balse sidaan ka baranay dhaqankoodii foosha xumaa wuxuu ku dhisnaa xukun doon ee ma ahayn mid la doonayay in Umada Somaliyeed looga saaro dhibaato ay ku jirtay. Taana waxaa ka marqaati kacay ficilkoodii ay kula kaceen bulshada soomaliyeed ee ahaa bur-burintii hantidii qaranka, dilkii iyo boobkii hantidii danyarta, u dhego nuglaantii cadawgii umada Somaliyeed, kala qaybintii iyo magacyo u kala bixintii dadkii Somaliyeed ee wada dhashay, waxaan filayaa in aanan qoraal lagu soo koobi Karin ficilkii xumaa ee ay ku kaceen Jabhadihii Qabiil ku dirirka ahaa, balse waxay na badeen waxaan ku soo koobaynaa in maanta ay la soo taaganyihiin 1- Qofkaan Ethiopia, siday noogu taliso warkeeda yeelin waxaan ku daraynaa badweynta India, Madaxda SSDF, 2- Talada wadanka anagaa xaq u leh wax nagu qabsankarana ma jiraan cid kaloo Somali ah na uma aanan ogelin talada wadanka, hadaan taayada layeelina nabadu dhici mayso, Madaxda USC, 3- Wiilka ku dhashay Somalia waxaa nooga dhow ama aan ka jecelnahay wiilka ku dhashay Ethiopia!!, Kaana wuxuu ahaa mid ka mida Madaxda SNM. Taa waxaa ka sii daran dhibaatada lagu hayo dadkii ajnabiga ahaa ee wadanka u yimid in ay caawiyaan dadka danyarta ah, waxaanan marnaba iloobayn afduubkii loo geystay shaqaalihii gargaarka, iyadoo Jabhadaha Qabiilkudirirku ay ku micneeyeen in ay arintan u sameeyeen in ay aduunka tusaan in Xamar aysan nabadu ka jirin!  Sido kale Tolow waa yaabe Qolyihii doorashada looga guulaystay ee ka tirsanaa haraadigii SNM miyaa ka danbeeyay dilkii ka dhacay Boorame si Aduunka ay oogu sheegaan in Gobolada Waqooyi aysan nabadu ka jirin? La yaabi maayo oo dhaqan xumadaa horaan ooga baranay

Aqristow, waxaa iyadana mudan in wax laga sheego xukunkii Milateriga ee wadanka ka talinayay 21,ka sano, waxaan filayaa in qaladkoodii lagu soo koobi karo labo qodob oo kala ah “mismanagement and corruption” qaabka maamulka oo qaldanaa iyo in hantidii wadanka si qaldan loo maamulay, dhibaatadan oo ah mid ka jirta dhamaan wadamada soo koraya ee loogu yeero dunida sadexaad –Third World- waxaan anigu rayi ahaan qabaa in dhibaatadan lagu badali karay si ku dhisan sharci ee aysan u baahnayn in lagu bedelo awood ciidan. Waxaa laga yaabaa in la isweydiinayo ninku muxuu ka hadlayaa meeye dadkii la xasuuqay? Waxaan taa ka oran lahaa hadaadan ahayn dadkii loo sheekeeyay mudadii qaxa in wadanka somaaliya uu ahaa meel uusan dhiig ku daadan intii u dhaxaysay 1969 ilaa 1978, balse wixii intaa ka danbeeyay waxay ahayd markii ay Xabashidu abuurtay jabhadaha Qabiil ku dirirka ah, wixii shacab ahaa ee dhintay xiligaana waxaa masuuliyadeeda qaadanaya Xabashida iyo Qolyahay adeegsanaysay ee Qabiil ku dirirka ahaa.

Ugu danbayn waxaa dad badani is weydiinayaan maxaa xal ah? Maxaase u diiday nabada iyo xasiloonida ka jirta Gobolada Waqooyi Galbeed in ay gaaraan Somalida inteeda kale? Jawaabta su’aashan waa wax fudud oo waxay tahay dadka u dhashay gobolada Waqooyi Galbeed waxay fahmeen meesha dhibaatadu kaga timid oo ah in ay gobolkooda ka sifeeyaan Jabhadii Qabiil ku dirirka ahayd sida SNM, ee sababtay dhibaatada shacabka ree Waqooyi ku dhacday, markii ay la dagaalameen hub ka dhigisna ku sameeyeen ayay dhisteen maamul ku dhisan sharci oo uu hogaaminayay Gudoomiyihii hore ee Rugta Ganacsiga Marxuum Mohamed Ibraahin Cigaal, Qolyihii hogaaminayay Jabhadii Qabiil ku dirirkana, sida C/raxmaan Tuur, iyo Ahmed Siilaanyo waxay qax ugu tageen Xulufadoodii oo ku sugnaa Xamar iyo dalka dibadiisa. Hadaba si loo gaaro nabad, xasillni iyo horumar la taaban karo waa in la qaadaa tilaabadii gesi nimada lahayd ee ay shacabka gobolada waqooyi qaadeen. Waxaad dareemi kartaa meelaha ay wali ku suganyihiin Jabhadihii Qabiil ku dirirka ahaa in aysan ka jirin wax xasilooni ah sida Pundland iyo Muqdisho. Waxaa iyadana jirata kuwo waayadan soo baxay oo raba in ay qaadaan dariiqii ay ku dhumeen kuwan hore iyagoo labaxay magacyo ku dhisan qabiil oo aan lahayn hadaf siyaasadeed.

Hadaba waxaan jeclaa in aan hadalkayga ku soo xiro, Tacsi aan u dirayo danyartii Soomaaliyeed ee Naftooda ku weysay dagaaladii ay abaabuleen Jabhadihii Qabiil ku dirirka ahaa ee ay Xabashidu soo hubaysay, iyo Eheladii ay ka tageen Ciidamadii Qarankii Somaliyeed ee Naftooda ku waayay difaaca dhulkooda hooyo iyo sharafta wadankooda iyagoo Naftooda u huray in ay shacabka ka difaacaan dhibaatada maanta haysata ee ay sababeen Burcadii Xabashidu adeegsanaysay.

FG- Waan la socdaa in ay wali jiraan dad aad u tiro yar oo wali taageero u haya Jabhadihii Qabiil ku dirirka ahaa in aysan jeclaysan doonin qoraalkan, balse waxaan oran lahaa “ee-daysanoow waa lagu ogyahay waana lagu abaal marin”

Y. Kaarshe Warfaa2oct@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 15, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]