SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Dirirdhabe Marlabaad aan ku Saxo

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Salaan qiimo badan kadib.


waxaan dareemay in Maxamed Xasan(dirirdhabe)uu qalad uqaatay waanadii hufnayd oo aan usoo gudbiyay isla markaana uu ku andacooday inaan ku been abuurtay oo waxuuna qorin aan iri waad qortay,isagoo yiri waligay qoraal aan leeyahay kuma sheegin ururka USC.

Haddaba ma jeclayn in hadalku uu meeshaas nala gaaro,waayo aniga runtii waano bay iga ahayd oo waxaan ku iri nin da,yar baad tahay,ee waqtigaaga uleexi xagga waxbarashada kadibna markaad wax soo barato waayo aragnimo kugu filana aad yeelato inshallaahu dal ka kobcay qabiil iyo qurun baad usoo shaqo tagin.laakiin maadaama aad tiri waad iga been sheegtay oo waligay meelna kuma xusin ururka usc,,oo aad dafirayso qoraaladaadii iyagoo cad oo waadaxa baan ku xusuusin waliba waxbaan laharin oo sooma min guurinayo oo garnaq waxaan udayn inta labadeena maqaal la socota.

Intaana uguda galin cadayntayda aan kuu sheegee horta anigu ma ahi dadka ku abtirsada ururkaas,wanaag iyo xumaan baad ka sheegtayna kuma oran ee waxaan iri lama aasaasin 1991dii,SNMna isma soomiidaamin 1991kii ee waan ku saxay oo waxaan iri adoo afar jir ah baa la aasaasay waxaan hormuud ka ahaa Cali wardhiiglay,SNM waxay burco iyo hargaysa soo gashay 1988kii.

Cadayntii aan dib ugu noqdee qoraal ku soo baxay jariidada *AYAAMAHA *qaybta qoraalada aqristaha kuna taariikhaysan 10/10/03,maqaalkaasoo cinwaankiisu ahaa "Madasha Mbagathi,Muraadka Somaliland iyo Taariikhda mahadhada ah ? marka anoo tixgalinaya xuquuqda aad uleedahay fikradaada iyo waxaad aaminsantahay ayaan maadaama usoo joogay wixii dhacay ayaan kusaxayay oo ku lahaa waqtigaas mahayn ee waxay ahayd waqtigaas,teeda labaad maadaama ay xagga shurucda aduunka ay dambi ka tahay in wax laga sheego wadan qaranimadiisa iyo maalinta uu qadariyo ayaan ku iri 1da luulyo ma mudnayn inaad tiraahdo waa maalin madow.

Haddaan sii faahfaahiyo oo aan ku xasuusiyo erayadaadii waxaa ka mid ahaa :Horaantii 91kii ayaa ciidamadii SNM waxay si ismiidaamisa u hujuumeem Burco Hargaysa iyo Berbera,isla sanadkii 1991 ayaa waxuu siyaad barre si degdeg ah ka soo ambabaxay xaruntii ethiopia ee addis ababa \marka aqristow soow wax laga qoslo ma ahan siyaad barre oo markaas gedo ku dhuumaalaysanayay qofka soo qora wali dowlad buu ahaa oo addisababa ayuu wafti ku joogay bal ila eega qoraalkaas aan soo xusay,anoo marlabaad ku celinaya inaan arrimaha usoo jooganay oo ayna sheeko nagu ahayn halka adigu aad ilmo yar ahayd.

waxaa kaloo ka mid ahaa maqaalkaaga *Urukii SNM waxay ugacan haadiyaeen jeneraal caydiid oo aan cudud meleteri lahayn waqtigaas waa 19991kii,halka ay jariidada Jamhuuriya ay qortay markii siyaad barre laga kicinayay xamar SNM meelna ma haysan oo waxaa u cudud sheegtay taliskii barre,marka waa su,aale maadaama aadan usoo joogin waxaan ku iri taariikhaha dib uraac,nasiib darose waad dhibsatay


Teeda labaad waxaad ugoodisay walaalaha maamula websitka SOMALITALK.COM.oo aad tiri mar dambe wax kuma soo qorayo,waa yaab,arrinkaagu soo ma ahan caruurta tiraahda: caanaha cabi maayo hadaan waxaas la isiin,haatan ma iyagaa asxaan weyn noo sameeyay oo maalkooda iyo muruqooda noo galiyay websitka aanu kusoo gudbisano aaraadayada mise iyagaa faaiido nagu qaba,waa su,aal utaal inta daalacata websitka.

Mar labaad aan kusaxee qoraalkaagii udambeeyay ee cinwaankiisu ahaa *Dumarka iyo saxaafadda *xaggee ku hilmaantay wariyadda Farxiyo Cali qaajo,mise waad ka ruqsaysay BBCda.


Wabilaahi Towfiiq


Aden Xaaji Maxamed
adengas@hotmail.com

REER SOOL, SANAAG BARI  & BUHOODLE GACMO FURAN [Diridhaba]

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 15, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]