SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

War-15,October,Mbagathi,Nairobi.
Sanad Guuradii 1aad ee Shirka Nabadda ………………

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Madasha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Mbagathi ayaa maanta waxaa lagu qabtey xafaladlagu xusayey sanadguuradii Koowaad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee haatan ka socda Mbagathi.
Xafalda ayaa waxaa soo abaabulay qaarka tirsan Hogaamiyayaasha siyaasadda Soomaalida iyo Guddiga farsamada IGAD oo maamusha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida oo ka socda Kenya.

15-kii bishii Oktoobar ,2002,Magaalasda ELDORET,Kenya ayaa waxaa la saxiixay ,In xabada la joojiyo ,shir dib u heshiisiina la bilaabo.

Maalintaasi shirka dib u heshiisiinta Soomaalida waxaa albaabada u furay Madaxweynihii hore ee Dawlada Kenya Muddane Daniel Arap Moi oo Gogosha u fidiyey Hogaamiyayaasha siyaasadda Soomaalida in ay isugu yimaadaan miiska wadahadal nabadiyo dib u heshiisiinta ,Furitaanka shirkaasi waxaa ka soo qayb galey safiiradda dawladaha Itoobiya,Jabuuti,Suudaan ,Uganda,Masar,kuwa Safka hore ,Jaamicada Carabta,Afrika Midoobey,iyo dhamaan Beesha caalamkawakiildoda iyo kuwa deeqaha bixiya.,.

Waxaa kaloo ka soo qayb galey dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Furitaanka shirka ayaa waxaa saxiixay dhamaan Hogaamiyayaasha siyaasada Soomaalida oo ka koobnaa 24-hogaamiye oo uu ku jiro guddoomiyaha Ururada Bulshada Shariif Salax oo tirada ku noqdey 25-hogaamiye.
Waxaa kaloo la saxiixay 27-bishii Oktoobat heshiiskii xabad joojinta ,waxaa shirku soomarey dhawr marxalado iyo wajiyo kala duwan haba kii kala adkaadaane.

Wajiga Koowaad ayaa waxaa laga soo gudbey horaantii bishii Novembar,wajiga labaad ayaa waxaa la furay 3-bishii Novembar oo ilaa iyo hada socda ,waxaa uu qaatey mudo ku dhawaad sannad ,wajigan oo ah ka ugu adag ayaa 15-bishii septembar Guddoomiyaha Guddiga Farsamada IGAD,Muddane Bathuel Abdul Kipligat sheegay in maalintaasi la xiray wajiga labaad, oo la ansixiyey Axdi Qarameedkaku meelgaarka ah oo lagu dhaqi doono dawlda ka dhalan doonta shirkan nabada iyo Dib u heshiisiinta Soomaalida Oo haatan ka socda Mbagthi.waxaa kalo uu sheegay in loo gudbay wajiga seddexaad oo isna socon doona ugu badanaan 3-toddobaad kaasooah awood qaybsiga qabiilada soomaalida iyo xulida xildhibaanada barlamaanka.

Ansixinta dastuurka ayaa waxa uu ku sheegay in inta badan hogaamiyayaasha siyaasada saxiixeen waloo ay ka maqnaayeen qaar yar oo miisaan culus ku leh siyaasada Soomaalida .

15-bishii sebtembar ka dib ayaa shirka waxa uu u gudbay in ay qabiilada Soomaalida beel wal;iba meel isugu tagto soona xusho xubnaha xildhibaanda baarlamaanka ,walow aysan jirin ilaa iyo hadda qabiil soo gudbiyey magacyadii Xubnaha xildhibaanada uga qayb galaya Baarlamaanka ku meel gaarka ah ee Soomaalida oo la filayo in laga dhiso shirkan ka socda Mbagathi,Nairobi,Kenya.

Maanta ayaa la xusay maalintii furitaanka shirka Nbada Soomaalida oo ku beegan 15-bishan Oktober,
Ugu horeyntii waxaa xaflada lagu furay Aayo quraan ah ,ka dibna waxaa xadflaasi ka heesay koox muusiga Soomalida ee Magaalada Nairobi ,iyagoo heesahooda ku muujiyey Ereyo ka hadlaya macnaha nabada iyo qiimaha Dawladnimada .ereyada ayaa ka mid ahaa XILKA waad garateen XALKA maad garataan.
Ka dib halkaasi waxaa ereyo kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha Guddiga hogaamuiyayasha Muddane Mawliid Macaane oo halkaasi ka soo jeediyey taariikhdii uu soo maray shirka isbedeladii kala duwanaa,
Waxaa kaloo halkaasi ka hadley Muddane Shariif Saalax Mxamed Guddoomiyaha Bulshadda Rayidka ee Ergada Soomaalida waxa uu sheegay in hadii shirkan fashilmo aysan iyaga kaliya masuul kia aheyn oo ay kula jiraan IGAD iyo Dawlada safka Hore,Beesha caalamka ,waxaa kaloo halkaa si ka hadley Muddane Jeneraal Maxamed saciid Xirsi Morgan oo ah wakiil ka socda Hogaamiyayaasha siyaasad ee Soomaalida oo haatan ku sugan Mbagath,,waxaa hadaladiisa ka mid ahaa in shirkan uu noqdey kii ugu horeeyey aduunka oo ugu waqti dheeraa ,taariikhdana ay qori doonto,waxaa kaloo uu sheegay in maalintiisdagaalka uu soomaalida dhexdoosda ka bilowday hadana loo baahan yahay in ay iyaga heshiiyaan,dawladaha iyo hayadaha kale ay naga caawiyaan waxii tashiilaaad ah oo shirka looga baahdo.

Waxaa kaloo ahalkaasi ka hadley Guddoomiyaha Baarlamaannka Dawlada KM Muddane Cabdalla Dfeerow Isaaq oo isan sheegay in ay soomalida maanta wada heshiiyeen inta ka maqna ay gacno furan ku soo dhaweynayaan wali ay u baahan yihiin oo laga maarmin ,Qof waliba oo Soomaali ah waan u baahan nahay ,waxaa kaloo Ognahay in Soomaali Maanta Dawlad u baahan tahay.

Muddane Cabdiraxmaan Nuur Mxamed Diinaari wasiirka Ganacsiga Dawlada Ku meel gaarka aha ayaa isna ka hadley Doorka hogaamiyayaasha Soomaalida iyo ergada shirka ka qayb galeysa oo iyga muujiyey shaqo adag iyo tanasulaad badan iyagoo fiirinya dhibaatada ashacabka Soomaaliyeed oo dagaalo Sokeeyo ku soo jiray 13kii sanno ee la soo dhaafey,Muddane Diinaari ayaa Mhadcelin u soo jeediyey Dawlada iyo hayadaha gacan ka geystey shirkan Soomaalida ,Soomaaliya taariikhdeeda lagu xusi doono ,iyagoo muujiyey dadaal dheeri iyo dulqaad fara badan.

Ugu danbeyntii waxaa shirka Soo gabagabeeyey Kaaliyaha Arimaha siyaasada iyo diblomaasiyada ee Guddoomiyaha Guddiga Farsamada IGAD Muddane Jemis Kipoib oo ka hadley wajiyadii shirka uu soo marey iyo in ay dawlada kenya Boqolkiiba 99 ay taagersan yihiin shirkan dib u heshiisiinta Soomaalida ay jecelyihiin marka ay soomaali halkan ka tageysa tagto Soomaliya oo Dawlad leh,waxaa kaloo uu sheegay shirka inta uu socdey ay geeriyoodeen ilaa 5-Ergay oo ka mid Ergada soomaali ee shirka ka qayb galeysa oo ay ku jiren alla u naxariistee Dr.Raajis iyo General Aden Abdulahi Nur Gebyow.

Waxaa kaloo ka hadley in uu guddoomiyaha uu hada ku maqan shir looga hadlayo arimha Soomaalida oo Nairobi ka soco,waxaa kaoo uu ka hadley in 28-bishan IGAD ku kulmidoonaan Magaalada Kambala ee UGANDA,halkaasina Dawlada Kenya ay IGAD kala hadli Doonto Arrimha Soomaaliya.


Dhamaad.

Abdikarin Aden Hussein
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 16, 2003

 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD