SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NABADDA
Socdaalkii Nabadda ee Abwaan Hadraawi, sidee looga soo dhaweeyaay Nederland?

W.D. Maxamed Cali Cibaar,
Delft The Netherlands
Mohamed_Ebar@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Kulan bandhig loogu sameeynayay socdaalkii nabadda ee Abwaan Hadraawi ayaa maalintii Axadda ee ay bisha Oktoobar ahayd 12 ka dhacay qolka shirarka ee uruka SBSS (De Brug) oo ku yaalla bartamaha magaalada Denhaag (The Hague) ee waddanka Nederlaan. Bandhiggaas oo ka koobnaa cajalado muuqaal ah (video), iyo warbixin uu soo jeedinayay Guddoomiyaha Haya’dda INXA mudane C/laahi Xaaji Dayib, waxa ka soo qeyb galay galay dad badan oo Soomaaliyeed. kuwaasoo u badnaa mas’uuliyiin mataleysay jaalliyadaha Soomaalida ee waddanka Nederlaan.

Furitaankii shirka , waxa hadal gaaban oo soo dhoweyn iyo mahadcelinba isugu jiray ka soo jeedisay marwo Faadumo Yaasiin oo mataleeysay Soomaalida ku nool waddanka Nederlaan. Waxayna intaa kadib codbaahiyaha ku soo dhoweysay, mudane C/laahi X. Dayib, oo ay dadku aad u xiiseynayeen warbixintiisa.

Mudane C/laahi ayaa si weyn ugu mahadceliyay sida loogu soo dhoweeyay kulanka. Wuxuu kaloo ka faallooday ujeedada ay ka lahaayeen safarkii guuleeystay ee ay iska kaashadeen ururka Inxa iyo Abwaaniinta Soomaaliyeed. Isagoo sheegay in ujeeddadoodu ay aheyd in ay dadka ugu baaqaan nabad. Intaa kadib mudane C/laahi wuxu dadkii halkaa isugu yimid kula dardaarmay in muuqaalada ay daawan doonaan aysan aheyn kuwo aroosyo ama xaflado laga soo duubay, amaba loogu talo galay madadaalo, balse ay yihiin farriin rasmi ah oo ka jawaabeysa sida ay dadka soomaaliyeed maanta u daneynayaan nabadda ayna ugu baahanyihiin cid arrintaa kala qeyb qaadata.

Intaa kadib waxa billowday bandhigii muuqaalka ahaa. Waxa ugu horeyn indhaha dadku qabteen diyaaradda bilicda san ee Daalo Airlines ee wadday wafdiga uu hoggaaminayay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” oo ka soo dageysa tuulada lambar konton oo 50km u jirta magaalada Muqdisho. Waxaana halkaa wafdiga ku soo dhoweeyay dadweyne fara badan oo ay hor kacayeen Abwaanno iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee INXA. 


Hadraawi

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” oo ka hadlayay kulan lagu soo dhoweeynayay oo aad loo soo abaabulay, magaalada Muqdisho ayaa yiri “ ujeedada safarkayagu waa: walaalayaal aan nabad doonno oo aanay waxba wehlin”. Wuxu sheegay in uusan jeclayn in lagu magacaabo Boqor, “boqoradii waxa haysta waad aragtaan!” Ayuu si kaftan ah u sii raaciyay. Wuxu si aad ah u canaantay dadka isku magacaaba aqoonyahanada oo uu ku eedeeyay iney meeshii ka saareen dadkii ummaddan hoggaanka u ahaa, oo yaqaanay sida loo kala celiyo, oo loo xalliyo arrimaheeda, sida loogu guuriyo, sida loo aaso iwm, Shahaadooyin ayaad la timaadeen oo waxaad tiraahdeen idinku waxba garan meysaan, oo ma idinkaa wax garaya ayuu ku canaantamay Abwaan Hadraawi oo ay ka muuqatay sida uu u dhaliilsanyahay aqoonyahannada Soomaaliyeed oo maanta, ay kaalintoodii bannaantahay.

Wuxu hadana ka hadlay xididada dhibaatooyinka foosha xun ee maanta taagan. “Waa musiibo haddii ay baahidaadu ka badato tacabkaaga”. Ayuu si falsafadeeysan u sheegay. Wuxuna xusay in ay taasi keeni karto in aad dadka dhacdo ood disho haddii loo baahdana aad caruurtaada iibiso.wuxu dadkii dhageysanayay weydiiyay “ Bal ka warrama ninka tacabkiisu yahay eber (meheraddiisu ay hurdo iyo qayilaad tahay) ee raba inuu maalintii 1milyan oo qarash ah galo. Miyeey taasi suuro gashaa?!. Sow natiijadu noqon meyso ummadda boob oo baabi’I !.

Abwaanku wuxu tusaale u soo qaatay Soomaalidii hore oo ku sheegay in ay ahaayeen dad tacabkoodu badanyahay, baahidooduna yartahay. Taasina waxay keeni jirtay ayuu yiri in qofkaasi naftiisa ka sokoow,uu dadka kale wax taro.dhaqaalahan uu saameyn fiican ku yeesho. Martida ayuu wax siin jiray, masaakiinta ayuu wax tari jiray, Laakiin hadaadanba waxba tabcan maxaad waxsiin.

Dadkii hore tacabkoodu wuxuu ahaa 99%. baahidooduna 1%bay aheyd. Laakiin kuwan tacabkoodu waa 1%.baahidooduna waa 99%. Waxaa taa kasii daran, iyagoo ma shaqeystenimadii dulqaad yari ku darsaday.Samri maayaan oo xitaa ma garayaan haddaad caawa gaajooto dadka ha baabi’in ballaayana ha isku ridine beritto sug”. Ayuu yiri abwaan Hadraawi oo tilmaamayay in ma shaqeystenimada iyo baahida aan cilmiyeysneyn ay dhibweyn tahay. “ Waar hadaad gaajootaan iska cadayda, cadayga sirbaa ku jirtee. Oo arrinkaa ila tijaabiya bal inaad gaajootaan”,ayuuna hadalkiisi ku soo gabgabeeyay

Booqashadii Muqdisho kadib, waxay wafdiga socdaalka nabaddu u baqooleen gobolka jubbada hoose oo ay ka soo bilaabeen socdaalkii ay ku mareen ilaa magaalada laascaanood. Wafdigan oo ay Abwaan Hadraawi ku wehlinayeen Abwaaniin kale oo caan ah ayna ka mid ahaayeen; Cabdi muxumed Amiin, Mustafe sh. Cilmi, Sahal Macallin Ciise, Saynab X,Cali (baxasan), Axmadeey C. Gaashaan, maki X.Banaadir,Cabdi dhuux yuusuf iyo kuwo kale. kale waxa iyaguna safarka ku wehliyay madax ka socota hay’adda Inxa oo uu horkacayay guddoomiyahooda C/laahi Xaaji Dayib.

Wafdiga oo magaalooyinka iyo degmooyinkii ay marayeen si weyn loogu soo dhaweeyay. Meelihii ay booqdeen ee filimka laga arkayay waxa ka mid ahaa Muqdisho, Jannaale (sii socodkii) kisamaayo, Jammaame, Balcad, Jowhar, Buulo Burto. Baladweyne, Guriceel, Dhuuso mareeb, Gaalkacyo, Garoowe, Qardho, Boosaaso, iyo Laascaanood.

Iyadoo hadaba waddanka Nederlaan uu yahay, meeshii ugu horreysay ee laga daawado filimkaa marka laga reebo, Soomaaliya iyo Kiinya. Ayaa waxaan isku dayi doonaa haddii alle idmo inaan soo koobo waxyaabihii ugu xiisaha badnaa ee ay reer Nederlaan hadal hayeen.

Baaqa abwaanada

Waxaa daawadeyaasha aad u saameeyay hadalada Abwaanada, oo runtii la dhihi karo, dadka far yar yar iyo mid waayn intaba wax beey ugu qoreen. Ama haddii si kale loo dhigo kor iyo hoosba way ula hadleen.

Abwaan Hadraawi oo la hadlayay dadkii fagaarayaasha soo buuxdhaafinayay qaar ka mid ah ayaa hadaladdiisii waxa ka mid ahaa” wax lays faro waxaa ugu wanaagsan alle ha laga baqo. Waxa naga maqan ee aan raadineyno (nabadda) isaga ayay dhinaciisa jiraan, Ameerika dhinaceeda ma jiraan, yurub dhinaceedana ma jiraan, hay’ado kale dhinacoodana ma jiraan. Ilaah ayay dhinaciisa jiraan, isaga ayaanan ka heleynaaye ee walaalayaal aan dhankiisa u baadi doonno.”

Maki xaaji banaadir : oo ka hadlayay micna darada ay isku haystaan dadka walaalaha, iyo sida aanay marnaba suurto galka u ahayn ineey kala tagaan, ama is liidaan ayaa geeraaradiisii waxa ka mid ahaa ; Suugaa bariis la colloowday!. sakeelaa baaldi saluugay!……!., iyo kuwo kale oo aad uga qosliyay aadna u saameeyay dadkii ay booqanayeen iyo kuwii filimka daawanayay intaba.

Ruwaayaddii Nabad iyo wax baan rabnaa, oo ay ka qeyb qaadanayeen Mustafa SH. Cilmi, Axmadeey C. Gaashaan, iyo qaar kale ayaa iyaduna aad u xiiso badneyd. Ruwaayaddaa dulucdeedu waxay ahayd in loo baahanyahay in marka hore laga shaqeeyo nabadda, kadibna haddii alle idmo uu nin waliba helayo waxa uu rabo. Laakiin haddii la isku dayo in la isku xiro nabad iyo dano gaar ah. Aysan nabadi suuro gal noqon karin.

Abwaan sahal macallin ciise , oo intii uu safarka ku jiray ku qudbadeynayay lahjadda maay-ga .

Ayaa isagoo ka qudbadeynaya degmada Qardho, ay reer qardho aad ugu sacbiyeen. mid dadkii ii dhowaa ka mid ahaa ayaa yiri “oo reer qardho miyay af garteen waa kuwo sacbinayee”. mid aan ka fogeyn ayaa ugu jawaabay “saaxiib dadkani waa dad is leh, oo waa dadkii wada noolaan jiray.wayna is fahmaan haddii ay wanaag doonyihiin”.

Runtii suuro gal ma aha inaan wada sheego hadaladii iyo gabayadii qiimaha lahaa ee ay Abwaanadu dadka wax ugu sheegayeen. Waanan ka cudur daaranayaa arrintaa. Si kastaba ha ahaatee waxay daawadeyaashu ka marqaati kaceen, in ay abwaanadu guteen waaajibkoodii, kaalintoodiina ay ka soo baxeen. Waxayna muujiyeen oo ay bannaanka soo dhigeen in dadku yahay walaalo is jecel. Nabadna diyaar loo yahay.

Soo dhaweyntii shacabka iyo dareenkii daawadeyaasha

Runtii sida xamaasadda leh ee loo soo dhoweynayay wafdigu waa mid ay il aragtay kaliya qiyaasi karto. Tirada dadka ee fagaarayaasha isugu soo baxayay ayaa ahayd wax lama filaan ku noqotay dadkii filimka daawanayay oo aan ka mid ahaa. Bilicsamida ka muuqata deegaanada filimka laga soo duubay, muuqaalka dadka iyo farxadda wajiyadooda ka muuqatay, ayaa sababtay in ay dadku labo labo isula sheekeystaan iyadoo lays weydiinayo su’aalo badan.

Oo maxaa loo lahaa dhulkii waa eber? Dadkaan iyagaaba naga qurux badan? Amaa dadka filimka laga soo duubay ay yihiin dadkii VIP-da (dadkii ladnaa) kaliya? dhulkeennu sow dalxiis kuma habboona ? waa dhul dad waayay iwm ayay dadku si hoose ugu sheekeysanayeen. Waxa sidoo kale filimka ka muuqatay daryeel la’aanta soo wajahday adeegyadii guud sida jidadka imw.

“Waxaan hubaa in dadka soomaalidu ay ka badanyihiin inta lagu sheego” ayuu yiri nin oday ah oo iga horeeyay aadna ula yaabay dadka fagaarayaasha isugu soo baxaya tiradooda. “Waliba waa wada dhallinyaro” ayuu saaxiibkiis ugu daray “Waa ilaah mahaddii haddii ay dadkeennu u badanyihiin dhallinyaro soo koreysa. Waxaa la sheegaa in wadankan Nederlaan muddo aan fogeyn dadka ku nool ay 50% da’doodu ka weynaan doonto 60 sano”, ayaan anna u daba dhigay.

Dadka filimka daawanayay oo ahaa dad inta badan is yaqaanay, ayaa meel walba oo uu wafdigu marayo aad maqleeysay iyadoo la leeyahay, waa magaaladii hebel l… hebeloow kaalay, horay soo mar, yaad dadkaa ka taqaan? iwm. Waxaa taa barbar socotay qiimeyn ay dadku qiimeynayeen qaabka ay magaalooyinki wax u soo dhaweynayeen, bilicda magaalada iyo dadka ku nool iyo waxyaabo kale. Magaalo hebel way dhisantay. Magaaladani waa barwaaqo. Ayay inta badan hadal hayeen. Intii aan maqlayay magaalooyinka iyo degmooyinka ay dadku aad ula dhacsanaayeen waxaa ka mid ahaa jammaame, Balcad, Guri ceel iyo Qardho oo la dhihi oo karo waxay ahaayeen degmooyinka sida fiican isku abaabulay. Sidoo kale magaalooyinka waaweyn Baladweyne iyo Boosaaso ayay dadku hadal hayeen ineey ahaayeen horyaaladii soo dhoweynta ee socdaalkii nabadda. Halka magaalada Gaalkacyo ay dadku dhaliishanaayeen kala qeybsanaanteeda iyo in ay dadka degaankaas ku nooli awoodi waayeen in wafdigii socdaalka nabadda hal goob ku qaabilaan. Inkastoo dadka labada dhinac ee magaalada isugu soo baxay ay aad u fara badnaayeen, wafdigana si xamaasad leh u soo dhaweeyeen.

Beerlula iyo Baladweyne

Magaalada Baladweyne waa hooygii Gabadhii Beerlula, ee uu abwaan hadraawi u tiriyay heestii caan baxday ee uu ugu duceynayay Beerlula, iyo Baladweyne ( Baladweyn allahayoow ka dhig xero barwaaqaad, Beerlula allahayoow Balaayada hareer mari). waxay dadka reer Balad-weyne aamin sanyihiin in ducadii Abwaan Hadraawi uu ilaah u aqbalay. Taasna waxay daliil uga dhigaan khudaarta aan dhulkaas hore uga bixi jirin, sida Basasha, qaraha, cambaha, babaayga, canabka, muuska iyo kuwo kale,oo waqtigan xaadirka ah, qaar ka mid ah loo dhoofiyo, gobolada dalka, iyo waliba kilinka shanaad ee is maamulka Ethiopia. Taasina waxay keentay in reer baladweyne ay kalkaceyl u qaadaan Abwaan hadraawi, oo si aan caadi ahayn looga qaddariyo guud ahaan gobolka hiiraan. Iyagoo u sameeyay halkudhig ah “Hiiraan iyo Hadraawi lam kala xigo”. Arrintaas ayaana la dhihi karaa waa tan sababtay in ay reer beledweyne wafdiga u soo dhoweeyaan si ka fajicisay dadkii filimka daawanayay. Waxaa waddada hareeraheeda tubnaa kumanaan dad ah oo rabay bal in ay mar uun arkaan Abwaanka u duceeyay.. Dhanka kale dadka filimka daawanayay ayaa iyaguna aad u jeclaa in ay arkaan buundada caanka ah ee uu abwaan Hadraawi ku magacaabay Buundada cayaarta, oo ah bartii ay ku kulmeen Beerlula iyo abwaan Hadaraawi. Iyagoo sidoo kale jeclaan lahaa, ineey dadka nabadda u soo bannaan baxay ay Beerlula uag dhex muuqato. Wajigeedana ay u bartaan sida ay kan abwaan Hadraawi u yaqaanaan.

Waxaa isugu soo baxay fagaarha xarunta gobolka Hiiraan dad aan ka yareeyn illaa 10kun. Oo buux dhaafiyay bannaankii weynaa. Waxayna dadku sidii koronkortii ugu dul tubnaayeen geedaha baarta ah ee goobtaas ku wareegsanaa.

Abwaan Cabdi Muxumad Amiin oo ka mahad celinayay, sida weyn ee loo soo dhoweeyay wuxu sheegay inuu gabay u diray abwaan Hadraawi oo uu kuga codsanayo abwaan hadraawi, inuu soo booqdo ummadiisii uu jeclaa isagana jecleyd, isagoo markan soomaalida oo dhan ku tilmaamaya ineey tahay Beerlula ayuuna Cabdi muxumed Amiin saaxiibkii Hadraawi ku yiri “ bi’i waa Hadraawoow Jaceeylkaagi Beerlula inaad booqataa……….”. intaa kadib ayuu Hadraawi yiri “ waar igee Baladweyne!”. Wuxuna go’aansaday inuu cagta soo mariyo Soomaaliya oo dhan intii uu karo.

Isku soo duuboo magaalada beledweyne waxay daawadayaashu u arkayeen in ay ahayd magaaladii uu ka dhacay isku soo bixitaankii ugu weynaa intii uu socdaalkii nabadda.

Barnaamijyadii Boosaaso,

Magaalada Boosaaso ayaa iyadana dadkii filimka daawanayay ay aad ula dhacsanaayeen qaabka abaabulkooda oo hubanti la dhihi karo waa maagaladii ugu nidaamka fiicneeyd. Ka qaybqaadashadii ururada ardayda, bandhigii fannaaniinta magaalada, iyo aqoon is waydaarsigii ka dhacay jaamacadda Geeska Africa ( East african University ) ee magaalada Boosaaso, iyo waliba isku soo bixii aan ka dhicin kii Baladweyne ( iyadoo waliba ay qoraxdu aad u kulushaahay) ayaa ah kuwo ay magaalada Boosaaso, baro ku dheereysay magaalooyinkii kale wafdiga nabaddu soo mareen, waa sideey dadku wax u qiimeynayeene.

Gabogabo

Gabagabdii waxay dadkii daawashadaa ka soo qeyb galay aad ugu faraxsanaayeen bandhiggii socdaalka nabadda ee abwaan Hadraawi. Waxayna mudane C/laahi Xaaji Dayib, asxaabtiisa kale ee ururka Inxa iyo abwaaniinta soomaaliyeedba uga mahadceliyeen, howsha taariikhiga ah ee ay ummaddooda u qabteen. Waxaana isla habeennimadii Axadda ee ay taariikhdu aheyd 12ka Okt. Casho sharaf loogu sameeyay mudane C/laahi makhaayadda xamar Cadde ee magaalada Denhaag. Cashadaas oo uu soo qabanqaabiyay uruka Soneca ( Radio Dalmar), ayaa looga hadlay sidii ay Soomaalida qurbo joogta ah gaar ahaan reer Nederlaan ay gacan uga geysan lahaayeen nabadeynta iyo dib u dhiskii waddanka. Waxaa sidoo kale looga wada hadlay wada shaqeyn dhex marta ururka Inxa iyo ururada soomalida Nederlaan. Wuxuuna kulankaasi ku dhamaaday jawi aad u qurux badan. Iyadoo arrimo badan sidii laysaga kaashan lahaana leysku waafaqay.

Afeef; warbixintan waxaan ka diyaariyay cajaladihii muuqaalka ahaa ee socdaalkii nabadda, iyo dareenkii dadkii ka soo qeyb galay bandhiggii socdaalkaas ee axaddii 12ok.2003 lagu sameeyay Nederlaan. Filimka meelihii ugu muhiimsanaa ayaa nalaga tusay maadaama uu aad u dheeraa. Sidaas daraadeed warbixintani waxay ku saleysantahay wixii aan arkay.iyo wixii aan maqlay oo aydhici karto ineey dhinacyada qaar qabyo ka noqdaan. Waxaan hadaba aqristeyaasha ka codsanayaa, in wixii dhaliil iyo tusaaleyn ah leygu soo hagaajiyo cinwaanka hoose.

W.D. Maxamed Cali Cibaar, Delft The Netherlands Mohamed_Ebar@hotmail.com

Af-qalaad Aqoontu Miyaa?

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 16, 2003

 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]