SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DUBAI
Madaxweynaha Cusub oo Booqday Qadar, Jordan iyo Imaaraadka Carabta

ingiriisMaxamed Xaaji [Ingiriis]


ingiriis@yahoo.com


Dubai, UAE

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Gaaladiid Axmed Darmaan [Abdi-Nur] oo dhowaan Xisbiga Midnimada Jamhuurigu ay u doorteen Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqasho maalmahaan ku gaalaa-bixinaayey wadammada Qadar, Jordan iyo Imaaraadka Carabta.

Dhinaca Imaaraadka Carabta Madaxweynuhu wuxuu kula shiray Taliyeyaasha ciidammada waddankaas iyo madax kale, waxaana uu kala hadlay arrimo ku saabsan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen wax ka qabashada dhibaatada Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu tabarucaad dhinaca daaweynta ah u fidiyey bukaan Soomaaliyeed oo xaaladdoodu ay halis ahayd oo gaaraya 50 qofood, bukaankaas oo qabay cudurro halis ah, qaarkoodna ay dhinac dhan qalalnaayeen, qaar kalena ay xabbado ka buuxeen ayaa hadda lala tacaalayaa.

Bukaankani waxay hadda ku jiraan isbitaallo kala duwan oo ku kala yaalla waddanka Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay ku qaadanayaan daaweyn, kaddib markii badi lagu sameeyey qalliin aad u wanaagsan.

Howsha lagu badbaadinayo bukaankan ayaa ah mid aan horey loo qaban, waana markii ugu horreysay ee hoggaamiye Soomaaliyeed uu dad ku waxyeelloobay dagaalka sokeeye gacan ku siiyo taakuleyn daawo oo kharash fara badan lagu bixinaayo.

President Gaaladiid Darmaan wuxuu kaloo la shiray ganacsatada Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay magaalada Dubai, kuwaasoo ku ammaanay dadka bukaanka ah ee uu daaweynta u fidiyey.

Madaxweynaha waxaa la filayaa in marka uu safaraddan soo dhammeysto uu dib ugu noqdo caasimadda Muqdisho.

Maxamed Xaaji [Ingiriis]
ingiriis@yahoo.com
Dubai, UAE

 QORAALADII HORE EE Maxamed "INGIRIIS"

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 16, 2003  
 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD