SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
NAGA DAAYA QORAALADDA NOOCAN AH!!!

Mohamed-Deeq Abdi-madar “Haldhaa”
Qoraa iyo Saxafi, Sweden, Borlänge
haldhaa35@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Run ahaantii waxaa waayahan danbe aad u soo batay in qoraallo fara badan la diyaariyo oo weliba internet-ka lagu faafiyo. Taasina marka loo eege xilliyadii hore ee uun hadalka wax laysugu gudbin jirya, waa wax fiican oo waxaa batay qoraalkii iyo akhriskii, laakiin nimco waliba nusqaantooda lehee, qoraaladdii batay ee internet-ka lagu faafinayay waxay keeneen ceeb iyo inay nacayb sii kordhiyaan, qoraal kastaana maahan ee waa uun qayb ka mida.

Waxaa xaqiiqo ah in aynaan weli u bislaan hannaanka iyo asluubka wax loo qoro ama loo gudbiyo fikradaha ama fikrad kale oo naqdiyo. Waxaynaan weli gaarin in aannu aragni fikradda lafteeda oo iyada uun abbaarno, oo aaynaan ruuxa fikradda leg eegin.

Waxa wax inoo tarayna waa fikradda fiican ee ruuxa iska leh dan inaan ka galno maba habboona. Haddii ay fikraddu xuntahayna waxa wax inoo dhimayaa waa fikradda xun ee ruuxeeda iyana in aannu dan ka galno maahan. Sababtoo ah haddii aynaan ku ekaan fikradda oo qura ama aragtida oo qura, waxaynu ka lumaynaa waddadii difaacidda argtida iyo gudbinta aragtida. Waxaana khalkaas ka dhalan kara 2 dhibaato:-

1. In shaqsigii la weeraro oo dhib cay iyo aflagaaddo loo gaysto ama wax uusan ahayn lagu sheego. Taasina waxay keenaysaa inuu qofkii isna isdifaaco oo intii loo gaystay ama in ka badan uu gaysto, halkaasna uu khilaaf, colaad, nacayb iyo muran xun uu ka billoowdo, waxaan danbi iyo dhibaato ayanna uusan ka soo bixin.

2. In fikraddii ay halkaas ku lunto, oo laguba hilmaamo, sababtoo ah meeshii iyada laga doodi lahaa waxaa xooggii, caqligii, cilimigii iyo waqtigiiba lagu lumiyay shaqsiyad weerar iyo shaqsiyada difaac, halkaasna waxaa iyana ka imaanaya labo kharaase oo kala ah:-

. Fikraddii fiicnayd oo la lumiyo oo halkaasba laga qaadi waayo, dayac xoog lehna uu yimaado, ruux kastoo fikrad fiican keeni lahaana uu lafaihiisa la baqdo.

. Fikraddii xumayd oo faafta, sababtoo ah wixii looga hortagi lahaa ee caqli, xoog iyo aqoonba ah waxaa lagu lumiyay shaqsi weerar iyo shaqsi difaac.

Haddaba si looga fogaado khasaarahaas aan kor ku soo sheegay waa ina aynnu isku mashquulinno fikradda oo qura ee aynaan qofka fikraddaas leh isku mashquulin.

Haddii aan u soo daadago sababtii qoraanka igu kalliftay waxaan akhriyay maqaal uu soo qoray Ibraahin Yuusuf oo uu kaga hadlayay ilbaxnimada iyo heerka ay soomaalidu ka joogto. Dhab ahaantii Saaxiibkay Ibraahin wuxuu soo bandhigay dood macquul ah oo muujinaysay sida aannu u hoosayno. Waxaana filayaa inay ka ayahd uun guubaabin iyo wanaag uu la jecelyahay dadkiisa soomaaliyeed.

Way jirtaa inuu meelo ku khaldamay sida erayga ah ”Diintu waa hadal, hadalna waa margi oo waa sidii loo qaato” Laakiin waxaa is waydiin mudan, ma sida aan u fahmay buu ula jeeday oo ah xagga fahamka fiqiga oo lagu kala duwanyahay, mise anigaan u jeedadiisa fahmin oo wax kaluu ka waday?. Labaduba way dhici karaan. Waxaase xaqiiqo ah wixii uu ka hadlay inuu aqoon u lahaa xagga diinta iyo tan kalaba. Waxaana fiican in isaga Ibraahin ahaan uu mar labaad ku soo celiyo wuxuu ugala jeeday ”Diintu waa hadal, hadalna waa margi oo waa sidii loo qaato”

Haddaan dhanka kale u jeedsadana saaxiibkay Cabdulwaaxid Khaliif ma aanan jeclaysan sida uu ugu jawaabay Ibraahin Yuusuf, sababtoo ah wuxuu awoodi karay inuu kala doodo isagoon caayin oo aan waxba u dhimin shaqsiyadda Ibraahin, laakiin ma aysan dhicin, isagiina ma badbaadin oo waxaa iska ku gafay oo shaqsiyaddiisa aad iyo aad u waxyeelleeyay saaxiibkay Saleebaan Maxamuud. Taasina waa dhibkii aan kaga hadlay billoowga maqaalkayga.

Haddaba si aannu dooddii u sii wadno anagoon cidna wax yeelayn ruux kastoow aragtidaad oo soo gudbiso, taasina waa inoo guul iyo horu-mara xagga ilbaxnimada ah, waxaannuna ka faa’iidaysanaynaa caqliyadeenna kala duwan iyo cilmiyadeenna kala duwan.

Anigoo hadalkii badiyay oo bi’iyayna waxaan ku soo gababagaynayaa maahmaahda soomaaliyeed ee ha:-

“Aflagaado nabadna way kaa gaysaa, colaadna waxba kaagama tarto”.

Mohamed-Deeq Abdi-madar “Haldhaa”
Qoraa iyo Saxafi, Sweden, Borlänge
haldhaa35@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE HALDHAA

Afeef: Fikradda qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2003  
 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]