SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
HADAAQA AJIGA: “CAADO LAGOOYAA CARO ALLEY LEEDAHAY”!

C/rahman Eelay eediran@yahoo.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Magaalada Laasa Dawaco waxay kutaal meel magaaalda Boosaaso aan sidaa uga fogeeyn. Waxaa ka dhacday sanadkii 1999 qiso cajiib ah oo markaa dadka degaanku ama Reer  Boosaaso ay u arkayeen arrin aad u wanaagsan oo ah in ay xaqa iyo sharafta uu leeyahay Ajigu difaaceen. Qisadani dadka deegankaas degeni uma aysan arkeen dulmi waxayna qisadu u dhacaday sidatan:

Waxaa iyagoo Galbeed jooga (Dirirdhabe) isjeclaaday gabadh u dhalatay qowmiyaga Ogaadeenka ah iyo Wiil u dhashay dadka Ajigu quudhsado oo Madhibaan ah. Si aad ah ayay isu jeclaayeen taasoo ay goosteen in aysan Keliga 5-aad ka suura geli karin inay isku guursadaan. Waxay go’aan ku gaadheen inay cararaan oo isla aadaan Boosaaso oo halkaa isku guursadaan.

Iyagoo baqo carar ah ayay waxay soo gaareen meel lagu magacaabo Laasa Dawaco halkaasoo ay u tageen nin wadaad ah kana dalbadeen in uu isu xalaaleeyo. Shiikhii iyo labadii is jeclaa baa doodi dhex martay.

Shiikhii: Sow labadiinuba muslim ma tihiin?

Wiil/Gabadhii: Haa shiikhow

Gabadhu waxay ahayd mid aad u qurux badan oon indhaha laga qaadi karin!

Shiikhii: Naa ninku waa qolama?

Gabadhii: Si geesinimo ku jirto waxay u tidhi Shiikh ninku waa Madhibaan

Shiikhii: Isagoo yara naxsan; Adiguna yaad tahay?

Gabadhii: Ogaadeen Shiikhow

Shiikhii: ALLA MA LA BA’AY! Isagoo naxsan oo jiriirico ku jajabtay hadalkana hashkadeeynaya buu yidhi haddiiba xaal aduun halkaa marayo isku kiin meherin mayo!

Arrintii baa dibada u baxaday waxaana warkii gaadhay magaaladii oo dhan. Magaaladii oo dhan baa soo qalab qaadatay sidii col ay ku duulayaan, waxaa go’aan lagu gaadhay in naagtan guruxda badan ee DHASHII DAAROOD AH AYSAN SINA XALAAL U AHAYN IN LAGU MEHERIYO NINKA MADHIBAANKA AH. WAXAA LA YIDHI MEHERBA UMA QABTO EE WAXKALUU ARKI HADUUSAN TOOBAD KEENIN!

Waxaa dhawaaqay nin wadaad ah oo la yiraahdo C/llahi Aw Nur. Wuxuu wacdiyey dadkii una sheegay waxay sameynayaa inay tahay Alle ka fogaad iyo Dulmi. Wuxuu xusuusiyey in laban qofi isjecel yihiin martina yihiin Muslimiina yihiin. Wuxuu xusuusiyey in Islaamku uusan qabin waxan ay Madaxya Weynta iyo Shiikhyada magaaladaasi ka shaqeynayaan ee ay isku raaceen. Nasiib darro isagiina geeskaa la geliyey oo la handadey, warkiisana dheg jalaq looma siin!

Xanaaq, Catow iyo Habaar buu wadaadkii meel la fariistay: “Laasa Dawacooy roob la’aan Alle ku bad! Laasa Dawacooy dadkaaga Alle uma naxariisto”!! Wadaadkan wanaagsan ee xaqa siday tahay u sheegay kuna dhiiraday inuu ka hortago dulmigan soo jireenka ah 3 bilood ka dib markii qisadani dhacday ayuu geeriyooday (Allow U Naxariiso).

Ninkii Madhibaanka ahaa ee gabadha jeclaa una soo maray rafaad safar iyo mid nafsiyaba leh waa laga qaaday gabadhii waxaana qasab ku guursaday gabadhii nin degan deegaankaas isgoo leh: “ NAAGI TOL MA LEH! MA MAANTEY MIDGAAN NOO SOO XERO GELISAY! NAA SOO DHAQAAQ ANAGAA KUU TOL AHE ILEYN OGAADEEN WEYNE CARRIGA KAMA DHOWEE”!

NAA I HORGAL XATAA HADDII MEHER KUGU DHICI LAHAA WAXBA KA MA JIREENE! SAA HORAA LOO YIDHI CAADO LA GOOYAA CARO ALLEY LEEDAHAYE! WADAAD XUMENA WAXBA WEYDIIN MEYNO! SOCO! SOCO!

Laga soo weriyey Farax Ali Abdi

C/rahman Eelay eediran@yahoo.com

Afeef: Fikradda qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2003  

QORAALADII HORE EE EELAY
 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]