SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - YURUB

Maxaad wadaagtaan nabadda?.

U hagarbax safarka nabadda Hadraawi ee Yurub.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Ururka Isbahaysiga Ummadda Soomaaliyeed iyo Somali PEN ee Iswiidhan waxa ay sii ambaqaadayaan safarka nabadda ee abwaan Maxamed Ibrahim Warsame ”Hadraawi” uu ka sameeyey dalka Sooomaaliya. Markana waxa uu ka sii ambaqaadayaa soomaalida qurbaha Yurub iyo waqooyiga Ameerika.

Erayga nabad waa erayada af-soomaaliga ugu faca weyn, uguna adeegsiga badan. Waxa ugu horreeya ee laba qof isweydiiso markay kulmaan waa odhaahda,” Nabad ma sheegtay?”. Waana salaanta af-soomaaliga ee ugu caansan.

Tani waxa ay ina tusaysaa in nabaddu ay weligeed ahayd wax taagan, welwel joogta ahna ku haya dadka soomaaliyeed. Waxaa soomaalidu soo martay xilliyo nabaddarra ah oo uu ka mid yahay samanka la magac baxay, ”Xaaraama cune” iyadoo xilliga ay hadda ku jirtaa uu yahay kaasoo ah kud kabo loo tolay. Maadaama nabadu ay weligeed ahayd lafdhabarta aayaha dadweynaha, haddana laguma guulaysan in sees adag loo dhigo nabadda, taasina waa in ay ahaataa hurguma miirantay oo culaysinaysa damiirka waxgaradka iyo masuuliyiinta soomaalida.

Abwaan Hadraawi wax uu safarkii nabadda ee uu dhowaan Soomaaliya ku soo maray ku yiri ama halhays u ahaa:

“ Ujeedada safarkayagu waa,walaalayaal aan nabad doonno, oo aanay waxba wehlin”. Wuxu sheegay in uusan jeclayn in lagu magacaabo Boqor, waxuuna raaciyey, “boqoradii waxa haysta waad aragtaan!”. Boqoraddaasna waxa uu ula jeedaai wa NABADDA.

Annagu taas ayaan sii wadaynaa, waxaana suurta gelinay in aan Hadraawi Yurub keeno, safarkiina biloowno. Inta kale waxaan leenahay “Haday taal iyo haday tubantahay waa tolla`ay oo looma kala tago”.

Annagu waxaan baaq u diraynaa Soomaalida qurbaha oo dhan, ururada, ganacsatada, qalinlayda, ragga hal-abuurka, fannaaniinta iyo dhammaan xirfadlayda kale. Dhamaana waxaan ugu baaqaynaa, aan biloowno dhaqdhaqaaq nabadeed oo xasiliya nabaddarradda xasili la’ ee dhoowr iyo toban sanno jirsatay ee Soomaaliya. Abwaanka Maxamed Ibrahim “Hadraawi” dhaqdhaqaaqan ayuu bud-dhige iyo astaan u yahay.

Waxaanu ku tala jirnaa in safarkani tago dhammaan Yurub iyo waqooyiga Ameerika. Taasina adiga(qofka Soomaaliyeed ee damiirkiisa iyo soomaalinimadu gubayso) ayey kugu xiran tahay. Sida aad masuul isaga saarto ama aad damiirkaaga u daryeeshid, sidii qooleeydii tidhi, “biyo afkayga aan ku qaado ayaan ku bakhtiinayaa kayn holceysa, haddiise kayntu bakhtiiyi weydo damiirkayga ayaa sidaa ku caafimaadaya, waayo waxba lama harin”.

Hadraawi waxa uu imaanyaa Stockholm 25 oktoobar, waxii wakhtigan ka danbeeya waxaa suurta gal ah in uu booqdo dalalka kale haddii la helo cid abbaabusha safarkiisa iyo maalgelinta looga fadhiyo soomaalida qurbaha.

Waxaanu si gaar ah u dhiiri gelinaynaa shirkaddaha soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan suurta gelinta safarkan nabaddeed ee Maxamed Ibrahim “Hadraawi”.

Waxii fahfaahin ah fadlan la soo xiriir.Daladda Isbahaysiga Soomaaliyeed(SRFS) ama Somali PEN srfs@telia.com  ama awad_hersi@spray.se

Yacqub Aaden Cabdi 46 73 626 74 92

Cawad C/raxmaan Xirsi 46 73 938 33 41

Abdi-Mahdi Axmed Warsame 46 73 989 52 24

Afeef: Fikradda qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 20, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD