SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
AJIYOW IS DABA QABO: QABIIL WAA QAABIIL!!

C/rahman Eelay eediran@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Waxaan shaki ku jirin in ay Soomaalidu isu aragto in lagu tiriyo dadka adduunka ugu maskaxda badan. Waxaase la yaab leh in dadyowga kale ay Soomaalida u yaqaaniin in ay yihiin dadka sida xun uga faaiideysta caqligooda oo isticmaala waxyaabaha xuxun ee keena baabaa’ iyo kala taga. Dadyowga aduunka ku nooli ee maskaxdoodu shaqeysaa waxay ka faaiideystaan khaladkii ay kol hore galeen sidii ay u sixi lahaayeen oo aysan dib danbe ugu noqon khaladkaa. Soomaalida waxaa u caada ah in ay ilaa iyo jiritaankoodii ay qabiil qabiil isku dili jireen. Ma ka yaabtay sida qabiilka ay magic ahaan isugu dhow yihiin ninkii nin dila dunida kii ugu horeeyey ee la oran jirey QAABIIL! Bal waayaabe maxaa laga wadaa micne ahaan QABIIL. Asal ahaan xaguu ka yimid ereygani?

Waxaa kaloo Soomaalida u caada ah in aysan weligood ka xaajoon takoorka iyo xaqiraada ay ku hayaan walaalahooda ay ku magacaabeen MADHIBAANKA IWM. Waxaa caado ah in jiilba jiilka kale uu ka dhaxlo oo ay caadadaasi soo jireen tahay ilaa iyo hadda oon joogno 2003 oo ay tahay mid aan dhiman. Waa waxyaabaha ugu badan ee AJIGA laga xisaabinayo, cuqubaduna ay wadankeena ilaa iyo maanta ugu habsatay. Waa caado xun oo aysan ka hadli Karin CULUMO, CAAMO, ODAY DHAQAMEED, AQOONYAHAN iwm oo aan lagaraneyn waxa ay ka baqayaan!

Qabiilku waa waxa keliya ee Soomaalida dhiigeeda dhaqaajiya. Diin iyo Wadaniyadu wax weyn oo ku fog soomaalida maaha. Waxaa laga sheegaa dagaaladii sokeeye iyadoo Kaaba Qabiilku uu soo xirto DIRIC, GARBASAAR IYO GANBO oo uu dhex ordo dadka dhexdiisa isagoo leh WAANU GUMOWNAY, GABDHAHAYAGU GUUR MA LEH. MIDGAANU NAHAY. MA ANIGOO REER HEBEL ODAY U AH BAA MAANTA GANBO XIDHAY. MA WAXAANU NOQONAY LOOMA NAXAAN LOOMA OOYAAN. MA ANAGAA…….!!!

Ka dibna dhalinyaradii kici weyday baa markaa is abaabusha oo xamaasadi gashaa. Waa waxa ugu weyn oo dhalinyarada lagu dagaal gelin jirey, qofkii Alle ka cabsi iyo waano ula yimaadana xabadaa la raaciyaa.

 

Waxaan hoos ku soo gudbinayaa tix hees ah iyo murti kale oo runtii qofkii caqli lihi uu ku ogaan karo waxa qabiilku yahay. Sawirku waa abwaankii Caanka ahaa ee C/Qaadir Xirsi Yamyam oo hees qiiro iyo murugo leh kal hore ka jeediyey shirka DOOFAARADA uga socda XERADA MBAGATHI.

ADUUNOW BA’! Abwaan maadeynaya, Wadaad qiireysan, Siyaasi fikir wacan, Waxgarad xikmad leh, Aqoonyahan fiiro dheer, Hooyooyin ooyaya, Naftiihure naafa ah iyo cid walboo daneynasa inay Qaranimadii Soomaaliya soo laabato ayaa maalkii, moodkii iyo naftii kaga dhamaaday sidii shirku u najixi lahaa. Laakiin waxaa is weydiin leh-

DOONFAAR DAMIIR MA LEEYAHAY? YAASE KA DARAN: SHICIBKA!

SHICIBKU WAA NEEF BAKHTIYEY, DAGAAL OOGAYAASHUNA(SHAR AJI) WAA DIRXIGII CUNAYEY EE FADHANAYEY!

Fadlan bal ila eega sida uu abwaanku u sharxay qabiilka iyo dhibaatadiisa.

QABIIL WAA QAB IYO IIL:

Dhibaatada maanta Soomaalida heysata asalkeedu waxaa uu ka soo jeedaa Qabiil .

Qabiilka markaan micnihiisa furfurno waxaan u kala qaadaynaa labada erey ee kala ah: QAB iyo IIL.

Qabku waa (kibir) Iilkuna waa (Qabri). Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa: "Nimaan kibir jabin Maroodi ma jebiyo". Waa run kibirkii baan ku jabnav kuna burburnay.

Mar kale, Qabiilka haddaan micneyno waxaa uu noqonayaa, Mishiin xiran oo furihiisuna waxaa weeye "Jabhad".

Jabhaday maxaad tahay? waa `'Jab iyo Had". Jab waa qof jabey hadna waa dhimasho ( Hediisaa gashay).

Qabiiika iyo furihiisu waxay ka koobmaan, 12-kaa xaraf ood marka la isku hoos qorona u qormaya sidatan:

"QAB" "HED'

"JAB" "IIL"

Halkaa waxaa ka soo bexaya micne aan garan karno oo ah (Kibir baa jabiyey, heddiisii baa gashay wuuna dhintay).

Micne kale oo ay heesta hoos ku qorani inoo sheegayso ayaa ah, in qabiilku magaciisu asal ahaan ka soo jeedo, magacii "Qaabiil" taasna waxaan kaga bogan doonaa heestan aan halkan bayd ka soo qabsaney.

Qabiil waa "QAB " iyo `'IIL "

  • Waana magicii Qaabiil
  • Qof qof dila aduunyada
  • Kow weeye Qabiil
  • Qabriga iyo xabaashiyo
  • sida iilka loo qodo
  • Quraab iyo Tukaa baray
  • Qabiil markuu baxay
  • Kama tegin wax qaali ah
  • Qaladkii uu galey iyo
  • Danbigiisa oo qura
  • Dhulkoo qaadi waayaa
  • Naadshay dhaxalkii qabill
  • Qori tuurad baa dhacay
  • Tartankii qaraaraa
  • “QAB" "llL"baa ku soo baxay
  • Qolo waliba qaybtay
  • Heshay farax bay ku qaateen
  • Dhiillada qaraar iyo
  • Qurunkey wadaageen
  • Falkii ay qabteen baa
  • Qori iyo rasaas dhalay
  • Geedkii Aadan qoonsaday
  • Mid ka sii qaraar iyo
  • Qaad baa haddana baxay
  • "QAB"iyo "llL"qori sitaa cunay
  • Dareenkaa qabsaday meel
  • Dab intuu qabsaday gubey
  • Waxaa xigey qabruu galay
  • Ama dhawr qof buu dilay
  • Maantoo khamiisana
  • Toogashuu ku qoran yahay
  • Haanyahay qaboy qoor yar
  • Adoo qaran laguu dhaansho
  • Haddii aad qabiil mudatay
  • Geel jire ku qooraansay
  • Qooraha ku saarsaaryey
  • Labo qaalin kula buubtay
  • Labo qaar u kal go'

Waxaan hestaa ka soo qaatay Joornaalka Wacyi May, 2003 Nairobi

C/rahman Eelay eediran@yahoo.com 

Afeef: Fikradda qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 23, 2003  

QORAALADII HORE EE EELAY
 

FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]