|
Dagaalkii Sacfaraanka
Erayga Kaashmiir macnihiisu wuxuu noqonayaa
Dhulkii Sacfaraanka.
- Mowduuc Muhiima oo ka hadlaya Taariikhda Kashmiir
Waa Wilaayad State ku taal Saqafka sare ee
caalamka ama dunida korkeeda . Dhulka waxaa ku goglan doog gees illaa gees .
Waxaa dhex mara Webiyo, waxay leedahay kaymo iyo dhir u gaar ah oo aad ugu yar
dunida inteeda kale. Kaashmiir waxay caan ku tahay Buuro aad u dhaadheer oo ah
silsilad oo ku wareegsan dushoodana waxaa markasta ku sugan daruuro ama baraf.
Buurahaas guntooda waxaa ka soo burqada dur durro aan goin. Dhagxaanta buuraha
iyo hawada Kaashmiir guud ahaan waxay u carfaan sida geedka Sacfaraanka .
waxaana lagu tilmaamaa meesha adduunka ugu qurux badan. Heer ay
Juqraafiyahannadu yidhaahdeen tani waa jannadii Alleh ee dhulka. Laakiin
Muslimiinta reer Kaashmiir marna kuma negaanin nabadgelyo. Jannadiina waxay isu
beddeshay Jaxiima. Marar badan bay cadawga Hinduugu ku duqeeyeen
diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaan Miiraajka muslimiinta reer Kaashmiir.
Pakistan oo iyadu saamayn weyn ku leh arrinta
Kaashmiir may lahayn awood sidaa u badan oo ay ku difaacdo Kaashmiir ka hor
intaanay samaysan Gantaalaha Nukliyeerka ee meesha fog wax ka dila.
Pakistan iyo India markay xornimada ka qaateen
gumaysigii Ingiriiska sannadkii 1947kii waxaa bilaabmay colaad soo jireen ah oo
ka dhaxaysay labadaas waddan.
Pakistan oo ah waddanka ugu xoog badan
dhammaan waddamada Islaamka xagga Milleteriga iyo India oo iyana ah wadanka
labaad ee ugu xoog badan xagga Milletetriga dhammaan dunida seddexaad marka
laga reebo Shiinaha oo kaalinta koowaad kujira . labadaas waddan ee cududda
intaas leeg leh ayaa marar badan iskaga horyimid gacan ku haynta dhulka
Sacfaraanka .
Pakistan waxay ku guuldarrysatay xoreynta
Kaashmiir seddex dagaal oo aad loogu hoobtay khasaarahoodiina aan marna la
illaawi Karin kuwaas oo kala dhacay sannadadii 1948, 1965, 1971. Dagaalkii ugu
xumaana wuxuu dhacay 1971kii kaasoo ay Pakistan ku weyday qayb dhulkeedii ka
mid ah. Bariga Pakistan ayaa intay goeen noqday waddanka manta loo yaqaan
Bangaledhesh.
Xaaladduna waxay gaadhay heer ay labada waddan
isu samaystaan hubka Nukliyeerka oo ay immika diyaarsadeen . Pakistan waa
waddankii ugu horreeyey ee Islaam ah ee si fiican u dhammaystira gantaalaha
Nukliyeerka .waxayna ku biirtay ururka waddamada iska leh awoodda Nukliyeerka .
waxaana la diiwaan geliyey bishii may 1998kii , markay si kedis ah oo yaab leh
ay hawada sare ugu tijaabisay gantaalaheeda Nukliyeerka.
Adduunyadu markay indhaha ku kala qaadday
dhacdadaas taariikhiga. Raiisal wasaarihii hore Mr, Nawaz Sheriff ayaa ka baqay
hanjabaad kaga timaadda beesha caalamka. Markaasaa wasiirkiisii arrimaha
debadda Mr, Sartaj Aziz uu si geesinimo leh ugu dhawaaqay inay tahay guushani
mid dhoollatus ku ah kuwa cadawga ku ah Pakistan. Adduunyaduna waxay ku
tilmaantay Nukliyeerka labadaas waddan Nukliyeerkii Diimaha. Waxaana immika
lays weydiinayaa goorta uu dhacayo dagaal afraad oo lagula kala wareegayo
Dhulka Sacfaraanka . Kaa soo laysu adeegsan doono Qumbuladaha Nukliyeerka.
Kaashmiir waxay u qaybsan tahay laba qyabood
oo ay kala haystaan India iyo Pakistan. Bolkiiba shan iyo lixdan waxay ku
jirtaa gacanta cadawga Hinduuga , caasimadeeduna waa Srinagar . Boqolkiiba shan
iyo soddonna waxay hoos timaaddaa Pakistan. Waxaana loogu yeedhaa Kaashmiir
Asaad ama Kaashmiirta Xorta ah . caasimadeeduna waa Mufdhir Abaad . Kaashmiir
waxay ku fadhidaa guud ahaan dhul dhan 222000KM . oo wareeg ah. Buuraha
Kaashmiir dhererkeedu wuxuu gaadhaa 8000m. Barwaaqda Allah siiyey Kaashmiir waa
mid dabiici ah isla markaana joogta ah . Qof kasta oo tagaana wuxuu ku
dhawaaqaa Tani waa Jannadii Alleh ee dhulka.
Meelaha qaarkood xilliga jiilaalka qabowgu
wuxuu gaadhaa -30 soddon derejo oo sentigiraydh ah ayuu eber ka hoos maraa .
Xilliga xagaagana intaa in ka badan ayuu sare u kacaa kulaylku . Boqolkiiba
toban waa kayn jiq ah. Webiyada hareerahooda waxaa ka baxa dhir laga sameeyo
qalabka guryaha IWM. Waxaa kaloo ka baxa Khudaarta nooc walba waxaa kale oo
laga beeraa Cudbiga, Bariiska, Qamadiga, digirta iyo waxyaabo kale oo muhiim
ah. Kaashmiir waxaa ku yaal wershedo lagu habeeyo waxyaabaha dabiiciga sida
Dunta, Lacagta Iyo Looxaanta . Magaalada Srinagar ee uu ka taliyo cadawga
Hinduugu waxaa ku taal wershed diyaarisa Xariirta iyo Suufka. Waxayna ka mid
tahay warshadaha ugu waaweyn caalamka ee sameeya Xariirta.
Qaar ka mid ah Taariikhyahannadu waxay
sheegeen in Sayidinaa Adam Calayhi Salaame uu ka dagay Kaashmiir maalin
maalmaha ka mid ah!!!
Muslimiinta reer Kaashmiir waxaa lagu qiyaasay
tiro dhan 12 Malyuun. Toddoba Malyuun waxay ku nool yihiin dhinaca Hinduugu
gumaysto. Shan Malyuunna dhinaca xorta ah ee Pakistan . Waxayna Muslimiintu
nqonayaan guud ahaan boqolkiiba shan iyo siddeetan . halka kuwa aamminsan waxay
Hinduugu caabudaan ay yihiin boqolkiiba shan keliya.
Islaamku wuxuu gaadhay Wilaayadda Kaashmiir
dhamaadkii qarnigii koowaad ee taariikhda Hijrada . Qarnigii siddeedaad ee
Hijradana waxaa Kaashmiir Amiir ka noqday Daacigii la odhan jiray Belbel Shaah
. Waxayna yeelatay boqortooyo xoog badan oo Islaam ah . waxayna soo martay
Wilaayaddu dhibaatooyin fara badan iyo weerarro joogta ah . Nasiib wanaag
xilliyadaas Mslimiintu mar walba way guulaysan jireen. Illaa laga soo gadhay
waqitigii gumaysigii Ingiriisku uu qabsady inta badan Qaaradda Asia. Wuxuuna
bilaabay siyaasaddii foosha xumayd ee uu kaga soo horjeeday Islaamka. Xilligaas
oo ay dadku haysteen ilbaxnimo iyo horumar balladhan. Waxayna kasbadeen inay
luqaddooda ku qoraan xuruuf Carabi ah qarniyaal badan ka hor.
Kontankii sannadood eeu dambeeyey iska
horimaadyadii iyo halaaggii ka dhacay Kaashmiir waxaa loo sababaa shiqoolladii
uu dhigay ingiriisku waqtigii uu gumaysanayey guud ahaan dhulkaas.
Dadka u dhuun daloola arrimaha Kaashmiir wxay
ku sifeeyeen Falastiinta India.
Ururka raabidada Islaamka ayaa shirweynihii
seddexaad ee lagu qabtay magaalada Makka Al Mukkarrama u soo jeediyey dhammaan
Boqorrada iyo Madaxweynayaasha Muslimiinta in ay ka codsadaan Ururka Ummadaha
Midoobay , inay soo saaraan goaan gaar ah oo xaq u siinaya Kaashmiir dhinaca
hinduugu gumaysto in laga qaado Afti si aayahooda uga tashadaan. Cadawga
hinduugu isagoo taa ka baqaya ayuu shacbiga reer Kaashmiir kala dagaallamay ku
dhaqanka Islaamka iyo inay ka hoos baxaan gumeysigiisa. wuxuu beddelay
manhajkii tacliinta. Dhallinyarada waxaa loo soo bandhigay waxyaabo aad u
xunxun. Wxaa lagu dhiirri geliyey inay guursadaan Haweenka Hinduuga iyo inay
khamriga u cabbaan si xad dhaaf ah .
Muslimiintuna waxay sii adkeeyeen dagaalkoodii
diiniga ahaa oo ay kula Jihaadayeen cadawga Hinduuga.
Hayadaha caalamiga ah ee hadla xuquuqda
insaanku waxay sheegeen in xadgudubyada ka dhaca Kaashmiir aanay ka jirin
Dunida inteeda kale Sannadkii 1981kii waxaa la dilay Badhasaabkii Muslimiinta
Kaashmiir Maxammed Faaruuq. Dad badan oo ka qayb galayey aaskii Shahiidka
Hoggaamiyaha ahaa, ayey cadawgu ku fureen Rasaas aan loo aabba yeelin waxaana
goobtaas ku hoyday shan boqol Muslimiin ah.
Sannadkii 1990kii, bilo yar gudahood waxay
dileen cadawga Hinduugu shan kun oo qof. Tiro intaa leegna way dhaawceen. laba
iyo toban kunna Xabsiga ayey u taxaabeen. Qaar kale oo badanna waxay u
firxadeen waddamada jaarka ah oo ay qaxooti ku noqdeen. Sannadihii intaa ka
dambeeyeyna waxay hayaduhu caddeeyeen in ugu yaraan Shan iyo toddobaatan kun oo
qof lagu dilay Kaashmiir, Tiro intaa ka badanna loo geystay dhaawac culus iyo
curyaannimo tiro seddexaad oo kalena xabsiga ciqaabta laga buux dhaafiyey.
waxaa kaloo la sheegay in haween muslimiin ah oo ka badan laba iyo toban kun si
Jamaaci ah ama wadaag ah loo kufsaday. Waxaa Dab la qabadsiiyey oo Dambaska
laga dhigay in ka badan Afartan kun oo guri.
Kaashmiir waxaa ku sugan Ciidan lagu qiyaasay
750,000 oo Hindi ah. Oo la soo xulay si gaar ahna loo tababaray.
Muslimiintu guud ahaan aqoon fiican uma laha
wax badanna kalama socdaan waaqaca ka jira Kaashmiir. Waxaana sbab looga dhigay
laba arrimood
1 . Waddamada Carabta gaar ahaan kuwa
Betroolka hodanka ku ah , waxay xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeedba la
leeyihiin Dawladda dhexe ee magaalada Delhi, Sawirka Kaashmiirna waxay ka
qaataan dhinaca India oo keliya.
2 . Luqadda rasmiga ah ee Kaashmiir waa
English iyo Urduu . Luqadda carabigana dad aad u yar baa ku hadla .
Sabaahan iyo kuwa kale ayaa waxay ka dhigeen
in Kaashmiir laga barto oo keliya Xayeysiiska dharka Quruxda badan ee laga
sameeyey Xariirta dabiiciga ah ee ay dushooda ku qoran tahay Pure Kashmir
Wool macnaheeduna tahay Suufkii Kaashmiir oo Saafi ah .
Hore waxaynu u soo sheegnay in Kaashmiir
qaybta Hinduugu gumaysto ay ku yaallaan wershado caalami ah oo lagu sameeyo
Xariirta iyo Lacagta .
Waxaan shaki ku jirin in cadawga Hinduugu ay
dhaqaale badan ka helaan kheyraadka dabiiciga ah ee Kaashmiir.
Culimada iyo waxgaradku marna kama daalaan ku
baraarugga iyo mitidnimada Islaamka
Kaashmiir waxaa ku yaal dhawr boqol oo
Masaajid iyo Macaahiddo iyo Xarumo kale oo diinta lagu barto . Waxaana ka jira
in ka badan shan iyo toban Jabhadood iyo siddeed Axsaab siyaasi oo xor ah .
Waxaana kamid ah .
- Ururka Islaamka .
- Ururka Ardayda ee Islaamiga ah .
- Ururka Hablaha Ardayda Islaamka .
- Ururka Ardayda Carabta .
- Uurka Midawga Culimada iyo Shuyuukhda –Guurtida
.
- Ururka Ustaadada –Macallimiinta .
- Ururka Haweenka Muslimiinta .
- Daladda Saaxiibbada Islaamka .
- Ururka Mujaahidiinta Muslimiinta Kaashmiir
.
- Dhaqdhaqaaqa Muslimiinta Kaashmiir .
- Xisbiga Jihaadka .
- Xisbiga Mujaahidiinta
Waxaa kale oo jira Rag naftoodii , Maalkoodii
iyo Waqtigoodiiba u huray Xoraynta Kaashmiir.
Waxaana ka mid ah
- 1 . Boroofisoor Aliif- Addiin Al Turaabi .
ku xigeenka Amiirka Ururka Islaamka Kaashmiirta Xorta ah .
- 2 .Al Sheekh Sayid Ali Al Jiilaani .
Guddoomiyaha Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Kaashmiirta la haysto .
- 3. Qulaam Saafi . Amiirka xisbiga
Mujaahidiinta .
- 4. Suldaan M axamuud Shoodri . Madaxa
Raabibdada Ddhaqdhaqaaqa Kaashmiir
- 5. Sardaad Ibraahim Khaan . Guddoomiyaha
Midnimada Jamhuuriga ah .
- 6. Jeneraal Maxammed Xayaat Khaan iyo
Sardaad Adelqayuum oo ladooduba ahaan jiray Guddoomiyeyaashii hore ee
Kaashmiirta Xorta ah .
- 7. Abdirashiid Al Turaabi . Guddoomiyaha
ururka Islaamiga ah .
- 8. Maxammed Faaruuq Raxmaani . Guddoomiyaha
Dhaqaqaaqa Xoreynta Kaashmiir iyo Maxammed Ashraaf Sarraaf oo isna ka mid ah
Hoggaamiyeyaasha Dhadhaqaaqa Xoreynta .
- 9. Sharciyaqaan Miir Khoorashiid oo madax
ka ah Hayadda loo yaqaan Saday Asaadi ama Codka Xorta ah waana hayad u doodda
Xuquuqda Insaanka.
- 10. Sardaad Catiiq Axmed Khaan . Xoghayaha
guud ee Golaha muslimiinta Kaashmiir Waxaana dhalay Mujaahidkii Koowaad ee
Kaashmiir. Sardaad Abdulqayuum.
- 11. Dr, Qulaam Baani fay . Guddoomiyaha
Machadka Culuumta Siyaasiga ah ee Washington.
- 12. Iskander Xayaan Khaan oo mar madax ka
ahaa Golaha Wasiirrada ee Kaashmiir .
Gabagebo
Waxaan marar badan la kulanaa iyadoo laga
hadlayo Xasuuq iyo dhibaatooyin badan oo loo geysto Muslimiin badan oo jooga
daafaha dunida, sida Jeejniya, Kosovo, Bosniya, Filibbiin iyo Meelo kale.
Sidaas darteed Ayaan ummadda Soomaaliyeed u soo gudbiyey waxyaabaha ka socda
Dhulka Sacfaraanka, Jannada Alleh ee dhulka , Falastiinta India oo dhammaantood
ku magac dheer Kaashmiir.
N.B . Waxaa kale oo jirta Wilaayad ay
Muslimiintu leeyihiin oo lagu magacaabo Jaamo, balse ay cadawga Hinduugu
Gumaaystaan . Wilaayaddaas oo lagu lammaaneeyo Marka laga hadlayo Kaashmiir.
Dhawr Wiig ka hor waxaan ka daawaday
Telefishanka BBC World banaamij naxdin badan oo cinwaan looga dhigay KASHMIR
PARADISE LOST.
Maqaalkan waxaa laga soo tabiyey Qaahira ,
Riyaad iyo Islaamabaad.
Waxaana soo tarjumay Muxyadiin Cabdillaahi
Jaamac
Email:
xaajisool@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk Oct 23, 2003
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|