SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Horta ma isfahamnaa?

Ibraahin Yuusuf Axmed

Hawd99@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Halkan waxaan ugu talogalay maqaal kale oo aan kan ka jeclaa, waxaanse ka fursan waayey in aan dad uu Cabdiwaaxid Khaliif ka mid yahay toos wax ugu sheego. Waxayse muujinaysaa muranka inaga dhexeeya ee aan waxtarka lahayn.

Cilmiga dadka (anthropology) waxaa hoos yimaada cilmiga isirrada (ethnology) oo baadha isirrada iyo dhaqammadooda. Danta cilmigaa laga lahaa waa in sida ugu fudud loo fahmo fekerka iyo dhaqanka dadka. Cilmigaasi mujtamacyada dunida wuxuu u qaybiyaa qaybo, qayb walbana wuu sii kala qaybiyaa. Qayb kasta oo qaybahaas ah waxaa mudddo dheer lagu samaynayey daraasado aan kala go lahayn. Natiijaduna waxaa ay noqotay in maanta la hayo macluumaad aad u badan oo qolo walba oo meel ku dhaqan sina u dhaqan dabeecado u gaarka ah lagu sifayn karo laguna garan karo.

Cilmigaasi innaga wuxuu inagu qoqobay meel lagu wada xereeyey bulshooyin loo bixiyey reer miyi reer guuraa ah. Dabcan weligeen reer magaal iyo beerato waa aynu lahayn, laakiin qaybta inoogu badan ee hab-nololeedka jaan goysa saamaynta kama dambaysta ahna leh ayaa ahayd reer miyi reer guuraa ah. Dabadeed waxaa aynu yeelannay sifooyin iyo dabeecado la inagu yaqaan. Waxaa aynu ka duwan nahay qowmiyadda amxaarada ee kumanyaalka sano lahayd boqortooyada deggan. Waxaa aynu ka duwan nahay cadmaawiyiinta firfircoonida ganacsi ee kumanyaalka sano jirka ah leh. Waxaa aynu ka duwan nahay bushmaanka ku dhaqan lamadegaanka Kalahaari, ee ay weligii noloshoodu qadhaabsiga iyo ugaadhsiga u taagnayd. Waxaa aynu la mid nahay caruusaha iyo booranta geela badan agteenna daaqsada. Waxaa aynu la mid nahay barbariyiinta Saxaraha Weyn ee waqooyiga afrika xoolaha oomman la hayaama. Waxaynu la dabci iyo feker nahay carabtii hore, oo ay weli wax ka sii jiraan.

Dabeecadda la inagu garto ee aynu dadkaas iyo kuwo kale la wadaagno waxaa ka mid ah kuwan:

1) Adkaysi badan oo lagu wajaho dhirbaaxooyinka kulkulul ee dabeecadda.

2) Dhiirranaan loogu babacdhigo cadowga dad iyo dugaagba leh.

3) Nolosha qofka oo aad u macno liidata looguna adeego qabiilka.

4) Dedaalka qofka iyo dagaalkiisa oo aan ka duulin maslaxad shakhsi iyo waaqici jira ee ah faalso ay hagaan caaddifad iyo ilaalin sharaf aan koob madhan buuxin karin.

5) Deeqsinnimo iyo wax isa siin aan shardi lahayn.

Arrimahaasi gaar inooma aha ee waa dhaqan ka dhexeeye dhammaan bulshooyinka reer guuraaga ah. Baahida dabeecadda in loo adkaysto ayaa lagu dedaalaa halkii xal loo raadin lahaa. Macangegnimo ayaa cadowga lagu qaabbilaa halkii caqli lagu fardaamin lahaa ama xeel lagu dagi lahaa. Magac qabiil oo aan macno lahayn ayaa loo noolaadaa loona dhintaa halkii qofku noloshiisa macno u yeeli lahaa. Ujeeddo hagaagsan oo horumar leh looma dedaalo, ee khuraafaad iyo caado gabowdey ilaalinteed ayaa lagu dan seegaa. Wadaagga iyo wax isa siintu waa mid ka mid ah dhawr sifo oo wanaagsan oo uu dhaqanka reer guuraagu leh yahay.

Taasi haddii ay taas tahay, waxaa jira dabeecado aan hubo in ay inoo gooni yihiin, oo aanan ogeyn cid kale oo innala leh. Dabeecadahaa waxaa ka mid ah ta aan qoraalkan uga dan lahaa, oo ah muranka badan iyo ismaqal la’aanta. Waxaa aynu nahay dad aad u hadal badan, hadalkaas oo haddanaa aad u qaab daran. Goob kasta oo aynu isugu nimaadno markiiba waxaa ka aloosma buuq, qaylo, muran, cay iyo cadaawad. Qaarkeen waxaaba ay rumaysan yihiin caytanku in uu ka tarjumo daacadnimo iyo isu qalbi furnaan. Laakiin dad cay iyo muran isugu qalbi furmaya wax badan baa ka qaldan.

Karin Blixen waxaa ay inoo sifaysay si aan caddaanka caado u ahayn. Weligeed dhul soomaaliyeed ma ay tegin, aqoonta ay soomaalida u lahaydna waa dhawr qof oo qudheeda u shaqayn jirey iyo soomaali kale ee Afrikada Bari ku dhaqnayd. Malaha intaa waxaa u dheeraa waxyaalo ay caddaanka kale xan kaga maqashay. Waxaa ay inagu sheegtay dad isla weyn, adkaysi badan, dhiirran, diinta iyo nebi Maxamed jecel, aan weligood la addonsan, dadka kale ee aan la addoonsanna qaddariya. Laakiin waxaa kale oo ay inagu sifaysay dad qafal xun oo qaba cudur ah muran, isl markaa caaddifiyiin ah oo aan lahayn dulqaad iyo ismaqal ay ku maamulaan hawlaha ay carabta gacanyaraha uga yihiin. Karin Blixen hubaashii soomaalida waa ay jeclayd, dhaliilahaasina waa uun canaan gacaltooyo.

Ismaqal la’aantu waxaa ay abuurtaa isfaham la’aan, taasina waxaa ay sii abuurtaa cadaawad. Afhayeenka qabiilka, ee maanta siyaasiga sheegtaa, ma fahmi karo afhayeenka qabiilka kale, waayo si anshax leh uma dhegeysto. Ma leh dulqaad iyo bisayl ilbaxnimo uu waxii daw ah ugu garaabo waxii kalena kaga qanciyo. Haddii ay taasi suurtogal tahay waxaa furmi lahayd waddo xalka loogu tago. Laakiin wadahadalka ka hor ayuu ka ka soo hor jeeda dadnimada oo dhan ka xayuubiyaa, kana dhigaa wax aan la fahmi karin. Markaa miyaaba la isfahmi karaa? Siyaasigu waxaa uu sidaas u yahay dadkiisa ayaa sidaas ah. Geedna midhihiisu meel ka fog kuma dhacaan.

Wadahadlku waa sifo wanaagsan oo dadnimo leh, waayo waxaa ka dhashay isfaham, isbarasho iyo wax kala kororsi. Laakiin waa nasiibdarro haddii uu sababo isfaham la’aan iyo cadaawad. Taasi waxaa ay dhacdaa haddii aan wadahadalka loo raacin asluub iyo xushmad dhanka kale loo muujiyo, iyo isla markaa in la fahmo lana qaddariyo aragtida qofka kale. Aad ayeynu taas ugu liidannaa, sababtaas ayaana inoo keenta buuqa iyo muranka joogtada ah ee aan macnaha lahayn.

Meel kasta oo aynu ku kulanno qof waliba wuxuu rabaa in keligii la dhegeysto, isla markaas uu hadal kasta oo kale faalllo ku darsado. Badanaa inta uu qofka la doodayaa hadlayo iskuma dayo fahamka iyo dhuuxidda aragtida, ee wuxuu ku mashquulaa waxii uu kaga jawaabi lahaa. Jawaabta xaqa iyo caqliga ku dhisani doodda qudheeda ayey ka soo dhex baxdaa ee kuma timaado in la doondoono.

Mar kale waxaan odhan karaa sideennaba ma doodno ee waa aynu sheekaysannaa, waana laba wax oo aad u kala duwan. Sheekaysigu waa in uu qof wax sheego dabadeed, sheekaba sheeko ayey keentaa, ee kuwa kalena halkaa wax kaga darsadaan. Sheekaysigu ma leh xeer aan ahayn in la isdhegeysto iyo in dareenka dhegeystaha la xushmeeyo. Waxaase jirta mar uu qof soo bandhigo aragti uu ka soo fekerey, ku soo qancay, soo abaabuley soona qaabeeyey. Taasi waa dood. Wuxuu ku dedaalaa in uu fikrad uu rumaysan yahay meelmariyo ama difaaco, cidda uu la hadlayana saamaynta uu rabo ku yeesho. Sidaa darteed garaadkeeda waa uu qaddariyaa ee uguma xukunna in ay tahay cid isaga ka caqli xun kana cilmi hoosaysa.

Dooddu mar haddii ay tahay mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee ay dadku aragtidooda isugu gudbiyaan, aragti walibana ka tarjumayso qof dhan garaadkiisa iyo waxa uu xaqa u arko, waxaa khasab ah in la helo xeerar iyo shuruudo loo raaco. Haddii kale waxaa lagu dhex dhacayaa xaalad ay garashada suubban iyo dadnimadu ku macno beelaan.

Kuwan ayaa ah arrimaha lagama maarmaanka iigula muuqda dood fayow:

· Xeer Doodda loo raacaa waa in uu jiraa (sidee ayey tahay in aynu u doodno?).

· Mustawaha dooddu waa in uu xaddidan yahay (heerkee ayeynu ka doodnaa?).

Labadaa qodob ilaalintoodu waxay suurto gelin lahayd in meel la isla og yahay wax laga wada bilaabo, ee aan sidii waylo dhooqo galay hadalka dhan walba loo walaaqin. Marka dood laga jawaabayana ma aha in qofka aragtida soo bandhigay la weeraro ee waa in aragtida la abbaaraa. Dabadeed:

1) Waa in ay wax jawaab u baahina meesha yaallaan.

2) Waa in mas’alada meesha taal nuxurkeeda la fahmaa.

3) Waa in aan caaddifad lala boodin oo buuq la abuurin ee caqli iyo aqoon lagu doodaa.

4) Waa in qodobbada la diiddan yahay iyo waxa lagu diiddan yahay la caddeeyaa beddelkoodana la keenaa.

5) Waa in aan erey ama ereyo gaar ah doodda lagala bixin dabadeed macne kale loo yeelin ee sida ay isu haysato la isugu hayaa.

6) Waa in aan gar iyo garowshiiyo lagu raadin in akhristaha lagu abuuro xamaasad diineed, tusaale ahaan, ee doodda daacad laga ahaadaa.

7) Waa in aan qofka loo jawaabayo denbi uusan gelin lagu rarin,

meeshana la keenin wax aan oollin.

8) Waa in mas’alada laga doodayo meel dhexe loo daayaa ee aan dadka ay wada khusayso laga xigsan, wax kasta oo ay tahay.

Beri maalmo badan laga joogo ayaan faafiyey maqaal magaciisu ahaa “Badownimo iyo ilbaxnimo”. Fikrad qaldan waan qabi karaa, qof kasta oo qalad aan haystey iga saxana abaal baan u hayn lahaa. Nasiibdarro ama nasiibwanaag taasi ma ay dhicin. Waxaase dhacday in uu ninka Inter Net-ka ugu hadalka badani cay igu soo afrogey.

Cabdiwaaxid si aan xilkas ahayn, oo sabab lahayn, oo waxtar lahayn, oo daliil lahayn, ee muran, buuq iyo faduul ah ayuu iila hadlay. Aqoon iyo caqli midna ma uu cuskan. Cidina wax kama helin fadqalallada uu sameeyey.

Miyey jiraan wax doofaarka iyo geela kala duwaya oo aan ahayn midkood in ay diintu inoo bannaysay midna inaga reebtay? Simista aan ka hadlay waxaa ay ahayd dhinac dhaqaale iyo ilbaxnimo, ee shaqo kuma ay lahayn xaaraan iyo xalaal. Cabdiwaaxid wuxuu sheegay in aan qalad u fasiray ereyga “il” inta macne ee uu af soomaali ku yeesho. Saddex ayaan ka dhigay isaguna tiro aan xad lahayn. Aniguse weli waxaan haystaa ereygaasi in uusan lahayn macne asal ah oo ka baxsan isha wax lagu arko, il bannaan oo dhul jiq ah ku dhex taal iyo il biyo ah. Ereyada kale ee magac “il” sitaa asal ma aha ee waa sarbeebo saddexdaa hore laga soo qaatay. Il aqooneed, il dhaqaale, il warbixineed iyo kuwa la midka ah waxaa laga sarbeebayaa il biyo ah. Waa meesha ay waxaasi asal ahaan ka soo baxeen.

Ereyga ilbaxnimo mid lid ku ah in aanan af soomaali ku hayn ayuu igu caayey, wuxuuna wax weyn inooga dhigay ilbaxnimo lidkeedu in uu yahay ilbaxnimo la’aan! Ilmaha shan jirka ahi taas waa uu yaqaan, tii aan anigu raadinayeyna ma aha. Waxaan raadinayey mid u dhigma carabiga “bidaa’iyah” iyo gaalka “primitive”.

Arrinta kale ee aan weerarkii indhaha la’aa ka xasuusan ahay waa fikrad uu qalad iiga fasiray. “Kuwa inoogu dedaalka badani weli waxaa ay xalka ka raadiyaan buug uu nin carbeed ama caddaan ahi beri hore qoray.” Sidaas ayaan qoray, waxayna ku saabsanayd fekerkeenna dabodhilifka ah. Wuxuu igu eedeeyey in aan asxaabtii uga jeedo. Laakiin muxuu taas u cuskaday? Waa maxay buugaagta ay asxaabtii qoreen? Aqoonta casriga ahi sida ay u dhan tahay waxaa ay inooga timid gaalo ama carab. Mana hayno feker soomaaliyeed. Muxuu taas iigu beenin waayey?

“Diintu waa hadal, hadalkuna waa mergi” ayuu Cabdiwaaxid dacwaddda ugu daran ka oogey. Laakiin diidmadiisa taa ku saabsani ma sabab falsafadeed baa mise waa mid luqadeed? Ma diinta ayuu hadal u diiddan yahay, mise hadalka ayuu mergi u diiddan yahay? Culimadu sow iskuma ay khilaafin fahamka naska diiniga ah? Taa sababteedu sow ma aha in aayadda iyo xadiiska qofba si u fahmi karo?

Wadaaddada soomaalida waxaan ku dhaliilay in ay weligood fahamka iyo fasirka diintooda carab marti uga ahaayeen, kuna dhici waaayeen in ay iyaguba baadhitaan taa ku saabsan isu xilqaamaan. Wadaadka soomaaliyeed weligii wuxuu ahaa macmiil daacad ah oo maalinba waxa dukaanka carbeed lagu hayo soo gata. Taasi ma cay baa, mise waa naqdi?

Cabdiwaaxid waxaa uu qirtay maqaalka markii uu akhriyey in uusan ka fekerin ee jawaab degdeg ah ku dul qoray. Taasi isaga, aniga, caqliga iyo akhristahaba meelkadhac ayey nagu tahay. Waxaanan rajaynayaa in aanay inagu soo noqnoqon.

 

Ibraahin Yuusuf Axmed

Hawd99@hotmail.com

Waa qoraa ku nool Iswiidhan

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk Oct 21, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]