SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
ISLAAMKU WAA NOLOSHA NUXURKEEDA

waxaa Qoray Yuusuf Cabdi gaab
Islamnimo@yahoo.com 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Allah ayaa mahad iska leh, naxariis iyo nabadina ha huwanaato Rasuulkii suubanaa, ehelkii iyo asxaabtiisii iyo dhamaan intii raacday jidkooda.
Intaas ka dib.

Halkaan waxaan intii awoodayda ah oo rabbi ii garto wax ka sheegi doonaa qoraal uu Somalitalka-ga ku qoray nin la yiraahdo Mahamud samatar oo uu cinwaan uga dhigay Qofka iyo Diinta. anigoonan run ahaantii waqtiba u ahaynin inta badan inaan wax ku qoro websites ka, hadana waxaan waajib u arkay inaan ka jawaabo article kan aan kor ku soo sheegay.

Ugu horrayn diinta Islaamka waa diinta kaliya ee ilaahay lugu caabudi karo oo uu san ka aqblaynin cidna waxaan ayada ahayn, Allah wuxuu ku yiri suratu-Aala cimraan aayadda 19aad ( Diintu Allah agtiisa waa Islam). sidoo kale Allah wuxuu yiri ( Qofkii Jecleysta diinta Islamka mid aan ahayn lagama aqbali doona, Aakhirana wuxuu ka midyahay kuwa Khasaaray), nabi Muxammed na s.c.w wuxuu yiri ( Wallaahi hadduu nabi Muuse noolaan laahaa uma haboonaateen inuu i raaco maahee). Sababtuna waxay tahay rususha Ilaahay xaggiisa ayaa laga soo wada diray, ismana beeniyaan ee way is rumeeyaan isna raacaan, laakiin waa dadka waxa wax baddala oo runta inkira kana dhiga inay rusushu is diidanyihiin. tan kale diin walba tii ka horraysay ayay nasakhdaa oo shareecadii hore ayay booskeedii gashaa, midna waa ka simanyihii oo ah tawxiidka ama midaynta Allah, iyo arkaanta iimaanka.

Diinta Islaamku waa ay rumaysantahay diimihii ilaahay soo dajiyay, waliba qofka muslimka ah waa inuu rumeeyaa nabinimadii muuse, ciise, ibraahiim iyo kuwa kaleba, haddii uusan saas u ramayninna muslim noqon maayo, oo hal nabi ninkii ku gaaloobo oo yiraah nabi ma ahayn wuxuu la midyahay inuu ku gaaloobay nabiyada oo idil. Allah wuxuu ku yiri Suuratul-Baqara asagoo amraya Muslimiinta aayadaha 136-137aad (Waxaad tiraahdaan waxaanu rumaynay Allah, wixii naloo soo dajiyay, wixii lagu soo dajiyay Ibrahim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub Iyo Asbaaddii iyo wixii la siiyay Muuse, Ciise iyo nabiyadii oo laga siiyay xagga rabigood, mana kala saar saarayno, anaguna Allah ayaan u hogaansannay. Haddii ay rumeeyaan dadku sida aad u rumayseen way hanuuneen, haddiise ay sii jeedsadaan waxay ku jiraan baadi wayn, Allah ayaana idinkaga filan, waana Allah wax maqlid badan oo wax arkid badan). laakiin dadka Ahlul kitaabka ah waa badaleen diintoodii oo wax ku dareen waxna ka gooyeen ayagaana qirsan taas ayada ah oo cidina kuma doodi karto. Diinta Islamkuna inay tahay diin aan la badanlin, oonana la farafaraynin cidkastaa og, Qur'aan ka Indonisia yaalla iyo midka Nigeria yaalla waa isku mid, laba Addition iyo Saddex Additionna makala laha ee waa isku mid, arrintaas ayada ah inaan halkaan ku faahfahiyana ma aha goobteedii.
Tan labaad, Maadaama Islaamku yahay diinta kaliya ee xaqqa ah ee maanta ka jirta aduunka, ilaahay agtiisana kaligeed diin ahaan looga yaqaan, laguna nasakhay diimihii hore oo dhann tu ka danbaysana aysan jirin, kitaab kale iyo rasuul kale oo imaanayana uusan jirin ilaa qiyaamaha, waxay la gooni tahay waxyaabo badan, waxaana lugu faah faahiyay dhamaan wixii na khuseeya nolosheenna aduun iyo aakhiraba. tusaale ahaan Rasuulka s.a.w wuxuu umaddiisa baray markay musqusha galaan siday u fariisan lahaayeen, marka ma kula tahay in nala baro sida xaajada loo gutto oo nala bari waayo sida dadka loo kala xukumo oo cadaadaladdu ku jirto, taa waxaa ku dooda nin jaahil ka ah diinta Islaamka ama cadaw ku ah oo si kas ah u inkira.

Tusaale ahaan maraka xukunka Islaamka laga hadlayo shan sheey ayay diinta Islaamku aad u xoojisay oo shantuba xuquuq yihiin waxaana la yiraahdaa Kulliyaad Alkhamsa oo ah shanta Guud oo ah in Qof ka loo badbaadiyo

  • 1. diintiisa oo an lagu khasbin diinna
  • 2. naftiisa oon aan loo dilin si xaq darro ah
  • 3. sharaftiisa oo aan laga fara xumaynin ehelkiisa ama laga aflagaadeeynin ama naftiisaba
  • 4. inaan caqligiisa la doorinin asagana aan laga yeelin inuu dooriyo oo uu isticmaalo maandooriye
  • 5. inaanan xaq darro lugu qaadanin xoolihiisa, dhac ama xatooyo toona. shantaas mid walba axkaam ayay leedahay lugu dhowro waana axkaamta islaamka ugu waa wayn, waana midda asaaska u ah in la xaaraan yeelay dilka qofka si xaq darro ah, sinada ama gogol dhaafka nin iyo nagba, khamrada iyo maandooriyayaasha, dhaca, jidgooyada, laaluushka iwm. marka ninka yiraah diinta iyo nolosha ha lakala saaro Islaamka kama hadlayo ee diin kale ayuu ka hadalayaa waayoo Islaamku waa hab nololeed dhamaystiran.

Allah wuxuu ku yiri suuratu-Naxl aayadda 89aad( Waxaan kugu soo dajinnay kitaab caddaynaya wax kasta oona u ah hanuun, raxmad iyo bishaaro muslimiinta). waxaase jira waxyaabo badan oo caqligeenna loo daayay mana aha inuu Rabi jawaab u waayay ee waa naxariis naloo naxariisanayo, waxyaabahaasna waan ku dadaali karnaa oo Allah wuxuu na faray naguna dhiirri galiyay inaan si wanaagsan u adeegsanno caqligeenna, waxaase waajib ah inaanan marnaba ka boodin aayad ama xadiith rasuul oo aanan r'ayigeenna u tallaabsanin ayadoo amarakii Alle iyo kii rasuulka meesha yaallaan arrintaasna waxaa ku soo arooray aayado iyo axaadiith faro badan.

Hadaba dadka leh diinta iyo nolosha ma wada socon karaan, diinta iyo siyaasadana ma wada socon karaan laf cad ayay toobin ku hayaan hadday ula jeedaan diinta Islaamka. wax yar haddaan ka iraahdo fikradda ah hala kala saaro diinta iyo nolosha ama siyaasadda, fikirkaas waxaa qaba dadka loo yaqaan diinlaawe, Athiest, libral, calmaani, laa'alki iwm. Assal ahaanna waxay fikradaan ka timid qarniyadii dhexe ee reer yurub u yaqaanniin qarniyadii mugdiga ayay wadaaddada kiritaanku ku xukumi jireen dadka diintooda oo ay badaleen oo caqli iyo wexey jecelyihiin u badan, taas oo keentay dulun fara badan inuu ku dhoco dadkii oo dhan gaar ahaan dadkii science ku fir fircoonaa, taas oo iyaduna dhalisay inay dadkii nacaan diinta, markii isticmaarku yimid dhulalka muslimiinta ayay ku beereen fikradaas dad muslimiin ah ayakoo u haysta inay diinteennu la midtahay midda ay baddaleen, waxaana fikraddaas qaattay dad jaahiliin ka ah Islaamka iyo kuwa qalbiga ka jirran oo xukun jeceyl u geeyay inay fikkirkaas qaataan, waana mawduuc madax bannaan oo aan waqti kale wax ka qori doono insh-Allah.

Tan saddexaad Allah kaliya ayaa wax janneeya waxna cadaaba qiyaamaha, cid la qabsan karto ama kula doodi kartana ma jirto, naxariistiisa ayuu wax ku janneeyaa, cadaaladiisana waxbuu ku cadaabaa.Hasse ahaatee Allah wuu noo sheegay cidda uu cadaabi doono iyo cidda uu jannayn doono nooca ay kala yihiin, taasna quraan ka intiisa badan ayay ku jirtaa oo qur'aankaaba u badan inuu arrintaa ka sheekeeyo. qof kasta oo ay diinta Islaamku soo gaarto, si cadna u soo gaarto, oo qaadan waaya kuna dhinta sidaas Allah wuxuu u ballan qaaday cadaab, ballanta Allaah na way fushaa. Taasina waxay waafaqsantahay cadaaladda Allah oo Rabbi dad ma cadaabo mana halaago ilaa uu rasuul ama dige u soo diro Allah wuxuu ku yiri suuratul-Israa aayadda 15aad ( Qofkii hanuuna naftiisa uyuu u hanuunay qofkii baadiyoobana naftiisa ayuu baadiyeeyay, nafina naf kale danbigeeda ma qaaddo, mana cadaabayno ilaa aan rasuul u soo dirno). dadka aysan diintu soo gaarin waxaa la yiraahdaaa Ahlul fatra ama dadkii xilliga kala go'a, Allah ayaana og waxa uu ka yeeli doono.

Gabagabadii waxaan Samatar ku leeyahay Allah ka cabso oo towbad keen, aqoon darri kaa haysata diinta Islaamka yaysan kuu gaysanin inaad meel uga dhacdo, dad aad is af dhaafteen iyo dad aad muranteenna yaysan kugu qaadin inaad xaqqa daba martid, haddii aad rabtid inay wax kuu kala caddaadaan wax su'aal oo wax baro, laakiin waxaadan aqoonin ha dabaalanin, waxaadna ogaataa rabbi inuu ka aarsan doono cid walba oo ku gaaloowda.

waxaan gafay waa naftayda iyo sheeydaan waxaan saxayna Rabi ayaa mahad ku leh oo xaggiisa ayay ka ahaadeen.

w.calaykum w.w
waxaa Qoray Yuusuf Cabdi gaab
Islamnimo@yahoo.com 

Afeef: Fikradda qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2003  
 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]