Dowlado badan oo ka tirsan dunida islaamka
ayaan shaaca ka qaaday inay soomi doonaan isniinta tr. 27.10.2003, waxaana
dalalkaas ka mid ah Sacuudiga, Kuweit, Imaaraadka, Qatar, Saldanada Cumaan,
Baxrayn, Suuriya, Lubnaan, Aljeeriya, Tuunus, Turkiya, Indoniisiya, Maleesiya,
Muslimiinta dalalka Faransiiska,Shiinaha, Iswiisarlaand, Holland iyo dalal kale
oo ka tirsan Yurub.
Dhinaca kale, dalalka kale ee ay ka mid yihiin
Masar, Jordan, Falastiin, Jibuuti iyo muslimiinta Nayjeeriya ayaa iyagana
maanta oo axad u billaabatay soonka, waxayna arrintan iyada ah na xasuusinaysaa
markale muslimiinta aanan weli xal ka gaarin khilaafaadka noocaan ah ee soo
noqnoqonaya sannad kasta bisha Ramadaan.
Dowladihii qaatay go’aanka ah inay isniin tahay maalinta
koowaad ee bisha ramadaan ayaa u cuskaday iyagoo aanan arag bisha, sidaas
darteedna ay dhammaysirayaan 30-ka bisha shacbaan. Golaha ugu sarreeya ee
arrimaha diinta dalka Sacuudiga ayaa baaq ay soo saareen fiidnimadii xaleey ku
sheegay inay dhamaystirayaan shacbaan, iyadoo sidaas soonka kula kowsanaya
berito oo isniin ah.
Muslimiinta shiinaha ayaa sidaas si la mid ah xarunta
islaamka ee shiinaha go’aan ku qaatay inay berito soomi doonaan, wuxuuna madaxa
xarunta islaamka shiinaha hambalyo u diray dhammaan ummadda islaamka isagoo ugu
hambalyaynaya bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Dalka shiinaha ayaa diinta Islaamka soo galaysa lambarka
labaad diimaha ay dadyowgaas haystaan, tirada rasmiga ah ee muslimiinta
shiinaha ayaa lagu qiyaasaa 23 malyuun, halka tiro kale oo ka madax bannaan
tirakoobka dowladda ay sheegayaan inay tirada muslimiinta ay u dhaxeeyaan 50-80
malyuun oo muslim.
Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Odense | Denmark
Sudan: Dalka Sudan oo Maanta Laga Soomay
saxafi soomaliyeed: c/risaq adan dalmar
dalmar203@yahoo.com
Sudan khartoum
Oct 26, 2003
Dala Masar iyo urudun oo ka mid ah wadamada bariga dhexe ayaa
lasheegay in xalay laga arkay dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
xukuumada cumar xasan al-bashiir ayaa sheegay inay bishii barakaysneed ee
ramadan la arkay kadib dadku ay soomaan. Masaajidyada magaalada khartoum
dhamaantood ayaa xalay laga billaabay inay dadka tukadaan salaadda Taraawiixda,
waxaana magaalada oo dhan laga dareemayaa diyaar gorow loogu jiro curashada
bisha Ramadaan.
Waxa ay dadku is weydiinayaan ama kufarxsan yihiin bishan
khayrka badan ee udhalatay, hase ahaatee aragga bisha Ramadaan kuma eka ee
sudan waxaa caado u ah haduu mar bisha laga sheego mel kamid ah wadamada
carabta in mar lasoomo oo keliya. Culumada magaalada khartoum badankood ayaa ku
dhawaaqay inay si rasmi ah u curatay bishii Ramadaan, sidaas darteedna looga
baahan yahay dadweynaha inay u diyaar goroobaan waajibka Soonka. golaha dib
uhabaynta arimha ramadaanka oo ka mid ah mashaa’iqda magaalada khartoum
ugusareysa ayaa iyagu sheegay in laga faaiidaysto bishan wanagsan ee khayrka
badan .
Dadweynaha ku dhaqan magaalada khartoum ayaa iyaguna caawa sheegay in
dhalashada bisha Ramadaan, sidaas darteedna ay dadku soon u diyaar
goroobeen.waxaa kaloo sudan heegan lageliyaa xilgan oo kale ciidanka policeka
iyagoo lagabaqayo in masaajidka qaar ay wareeraan walwal hijra kadib markii
ramadaankii 2000 uu nin laoran jiaray cabaas al baqir masaaajid kuyaal
amdurmaan kulayey dad tuknayey oo kabadnaa 48qof, halka mid kale oo hubaysnaa
uu isaguna damcay masaajidka jamacada afirca in uu kulaayo muslimiin taraawiix
tukanaysa sanadkii hore lagu dhigay gacanta kadibna ladiley, guntii iyo
gebagebadii ramadaan kariim.
saxafi soomaliyeed:c/risaq adan dalmar
dalmar203@yahoo.com
SomaliTalk | Oct 26, 2003
» RAMADAN
LATEST NEWS | WARARKA RAMADAANKA
SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH
UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN
Siciid Westing oo ah nin Muslim ah oo
deggan Denmark oo uu Jimcadii soo booqday Ibraahim Saalax ayaa sheegay in...
Guji.. Oct 26
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com