|
MINNESOTA: Judge Tunheim ku Dhawaaqay
in Keyse Jaamac aan Caawa La Dhoofin Karin
Sharci yaqaan Sh. Xasan jaamici
October 26, 2003 | Minnesota, USA
Mardhoweyd waxaa ila soo xiriirtay Michele McKenzie oo ka mid ah qareenada u
doodaya Keyse Jaamac waxay ii sheegtay in si ku meel gaar ah dib loo dhigay
dhoofintii caawa lala damacsanaa in la dhoofiyo Jaamac. In subaxdan Oct.
26,2003 ay dowladda ama immigrationka iyo qareenada Keyse ay hortageen Judge
Tunheim hortiisa iyadoo loo qabtay Maxkamadda dhageysi deg deg ah (Emergency
Hearing of Stay off deportation) oo dhamaatay qiyaastii 1da duhurnimo oo maanta
Oct. 26,03 (waqtiga Minnesota, USA) si loo baajiyo dhoofitaanka Jaamac ee caawa loogu talagalay in loo
dhoofiyo Soomaaliya. Waxaa haddeertan sidoo kale laalan go'aankii ugu
dambeeyey ee lagu soo deyn lahaa Keyse Jaamac oo ay rafcaan ka qaateen dowladda
ama immigrationka. Waxaa la filayaa in Maxkamadda Federaaliga ah waaxdeeda
8aad (eight circuit court) ay si deg deg ah u go'aamin doonta sii deynta Keyse
Jaamac inta laga go'aaminayaa dacwadda dhoofinta ku saabsan ee hortaala
Maxkamadda buuxda (full 8th circuit court). Waxaa kaloo muhim in la ogaaday in
uu Keyse Jaamac shakhsiyan uu ula hadlay Judge una sharxay dhibaatada heysata
ee ku saabsan xabsiga immigration oo uu ku jiray 29 bilood isagoo sugayo
dhoofin. Jaamac hadalkiisa ayaa waxay noqdeen qeyb asal u ah go'aanka u qaadiga
gaaray oo ah in caawo la dhoofin karin Keyse.
Tani waa jab ku dhacay qareenada dowladda iyo dowladda oo isku dayeysay inay
Jaamac dhoofiyaan iyadoo fasaxa usbuuciga lagu jiro oo ay maxkamaduhu xiran
yihiin islamarkaana iyadoon qadiyadiisa oo ku xiran Soomaali badan ayan weli
dhammaan.
Wixii faah faahin oo qadiyaddan la xiriirta waan idin soo gudbin doonaa sida ugu
dhaqsaha badan. Ogaada qadiyadda Jaamac waxay taabanaysa qadiyadaha soomaalida
ee la xiriira arimaha Immigration.
Warbixintan waxaa diyaariyey:
Sharci yaqaan Sh. Xasan jaamici
Hmohamud@midmnlegal.org
Faafin: SomaliTalk | Oct 26, 2003
GALABTII "BARO XUQUUQDAADA" IYO SOOMAALIDA
MINNESOTA.. GUJI
Warkii saakay ee kusaabsanaa dhoofinta Keyse hoos ka
akhri...
MINNESOTA:
Keyse
Jaamac oo Caawa Loo Dhoofinayo Somalia haddii....
October 26, 2003 | Minnesota, USA
Mudane John Tunheim, qaadiga Maxkamadda Federalka ee Degmada Minnesota
(Federal District Court) ayaa wuxuu amray in si deg deg ah Keyse Jaamac laga
sii daayo xabsiga immigration Minnesota. Warqadda Amarka maxkamadda waxaa ku
qoran in Jaamac la sii daayo ugu dambeyn maalinta Isniinta ee ay bishu tahay
Oct. 27,2003. Si kastaba ha ahaato, dowladda Maraykanka ama immigrationka oo
iska dhega tiraya go'aanka Maxkamadda ayaa waxay go'aamisay inay dhoofiso Keyse
Jaamaca, cawada, ama maanta Axada Oct. 26,03 ee habeenka Isniinta soo gelaysa.
Waxay dowladda Maraykanka ay Keyse halkan (Minnesota) ka saari doontaa dayuurad ugu
dambeyntii geyn doonta magaalada Hargeysa.
Haddii Keyse
garyaqaanadiisa ay go'aan ku gaaraan inay arintaa dhoofinta ka dagaalamaan,
waxay Keyse ku kalifeysaa inuu kala doorto in loo dhoofiyo Soomaaliya ama uu
xabsiga sii joog muddo aan la ogeyn (indefinite time jail) waayo immigration ama
dowladdu waxay rafcaan ka qaadan doontaa go'aanka siideynta keyse Jaamca.
Intuu rafcaanka socdana, Keyse waa inuu xabsiga ku jiraa.
Maxkamadda Federaaliga ee degmada Minnesota waxay hore u xukuntay in
Keyse Jaamac la
dhoofin karin waayo Soomaaliya waa waddan aan dowladda rasmi laheyn isla markaan
nabad aanan ka jirin. Haddii ay dowlad jiri laheyd ma jiro wax heshiis ah ee
dowladdaasi iyo Maraykanka ee la xiriira dhoofinta soomaalida.
Ka dib dowladda go'aankaasi waxay ka qaadatay rafcaan ay dhegeysteen 3 qaadi ee
Maxkamadda Rafcaanka ee Federaaliga ee loo yaqaan Eight Circuit, waxaynka u
xukumeen Dowladda oo ay leeyihiin waa la dhoofin karaa qofka soomaaliga. Ka dib
garyaqaanada Keyse ayaa codsaday in Maxkamadda buuxa loo hordhiga qadiyadda
Keyse. Sidaa darteeda qadiyadda Keyse waxay ku laalan tahay maxkamaddaasi
horteed. Ugu dambeyntii ayaa mudane Tuhheim go'aamiyey in la sii daayo Keyse
intay qadiyadda laalantahay. Laakiin Immigration ama dowladda waxay rabaan inay
Keyse ku dhoofiyaan go'aanka maxkamadda rafcaanka oo weli laalan. Keyse
qadiyadiisa waxay u dhamaan doontaa maxkamadda ugu sareysa ee waddanka
Maraykanka (US supreme Court) si ay u kala saarto dowladda iyo Keyse, isla
markaana u sharaxda qaanuunka la xiriira dhoofinta Soomaalida.
Haddii arinta aad
daneyneyso ama rabto inaad la socoto ama caawiso fadlan la xiriir sharci
yaqaanada haya qadiyadda Keyse:
Sharci yaqaan: Michele Garnett Mackenzle (612)978-7257
Sharci yaqaan: Kevin Magnuson (651)208-2508.
ama ka soo qeyb gal shirkan:
Shirka Immigration Law ee lagu qaban doono:
Oromo Center ee ku dhegin masjid Imaami Shaafici,
1505 South 5th street-15th Aveneu South
Minneapolis,MN 55454
Arbacada, Oct. 29,03 saacadda 1:30pm ee duhurnimo
Waxaa ka hadli doona
Sharciyaqaanada kala ah:
Sh. Xasan Jaamici
Karen Ellingson
Peggy Russell
kana jawaabi doono su'aalaha la xiriiri immigration law iyo diiwaangelinta
50,000 sharciga green card ee dowladda US bixin doonta sanadka 2003-2004.
Faahfaahinta shirka
ka akhri halkan... Guji
Warbixintan waxaa diyaariyey:
Sharci yaqaan Sh. Xasan jaamici
Hmohamud@midmnlegal.org
SomaliTalk | Oct 26, 2003
GALABTII "BARO XUQUUQDAADA" IYO SOOMAALIDA
MINNESOTA.. GUJI
5 Soomaali ah
oo Seattle laga dhoofin lahaa Nov 2002 oo la baajiyey
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|