Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu fadliga bishan
barakeysan ee Ramadaan darteed ugu baaqayaa qeybaha uu dhexmarayo dagaalada ka
socda magaalada "Xeraale" ee gobolka Galgaduud ee dalka Soomaaliya in ay
joojiyaan xabadda shuruud la'aan.
Golahu wuxuu ugu baaqayaa qeybaha uu dhexmarayo
dagaalka in wixii khilaafaad ah ee jira lagu xaliyo wada hadal iyo is faham.
Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu shacbiga
Soomaaliyeed u rajaynayaa fadliga bishan barakeysan ee Ramadaan darteed inuu
Eebe waafajiyo qeyrkeeda, Soomaalida dhexdeedana isu dambi dhaafo.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna
wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed
C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
xildhiban@hotmail.com