SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

  Layga Sugi maayo

Gabaygan waxa curiyey Maxamed Xirsi Guuleed. Wuxu kaga hadlayaa dhaqamo xunxun oo dad badan la qurxoon balse la xun Maxamed Xirsi oo "aan laga sugayn". Wuxu yidhi:

  1. Soomaaliyeey qodobo aan layga sugahaynin
  2. Oo aan ka saahiday ayaan saaka qorayaaye
  3. Sidaa igu ogsoonaada waa sir iyo caadkeede
  4. Dharku siinad weeyaan Ilaah siiyey aadmiga e
  5. Waa saanad dhaxan kaa dugsida siiga iyo boodhe
  6. Waa suurad laynagu gartiyo sawrac-dhaqameede
  7. Marra waa sitriga cawradiyo sax iyo muuqaale
  8. Waa waxaynu kaga soocanahay soofka xoolahe
  9. Hayeeshee wixii soconayaba qaar sitaa jireŽe
  10. Sancadii timaadaba anaan saarku ii qabane
  11. Inaan qoorta sudho TAY sidii saancadaha gaalo
  12. Oo aan sidaa sharaf ka dayo layga sugi maayo
  13.  
  14. Askaruhu salaantay baxshaan sebenkan aan joogo
  15. Sur la dhiibsho sawdkoo dallacan socodka oo giigsan
  16. Siliciyo darxumaday mutaan saf isu taagooda
  17. Iyaguba sarkaal jaahilay sanam ka yeeshaane
  18. In sidooda aan falo wallee layga sugi mayo
  19.  
  20. Salkii laga unkamay Xaawa iyo Aadan saracooda
  21. Sees keliya weeyaan dad aan saxar is dheerayne
  22. Kala suuraddiyo luqadu waa siro Ilaahaye
  23. Sabab maaha qaarkoodba qaar kaga sed roonyiine
  24. Hayeeshee dar ay seegtayoo, saas qabaa jira e
  25. Saf inaan la soo galo kuwaas layga sugi maayo
  26.  
  27. Ruux kula sinjiyo diina oo kula ah soomaali
  28. Oo aan wax lagu sooci karo sinaba loo haynin
  29. Oo waa SAB weeyaan la yidhi laga Santaagaayo
  30. Waa sawrac laynagu gartiyo dhaqan silloonaane
  31. Soofdaran habawgaas inaan qiil u dayo saaka
  32. Oo aan siddiqo Daakiroow layga sugi mayo (Daakir waa hogaamiye Madhibaan ah)
  33.  
  34. Nin kastaba sidbaa lagu dhaliyo tiro sagaalaada
  35. Waxa saamigayga ah inaan kula sinnaadaaye
  36. Adna inaan sarrayn kaa aqbalo layga sugi maayo
  37.  
  38. Surimada hawaas iyo markaan Adari suureeyo
  39. Saba wacan Garduur iyo ilaa tan iyo Siidaamo
  40. Marka aan Siyalow fiirasadiyo soohdimaha Dhoobley
  41. Ama Cali-sabiix iyo Ashica sax uga faalloodo
  42. Ayaan sirinsirqoodaa nin Ciil saaqay baan ahaye
  43. Sifahay gumaystuhu damceen laygu socodsiiye
  44. Soomaali kala qaybinteed waa kuwaa sugaye
  45. Balse inaan sahaalo u aqbalo layga sugi mayo
  46.  
  47. Nabadbaa sareediyo iska leh seexashiyo rayne
  48. Sigashana dagaalbaa iska leh seefo loo tumaye
  49. Sariir kuma dengiigsado nimay rag isa seegeene
  50. Anna saymo waan soo arkiyo suudha dirireede
  51. Intuu soodhku igu foororsaday salalay dhawr jeere
  52. Sacabada colaad inan u tumo layga sugimaayo
  53.  
  54. Sodohaa cadhoodee hadeer socodka deyn waayey (misunderstood Feminism)
  55. Sannifaada dumarkaa, raggii suufay jiriddooda
  56. Ee dhaqankii sawjadi lahayd saydhay badankiisa
  57. Ee yidhi siniin iyo miniin silicii naag gaadhay
  58. Sababteeda nimankaa lahaa oo sarrayn jiraye
  59. Suxullada intaa qaawisaan saableydiyo fooda
  60. Waa in laba saf dumarkiyo ragii laysu kala saaro
  61. Sifafaale aakhiru samaan, sida ah weeyaane
  62. Amba waan saluugsanay waxay silic mutaysteene
  63. Safka horena waan ugu jiraa sidan ha dhaameene
  64. balse dhaqanka kii saxan ka sugan kii sunniyo diina
  65. Ku safaada oo aan idhaa layga sugi mayo
  66.  
  67. Subaxdii timaadaba dantaa lagu sar gooyaaye
  68. Salli iyo adoon heli karayn dhaxanta suuf biiya
  69. Inaad daar sallaxan raadisaa maaha daw saxane
  70. Sirta noloshu waa adiga oon seexan kari waayin
  71. Anna samada maal yaal inaan uba saruuroodo
  72. Ama saami ruux kale u dudo layga sugi maayo
  73.  
  74. Waxaas aan ka saahiday dadyow saacidaa jira e
  75. Waxyoow aan sameeyana darbaan siisanayn lacage
  76. Saw inuu midkaayuun sax yahay sadar ma qeexaayo?

Dhamaad 2003-09-28 Maxamed Xirsi Guuleed


Abdibashir Ali/
Umeć University/
PolMag program

abdibashir@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]