SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

 War-1-02,Oct,Mbagthi,Nairobi.
Dawlada kenya waxaan ka codsaneyna in ay………………

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Madasha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida oo haatan ka socota Mbagathi ayaa saakey warsaxaafadeed lagu qabtey xafiiska warfaafinta iyo dhaqanka lagu sheegay in la isticmaaley magacyadooda iyagoo aan ogeyn qaar ka mid ah Ergadda Somali land ee ka timid Magaalada Muqdisho.

Tiradda Ergadda loo casuumay Somali land ee shirka uga qayb galeysa waa 24-ergo oo u dhalatey Somali Land laakiin ka timid magaalada Muqdisho.

10-Ergo oo ka mid ah ayaa magacoooda loogu darey oo lagu saxiixay in ay raali ka aheyn ansixinta Axdi Qarameedka Soomaaliya oo lagu wado in lagu dhaqo Dawlada ka dhalan doonta shirkan dib u heshiisiinta Soomaalida oo haatan ka socda Mbagathi.

24-Ergo ayaa taageero buuxda siiyey Axdi Qarameed ka dib markii ay akhristeen maalmo ka dib imaashahooda.

Qoraallo loo qoray dhamaan goobaha iyo cidda ay khuseyso shirkan dib u heshiisiinta Soomaliya ayaa la geeyey xafiiska guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta, taasoo ka hadleysay in magacyadda ku qoran warqadan iyo saxiixyada sheegayaan in aan loo dhameyn Ansixinta Axdi Qarameedka iyo in shirkan loo dhameyn oo ay ka maqan yihiin beelo ka mid ah soomaalida oo culeys weyn ku leh shirka dib u heshiisinta Soomaalida ee Mbagthi.

Madaxa Ergada Suleymaan Yuusuf Cilmi ayaa ka cosdsadey dawlada Kenya iyo Ergada Soomaalida ee shirka ka qayb galeysa cidda ka danbeysa in ay ku takri falaan magacyadood iyo saxiix been abuurka ah oo ku qoran in ay ka soo horjeedaan ansixinta Axdiga Dastuurka. Anagu wajiga 3-aad ayaan nimid waxaana na loo keenay in aan qeyb ka qaadano isu keenida koonfur iyo Somali land,horey ayaana u ansixiney dastuurka taana hadda ma taagna ayuu yiri mudaha.

Magacya iyo saxiixa been abuurka waxa ay kala yihiin.
1-Suleymaan yuusuf cilmi
2-Maxamed Xasn qalinle
3-Cali maxamed Abdi.
4-Cabdulahi Cabdi Cigaal.
5-Cabdirisaaq Axmed Cali.
6-Maxamed Axmed Gaheyr.
7-Muuse xuseen cali.
8-Xuseen Nuur Cabdi.
9-Cali Cabdullaahi Cabdi.
10-cabdi Meyrane Aaden.


dhamaad.


Abdikarim Aden Hussein.
Mbagathi,Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | October 2, 2003

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD