| w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
|
SOMALITALK
- KENYA
|
|
WARARKA SHIRKA: OCT 2
war-03.OCT,Mbagathi,Nairobi.
Qoraal ay maanta soo sareen
hogaamiyayaasha ku sugan madasha dib u heshiisiinta soomaalida oo haatan
ka socda
Mbagathi
ayaa ka hadlaya talo soo jeedintii IGAD iyo IPF ,taa soo aheyd :-
1-in shirka dib loo dhigo muddo 3-toddobaad ah.
2-in hogaamiayaasha soomaalida la geeyo ama loo qaado goobo kale oo ay
kali kali iyagu isugu arkaan.
3-in la doono hogaamiayaasha ka maqan shirka .
4-in la doono Dawlada jabuuti si ay shirka uga qaadato kalinteedii iyadoo
laga raali galinayo qalaadkii horey looga galay.
Qoraaladda jawaabaha hogaamiyayaasha ayaa ku kala duwan :-
TNG-da iyadu horey ayey u ogolaatey qoddobada ay soo jeediyeen IGD iyo
IPF.
maanta ayaa SRRC,Ururada Bulshada iyo G-8 waxa ay soo saareen qoraal kaas
oo aan lahayn saxiix iyo astaan itaba, waxaana ka xaqiijiyey Mowliid
Macaani iyo, Cumar Maxamuud Maxamed Filish oo labaduba G-8, halka Hilowle
iman cumar oo hadda ah guddoomiyaha wareega ee SRRC ii sheegay in ay
qoraalkan iyaga soo saareen ka dib markii ay wadatashi iyo talo
isweydaarsi ku jireen muddo 3-maalmood ah oo ay harey u soo saareen kuwa
kale tanina ay tahay tii ugudanbeesay iyaga oo eegaya danaha Shacabka
Soomaaliyeed.
Qoraalkii waxa uu ku bilawdey: ka akhri halkan
(English version)-
[LIFAAQ: Qoraalka wuxuu ku qoran yahay afka
ingiriisiga si kenya loogu dhaqaaleeyo lacagta tarjumaada ee ay qaadan
lahaayeen Soomaalida labada luqadood garanaya - dadka lala hadlayo waxaa
qoraalka loogu qoraa Afkooda......].
war-2-03,Oct,Mbagathi,Nairobi.
Kipligat oo shaley u socdaaley Dalka Koonfur
Afrika.
Socdaalka gudoomiyaha shirka bethwel kiplagat uu ku tagay dalka koonfur
afrika galinkii danbe ee shalay waxaa uu la xiriiraa in uu ka qayb gallo
shirka ay leeyihiin Ururka kobcinta dhaqaalaha ee qaarada afrika marka
lasoo gaabiyana loo yaqaano NEPAD oo uu ka yahay kiplagat xubin fir
fircoon.
Shirkaani oo ay isugu imanayaan mas’uuliyiinta ururkan ee ka kala yimid
qaarada afrika ayaa kiplagat la filayaa in uu ka warbixiyo xaaladda
shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed xiligan shirku uu hakaday ilaa
21ka October oo hogaamiyayaashu ay ku kala qaybsameen aragtida ay ka
muujinayaan hakinta shirka oo qaarkood ay aqbaleen halka kuwa kalana ay
kabiya diideen.
Shirka NEPAD oo maanta ka furmay Koonfur afrika waxaa uu kusoo beegmay
xilli xubnha beesha caalamka ay ku hawlanyihiin dar dargalinta shirka iyo
sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hareeyay in shirku uu socda oo ka
dhashay is faham la’aanta u dhexaysa kooxaha siyaasadda ku loolamaya ee
qaarkood ay joogaan shirka halka kuwa kalana ay ka bexeen 4maalin kadib
markii qaynaha shirka jooga ay ansixiyeen axdiga kumeel gaarka ee 4ta
sano.
Kiplagat waxaa uu dib ugu soo noqon doonaa dalka maalinta isniinta ee 6da
october iyadoo ilaa iyo haatan gudoomiyuhu uunan qaban shir jaraa’id si
uu warbixin u siiyo warbaahinta oo uu uga hadlo hakinta shirka iyo
talaabooyinka lagu dhaqaaqayo.
Dhinaca kale wasiirka arimaha dibadda ee kenya Mr. kalonzo musyoka oo
haatan ku sugan magaalada new york ee dalka maraykanka oo uu kaga
qaybgalayo kulanka guud ee qaramada midoobay isugu yimaadaan sanad walba
mar waxaa uu kaga hadlay dib u heshiisiinta kenya ay ka wado dalalka
sudan iyo soomaaliya, marka uu dib ugu soo noqdo dalakana waxaa uu ka
hadli doonaa shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee 11ka bilood ka socda
kenya.
sidoo kale Madaxweynaha Dalka Kenya Muddane Mwai Kibaki ayaa isagana
saakey u ambabaxey dalka Mareykan ,isagoo tagi doono magaalada Washington
D.C ka dib kula kulmi doona madaxweynaha dawlada mareykanka George W.Bush
,kulankaasi labada madaxweyne ayaa loga hadli doona arrimo ku saabsab
argagixisada gobolka Afrika bari sidii loo baabi`in lahaa iyo habkii
looga hortagi lahaa ,Mareykan ayaa dawlada kenya waxa uu siiyey
qandaraaska ka hortaga Argagixisada caalamiga waxaa kenya la siiyaa 80%
kharashka dawlada mareykanka ku bixiso la dagaalanka Argagixisadda,
Ciidan tiradood aan ka yaren kumaneeyo ayaa waxaa horantii bishii hore la
soo dhoobey ama lagu daadiyey xuduudaha ay dawlada kenya la wadaagto
Soomaaliya sida wajeer iyo gaarisa iyo mandheer ciidan aan ka yaren 5-kun
kuwaasoo ilaalinaya socotada isaga talaabaya xuduuda kenya iyo soomaaliya.
Muslamiin kenyan gaarey ilaa 700-oo qof ayaa lagu xirxiya xabsiyo kala
duwan ee dalka kenya iyagoo lagu eedenayao in ay ka danbeeyeen qaraxyadii
ka dhacay dalkan kenya 2-badii sanad ee ugu danbeysay,Booliska ayaa ayaa
waxa lagu siyaadiyay ciidan sita shaati tuuto ah iyo surwal gariin ah oo
wadooyinka magaalada iyo xaafada daqiiqadiiba dhinac kuu dhaafaya
3-askari oo sita qoriga G-3,ciidamadaasi oo iyaga baaraya boorsooyinka la
dhex marayo magaalda gudaheeda ciidamadan oo qayb ka ah arrimaha la
dagaalanka Argagixisada ,waxaa kaloo dawlada kenya furtay dugsiyo lagu
tababarayo ciidamo loo diyaarinya habka loo baaro iyo habka looga hortago
Argagixisadda
Faafin: SomaliTalk.com | October 3, 2003
.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK
.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|