SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
"Waa Qaaraan aan Qabiil iyo Qadarin-Qoys toona ku Qotomin"

 


kulankan waxaa Minneapolis lagu qabtay dabayaaqadii bishii September

Shir eey si heer sare ah u soo agaasimeen ururka Ardayda Somaliyeed ee Minnesota (MSSU) ayaa dabayaaqadii bishii ina dhaaftay lagu qabtay xarunta College-ka Minneapolis Community & Technical College ee bartamaha magaalada Minnapolis, oo ah goob eey u waxbarasho tagaan boqolaal arday Somaliyeed ah.

Shirkan ayaa looga gol lahaa in taageero dhaqaale loo fidiyo afarta jaamacadood ee ugu waaweyn Somaliya ee kala ah: Jaamcadda Muqdisho, Jaamcadda Hargeysa, Jaamcadda Boosaaso iyo Jaamcadda Camuud ee Boorame. Ardayda Somaliyeed ayaa dadaalka noocan ah bilaabay kal hore, iyagoo deeqo waxbarashada looga dhiibayo u fidiyey 8 arday Somaliyeed ah oo wax ka dhigata Jaamcadaha aan soo sheegay oo min laba loo qeybiyey. Waxaa shardi aasaasi ah u ahaa si uu ardaygu deeqdan waxbarasho u helo dhowr arrimood: (A) inuu ardaygu ahaadaa mid kamid ah kuwa ugu waxbarashada wanaagsan Jaamcadaas. (B) inuu kasoo jeedaa qoys sabool ah oo aan awood iyo taag toona u laheyn ineey ka dhiibaan waxbarashada ardaygaas iyo shuruudo kale.

Maamulka jaamacadaha ayaa loo xilsaaray iyagu ineey si caadil ah u soo xulaan ardaydan nasiibku soo doontay. Ardayda Somaliyeed oo kaashanaya qaar kamid ah jaaliyadda jecel aqoonta iyo waxbarashada ayaa sanadkii hore ku guuleystay ineey deeqdaas waxbarasho gutaan. Wexeey tallaabadani baal dahab ah ka gashay taariiqda Ardayda Somaliyeed ee reer Minnesota. Iyagoo halkaas kasii anba-qaadaya ayeey Ardaydu sanadkanna tiigsadeen tallaabo tii horeba kasii dadaal badan. Wexeey shir isugu yeereen Jaaliyada gobolka. Waxaa shirkaas casho heer sare ah ku sadaqeystay qaar kamid ah maqaayadaha Somalida ee wanaaga jecel. Inkastoo tiradii badneyd ee la filayey eeysan ka soo qeyb galin shirkan muhiimka ah, haddana waxaa yimid dadyow ka tirsan Jaaliyadda kuwooda ugu cad cad. Waxaa halkaas warbixino ku saabsan Jaamacadahaas looga dhageystay aqoonyahanno Somaliyeed oo dhawaan soo booqday Jaamacadahaas, amaba si gaar ah uga war! haya. Dhamaan fariintu wexeey isugu soo biyo-shubaneysay muhimadda eey leedahay taageerada Jaamacadaha dalka ka dhisan. Laakiin taageeradu eey ahaato mid lala beegsanayo jiilka ugu nuxurka badan dadka Somaliya ku haray oo ah : Dhalinayarada waxbaraneysa.


Digsi iyo saddex dhardhaar:
Waa sawir kamid ah sawirro lagu soo bandhigay kulanka.

Waxaa la soo gaaray xilligii lacag uruurinta. Ururka ardaydu wexeey soo qoondeeyeen in la kafaalo-qaado oo waxbarashada laga dhiibo 50 arday oo ku kala firirsan afartan Jaamacadood. Waxaa la soo dhex dhigay dadweynaha in qofka ugu badani uu damaanad qaado 3 arday sanadkiiba, taas oo ku kaceysa isugeyn lacag gaareysa $1,200.00 sanadkiiba (kun & laba boqol oo doolar). Maadaama eey halkii arday waxbarashadiisu ku kaceyso $400.00 sanadkiiba. Waxaa iigu yaab badnaa markii eey gacmaha taageen qaar kamid ah Ardayda Jaamacadaha Minnesota oo si isla le'eg wax ula qeybsaday qaar kamid ah Ganacsatada Somalida. Waxaa halkii lagu damaanad qaaday deeqo waxbarasho oo gaareysa illaa iyo 12 arday - baan filayaa- kadib markii eey 3 qof si geesinimo leh u damaanad qaadeen 12 kaas arday. Wexeey aheyd daqiiqado xamaasad iyo reyreyn xambaarsan. Guubaabin iyo sacab iyo takbiir ayaa mar qura isla qabsatay hoolkii shirka.

Waxaa dabadeed la bilaabay in loo yeero dad damaanad qaada laba arday sanadkii, taas oo ku kaceysa $800.00. Sidoo kale, Arday iyo Ganacsato iyo shaqsiyaad caadi ah ayaa si Somalinimo iyo Islaanimo ku dheehan tahay gacmohooda u taagay, halkaasna ku kafaalo-qaaday arday jooga meel Somaliya ka mid ah oo eeysan magac, heyb iyo urur gooni ah wadaagin. Aniga wexeey ii aheyd khibrad aanan horey uga baran Somali. Wexeey iila mid noqotay sidii anigoo ku riyoonaya oo kale.


Arday Soomaaliyeed ee wax baranaya: Waa ardayda la rabo in loo agaasimo sidii ay u heli lahaayeen tacliin sare marka ay dhamaystaan dugsiyada hoose/dhexe iyo sare.

Qeybtii ugu danbeeysay ayaa loo yeeray shaqsiyaad kafaala-qaada hal arday oo qura sanadkiiba. Taas oo ku kaceysa $400.00 oo kaliya sanadkii oo dhan. Taas oo dhiganta lacag ka yar $40.00 bishii oo dhan. Shaqsiyaadkii ugu badnaa ayaa qeybtan ka qeyb qaatay. Arday, culimaa'udiin, gabdho, wiilal iyo ganacsataba looma kala harin. Sidoo kale, sawaxan taageero iyo takbiir wata ayaa meel walba laga maqlayey. Wexeey aheyd daqiiqado uu qof walba oo damiir lihi la danqado. Waxaa isugeyn halkii deeq waxbarasho oo hal sano ah looga bixiyey arday gaareysa illaa iyo 37 arday oo ku kala firirsan Jaamacadaha Somaliya.

Arrinta ugu xiisaha badan ee xusida mudani waxa weeye in qof kasta oo deeq-bixiye ah lala xiriirsiin doono ardayga uu waxbarashada ka dhiibayo. Iyagoo is dhaafsan doona fariimo E-mail ah, hadii uu u baahdana, deeq-bixiyuhu uu taleefon kula xiriiri karo ardayga uu damiintay, halkaasna eey isaga wareysan karaan halka eey waxbarashadu u mareyso ardayga. Xaqiiqo ahaan, talaabadan dheeraadka ahi wexeey xaqiijisay doorka hogaamineed iyo kan isxilqaamid oo eey ardayda Somaliyeed ee reer Minnesota ka soo bexeen. Wexeey tusaale ifaya u noqdeen kumanaan arday iyagoo kala ah oo kula lunsan caalamka oo dhan, ineey iyaga ku daysadaan. Wexeey Ardayda Minnesota baal-dahab ah kaga xaroodeen taariiqda cusub ee Somaliya oo aan lagu arag qaaraan ka baxsan mid qabiileed. Qaaraankaas oo ah sadaqada ugu weyn ee uu arday isagaba jeebkiisa Alle uun uu ka warqabo ku biiriyey iftiiminta jiilka mustaqbalka.

Akhbaar dheeraad ah: Kala xiriir
Cali Bulxan: 651.335.2594
Saafiyo Yaasiin: 651.491.1002
Cali Kofiro: 612.770.2620
Email: mssu@mssu.net

Waalidiinta ardayda Minnesota, kuwa Somaliya, ganacsatada, aqoonyahanada, culimaa'udiinka, siyaasiyiinta iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee Jaaliyada waxaa la gudboon ineey ku faanaan xidigaha Ardayda Minnesota, suura galinta eey suura galiyeen - Alle kadib - Barnaamij noocan ah. Barnaamijkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee abid eey qayb aan isku heyb aheyn oo bulshada kamid ah eey fuliso - Intaan warhayo- .

Horey ayeey ardaydu usoo agaasimeen kulan eey isugu yeereen dhamaan ardayda woqooyiga America, taas oo qeyb ahaan guul wax ku ool ah laga soo hooyey.

C/raxman Ceynte
Minneapolis Community & Technecial College

Minneapolis, MN

abdirahmanceynte@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | October 5, 2003    

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD