SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

OOHIN YAXAAS

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

“Dad badan oo soomaaliyeed oo meel walba jooga ayaa caadaystey in ay damacooda shakhsiga ama qabaliga ah u sahaydaan Soomaaliya.”

Sidaa wanaagsan ee kor ku qoran waxaa ku bilowday maqaal dheer oo aan dhowaan ka akhriyey mid ka mid ah bogagga inter net-ka. Afeeftaa afgobaadsiga ahi waa booddadii u horraysey maaratoon dheer oo shan boqol oo sano dib loo ordayo. Shan boqol oo sano oo ah ilaa casrigii Axmed-Gurey! Sahayduna intaa waxay ahayd caaddifad iyo xamaasad si ba’an nafsadda uga soo go’ayey. Caqligu in yar ayuu hawsha ku lahaa.

Waan ogaa in la taagan yahay goortii ay iskeed u furmi lahayd dood siyaasadeed oo ka duwan maansadii Cali-Dhuux iyo Salaan-Carrabey. Shakina igagama jirin in la maqli doono dhawaaq aan ahayn muranka dagaalyahanka. Waayo? Taliskii askarta ee lagu hoogey ka dib qaddar xorriyad feker ah ayaa la helay, qurbaha ilbaxnimo aan yarayn ayaa laga urursaday, xeedhadii xafiiltanka qabiilkana gunteedii waa la soo taabtay. Sidaas darteed qoraalkan aan faallada ka bixin doonaa saadashayda wuu rumayn kari lahaa, waanse ku hungoobey. Marnaba waxaanan xisaabta ku darsan faraskii ilbaxnimo ummadeed loogu sahan tegi laha in loo sadqayn doono xuska awoow shan boqol oo sano hortood dhac geel lagu diley. Laakiin waan qaldanaa, dawladnimadiiba sow odaygaa baas qudhiisa looma sadqayn?

Aqal weynaha soomaaliyeed maanta wuxuu u baahnaa cid qaniinka iyo qorijabka ka gurta, laakiin armay halaqyo cusubi gogosha inoo galaan?

Arrintu waa sidan.

Qof sabab inaga dahsoon magaciisa u qariyey ayaa dhowaan qoraal dheer faafiyey. Magaciisa wuxuu ku gudbey tabbeelle uu ku qoray XDGA (Xarunta Daraasaadka Geeska Afrika) oo ah wax sidiisa inooga dahsoon. Mar haddii aynaan magaciisa iyo rag iyo duma, iyo xataa soomaali iyo shisheeye, mid uu yahay aqoon, aynu u bixinno ”Qof”, imika ka dibna sidaa isula garanno.

”Qofku” wuxuu damcay in uu si cilmi ah uga doodo qadiyad muhiim ah oo ina wada khusaysa iyo wax kasta oo taa ku gudo jira ama ku meegaaran. Aragtidiisa wuxuu u soo gudbiyey heer akaademi oo u qalma in la akhriyo, waxaana ka muuqda qaddar aqoon ah. Qodobbada uu ka hadlayo wuxuu u habeeyey una qaybiyey si wanaagsan. Af soomaaliga uu wax ku qoray waa heer sare marka laga reebo arrimo yar yar. Adeegsiga ereyo nool iyo rogrogista hadalku waxay marag u yihiin ”Qofku” in aanu afka sabool ka ahayn. Waxayse saboolnimo ka haysataa shibbanaha aan laba laabmin ee uu laba laabayo, sida x (xattaa) iyo q (xaqqa). Waxay kale oo qaddar dhibaato ahi ka haysataa kala saarista af soomaaliga iyo ereyada qalaad ee ku soo baadiyoobey. ”Sukhriyad”, ”miqyaas”, ”mandiq”, ”bal”, ”asbaabo”, intuba waa carabi engegan oo akhristaha aan carabida aqooni ku merganayo. Sidaas oo kale wax xil ah iskama uu saarin ingiriisida badan ee uu meel walba ka soo urursaday in uu soomaaliyeeyo, mar haddii cidda qoraalku ku socdaa soomaali tahay. Laakiin luqadda wax badani kama gelin arrintan ina hor taal. Waxaa ina hor taal masiibo ku dhacday feker soomaaliyeed oo haddii kale wanaagsanaan lahaa.

Haddaba ”Qofku” muxuu ka dooday, sidee ayuuse u dooday? Ujeeddadiisu xaggee ayey ka timid, xaggee ayeyse ku socotaa?

Wuxuu si mug leh u falanqeeyey arrin uu ku sheegay “Somaliland-nimada” iyo waxa ay u taagan tahay ama ka taagan tahay. Wuxuu aad isugu dayey in uu taa xaqiiqadeeda baadi doono, oo xididdadeeda iyo laamaheeda raadiyo, ama sidaas ayuu isu keen tusay. Wuxuu inoogu afeeftay:

“Markaan ka hadlayno ra’yiga ‘somaliland-nimada’ kama hadlayno qabiil. Waxaan ka hadlaynaa ‘ra’yi kooxeed’.”

Markaa sow masiibo noqon mayso haddii uu wax aan qabiil ahayn meesha kaga hadli waayo? Haddii aynu aragno isaga oo qabiil qaawan eryanaya oo jeedal kulul dhabarka kala dhacaya? Haddii uu inoola soo baxo xagjirnimo aad u fog oo aan fursado badan ina siinayn?

Dedaal badan oo uu “Qofku” taa u galay, oo ilaa casrigii Axmed-Gurey dib ugu celiyey, waxii uu guul iyo guuldarro dooddiisa uga soo helay dib ayeynu kaga hadli. Waxaanse u qirayaa in magaca “Somaliland” la faroxumeeyey, oo ujeeddo aanu u oolli karin loo dhigay. Taasina haddii ay isaga fahamkiisa ku cusub tahay anigu lix sano hortood ayaan kaga dooday maqaal lagu daabacay Somali Electronic Journal.

”Qofku” wuxuu u dooday si ka bilaabata kuna dhammaata ciil iyo cadaawad uu qabiil gooni ah u qabo. Ciilkaas iyo cadaawaddaas oo sabab shakhsi iyo mid qabiil lahaan kara, laakiin aan marnaba sabab qaran lahaan karin. Waayo qof qaran jeceli qabiil gaar ah ma necbaan karo. Waa laba mustawe oo aan isdabooli karin iyo laba dareen oo aan qalbi qudh ah ku wada kulmi karin. Markii uu halkaa silloon maray ayuu hadafkii uu dood wadaag habboon ugu tegi lahaa ka ambaday ama iskii uga leexday: Waa tii aan lahaa “waan ku hungoobey”.

Haddii uu “Qofku” u dhashay mid ka mid ah beelaha dega Somaliland, si buuxda ayaan uga garaabayaa cabashada iyo diidmadiisa Somaliland ku saabsan, qofnimo, qabiilnimo iyo qarannimo mid uu ka duulayaba. Haddiise uu yahay soomaali kale oo aan dhulkaa degaan u lahayn, waxaan u garaabayaa oo keliya haddii uu qarannimo ka duulayo. Labada xaaladoodbase waxaa shardi ku ah in la hayo waxa la caayayo wax dhaama. Laakiin sinaba uga garaabi maayo weerarka uu “Qofku” qabiil gooni ah ku qaaday iyo fallaadhaha afka mariidka ku wada leh ee uu ku ganay. Kuma sheegi karo jaahil, waayo dooddiisa cilmi kama maqna: Ugu yaraan taariikhda qabiilka uu maagayo saddex luqadood ayuu ku soo baadhay oo kala ah carabi, ingiriisi iyo soomaali. Dabcan taa wuxuu ku bixiyey waqti iyo tabar aan yarayn, waana arrin in la qaddariyo mudan.

Aynu isla aragno qaar ka mid ah dhacdooyinka iyo fekerka qabiilka la neceb yahay ku abtirsada ee uu “Qofku” qoraalkiisa ku soo urursaday dabadeed xumaan iyo xaaran ka wada dhigay.

Wuxuu xusay dhacdo shan boqol oo sano jir ah, taas oo uu dalmareen carbeed ka soo xigtey, oo ah in uu reer qabiilkaas ka mid ahi jidgooyo sameeyey dabadeed Axmed-Gurey ciidan ku bixiyey. 130 sano hortood in uu qabiilkaasi hanti ka dhici jirey qabiil kale oo galbeedka deris kala ah. Qabiilkaasi in uu daraawiish colaadiyey oo Ingiriis gacan siiyey. Jabkii daraawiishta qabiilkaasi in uu bililiqo iyo kufsi geystey. Soddonaadkii iyo afartanaadkii qarnigii tegey, qabiilkaasi in uu si aad ah ugu ololeeyey in ay soomaalidu gumeysigii Ingiriiska ka hesho xuquuq u dhiganta ta ay helaan dadka reer aasiya, oo ka sarraysa tii afrikaanka kale. Isla beryahaas qabiilkaasi in uu diidey in af soomaaliga lagu daro manhajka waxbarashada, si aan afrikaannimo ugu soo dugaalin. Qabiilkaasi furista ururkii gobanimada ee Somali National Leage (SNL) in uu ka lahaa dan qabiil. Xilligii Jamhuuriyadda Soomaaliya qabiilkaasi in uu wadey fadqalallo. Ururkii Somali National Movement (SNM), ee taliska Ina Siyaad la dagaallamay, in uu ahaa qarandumis qabiilkaas u taagan. Sannadkii 1988 hooggii iyo halaaggii qabiilkaa ku dhacay waxaa u sabab ahaa oo keliya SNM. Ururkaasi wuxuu xasuuq u geystey qabiilooyin kale. Ururkaasi wuxuu caawin jirey ururkii koonfurta ka dagaallamayey ee United Somali Congress (USC), wuxuuna kala talin jirey, kuna dhiirri gelin jirey, falal xasuuq ah. Xasuuqii iyo burburintii uu Maxamed Siyaad qabiilkaa ugu geystey Hargeysa sannadkii 1988, kama duwana dagaalkii qabiilkaa ku dhex maray Burco sannadkii 1994. Qabiilkaasi waxaa uu ka dafiray xuquuqda aayo ka tashiga Soomaaligalbeed. Qabiilkaasi weli wuxuu ku farxaa hoog kasta oo soomaalida kale ku dhaca.

Bal haddaba igala feker “Qofka” oo garsoore maxkamadeed ah una xilsaaran in uu kala saaro dad soomaali ah oo isku mashaqoobey?

Meesha waxaa ka maqan xilkasnimo, taas oo “Qofka” ku eryaysa kuna khasbaysa laba arrimood:

1) Ciil iyo nacayb ba’an oo uu qabiil gaar ah u qabo.

2) Isku day ah in uu qabiilkaa aadamiga oo dhan cadaawad uga helo.

Wuxuu soo qodayaa, urusanayaa, buunbuuninayaa, dhanka xun u rogayaa, oo aad ugu mashquulayaa, wax kasta oo qabiilkaasi ku eedoobi karo. Xataa kama muuqato rabitaan ah fashilinta gooni isu taagga Somaliland. Waayo doonis sidaas ahi waxay geyeysiin lahayd dood qancin iyo sababayn ku dhisan, ee aan ku dhisnayn dagaal oogid iyo col abaabul. Ta hore natiijo cusub ayey dhali kartaa, tan dambese wax hore ayey soo celinaysaa.

Haddaba aniga oo dareemaya, isuna aqaan, in aan khilaafka soomaalida daacad iyo dhexdhexaad ka ahay, weligayna aan aqoonsan dawladnimada Somaliland, kana qayb gelin fal iyo talo qabiil kale wax lagu yeelayo, sidan ayaan u arkaa qodobbada uu “Qofku” dooddiisa cuskiyey, oo uu giddigood qabiilkaa cadaawad ugu qaadhaamayo:

Jidgooyada ay dad qabiilkaas ahi xilligii Axmed-Gurey sameeyeen kama duwana bulshadii waqtigaa ee dhaca ku noolayd. Maantaba dhaca iyo jidgooyadu waa ay jiraan.

Xoolaha beesha reer galbeed 130 sano hortood la dhacay kama duwana dhacii beelaha soomaaliyeed weligood ka dhexeeyey, wax nuxur ahna doodda siin mayso. Soomaali Galbeed aayo ka tashi u wada socotaana maanta ma jirto, qabiilkaasina ma leh awood uu aayo ka tashiga cid kale isku hor taago. Waase isku day uu “Qofku” doonayo in uu qabiil kale colaad geliyo.

Isku dayga “Qofka” ee ku saabsan cadaawad abuurku kuma ega oo keliya dhacdooyinkii bulshada soo kala maray iyo xuduudda gudaheeda, wuxuuse u gudbiyey heer caalami. Qabiilka wuxuu ka dhigayaa cunsuri afrikaanka kale oo dhan yasa oo iskala weyn. Taana wuxuu u daliishaday ololihii xuquuq raadinta ee xilligii gumeysiga ee Afrikada Bari. Laakiin berigaa fog in loo ololeeyo soomaalidu in ay hesho xuquuqda ugu sarraysa ee suurtogal ah, waa karti dadnimo leh oo ay tahay soomaali waliba in uu ku faano.

Qabiilkaasi in uu baaqii Ina Cabdulle Xasan bilowgii lafdhabar u noqday, markii uu horor ku noqdayna iska celiyey, wuu ku ammaanan yahay. Sida wax la isaga celinayaana cid walba iyada ayey u taalley. Maantaba shisheeye kaashigu wuu inagu wada jiraa. Laakiin sida uu qabiilkaasi daraawiish isaga celiyey “Qofku” wuu ka macne duwey iska celintii ay qabiilooyin kale sameeyeen. Maxaa taa Ingiriis loola garabsaday, ayey eeddu tahay, waase eed rakhiis ah oo aan caqli ku fadhiyin. Ujeeddadu waa in uu si uun u takooro fal kasta oo qabiilkaasi ilaalinta jiritaankiisa u door biday. Ha ogaado falsafadda dagaalku in ay ahayd:

“Rag haddaad colaad leh dihiin, ciidanse u weydo Hadba waxaad ku ciil bixi kartaa, kuu cawo adduun ah.”

Taageerayaasha Ingiriiska in uu qabiil u badnaa, taageerayaasha Maxamed Cabdulle Xasanna qabiil kale, sababo iyo duruufa jirey dartood, waa mid aynu wada og nahay. Haddaba “Qofku” taa in uu soo qaado muxuu dan ah ee ka yeelan karaa, aan ahayn in uu sheego labadaa qabiil midkood in uu xumaa ka kalena fiicnaa? Maxayse macne leh dahay in uu taa gaal ka soo xigto, aan ahayn wax uu isagu dhihi rabey in uu cid kale afkeeda ka soo qaado?

Dadkii uu Ingiriisku haystey in ay samaystaan hoggaan xornimo iyo siyaasadeed (SNL) oo aan ahayn hoggaankii qolada Talyaanigu haystey (SYL) waa fikrad dabiici iyo muhiin ah oo aan xumaan iyo qabyaalad loo aanayn karin. Xilligii Jamhuuriyadda Soomaaliya waxgarad qabiilkaas ka tirsani in ay dib u goosasho isku dayeen fadqalallo ma ay ahayn, waayo in dulmi weyni dadkaa ku yuururey waxaa qiray siyaasiyiin waaweyn oo reer koonfur ah.

“Qofku”. Isaga oo cabbiraya fekerka ururkii SNM wuxuu ku meteley:

“Mar haddii qabiilkaygu awood u helay in uu khasaare weyn u geysto qabiil kale, taasi waa xornimo, waxyeellada dhow iyo tan cawaaqibkuna ma aha kuwa aniga xisaabta iigu jira.”

Runtii arrintu ma sidaas ayey ahayd? Maya, waayo ilaa maanta lama oga qabiil ay SNM qabiil ahaan ugu duuleen. Waxaa la ogaa in ay la dagaallami jireen talis dalka xabbad iyo xaqdarro ku haystey. “Qofka” ayaa iigu horreeyey cid aan ka maqlo SNM in ay shacab xasuuqeen, haddii ay dhacdayna waxaan si buuxda u taageerayaa in dacwad lagu oogo.

Laakiin si ay tahayba, ”Qofku” in uu sidaa u fekeraa sow caddayn uma aha in uu maamulkii Maxamed Siyaad u arko qabiil? Dabadeed sow ma ahaan karto halka uu ciilka ka soo qaaday? Ma taas baa sababta uu xaqiiqada xagga kale u rogayo. ee meesha uga saarayo in uu taliska ahaa kii isagu shacbiga xasuuqay? Loojikada foorortaa waxay rabtaa in ay inaga raariddo: kuraygii hooyadii Hargeysa lagu hor kufsaday ee qoriga qaatay ayaa ka gardarnaa kii wax kufsaday! Caqliga ku andacoonaya: SNM maxay dalka u qabsadeen, muxuu ugu andacoon waayey: markii ay qabsadeen talisku muxuu ugu dayn waayey? Ma wuxuu ku joogey sharci iyo doonista dadka? Mise isagu waa quus oo xukun akhlaaqeed ma qabto?

Ururkii SNM qabiil ha metelo ama qaran, waxaase hubaal ah in uu ka tarjumayey dareenkii ka gilgilashada taladii bahalnimada ahayd ee Afkudhiigle. Khasab ayeyna ahayd in taliskaa lala dagaallamo, waayo isaguba xoog iyo xaqdarro ayuu xukunka ku haystey, dadkana ku gumaynayey. Haddiise ay SNM Xabashi gacan ka heleen, talisku isaguba carab, Maraykan, Talyaani iyo shisheeye badan ayuu taageero uga helayey cadaadinta iyo dilka bulshada. Shisheeye miyuu shisheeye kaa xigaa? Xabbadise miyey xabbad kaaga macaan tahay?

SNM haddii ay taageero siiyeen ururkii ka da’da yaraa ee USC, iyaguba bilowgii waxay taageero ka heleen ururkii ka da’da weynaa ee SSDF, waana dabiici haddii isku dan la yahay.

Masiibooyinka Koonfurta Soomaaliya ka dhacay waxay lahaayeen xasuus argagax leh oo aan weligeed maskaxda soomaalida ka bixi doonin. Haddaba ”Qofku” waa in uu qabiilka uu neceb yahay denbigaa meel ka soo geliyaa. Wuxuu qoray:

”SNM waxaa la ogsoon yahay in ay USC ku dhiirri gelin jirtey falalkeeda burburinta ah.”

Yeynaan illaawin ”Qofku” SNM in uu qabiil ka wado. Runtuna waxay tahay, inta uu awoodda qabiilkaa buunbuuninayo oo ka baqayo, in la’eg ayuu USC iyo qabiilka uu ugu abtirinayo xaqirayaa. Taa waxaa u marag ah sida uu ugu soo celceliyey USC in ay ahaayeen wax liita oo maskaxda iyo xafiisyada SNM laga xukumo.

Halaaggii uu taliska Maxamed Siyaad geystey sannadkii 1988, iyo dagaalkii ay laba reer Burco isku dileen sannadkii 1994, waa ay kala duwan yihiin. Ka hore wuxuu ahaa talis awood qaran ku gawracay qayb qaranka ka mid ah, ka dambena wuxuu ka mid ahaa legdankii beelaha ee weligii soo jirey. Laakiin ”Qofku” wuxuu ka dhigayaa isku mid, si uu jariimad ka mid ah kuwii ugu foosha xumaa ee dunida soo maray u daboolo.

Ma ogi in ay run tahay qabiilkaasi in uu dhibaatada soomaalida kale ku farxo, haddiise ay run tahay waxaa khasab ah in ay jiraan xanuun iyo waayo-aragnimo xun oo abuuraya baqdin laga qabo hoog mar kale xaggaa ka soo noqda. Wuxuuse ”Qofku” rabaa in uu taa ku fasiro qabiilkaasi in uu yahay dad damiir xun oo xaasid ah.

Wuxuu qoray in uu qabiilku ka xanaaqay in kulankii Carta ra’iisal wasaare la siin waayey, sababtaana kula colloobey Cabdiqaasim. Iyaduna waa loojiko foororta, waayo waxaa la ogaa in qabiilka uu sheegayaa sidiisaba, shakhsiyaad mooyee, shirkii Carta ka soo hor jeedey, inta aanba la gaadhin natiijada. Isku dayga “Qofka” ee taa ku saabsani waa in uu qabiilka uu Dr Cali Khaliif ka dhashay ku diro qabiilka uu colaadinayo.

Sidaas ayey u wada foororaan fikradaha “Qofku” oo ay xaqiiqada, caddaaladda iyo akhlaaqda suuban uga wada fog yihiin. Mushkiladda koowaad ee meesha taal waa yoolka toogashada oo aad uga leexsan qadiyadda la hadalhayo ee ”somaliland-nimada”. Haddiise ”somaliland-nimada” sideedaba loo celiyo qabiil, denbi intee la’eg ayaa laga gelayaaa dadka badan ee aan qabiilkaa ahayn ee nadaamkaa ku jira una ololeeya? Mar kale haddii ”somaliland-nimada” loo celiyey qabiil, qabiilkaasi xaq intee la’eg ayuu u leh yahay in la raadiyo xanuunka uu la fiigayo? Miyey dadnimo iyo anshax wanaag tahay in nabar kasta oo ciddaa ku dhacay la duudsiyo ama eedda isla isaga lagu soo celiyo?

Marjaca iyo maragga ugu badan ee xumaanta qabiilka la maagayo loo cuskanayaa waa fikrado shisheeye. Laakiin akhlaaq ahaan iyo wacyi ahaan toona ma habboona in aragti shisheeye marag looga dhigto qaddiyad sokeeye. Ma aha in E R Turton, Marguerite Mecheals iyo kuwa la midka ah hadalkooda kalsooni sidaa u weyn la siiyo marka laga hadlayo khilaafka gudaha. Dadkaasi ma aha malagyo dhawrsan, sida uu ”Qofku” moodayo, ee dabcan waa danley yeelan karta maslaxad shakhsi, mid shaqo iyo mid ummadeed, ama intaba. Xigashada badan ee feker shisheeye waxay inagu xoojinaysaa tuhunka ah “Qofku” in uu gacanyare u ahaan karo quwad maleegaysa in ay soomaalida awelba kala fogeyd sii kala fogaato. Maxaynu haddaa ku fasiri karnaa in loollankii geela iyo biyaha lagu sheego aydoolajiyad siyaasadeed oo daraasad lagu dejin jirey laguna fulin jirey? Miyey geyigeenna ka jiri kartaa koox abaabulan oo wada leh feker siyaasadeed oo ilaa Axmed-Gurey soo taxnaa? Maya, waxaase jira qabiil ilaa berigaa soo taxnaa, taas ayaana ah danta uu ”Qofku” u socdo.

Laakiin ”Qofku” sidiisaba muxuu isu qarinayaa? Muxuu qarsanayaa? Aragtida uu doono ha qabo, cidda uu doonana ha u ciil qabo, sidee ayaanse ku garan karaa in uu yahay soomaali jira? Qoraalku sow ma ahaan karo tarjumid laga soo qaaday sirdoon shisheeye oo dabaqadda waxgaradka ah ee doodda fayoobi dhowaan u furantay ka dhabqinaya? Haddiise uu yahay qof jira, sow ma noqon karo mujrim bulshada denbi hore ka galay oo aan doonayn in la garto?

Weydiimahaa kama jawaabi karno, waayo ma nihin uurkubaalle. Waxayse u dhow dahay ”Qofku” in uu qabo arrimahan ama qaarkood:

1) Meesha ugu fog ee uu wax ka arki karo ayaa ah “innaga iyo reer hebel”. Taasi ka dhigi mayso jaahil iyo maangaab midna, waxayse ka dhigaysaa qof wacyi liita, taas oo uu bulshada badankeeda la wadaago.

2) Sidii aan sheegay in uu ciil la buko, taasina ay garashada iyo anshaxa ka dhaawacday. Dabadeed uu isku dayayo qabiilka uu neceb yahay in uu cadow badan u abuuro.

3) In uu yahay hadoodil waxa uu u muuqdo wax aan ahayn u taagan. Tusaale ahaan wuxuu ahaan karaa cadow isku dayaya in uu qabyaaladda badownimada ku sal leh u gudbiyo heer akaademi.

Tuhunkan u dambeeyaa inagu ridi maayo ”baaranooya”, wuxuuse ina siinayaa digtooni ka soo maaxaysa waayo-aragnimo hore. Berigii uu dagaalka sokeeye Lubnaan ka socdey, mid ka mid ah wargeysyada xagga fekerka ugu af dheer ee dalkaa ka soo baxa waxaa si qarsoodi ah u yeelatay Hay’ada Sirdoonka Maraykanka (CIA), si fikradaha Maraykanka ee ku jeeda Lubnaan iyo guud ahaan Bariga Dhexe halkaa looga fidiyo. Goor dambe ayaa taa la ogaadey. Sidaas ayaa meel walba ka dhacda, innagana shaki la’aan inagu dhacda. Haddii ay sidaa noqotana, dood kasta oo “Qofkan” xaggiisa inooga baxdaa, nasiib darro, waa waran inagu soo noqonaya.

Ugu dambayn, dood waxaa ugu liidata ta waxa lagu doonayo la isku diidsiiyo. Waxay noqotaa daacad darro, khatalid iyo madalhufin. Tanna iyada oo ay abbaarteeda iyo ubucdeeduba xin qabyaaladeed yihiin, in isla qabyaalad lagu hiifo ama cid kale lagaga eed sheegtaa, waa oohin yaxaas. Waa halka ay maahmaah qalaadi ka tidhi ”Keegga in aad cuntid iyo in aad isla markaa haysatid iskuma heshid”. Qoraalkuna ma aha, haba yaraatee, isku day lagu ifinayo xaqiiqada ”Somaliland-nimada” ee waa abaabul colaad hor leh iyo durbaan dhiillo. Waa maansadii ”Guba” oo weji cusub la timid.

Falcelintu waxay noqon kari lahayd qalin iyo warqad lala boodo oo qabiilka uu “Qofku” ka dhashay xumaan badan laga qoro. Laakiin xaasha, waxay sii dheerayn lahayd uun waqtiga dalluunta lagu jiro lagu sii jirayo. Taas garashadeeda iyo ka joogisteedu waa xilkasnimo uusan “Qofku” lahayn ama dan ka lahayn.

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com
Waa qoraa ku nool dalka Iswiidhan.
Qoraalladiisa waxaa ka mid ah:
“Soomaaliya: qaran iyo qabiil”.

Faafin: SomaliTalk.com | October 6, 2003   

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]