SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK -NAIROBI
WARARKA SHIRKA OCTOBER 9
  • C/Qaasim oo Diidey In Hadda lagu Soo Booqdo Muqdisho
  • Hogaamiyaasha Jooga Shirka oo Dalxiis loo geynayo Meelo Kamid ah Kenya si aysan u Caajisin
  • Buuq Hor leh oo ka Dhacay Shirka

War-1-09,Oct,Mbagathi,Nairobi.
Cabdiqasim oo diiday in uu……………………………………………

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Wararka Madasha shirka dib u heshiisiinta Soomalida ee Mbagathi ayaa waxaa la isla dhex marayaa in uu ka baaqdey safarkii la filayey in uu maanta u tago magaaladda muqdisho Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Mudane Bathwel Abdul Kipligat oo uu kula kulmi lahaa Dr.Abdiqasim Salaad hassan iyo Muuse Suudi Yalaxoow oo labuda ka mid ahaa hogaamiyayaasha siyaasadda Soomaalida oo shirka dib uga laabtey.

Baaqashada safarka guddoomiyaha Ayaa lagu macneynayaa in uu Cabdiqasim ku yiri aniga safar ayaa tagayaa ee ha iga raali ahaado muddane Kipligat.
Safarka Cabdiqasim ayaa lafilayaa in uu ku tago magaladda Abu- Dubai,waxaa kaloo la isla dhexmaraa in ay safar iyagana ku aadi doonaan Xasan Abshir faarax iyo Cabdalla Deerow Isaaq magaaladda Abu-Dabey halkasoo martiqaad u fidisay Dawladda Abu-Dabai.

Dhanka kale hogaamiyayaasha ku sugan madasha shirka ayaa la filayaa in dalxiis loo geeyo meello ka mid ah waddanka Kenya, sidii horey loogu geeyey warshaddo ku yaala agagaarka magaalada ElDORET iyo Beero Waweyn oo ku yaala inta u dhaxeysa Nairobi iyo Eldoret sanadkii hore.

Dalxiiskan ayaa talo ahaan u soo jeedisay Beesha caalamka si ay isu arkaan waji ka waji hogaamiyaasha siyaasada isku haya ee Soomaalida.oo goobni gooni u sheekeystaan ama u wada chakeeyaan iyagoo aan lagu dhex jirin.

Dalxiiskan kii ka horeeyey ayaa lagu soo garey heshiiskii kowaad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida 15-Oktober ,2002.

Macnaha ku jira dalxiisan ayaa raga mala odorosa siyaasadda Soomaalida ku sheegaya in ayan ku caajisin sugida xubnaha ka maqan shirka eela filayo in ay dib ugu soo laabtaan shirka haatan ka socda Xerada Mbagathi ilaa iyo 3-toddobad.


U bixida dalxiiska ayaa wali waxaa diidan Kooxda SRRC ,halka TNG iyo G-8 raali ka yihiin,Diidmada SRRC ayaa wali war laga soo saarin sababta keentay.

Ergada Soomaalida ee shirka ka qayb galeysa ayaa ku mashquulan in ay soo diyaariyaan xubnaha beelkasta uga qayb galeysa barlmaanka lafilayo in lagu dhiso Axdiga Dastuurka ku meel gaarka ah oo horey loo ansixiyey 15,Septembar,2003.

Ergada Soomaalida ee shirka ka qayb galeysa ayaa waxa loo ogolaadey in ay degaan Hotelo ku yaala Xaafadda Easlight oo ay soomalida ay dhegan yihiin bisha Ramadan awgeed.
Dhamaad.


Abdikarim Aden Hussein.
Mbagathi,Nairobi.


War-2.09,Oct,Mbagathi,Nairobi.
Maxamed Dheere:-Maxmed Diiriye laba mid ha………………………………….


Shirka hogaamiyayaasha siyaasada ee ku sugan Madasha shirka dib u heshisiinta Soomaalida ee Mbagathi ayaa saakey ka dhex dhacay buuq iyo muran gaaray dagaal.

Buuq ayaa waxa uu ka bilawdey in ay is cadeeyaan ragga ku fadhiya shirka magaca Hogaamiye shirka ka baxay ,sida Cusmaan caato ,Muuse suudi,Barre Hiiraale IWM.
Ragga Sheeganaya ama heysa warqad wakiilnimo ayaa hogaamiyayaasha kale waxay shir guddoonka ka codsadeen in ay ka helaan labo mid :-
1-aniga ayaa bedelay hogaamiyahaasi oo hadda ka dib magaceyga ayaan ku saxiixayaa.
2-wakiil ayaan ahey oo waan ka tegayaa oo waxaan aadayaa goobta hogaamiyaheyga.
Hadalkaasi ayaa ayaa waxa ka caroodey Maxamed Diiriye oo ku fadhiya kursiga Cusmaan cali caato oo hatan ku biirey golaha badbaadad Ummada oo bishii hore lagu dhisay magaalada balcad ee agagaarka muqdisho.

Maxamed dheere oo ka mid kooxda SRRC ayaa ku andacoodey nin halkan jooga wakiilkiisa hadana idacadaha ka sheegaya shirka waan ka baxey ,taasi dhib ayey nagu keeneysaa oo ragga aan la shireyno waa rag u hadla hogaamiayaasho oo iygana halkan ayey shirka ka fashilinayaan ee raggan warkooda ha cadeystaan ayuu hadalka ku gaasadey Maxamed Cumar xabeeb Guddoomiyaha maamulka Gobolka Shabeeladda Dhexe.
Shirka hogaamiyayaasha ayaa sakey horey u socon oo lagu kala tagey.
Dhamaad .
Abdikarim Aden Hussein.
Mbagathi,Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2003

WARARKA SHALAY: OCTOBER 8

War-1-08,Oct.Mbagathi,Nairobi.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Busha ayaa dibuxaqiijiyey xiriirka iyo iskaashiga staratiijiyadeed ee u dhexeeya dalalka Kenya iyo Maraykanka,Kadib markii uu aqalka cad wadahadalka kula yeeshay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Mwai Kibaki.

By Charles W. Corey
Washiington file staff writer.

Washington- Madaxweyne Bush wuxuu Aqalka Cad ku qaabilay, 6dii bishaan Oktoobar 2003da, Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Mwai Kibaki.
Wuxuuna Madaxweyne Bush yiri,” Maanta waxaan caddeynaynaa xiriirka staratiijiyadeed oo kobcaya ee u dhexeeya dalka Maraykanka iyo Qaaradda Afrika. Waxaanna sii wadaynaa iskaashiga facaweyn oo u dhexeeya Maraykanka iyo Kenya.”

Shirkooda kadib ayaa Madaxweyne Bush oo weriyeyaasha la hadlayey wuxuu amaanay sida demoqaradiga ah ee madaxda iyo dawladda Kenya Lagu soo doortay. Madaxweyne Mwai Kibaki waa hoggaamiyihii ugu horeeyey oo Afrikaan ah, oo booqasho rasmi ah uu ku sharafo maamulka
Bush ee hadda jiraa.

“Doorashadii Madaxweyne Mwai Kibaki ee Disembartii la soo dhaafay waxay u muujisay dadka Kenya, Afrikaanka kale iyo dunida oo dhanba, awoodda codeyntu ay leedahay, taas oo laga dhaxlay nabad iyo isbeddel ku yimid hanaanka demoqaradiga ah.” Waxayna Kenya ku tilaabsatay qorsheyaal isbedel higsanaya sida: Dib u habaynta Dasturka Kenya, furfuridda dhaqaalaha, dabargoynta musuq-maasuqa, maalgelinta waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka. Madaxweyne Bush wuxuu saadaaliyey “Tilaabooyinkaasina in ay Kenya u horseedayaan soo jiidasho maalgashi, waxayna xoojinayaan kaalinteeda dunida, nolosha dadkeedana horay ayey u marinaysaa.”

ARRIMAHA SOMALIYA

Madaxweyne Bush waxaa uu sheegay arrimihii ay ka wadahadleen labada madaxweyne in ay ka mid ahayd arrinta SOMALIYA.Wuxuuna Madaxweyne Bush ku ballanqaaday oo yiri, “ waxaan sii wadaynaa in aan Kenya kala shaqeyno sidii midnimo iyo dib u heshiisiin loogu soo celin lahaa dalkaas sida ba’an u kala qaybsan”. Wuxuu kale oo intaas ku daray oo yiri, In Somaliya loo dhiso dawlad leh karti waxqabad, dadkana ka wakiil ahi, waxay gacan ka geysanaysaa xasiloonida gobolka. Waxayna meesha ka saaraysaa xaaladda argagax abuurka leh.

Madaxweyne Mwai Kibaki oo ka hadlaya arrimaha SOMALIYA ayaa wuxuu yiri, si loo hanto guulaha demoqaradiyadda, loona sii wado la dagaalanka argagixisada, waxaa lagamamaarmaan ah in SOMALIA AY NOQOTO DAL XASILOON, Dawladda Maraykankuna waan in ay si buuxda uga qaybqaadataa hanaanka nabaddaas lagu gaarayo.
Dhamaad.


War-2-08,Oct.Mbagathi.Nairobi.
Qanyare iyo Xubno kale oo loo magaacaabey………………………...
Warqad ay ku saxiixnaayeen labada hogaamiye ee beelaha jareerweyn iyo banaadir ayaa maanta laga soo saarey madasha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee haatan uu ka socdo Mbagathi.
Qoraalka labada hogaamiye ayaa ay kun cadeenayeen in ay raali ka yihiin guddiga loo magaabey in ay u qaybiyaan xulida xubnaha baarlamaanka ee beesha 5-aad oo dhib uu ka taagnaa .
Guddigaaasi ayaa ka kooban 6-xubnood oo kala ah:-
1-Maxamed Qanyare Afrax ------------ Guddoomiye
2-Cumar Maxamuud M. Filish ---------- Xubin
3-Cabdullahi Sheikh Ismaciil -------------- Xubin
4-Xasan Maxamed Nuur ----------------------Xubin
5-Maxamuud Sayid Aden -------------------- Xubin
6- Maxamed Aden Wayeel ------------------ Xubin
warqadan ayaa ku saxiixnaa Mawliid Macaani Guddoomiyaha beesha Jareer Weyn iyo Maxamed Cusmaan Maye Guddoomiyaha Banaadiriga in ay wax dood iyo dacwo ah ka qabin guddigaasi goaanka ay gaaraan.
Dhamaad .


War-3-Oct,Mbagathi,Nairobi.
Kipligat oo la filayo in beeri u socdaalo magaaladda Muqdisho.
Guddoomiyaha guddiga farsamada IGAD ahna U qeybsanaha Arrimaha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida oo haatan Sannad jirsadey kana socda Mbagathi ayaa berrito la filayaa in uu booqasho gaaban ku tago Magaalada Muqdisho.
Booqasha Guddoomiyaha ayaa waxa ku wehlin doon dhawr safiir oo kala socda waddamada safka hore iyo beesha caalanka ,Miawga Afrika,Midawga Yurub uyo jaamicadda carabta iyadoo aan la shaacin maalmaha ay qaadan doonto iyo cidda raci doonta.
Booqashadiisa ayaa ka danbeysay ka dib markii ay shalay shir socdey 6-saacadood ka badan yeesheen Hogaamiyayaasha siyaasadda Soomaliya (TNG,G-80, Beesha caalamka ,IGAD,iyo waddamada safka hore oo looga hadlayey habkii iyo waddadii lagu soo celin lahaa hogaamiyayaasha siyaasadda oo ka maqan shirka ka socda Mbagathi oo haatan sanad jirsadey halka SRRC ay diidey shirkaasi in ay ka qayb gasho.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in uu guddoomiyaha balan qaadaey in uu soo celin doono in ta maqan isagoo yiri aniga ayaa nimankaasi ka wakiil ah imaashahood iyo soo celin tooda waayo aniga waa saaxibadey oo wax naga dhaxeeya majiraan sababtoo ah aniga IGAD ayaa guddoomiye ka ahey ,IGAD waa caawiyahan shirka oo wax na dhex marey ma jiraan ,waxaan tixgalinaa rabitaan intooda badan ayuu yiri kibligat oo si kaftan ah loo weydiiyey in ay nimankaasi xurguf ka dhaxeysa.
Dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Mbagathi,Nairobi.

 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD