Akhristoow waxay Dadyawga aduunku aad ugu faraxasan
yihiin qalabka ama shabakada internetka ee haatan noqotay adeeg Bulshada
aduunka aad isugu soo dhaweysay, oo ka dhigtay dunidii oo dhan tuulo yar oo ay
waxwaliba yaalaan ama uu ka heli karo , haday noqon lahayd dhinacyada kal duwan
ee nolosha.
Markaad aad ugu sii fiirsatid internetka dareemayaashii
uunbaa ka dhiman ee sida kale waa u dhamasy tiran yahay , wuxuuna ku siinkaraa
waxaad uga baahatid oo fududayn ah , sida ganacsiga , is araga, dhanbaalada
laysku dhaafsanayo, maqalka oo aad idaacadihii aduunka ka dhageysan kartid,ma
soo koobi karno, kumana soo xaydaami karno hal qoraal, adeegyada internetka
hadii aynu ka hadalo, waana wax ilaahay looga mahadceliyo oo wuxuu ka mid yahay
horumarka dadyowga aduunku gaadheen, hadii dhinaca wanaagga loo adeegsado,
waayo mar marka qaarkood waa hub laba afleh, wanaag iyo xumaanba leh.
haddaba akhristoow anigu waxaan jeclaysatay in aan
kuugu soo gudbiyo , waxyaalo mucjiso u eg, oo iga soo maray Internetka, waxaana
laga yaabaa dadbadan oo kalena in ay jiraan in uu ka soo maray , mid taydan u
dhaw ama la mid ah, ama , kaba cajiibsan .
Muddo haatan laga joogo laba sanno iyo xoogaa ayaan
waxa aan maqaal ku qoray webeb uu ugu horeeyo webka Somalitalk, qoraalkaas oo
uu cinwaankiisu ahaa , (Marka
Qaran Burburo Maxaa Dhaca) waxaana kaga shegeeyey sida dadku ukala lumaan
iyo qaranku inuu dadka hoygiisa yahay, muddo yarka dib ayaa waxa aan E-mailka
helay nin dhalin yaro ah oo Soomaaliya oo markaa ku sugnaa dalka Burgwaay
ee ku yaala qaarada Ameerikada Koonfureed(Laatiin Ameerika) wiilkaa dhalin
yarada ahi waxa uu ii sheegay in uu maqaalkaasi Akhriyey isla markaana uu iiga
mahadcelinayo qoraalkaasi, waxa kale oo uu iisheegay in uu tahriib halkan u
yimi si uu Maraykanka ugalo, haatana uu sii dhex jibaaxayo dalalka kale ee
ameerikada Koonfuree, iasaga oo markii hore ka soo kicitimay dalka K/Afrika.
Muddo yarka dib wuxuu marlabaad igala soo xidhiidhay
dalka Mexico ee ay Maraykanka Dariska yihiin, wuxuuna ii sheegay in ay halkaasi
iska dhiibeen isaga iyo rag kale oo badan oo Soomaaliya ,hasa yeeshee lagu
xidhay si loo aqoonsado in ay Soomaaliyihiin , in ay sheegaan heestii Astaanta
Calanka Qaaranka Soomaalida u ahayd, wuxuu yidhi wiilkii waxaanu ka garanay (SOOMAALIYEEY
TOOS, TOOSOO ISKU TIIRSADA, HADAB KIINA TAAGDAR TAAGEERA ABIDKIIN.) waxaana
qasab nalagaga dhigay in aanu dhamaystirno , wuxuu yidhi intaa waxaa noo
dheeraa in qofkasta qabiilkiisa la weydiiyey.
Wuxuu markaa iga codsaday in aan, heestaa u soo
dhamaystiro, nasiib wanaaga waxaan markaa gacanta ku hayey Buuga uu qoray
Qoraaga weyn ee Soomaaliyeed Aw Jaamac Cumar Ciise ee Qaran Jabkii
Soomaaliya, markiiba waan u qoray oo waan u gudbiyey, waxa kale oo uu isoo
weydiiyey sideed iyo tobanka gobol ee ay Soomaaliya ay Ka kooban tahay, iyo
waliba Madaxweynayaashii soo maray Dalka Soomaaliya, magacyadooda oo sadexan,
waxaa intaa dheeraa wasiiradii gaashaandhiga ee Soomaaliya soo maray in ay qaar
ka xusaan.
Nasiib wanaag arrimihii ay markaas i soo weydiiyeen
waan uga jawaabay, waxaan ka ahayn wasiiradii gaashaandhiga ee Soomaaliya Soo
maray oo aan uga sheegay intaan ka garanayey iyo intaan cid la kaashadayba.
Wuxuu iisoo sheegay wiilkii dhalin yarada ahaa ee
dalka Mexico ku xidhnaa in ay arrintii jeelka ka soo saartay dhawr qof oo uu
isagu ka mid ahaa, oo loo aqoonsaday qaxootinnimo, isla markaana loo qoray
lacag , sharci ay magalada ku joogaana la siiyey.
waxa kale oo uu ii sheegay in uu isaga wiil kale uu
kula jiro jeelka , magaciisii oo sadexana wuu ii sheegay, waxa kale oo uu ii
sheegay haybtiisa.
Saaxiibkay oo haybta uu ii sheegay isaguna ka soo
jeeda, ayaan weydiiyey , ninkii magaciisa la ii sheegay, wuxuu noqday Akhristow
walaalkii oo uu raadinayey muddo sadexsanno ah, markii aan u sheegay ee aan
idhi ninkaas oo Mexico ku sugan mataqaanaa , dhawr jeer ayuu magaciisa
iweydiiyey si'aanu ugu qaadan in uu magaca ismoodsiiyey, wuu u qaadan waayey in
walaalkii sidaa fudud ee sahlan uu uga war helay.
Wuxuuna wiilkii markiiba na siiyey telefoonkii uu ku
sugnaa saaxiibkay walaalkii, wayna wada hadleen sidaas ayeyna isu heleen oo
warkiisii mar labaad loo helay, waxaan markii hore loo haystay nin aan noolayn
oo laga samray.
waxaana dhalinyaradii Soomaaliyeed warkooda iigu
danbaysay iyaga oo ku sugan dalka Mexico, xilligii uu qaraxu maraykanka ka
dhacay11-9-2001, waxayna xilligaas ii sheegeen in aanay rajadoodu fiicnayn,
sidii ay maraykanka u geli lahaayeen.
Akhristoow dhawr arrimood ayaa markaa halka iiga soo
baxay, anniga oo ku sugan geeska Afrika ayaan waxaa ii suurta gashay in aan dad
meel ku xayiran uga gargaaro, tan labaad waxaa iyana meeshii ka soo baxday
faa'iido kale oo labaad oo ah in aanu sidaa fudud ku helay nin aad loo
raadinayey oo laga quustay, waxaanse aad uga naxay oo aan ula yaabay ragg
dhalin yaro ah oo aan aqoon Heesta Astaanta u ah calankooda iyo waliba Gobolada
dalkooda, taasina waaa mid saaran dhamaan qofkata oo Soomaaliya in uu
caruurtiisa baro dalkiisa hooyo.
Waxaa haddaba laga yaabaa in aanay arrintani mucjiso
sidaas u sii weyn ahayn ,hasa yeeshee uu internetku qayb weyn ka qaatay
fududaynta arrimo badan oo wakhti badan qaadan lahaa,Run ahaantiina waa mucjiso
Internetku.
Assad Caddaani Ibraahim
Laascaanood Soomaaliya.