SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaabtii Bodownimo iyo Ilbaxnimo

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Asalaamu calaykum

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Akhrisyayaal waxaa la sheegaa in nin reer miyi ahi soo ag-fariistay niman culumo ah oo sheekaysanaya. Kaddib waxay is-waydiiyeen mid walba wuxuu habaynkii saqda dhexe qabto? Midi wuxuu yiri Salaatu-Leyl baan tukadaa. Mid kalana wuxuu yiri Ilaah baan dambi dhaaf waydiistaa. Mid kalana wuxuu yiri Kitaabo cilmi ah ayaan qoraa. Waxaa la soo gaaray reer miyigii markaasaa la yiri maxaad qabataa? Wuxuu yiri waan soo toosaa dabadeedna waan soo kaadshaa kaddibna hurdadaydii baan ku noqdaa.

Walaalkeena maqaalkaas qoray wuxuu ku bilaabay farqiga u dhaxeeya geela aan dhaqanno iyo doofaarka Sweden. Anigu markaan indhaha saaray ayaan gartay dantiisa. Waxaana markiiba u qaatay nin isna Sweden jooga oo soo qoray wadaaddadu ma dad baa mise waa diin, Maaweelada, IWM. Marka inay saaxiibo yihiin iyo inkale ma aqaan. Ma ogola xalaal iyo xaaraan wuxuuna u danleeyahay Diinta Islaamka. Xittaa dan kama leh in maqaalka la akhriyo maxaa yeelay haddaad geel iyo doofaar simid ku bilowdid dad badan baa horay ka fahmaya sheekada oo aan akhrinayn. Aan u galno maqaalkiisa ahaa ilbaxnimada iyo badownimada. Aan soo koobi-gareeyo micnihii uu siisay ilbaxnimada.

“Ereyga ”Ilbaxnimo” waa soomaali dhalad ah oo isugu dhafan il iyo bax. Magaca ”il” wuxuu yeeshaa saddex macne:

1) Il ah ta wax lagu arko.

2) Il ah bannaan yar oo meel jiq ah looga baxo.

3) Il ah biyo dhulka ama buur gunteed ka soo burqada.

Haddaba sida muuqata ”ilbaxnimo” waxaa laga soo qaatay ta koowaad oo looga jeedo ilfurnaan ama si fiican wax u arkid. Waxayna lid ku tahay indho la’aan ama arag liidasho, taas oo qofka qaba ku ridda qardojeex iyo ambasho”.

Waxaan leeyahay horta magac la soo qaatay khasab ma ahan inuu ka turjumo erayadii laga keenay. Tusaale dab-dhul waa nabaro aad u qaab-daran oo kasoo baxa jirka oo malax iyo dheecaan badan leh sida dabka qaarkiis. Marka nabrahaas dabka shuqul kuma leh kamana imaan laakiin waxaa la isku xiray wax ka dhaxeeya. Dhulka dib looga dhajiyeyna ma garanayo waxay ka wadaan waxaan u qaatay in ay iska aamineen dhibaato dhulka ka timid sidii dadkii islaamka ka horreeyey ama misiixiyiintu udhahaan samada ciqaab ama raxmad baa nooga timid. Kii Ilaah aaminsan waxay tusaysaa in Ilaah kor jiro. Sidoo kale aar-goosi shuqul kuma leh libaax ama waxaad soo goosatay midna. Erayada noocaan ah ee ku jira Soomaaligu waa badan yihiin.

Ninkii reer miyiga ahaa cilmi iyo cibaado muu aqoon wuxuu noo sheegay wuxuu qabto markuu hurdada ka soo baraarugo. Marka Hawdka/baadiyaha la joogo waxyaalaha ay dadku maanka ku hayaan waa baad, biyo iyo sahmintood haddaad u rumaysan waydo xasuuso heestii ahayd:

Meel baad ku yaaloo, biyuhuna umuuqdaan, isla baadi-goob.

Walaalkeen isha ku jirta ilbaxnimada seddexdaas maaddo buu ku sharxay maxaa yeelay wuxuu yiri mar waxay noqotaa il, araga marna il, banaaan yar oo jiq ku taal (baad) iyo isha biyaha ah (biyo).

Waxaa ugu darnayd markuu yiri isha ku jirta ilbaxnimada waxaa laga soo qaatay tan koowaad oo aragga ah! Waa arrin kale oo ku tusinaysa inuu indho-xiranyahay. Tilmaanta aragga wuxuu ka dhaxeeyaa dadka, duunyada, xayawaanka kale iyo waliba cayayaanka qaarkood. Sida la ogyahay way jiraan xayawaan u nool si bulsho ah laakiin ilbax ma yihiin? Daanyeeradu waxay unoolanayaan sidaas ay hadda u noolyihiin kama filaysid in tiknoolajiyad aliftaan.

Haddii uu qoraagani kalsooni saaran lahaa Ilaah iyo Nabi Muxamed (SCW), khaladka intaas le’eg kuma dhaceen. Markii Ilaah gaalada ka hadlayey wuxuu yiri way indho la’yihiin, indho-la’aantuna ma ahan tan indhaha ee waa tan qalbiga. Sidoo kale isha ku jirta ilbaxnimada ma ahan tan aragga caadiga ah ee maxay tahay? Isma lahayn nin qoraa ah ayaa ilahan ka tagi kara. Waxaa jira ilo kale sida:

Il: meesha cilmiga, akhbaarta, warka asalka ahi ka yimid (source)

Il: meesha ugu muhuumsan wax sida lowga/jilibka ishiisa ama arrinta ishuu farta ka gashay micnaha meeshii ugu muhiimsanayd ayuu taabtay/abbaaray.

Il/arag: “basiiro” caddaan/maalin.

Qoraagu markuu khalday meeshii erayga laga soo qaatay ayuu wuxuu qaaday waddo qardo-jeex ah. Waa arrintaas wuxuu u yiri kasoo-horjeedka ilbaxnimo uma hayo Soomaali. Horta ilbaxnimo waxaa ka soo horjeeda indho-xirnaan ama ilbaxnimo la’aan/darro. Khasab ma ahan in erayga caksigiisu noqdo eray kale oo uusan ku jirin.Bal weerahaan milicso sida awood iyo awood la’aan. Luuqadaha kale xittaa waa saas sida “air” airless” “Saalix iyo geru saalix”. Haddii lagu yiraahdo qofkaasi waa qof indho-xiran lagama wado waa qof indho-la’ waxaa laga wadaa waa qof badow ah. Dhego-xirnaantuna waa la macno.

Waxaan aaminsanahay in isha ku jirta ilbaxnimo laga keenay basiirada iyo isha kale ee cilmiga. Waadna aragtaa inaan horay ka helnay eray Soomaali ah oo ku lid ah. Culumadu waa ilbax maxaa yeelay waxay yaqaanaan ilaha culuunta iyo asalkeeda, waxay leeyihiin arag/basiiro, waxay yaqaanaan wixii tagay, waxa jooga iyo aakhiro xittaa culumada cilmiga maadiga ah way yaqaanaan shaqadooda.

Magaalada iyo xadaaradda uu isku xiray waa suu usheegay oo reer baadiyuhu ma ahan dad sugan oo usoo jeeda cilmi uruuris sidoo kale wuu helay markuu yiri magaalo joognimo iyo ilbaxnimadu iskuma xirna. Sidoo kale wuxuu si qurux badan ukala dhig-dhigay dhalashada, kobcinta iyo dhimashada ilbaxnimada. Wuxuu sheegay inaan reer Galbeedka loo dayn horumarka, aanan la isku dhajin dhaqan duugoobay. Markuu lahaa maxaa lagu kala gartaa bulsho ilbax ah iyo mid badow ah wuxuu keenay tusaalayaal sax ah laakiin markuu ka hadlayey fikirkeena iyo Diinteena wuxuu yiri:

“Kuwa inoogu dedaal badani xalka waxaa ay ka raadiyaan buug uu nin carbeed ama caddaan ahi beri hore qoray. Dabadeed waxaa si ba’an loo hirdiyaa waaqica iyo duruufaha jira oo ka duwan kuwii fekerkaasi dartood u dhashay. Natiijaduna waxay noqotaa waxqabad silloon oo aan danta waafaqsanayn. Weli hanka iyo garashadu inama ay siin in aynu waddo cusub danteenna u xagaafno. Waa caajisnimo iyo kalsoonixumo yaab leh oo aynu afrikaanka kale la wadaagno”.

“Nin meelu u caddahay meeli ka madoow” War iskuul waan soo dhiganee goormaa naloo dhigi jiray buug Carbeed? Xittaa maaddada Diinta waxaa laga dhigi jiray waqti qaanfuurka (harkii). Ninka Carbeed ee uu sheegay wuxuu noqon karaa Saxaabadii, Taabiciyiintii, kuwii Taabiciyiinta raacay, Imaamada waaweyn, Bukhaari, Muslim iyo Muxadithiinta kale. Wuxuu diinta ka sheegay aan inta ugu horaysa ka soo qaato:

“Diinta sida loo fahmo looguna dhaqmaa ma aha wax sugan ee waxaa ku dhaca isbeddel joogto ah. Taa waxaa u sabab ah in ay tahay hadal hadalkuna yahay mergi. Sabataas ayey ilaa maalintii uu nebi Maxamed xijaabtey (scws) ay dadku aragtiyo kala duwan diinta uga haysteen, kala duwaantaas oo towxiidka iyo fiqhiga labadaba gashay. Shan iyo tobankii qarni ee ay diinta islaamku jirtey, boqollaal caalim ayuu mid waliba si gooni ah u arkay nas uu caalim kale si kale u arkayey. Dabadeed mid waliba koox dad ah ayuu aragtidiisa gashaday”.

“Weel kasta wixii ku jira ayaa laga shubtaa”. Maahmaahyihii uu maqli jiray ayuu diinta ku dabakhay markaasuu Hadalkii Ilaahay margi jiidma ku sheegay! SUBXAANALLAAH war ninku af-adakaa! Ilaahay Hadalkiisu waa Xaq. Ninkaani wuxuu sheegay xittaa in Towxiidkii la isku khilaafay. Way jiraan dad Soomaali ah oo bidco aaminsan laakiin haddii la iskhilaafay ma Hadalka Ilaahay baa qallooc ku jiraa? Ma cid Ashahaadad isku haysa baad aragtay? Shanta salaadood? Soonka? Zakada? Xajka? Waxaan ka hadlayaa waajibnimadooda kama wado arrimo fiqi ah. Wuxuu sii yiri diintu waa hadal hadalkuna waa mergi. Wuxuu u danlahaa buu sii gudo-galay oo ah cayda wadaaddada Soomaaliyeed isagoo sheegay inay Carab iska raaceen. Wuxuu kaloo wax ka sheegay Wahaabiyada Sacuudiga.

Sidaan horay usoo sheegay Imaamu Shaafici (RC) hadduu arko qof wuxuu qiyaasi jiray xirfadiisa. Ninkan iyo ninka kale ee qoray wadaaddadu ma dad baa mise waa diin waxaan aaminsanahay inay u danleeyihiin Diinta Islaamka. Waxaan filayaa in ay yihiin dad kusoo barbaaray miyi dabadeedna yimid waddamadaan oo arkay nolashaan Galbeedka. Marka Islaamnimada iyo Soomaalinimadaba waxay u arkaan nolasha qalafsan ee miyiga halka ay ilbaxnimada iyo barwaaqada u arkaan nolasha Sweden taal. Marka halbeegga ay isticmaaleen baa khaldan. Bal aan fiirino dhibta Soomaaliya haysta cidda keentay sidoo kale Diinta Islaamku Soomaalida ma dhib bay u keentay mise kheyr?

Diintu waa tan Soomaaliya ka badbaadisay inay raacdo mabaa’diidii gumaysiga cad iyo kan madoowba. Kenya oo nagu dhagan dadkii muslimka ahaa markii gumaysiga Yurub soo galay wali waa muslim dadkii aan muslim ahayna ugu dhowaan kulligood waxay noqdeen kiristaan. Qofka muslimkaa inuu ilbaxyahay ma aragtaan? Muslimiinta Kenya way garteen in qof u yimid inuu ku gumaysto oo ku addoonsado aadan diin ka qaadan karin laakiin nasiib-darro dadkii aan muslimka ahayn waxaa iskaga qasmay addoonsi (slavery) iyo bad-baado (salvation/Christianity). Maanta kiristaan baan wada noqonlahayn, hilibka ceeriina waan cuni lahayn haddaynaan muslim ahayn. Muxuu Sayidku u diiday inuu canshuur ku bixiyo Berbera markuu soo bartay cilmi diineed. Dadkii kale waa bixin jireen. Muxuu yiri:

Waxaan ahay nin Islaamoo ummaddii Nabigii iyo

Ashahaado qiraayee ma aqaan Ingiriis iyo halka eega la joogee

Ummaddaa ku dhex-nool buu amarkeedu socdaaye

Bal su’aal isagoo markuu eega yimaaday yuu canshuurta u dhiibay? Mise waa iska ilaaway?

Ingiriisku way garteen inuu Sayidku (Ilaahay ha unaxariisto) ahaa nin waxgarad ah marka suusan dadka u dhiiri-gelin oo aan doodiisa loo maqal way is-dhaafiyeen ilayn hadday xiraan ama dilaan sheekadaa caan noqonaysa.

Islaamninadaa taas bartee ma ceeb baa? Dadka aad ilbaxa u haysatid ninka Sayidka oo kale ah kulligood waa ka dambeeyaan. Ina Gahayr (Naxariistii Janno Allaha siiyo) markuu lahaa:

England baa gubanaysa maxaa iiga gidhiisha.Maxaan labo gaal oo abtirsiinyo ii gudboon midna aan gar u siin midna aan u guhaadin. Xaggee ka keenay caqligaa? Ma gumaysi? Maya Islaamnimo. Barkhad Cas (Allaha u naxariisto) hadduusan Islaamka aqoon ma tirsheen:

Ninkaas aragiisa uurkaan ka nacee aan ooyee albaabka ii xira. Wuxuuna la bixi lahaa John ama Michael. Xattaa balwadiisii kama leexin wuxuu citiqaadsanaa.

Ninkaan inuu Diin ceebayn kaliya u danlahaa waxaa u daliil ah dhibta Soomaaliya haysta laga soo bilaabo 1960 ilaa hadda oo la joogo waxa dhibta ku hayey waa siyaasiyiin inkastoon qab-qablayaasha lagu sheegi karin siyaasi. Nimankii 13 sano kumaankun qof dilay, intaas oo dumar ah kufsaday, waddankii rartay, cadow hoos galay wax kama sheegin halka uu Hadalkii Ilaah iyo Diinta uu mergi ku sheegay. Halka uu sidoo kale wadaado ka caayey. Hal mar baa wadaado wax xukumeen sidii Luuq iyo meelo ka mid ah Gedo, wanaagii halkaas yaalayna waligeed Soomaali ma soo marin. Waxaa arrintaas ka markhaati kacay hay’adaha samafalka ee halkaas joogay iyo dadkii geyigaas degenaa.

 

Teeda kale waxaan waydiin nimankaan waa qofkee qofka sida Nabi Muxamed (CSW) dad 100 sano dagaal ku jiray habayno ku heshiisiiyey? Horayna uma dhicin waligeedna ma dhacayso. Waa dadkee dadka aan muslimiinta ahayn ee iyagoo caga-cad oo tiro iyo tayaba ugu hooseeyey adduunka, gaarsiiyey diintooda mudo rubuc qarni ka yar. Miyeydaan akhrin waxa ay qoraan qoraayaasha reer Galbeedka sida Michael Hart oo Nabi Muxamed (SCW) ku sheegay hogaamiyihii ugu saamays badnaa dunida. Adiguna waxaad hadalkii Ilaah ku sheegtay mergi.

Haddaan qoraagan waydiino dadka hadda adduunka ugu xaddaarad badan waxaan filayaa inuu oranlaha waa dadka Yurub iyo kuwa Japan ilayn kuwa Waqooyiga Ameerika iyo Australia waxaa bud-dhige u ah kuwii Yurub ka yimid. Ma taqaan waxay Yurub isku samaysay muddo aan saa u fogayn sida dagaaladii 1-aad iyo labaad iyo kuwii ka horreeyey? Waliga ma maqashay waxay Yurub ku sameeyeen muslimiintii degenaa Spain, dadkii degenaa USA? Waxa Japan ku samaysay Kuuriya? Haddaba arag sida muslimiintu ula mucaamiloodeen Afrikaanka madoow sida kuwa Galbeedka, Dhexe iyo Bari iyo Bartamaha. Ma aragtay dad madoow oo badan oo laga keenay Afrika oo Sacuudiga, Ciraaq ama Siiriya la geeyey? Muslimka kun sano ayey adduunka hogaaminayeene ii sheeg wax dhib weyn ah oo ay sameeyeen? Akhri sida ay u horumariyeen Spain iyo Turki.Turki maxay ahayd Islaamka ka hor, Maxayse ku danbaysay Islaamka ka dib?

Su’aasha aan ku soo xirayaa waa yaa sameeyey West Indies sida Jamayka iyo kuwa ku dhow? Yaa soo qaaday Maraykan madoow, kuwa ku nool Brazil, Kolambiya, iyo meelaha u dhow-dhow? Muslimiintii Carbeed ee Kenya iyo Tanzaaniya degay way guursadeen dumarkii Kenya halka reer Yurub “civilised nations” ay ku addoonsadeen guryahoodii. Yaa Koonfur Afrika midabtakoor ku sameeyey? Waa arrintaas waxa Michael Hart u lahaa Nabi Muxamed baa ugu lahaa dhinac kasta.

Affeef: maqaalkan si fiican uma soo diyaarin oo waxaan ku dul qoray markaan akhrinayey kaan u jawaabayo. Marka wixii khalad ah waxaa sixi doonaa walaalaha kale.

Ilaah baan talo-saaranaynaa.

Assalaamu calaykum


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | OCT 8, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]