|
Ardayda Somalida Minnesota oo Doortay Maamul Cusub.
"Doorasho Xor ah iyo Dimoqoraadiyad waarta"
C/raxman
Ceynte
Minnesota, USA
abdirahmanceynte@yahoo.com
Oct 2, 2003
Doorasho xor ahi wexeey asal u tahay
bulsho walba oo caalamka joogta. Hadii la waayo rabitaanka shacbigana, waxaa
meesha ka baxaya hogaansanaanta shacbiga. Haddaba, Indhawaalaba wexeey Ururka
Ardayda Somaliyeed ee reer Minnesota noqonayeen xiddiga bidhaamaya oo cirka
isku shareeray. Wexeey muujiyeen karti aqooneed, mid bulshadeed iyo maamuleed
oo eey naftooda iyo tan jaaliyadaba horukac ugu noqdeen. Wexeey abaabuleen
shirar wax-ku-ool ah, doodo cilmiyeed, hanaan deeqo waxbarasho, barid bilaash,
isu-keenid heybta ardayda Somalida ee woqooyiga America iyo howlo kale oo aan
cadad laheyn.
Sida eey jagada madaxweynanimada Somaliya dad badan muhiim ugu tahay ayeey
ardayda Minnesotana lagama maarmaan ugu tahay ineey la socdaan cidda u
arrimineysa. Wexeey leeyihiin maamul sanad walba mar si xor ah (Dimoqoraadi)
loo soo doorto. Maalintii sabtidii oo bisha September-na eey 27-ka aheyd ayeey
ku beegneyd maalintii eey ugu ekeyd maamulkii hore ee ardayda oo soo gaarsiiyey
ururka heer caalami ah.
Boqolaal arday ah ayaa isugu yimid qol ku yaal Machadka daraasaadka
maareynta ee ka tirsan jaamcadda Minnesota (Carslon School of Management).
Waxaa halkaas ereyo guubaabin iyo sagootinba isugu jira ka soo jeediyey Xaaji
oo ah mid kamid ah ardayda ugu caansan uguna waxqabadka badan ee soo mara
jiritaanka ururka. Xaaji oo waxbarashadiisii u dhamaatay August ayaa isaga
guuraya waddanka Mareykanka. Sidoo kale, waxaa halkaas ereyo macno-dhiiri-galin
xambaarsan ka soo jeediyey macallin cusub oo wax kadhigi doona jaamcadda oo la
yiraahado Prof. Sidow Cabdi Shariif oo shaadada phD-da ka soo qaatay dalka
Sudan.
Nasiib wanaag ayeey u tahay jaaliyada Somalida Minnesota ineey aqoonyahano
gobolka ka tilmaaman u soo bataan. Dabadeed, waxaa halkaas warbixino looga
dhageystay musharixiintii u tartameysay jagada xasaasiga ah ee madaxa ururka.
Fadil Sh.Max'ed iyo C/rizaaq Diini oo ah labadii qof ee isu soo taagtay jagada
muhiimka ah ee madax ururka. Mid walba, wuxuu soo bandhigay
qorshe-maamuleedkiisa ku aadan: Aqoonta, balaarinta ururka, sii wadida
barnaamijka deeqaha waxbarasho, dhexgalka jaaliyada guud, is barida
sharci-dajiyayaasha gobolka IWM. Intaas waxaa sii dheer, jagooyinka Madaxweyne
kuxigeenka, Dhaqaalaha, Xogheynta iyo Xiriiriyaha oo min hal qof kaliya eey si
tartan la'aan loogu doortay. Waxaana loo kala doortay Sidan: Hodan Max'ed,
Max'ed Sandheere, Safiyo Qanyare iyo Yasin Garad. (Sida eey jagooyinku isugu
xigaan ayeey magacyaduna isugu xigaan). Xaqiiqo ahaan, waa sawir indho-qabowsi
leh i naad aragto wiilal iyo gabdho Somaliyed oo si wadajir ah u daadihinaya
maamul cusub, iyagoo ajandayaal u gaar ahna qof walba oo wato.
RASMITEL SOOMAALIYA
Shirkada Rasmitel International waa Shirkad Isgaarsiineed oo xarunteedu
tahay magaalada London ee carigan Engriiska...Guji... |
Cod-bixintii ayaa halkii ka bilaabatay, isugeyn 95 cod ayaa aftooday, 2
kamid ah meeysan go'aansan, 31 wexeey u codeeyeen C/rizaaq Diini oo kasocda
College-ka MCTC (Minneapolis Community & Technical Collge) halka eey 64
qofoodna u codeeyeen Fadil Sh.Max'ed oo noqon doona guddoomiyaha cusub ee
ururka MSSU. Isagoo baddeli doona C/rizaaq Cabdi. Fadil Sh.Max'ed wuxuu dhigtaa
Jaamcadda Metro State University oo uu ka dhigto Maamulka iyo Culuumta
Siyaasadda.
Gudoomiyihii hore, Mr.C/rizaaq Cabdi ayaa si xushmad leh xilkii ugu
wareejiyey Mr.Fadil. Shaqsiyan wexeey ii aheyd daqiiqado xasaasi ah, maxaa
yeelay qof Somali ah oo Somali kale si iskiis ah isaga dhiibay xil baaxadaas
leh waa taariiq in la xuso mudnaan doonta, xilkaasi inta uu doono hala ekaadee.
C/rizaaq Diini, Musharixii laga adkaadayna, wuxuu u hambalyeeyey guddoomiyaha
cusub, isagoo ku qanacsan natiijada dooras! hooyinkii ku qotomay
Dimoqoraadiyadda.
Sheegid waxaa mudan, in Jaamacadaha iyo Koleejooyinka ka soo qeyb galay
shirkan eey ka badnaayeen dhamaan kuwii hore. Waxaa halkaas joogay: University
of Minnesota (Minnapolis/St.paul), Metro State University (St.paul/MPLS)
Mankato State University(Mankato), St.Cloud State University (St.Cloud)
Southwest State University (Marshall), Normandale Community Collge
(Bloomington), MCTC (Minneapolis), St.paul Technical College (St.paul). Guddiga
dhexe ee ardaydu wuxuu isugu jiraa 16 qof oo min laba loogu qeybiyey
jaamacadaha aan soo xusay, 5 kamid ah 16-kaasna waa gudiga fulinta (Excutive
Committee).
C/raxman Ceynte
Carlson School of Management
University of Minnesota
abdirahmanceynte@yahoo.com
QORAALADII HORE EE CEYNTE
|