SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Faallo: Wax Ma-Qore, Kadaba-qore iyo Qoraal Xume

(Dhibaatooyinka heysta qoraalka Somalida)

C/raxman Ceynte

Minnesota, USA

abdirahmanceynte@yahoo.com  

 Oct 20, 2003

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Qoraalku illaa iyo haatan waa dhabaha ugu wax ku-oolka badan ee dadyaw wax lagu fahamsiiyo. Guud ahaan, Somalia qoraalku waa uu ku cusub yahay. Sida eey sheegeyso hey'adda Qaramada Midowbay, ku dhawaad 70% Somalidu wali waa Ummiyaal aan waxba qorin, waxna aqrin. Kacdoon xagga shabakada caalamiga ah ee Internet-ka ayaa hormuuday indhawaalaba in boqolaal Somali ahi wax uun qoraan, kadaba-qoraan ama qoraal-xumeeyaan. Seddex qeybood baan u kala bixiyey aafooyinka ku habsaday qoraalka Somalida: Wax ma qore, Kadaba-qore iyo Qoraal-xume.

Wax-ma-qore:

wax-ma-qoreyaashu waa kuwa aan qoraalkaba u bisleyn, dhan farsamo (Technical) iyo dhan akhlaaqeedba (Ethics). Sida lawada ogsoon yahay, qoraalku wuxuu leeyahay affar tiir oo udub-dhexaad u ah: 1= Gogol-dhig (Introduction). 2= Guud-marid (Thesis). 3= Gun-dhismeedyo (Paragraphs). 4= Gunanad (Conclusion). Farsamo ahaan, waa in gogol-dhigu uu si guud u dul-maro gunta qoraalka. Guud mariduna waa ineey si gaar ahaaneed u carabowdo gunta hoose ee qoraalka, halka eey gun-dhismeedyaduna eey tahay ineey sharaxaan oo ku gaaf-wareegaan, iyagoo tusaalooyin wata, gunta qoraalka. Qoraal walbaayi waa inuu kusoo gadaanaadaa dhibco cad-cad oo lagu soo sharaxay qeybihii hore ee qoraalka. Akhlaaq ahaan, wax-maqore-yaasha aan farta ku fiiqayo wexeey ku fashilmeen ineey xafidaan sharafta qoraalka. Qoraalku, si kasta oo uu fikrad ahaan kaaga soo horjeedo, ma ahan inuu marnaba horseedo in qoraaga shaqsiyadiisa loo gafo, lana af-lagaadeeyo. Waxaan arkay iyadii oo qorayaal firfircoon oo leh mustaqbal ifaya lagu yiri iska fariista oo iskuuladiina iska dhigta! Waa yaabe, hadii aanuu arday maskax curdan ah oo wax-baratay leh uusan wax noo soo qorin, yaan ka fileynaa inaan qoraalkiisa ku raaxeysano? Ma fadhi-ku-dirirayaasha? Mise..?. Diinteena islaamku weey amaantay qoraalka qofka muslinka ah. Cumar-ibnu-khadaab, madaxweynihii seddexaad ee muslimiinta ayaa laga wariyey inuu yiri " Walaalkiin hadii uu qoraal aadan jecleeyn qoro, isku daya inaad todobaatan macno oo wanaagsan u sameysaan, ka hor intaadan macno xun u yeelin" Ama hadal sidaa u dhow. Si kasta oo xaalku ahaadaba, waxma-qorayaasha aan sheegayo waa kuwa aanan laheyn fikrad eey curiyaan oo macno leh. Wax walba oo eey qoraana, wuxuu daba marsiisan yahay qawaaniinta u degsan qoraalka.

Ka-daba-qore:

Waa muhiim inaan bidhaamiyo inaanan soo jeedineyn in laga aamuso wax-ma-qore-yaasha iyo qoraal-xumayaashaba. Waxaan u dig & dam leeyahay waa in si hanaan qoraaleedi ku dheehan yahay loo iftiimiyo khaladka qoraalka, iyadoon lagu soo gaban dhufeysyo diimeed ama kuwa qabiilba. Sidoo kale, waa muhiim inaan shaqo laga dhigan radinta qofkasta oo hadla. Run ahaanti, sharafta iyo wanaagu wexeey ku jiraan in leysaga aamuso qoraal-xumayaal badan, illeeyn hadii la sii wad-wado wexeey heleyaan bablishitaa baaxad leh.

Kadaba-qoryaashu waa kuwa ugu badan ee dhawaanahan kusoo xoomay mihnada qoraalka, iyagoo ka faa'iideysanaya kacdoonka shabakada caalamiga ah ee Internetka. Ka-daba-qoruhu waa shaqsi aan isagu laheyn fikrad tiisa ah, ama mar mar dhif ah fikrad daciif ah soo gudbiya, laakiin aad ugu dheereeya kadaba-qaadashada qorayaasha himada wanaagsan leh. Ka-daba-qoryaashu wexeey soo maraan dhabooyin badan oo eey kamid yihiin: Ineey dhanka diinta isku soo sahaan, isla markaana qoraal uu qore uga dan lahaa arrimo kale u weeciyaan guluf diineed. Sidoo kale, wexeey inbadan kadaba-qorayaashu qoraalka fiican ee qoryaasha u bedelaan qabiil iyo qurun siyaasadeed, illeeyn xirfad eey wax ku qoraan malahane. Aalaaba, kadaba qoryaashu waa kuwa la buka hinaase xaasidnimo ku dheehan tahay. Maadaama eey u quuri la'ayihiin horumarka uu sameeyey qoraagu, wexeey isku dayaan ineey shacbiga u tusaan inuu qoraagaasi yahay; diin-laawe, qabyaaladiiste iyo sifooyin kale oo qaab-daran. Sumadaha eey leeyihiin kadaba-qorayaashu waxaa kamid ah ineey isticmaalaan magacyo lasoo deynsaday oo eeysan laheyn, iyo E-mailo aan la hubin jiritaankoodaba, si eey u maldahaan shartooda.

Qoraal-Xume:

Qoraal-xume waa noocyo badan yahay. Wuxuu isugu jiraa mid qoraalkiisuba uu la il-daran yahay qaab-darada xulashada mowduuca ama farsamooyinkii aan soo sheegay ee qoraalka. Aalaaba, qoraal-xumaha wexeey ilma-adeer yihiin labadii ka horeysay ee Wax-ma-qore iyo kadaba-qore. Wexeey iska shaabahaan sumadu mug leh. Inta badan, qoraal-xumuhu wuxuu soo saaraa qoraallo eey la ceegaagaan af-lagaado, akhlaaq-xumo iyo diin-xumaba. Nooca kale ee Qoraal-xumaha waa midka u gafa diimaha muqaddaska ah. Waxaan arkay rag soo daliishanaya aayado iyo axaadiis eey ku sheegeen in eey Qur'aanka kariimka ah ku qoran yihiin oo oranaya in muslimiinta, masiixiyiinta iyo yuhuuduba jannada galayaan kolba hadeey Alle SWT aaminsan yihiin. Dhab ahaan, been abuurku waa qoraal-xumada ugu faca weyn ee soo jirtay taariiqda qoraalka. Iskabadaa wax kale, axaadiista nabiga SCW ayaa si taxadar leh looga soo shaandheeyey axaadiis la qoraal-xumeeyey. Haa, waa qoraal-xumanimo in loo gafo diimaha, sharafta shaqsiyaadka, qabaa'ilka iyo waliba akhlaaqda guud. Tusaale ahaan, hadii mid qoraal-xume ahi uu si qayaxan uga faalloodo arrimo eey tahay in laga dhowro indhaha shacabweynaha (marka laga reebo faalooyinka dhaqaatiirta uga gol leh arrimo caafimaad ) dabcan waa qoraal xumanimo.

Muhimadu wexeey tahay in qoraa walbaayi xil mug leh iska saaro u faa'iideynta bahweynta Somaliyeed ee taageerada maskixiyan-ka ah uga fadhida. Isla markaana uu qoraa walbaayi qoraalkiisa uga jeedo gudbinta dhibco mucayan ah oo waxtar u leh bulshada. Waxaa ku dayasho mudan aqoonayahano Somaliyeed oo shacabka la wadaaga aqoontooda caafimaadeed, dhisme, siyaasadeed, suxufinimeed, abuukaatanimo iyo mihnado kale oo u baahan in si curdan ah looga faaloodo. inta eey fursad eey siin lahaayeen Wax-ma-qorayaasha, Ka-daba-qoryaasha iyo Qoraal-xumayaasha.

C/raxman Ceynte

Minnesota

abdirahmanceynte@yahoo.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

QORAALADII HORE EE CEYNTE  

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]