SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Dagaalo dhex maray ciidamada cadawga Itoobiya iyo ciidamada Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadenya.
  • Ø Xukuumada Itoobiya oo qirtay inaanuu maamul ka jirin Ogadeniya iyo gobolka Canfarta.
  • Ø Qarixii tareenka Diridhabo oo loo xidhay nin Talyaani ah.
  • Ø Itoobiya oo musuqmaasuqu ku sii fiday.
  • Ø Wariye ay ciidamada nabadsugida Meles isku dayeen inay dilaan.
  • Ø Wax yaabihii ugu waaweynaa ee ka dhacay Todobaadkan geeska Afrika, oo ay ku jiraan Itoobiya oo la soo xaqiijiyay in ay haysato Sunta sida ba,an wax u baabi, isa.
  • Ø Wareeysiyo aanu la yeelanay Xubnaha ka hawlgala gobolo ka mid ah Maraykanka iyo arimo kale oo mihiiim ah.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 Dagaalo dhex maray ciidamada cadawga Itoobiya iyo ciidamada Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadenya

2/10/03 Dagaal ku dhex maray Ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada Gumaysiga Itoobiya meesha lagu magacaabo Diita ayaa waxaa ciidamada cadawga Itoobiya lagaga dilay 5 Askari waxaana laga dhaawacay 7 Askari.

Dagaal gaadmo ah oo ay ciidamada xoreeynata Ogaadeenya ku qaadeen saldhig ay ciidamada cadawgu ku lahaayeen Birqod ayay kaga dileen 3 Askari waxayna kaga dhaawaceen 2 Askari oo kale. Sidaas oo kale Dagmada Shaygoosh ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee dagan weerar ay ciidamada dagaalyahaminta xoraynata Ogaadeenya ku qaadeen ayay gaga dileen 2 Askari waxayna kaga dhaawaceen 3 Askari oo kale.

Dagaal ay labada dhinac ee ciidamada xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada Doolka ku jooga ogadenya ee gumaysiga Itooboya iskaga hor yimaaden Gurdumi, waxaa ciidamada Itoobiya lagaga Dilay 8 Askari waxaana lagaga dhaawacay inkabadan 14 Askari.

Dagaal kale oo si kadisa ay ciidamada Itoobiya iyo koox ka tirsan ciidanka Xoraynata Ogaadeenya isaga hor yimaadeen Wargaadsan ayaa waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 3 Askari.

4.10.03 Dagaal kadis ahaa oo ay ciidamada xoraynata Ogaadeenya ku qaadeen koox ka tirsanaa ciidamada cadawga Itoobiya oo ku sugnaa Farmadaw ayay kaga dileen 1 Askari waxayna kaga dhaawaceen 2 askari. Ciidamadii halkaas lagu weerayay ee gumaysiga Itoobya ayaa waxay weerar ku qaadeen dadkii shacaka ahaa ee ku noolaa Tuulada farmadaw waxayna halkaas ku dilen Gabadh lagu magacaabijiray Faadumo Cabdi Cakuule oo shacabkii halkas ku noolaa ka mid ahayd.

8.10.03 Dagaal ku dhex maray ciidamada naflacaariga ee gumaysiga Itoobiya iyo dagaalyahamiinta xoraynta Ogaadeenya meel aan sidaas uga fogeeyn Tuulada Bakka ayaa waxaa ciidamada cadawga laga dilay 3 Askari waxaana lagaga dhaawaxay ugu yaraan 5 askari. Ugu danbeeyntii dagaal kulul oo ay ciidamada xoraynta Ogaadenya ku qaadeen qar ka mid ah ciidamada Dulmiga waheshada ee gumaysiga Itoobiya oo ku sugnaa Tuulada Qudhac- Dhabab ayay kaga dileen 3 askari waxayna kaga dhaawaceen ilaa iyo 7 askari oo kale.

Xukuumada Itoobiya oo qirtay inaanuu maamul ka jirin Ogadeniya iyo gobolka Canfarta.

Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadeniya u jooga magalaada Addis Ababa ayaa sheegay in wasiiru dawlaha Itoobiya Gebr Ab Barnabas uu caddeeyay inaanuu wax maamul ah oo dimqraadiyad ku dhisani ka jirin Ogadeniya iyo gobolka Canfarta, sidaasna wuxuu ka sheegay shirwayne ay soo qabanqaabisay Ergada Dhaqaalaha ee Afrika ugu qaabilsan Qaramada Midoobay.

Hadalkani wuxuu ka soo horjeedaa hadallo rasmi ah oo marar badan oo kala duwan ka soo yeedhay madaxda maamulka Meles Zinawi, kuwaasoo sheegayay in Itoobiya oo dhan ay ka jirto dimuqraadiyad, maamullada gobolladuna ay dimuqraadiyadaas ka faa’iidaysteen oo ay soo doorteen maamullo dadkooda matala.

Muddo gaaban ka hor waxay xukuumada Addis Ababa magaalada Jigijiga u dirtay wasiirka fedaraalka, si uu soo xogwarramo qaabka uu u shaqeeyo maamul ku sheegga Jigjiga ka dhisan, waxayna arrintaasi maalmo yar ka denbaysay, markii xukunka laga fara-maroojiyay C/rashiid Duullane oo aan naftiisu ku imaanin si Dimuqraatiyad ah maamulka Jigjiga ee taliska Meles Zinawi uu ku adeegto.

Wasiiru dawluhu ma,uusan sheegin tallaabada ay xukuumadu qaadi doonto, mar haddii aan wax maamul ahi ka jirin Ogadenya iyo gobolka Canfarta, hase yeeshee waxay dad badani rumaysan yihiin inay suuragal tahay in maamulka Gobalada uu carrabka ku dhuftay lagu wareejinayo xukuumada fadaraalka.

Waxaana aragtidaas sii xoojinaysa tallaabadii ay xukuumada Addis Ababa dhawaan qaadday ee ahayd in ay baarlamaanka ka ansixisay in xukuumada faradaalka ah xaq loo siiyo inay maamusho gobollada is-maamuli kari waaya, taas oo ujeedada ka danbeeysa ay tahay cid kasta oo ku qanciwayda maamulka Itoobiya in loo cuskado Qodobkaas oo laga fara maroojiyo xaqooda ismaamul.

Qarixii tareenka Diridhabo oo loo xidhay nin Talyaani ah.

Wararka magaalada Diridhbo naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in qaraxii dhawaan ka dhacay tareenka isku xidha Jabuuti iyo Diridhabo loo xidhay nin u dhashay waddanka Talyaaniga.

Nin u hadlay booliska magaalada Diridhaba ayaa sheegay in ninkaas aan wali maxkamad la keenin hasayeeshee wuxuu sheegay in ay ciidamada boolisku wali badhitaan kuhayaan. Bishii Sebtember 27dii ayaa aagga magaalada Hadhigaale lagu qarxiyay tareenka isku xidha Jabuuti iyo Diridhaba, waxaana halkaas ku dhintay 2 qof, 9 kalana way ku dhaawacmeen. Ma jirto cid sheegatay inay qaraxaas ka denbaysay, hase yeeshee xukuumada Addis Ababa ayaa dusha ka saartay Jabhada Xoraynta Oromada ee OLF, oo iyaduna si kulul u beenisay.

Itoobiya oo musuqmaasuqu ku sii fiday.

Hay’adaha kala duwan ee Itoobiya waxaa kor iyo hoos ugu fiday musmaasuq daran oo la hadhay dhaqaalaha dalka iyo horumarkaba, sidaas waxaa lagu sheegay cilmi baadhis bishan sagaalkeedii uu sameeyay Ururka Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa (TI), oo uu fadhigiisu yahay waddanka Jarmalka.

Cilmi baadhistani waxay muujisay in musuqmaasuqu uu Itoobiya si ballaadhan ugu sii fiday sanadihii ugu danbeeyay.

Cilmi baadhistan waxaa lagu samayay 133 waddan, waxay Itoobiya noqotay wadanka 92 aad wadamada uu musuqmaasuqu ugu badan yahay ee uu dhaawaca wayn u gaysatay ilahooda dhaqaale iyo waliba hantida gaarka ah ee dadwaynaha. Jeff Lovitt, oo ka mid ah khuburada cilmi baadhistan samaysay, ayaa ka dayriyay heerka uu gaadhay musuqmaasuqa ka jira Itoobiya, wuxuuna sheegay inuu meel khatar ah marayo.

Waxa la wada-ogyahay in maamulka ururka TPLF, ee gacanta ku haya awoodda dalka Itoobiya, uu dhaqan u leeyahay musuqmaasuqa iyo siyaasada ku salaysan xatooyo hantida dadwaynaha, maamul ahaan iyo ashkhaas ahaan labadaba. Dhinaca kale waxa la sheegayaa in hanti badan oo ay dawlada Itoobiya lahayd lagu wareejiyay dad gaar oo xukuumada naas-nuujin ku haysta, waxaana ka mid ah hantida dadwaynaha ee sida tooska ah loo dhacay Madbadacda Harar, Hotel Tiyitu, Warshada Sabuunta ee Dhebrezeyit iyo kuwa kale oo faro badan.

Wariye ay ciidamada nabadsugida Meles isku dayeen inay dilaan.

Sida aanu ka soo xiganay wakaalada wararka Ogaadeenya, Ciidamada nabadsugida ee maamulka Meles Zenawi ayaa isku dayay inay dilaan wariye lagu magacaabo Ariya Tassfamariyam oo wax ka qora wargees Itobi la yidhaahdo oo ka soo baxa magaalda Addis Ababa.

Wariyahaas oo loo daba socdo xaqiiqooyin uu ka soo bandhigay siyaasada arradan ee maamulka Meles Zenawi ayaa jidhdil xun lagu sameeyay, waxaana loo gaystay dhaawac culus. Falkan bahalnimada ahi wuxuu keenay in Ururka Wariyayaasha Itoobiya ay dacwad ku soo ogaan maamulka Meles Zenawi, iyaga oo u qayshaday Ururka Warfidiyeenka Adduunka iyo beesha caalamka.

Taliska Addis Ababa wuxuu taariikh madow ku leeyahay xaqirida iyo ku xadgudubka shaqsiyadeed iyo kan guudba, iyadoo Itoobiya noqotay dalka labaad ee dunida ugu horreeya dhinaca la dagaallanka saxaafada iyo cabudhinta ra’yiga dadwaynaha, taasoo dhaxalsiisay inay wariyayaashii Itoobiya ay dibada u baxsadaan, xataa kuwii ururka TPLF ka tirsanaa.

17.10.003

Dhoodi Danwaa.
raadioxoriyo@yahoo.com   
radioxoriyo@ogaden.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

TODOBAAKAN IYO GEESKA

  • QM oo ku adkaysatay in bishan la jeexayo xadka Itoobiya iyo Eritereya.
  • Itoobiya oo la sheegay in ay haysato sunta wax gumaada.
  • Uruka Midowga Afrika oo hindisaya in shirka nabadeynta Soomalida loo raro Wadanka Ugaandha.

Itoobiya oo la sheegay in ay haysato sunta wax gumaada.

War ay daabacdey Wakaalada Wararka ee Geeska Afrika ayaa waxay ku sheegtay “in Itoobiya haysato hubka sunta ah ee wax gumaada”. Wakaaladu waxay warkeeda ku sheegtay in Itoobiya weligeedba ku taamaysay in ay ka mid noqoto wadamada haysta hubka kiimikada ee wax gumaada., waxayna intaas raacisay in waxaa la is weydiinayaa yahay in dadka ugu horeeya ee lagu gumaadi doono hubkaas noqon doonoa dadka shacaka ah ee Itoobiya..

Ilo lagu kalsoon yahay oo dalbadey in aan la magacaabin ayaa sheegay in Itoobiya abuurtey cuduarada dhaliya jeermiska ama VIRUS-KA, kaas oo markii ugu horeysay lagu tijaabiyey Geela Gobolada Canfarta iyo Ogaadeeniya. Warku wuxuu intaas ku darayaa in shaybaarka lagu tijaabiyo ama lagu abuuro jeermiskan dilaaga ah uu ku yaalo Magaalada Maqale ee Caasimadda Gobolka Tigrea-ga.

Dhinaca kale, sanadkii 1996-dii ayaa markii ugu horeysay Ururkii Ogaden Welfare Society aduunka soo gaarsiiyey Cudur aanan la garanayn oo ku habsadey Geela dhulka Soomaalida Ogaadeeniya. Cudurkaas oo ay dadku ku tilmaameen midkii ugu ba’naa ay weligood arkaan. Balse sida ay qortey Wakaalada Waraka ee Geeska Afrika Madaxa TPL iyo dadka k agdhowba waxay cadeeyeen in cudurka dilaaga ah ee ku habsadey Geela dhulka Ogaadeeniya lagu abuurey si qarsoodi ah shaybaarka ku yaala Magaalda Maqale, iyadoo la doonayo in la wiiqo taageerada ay xoogaga xoriyadoonku ka helaan dadweynaha dhaqda Geela iyo guud ahaanba in la curyaamiyo dhaqaalaha Ogaadeniya o intiisa badan ku xiran Xoolaha nool.

QM oo ku adkaysatay in bishan la jeexayo xadka Itoobiya iyo Eritereya.

Sida aan kasoo xiganay WWO, Xadka uu muranka wayni ka taagan yahay ee u dhexeeya dalalka Eritereya iyo Itoobiya ayaa la astayn doonaa bishan oktober dhexdeeda, iyadoo uu waliba muran ba’ ani ka taagan yahay go’aankii ka soo baxay Ergadii ay Qaramada Midoobey u saartay khilaafka xuduudda ee labadaas dal, sidaas waxaa khamiistii sheegay masuul sare oo ka tirsan Qaramada Midoobey.

Badhtamaha bishan oktober ayaa la billaabi doonaa calaamadaynta soohdinta u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritereya, haddii ayna Ergada xallinta khilaafka xuduudda ayna xilli kale qabanin, sidaas waxaa tidhi afhayeenka Ergada EEBC Gaile Sainte.

Itoobiya ayaa marar badan ku gacan saydhay go’aanka Ergada EEBC, oo magaalada lagu muransan yahay ee Bademe siiyay dalka Eritereya. Bishii horana Meles Zenawe ayaa warqad u diray Qaramada Midoobey, taasoo uu ku codsaday in mar kale dib loogu noqdo arrinta soohdinta ay ku muransan yihiin dalkiisa iyo Eritereya, wuxuuna sheegay in Itoobiya ayna marna aqbalaynin go’aanka Ergada EEBC ee Eritereya siinaya magaalada Bademe.

Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa ayaa cabashada Itoobiyay kaga soo jawaabtay warqad kulul oo ay ku cadeeynayaan in aan go, aankaas laga laabanaynin lana bilaabi doono calaamadaynta labada Dal badhtamaha Bishan eeynu ku jiro ee Oktoobar, Itoobiyana looga baahan yahay in ay go, aankaas meel mariso. Ergada EEBC waxay sheegtay in soohdinta u dhaxaysa Eritereya iyo Itoobiya, oo dherarkeedu dhan yahay 1000 km la astayn doono inta u dhaxaysa badhtamaha bishan oktober ilaa iyo dabayaaqqada bisha julay ee sanadka 2004.

Uruka Midowga Afrika oo hindisaya in shirka nabadeynta Soomalida loo raro Wadanka Ugaandha.

Shir uu soo qaban qaabiyay ergey ka socda ururka Midowga Africa oo ay ka soo qeybgaleen xubnaha beesha caalamka iyo qaar ka mid ah dawladaha ku bahoobey guddiga farsamada ee IGAD ayaa lagu qabtey Magaalada Nairobi. Ergaygaas oo lagu magacaabo Moxamed Cali Foom oo u dhashey talka Tanzania

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Uruka Midowka Afrika aad u quur darayanayo qaabka uu shikru socda. Waxaana la sheegayaa in Madaxda dawladaha IGAD kulan ku yeelan doonaan bishan Oktober 24-26 magaalada Kambala la doonayo in lagu soo bandhigo arimaha Soomaliya, waxaana soo baxay warar sheegaya in Itoobiya iyo taageerayaasheeduba doonayaan inta ka horeysa taariikhdaas wax lagu dhawaaqo.

Balse Mudane lagu magacaabo Cali Baashi Xaaji Maxamuud oo ah Wasiir ka trisan DKMG oo ku sugan Nairobi ayaa sheeagy in Midogwa Africa uu doonayo sidii shirka looga badali lahaa wadanka Kenya, waxaana la isla dhexamarayaa in loo rari doono Magaalada kambala ee caasimadda wadanka Ugaanda.

Axmed Xiddig
Radio Xoriyo

raadioxoriyo@yahoo.com   
radioxoriyo@ogaden.com   

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD