|
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.
- Ø Warmurtiyeed ka soo baxay Hogaanka Warfaafinta ee JWXO.
- Ø Kaligii taliye Meles Zenawi oo sheegay in uuna xukunka ka dagaynin.
- Ø Shir Itoobiya iyo hoggaamiye kooxeedyadyo soomaaliyeed ka burburay.
- Ø Addis Ababa oo mar kale weerartay Ergada xadka ee Qaramada Midoobey.
- Ø Jaaliyda Oromada ee Yeman oo dhaqaale ugu deeqday OLF.
Rag ka mid ah ergooyinka shirka dib u-heshiisiinta soomaalida o la dilay.
- Ø Waraysi aanu la yeelanay Masuuliyiin ka tirsan Jaaliyada Minisota iyo
suugaan halgameed.
Warmurtiyeed ka soo baxay Hogaanka
Warfaafinta ee JWXO
Warmurtiyeed ka soo baxay Hogaanka Warfaafinta ee JWXO ayaa si kulul u
dhaleeceeyey war dhawaan ka soo yeedhay dawladda Itoobiya , kaas oo ay dawladda
Itoobiya ku sheegtay in "nidaamka dimoqoraadiyada aanan weli la gaadhsiinin
Gobolada Ogaadeeniya iyo Canfarta"
Warmurtiyeedkan oo soo xiganayay hadal uu dhawaan ka soo jeediyey Wasiirka
Arimaha Federalka ee Itoobiya Gerbera Barnabas shir ay soo qaban qaabisay
Jimciyadda Qorumaha ka dhaxaysa qaybteeda Dhaqaalaha ee u qaabilsan Afrika, ayaa
wasiirku ku cadeeyey "in aysan wax dimoqraadiyada ah iyo nidaamka dawliga ah ka
jirin Ogaadeeniya", laakiin uu dhinac maray in ciidamada TPLF yihiin kuwa
maamula maxkamadaha wareega awooda maamulkuna iyaga tahay. Warmurtiyeedku wuxuu
intaas ku daray "in Itoobiya doonayso in ay caalamka khiyaamayso si ay u
sharciyeysato una dheeraysato nooca dimoqraadiyada ee TPLF" taas oo aflagaado ku
ah ummada ay gumeysato ee ku hoos nool caddaadiska xukumadeeda. Sidoo kale
Hogaanka Warfaafintu wuxuu intaas raaciyey "in dimoqraadi la'aanta Itooboya
tahay waxa hortaagan doonista shacabka Ogadeeniya ee ku wajahan aayo ka
tashigiisa"
Gebogabadii JWXO waxay caalamka ugu baaqdey in aysan dhegaysan khaa'inimada
Itoobiya ee ku dhisan daboolida xaqiiqda jirta. Waxayna ururada xuquuqil
insaanka u dagaalama ka codsatey in ay banaanka soo dhigaan dhibka ay Itoobiya u
geysato dadka ama kuwa doonayo dimoqoraadiyadda dhabta ah.
Dhinaca kale Warmurtiyeed kale oo uu Hogaanka Warfaafintu ka soo saarey arinta
soohdinta Eritrea iyo Itoobiya ayuu Itoobiya ku eedeeyey jebinta ama diidmada
qaawaaniinta caalamka ee go'aankii gudiga soohdintu ka soo saarey soohdinta
labada dal, kaas oo ay labada dalba markii hore qalinka ku duugeen in go'aanka
gudigu noqon doono mid ay u hogaansami doonaan oo ah kii ugu danbeeyey.
JWXO, waxay u mahadcelisay talaabada ay qaadey dawladda Maraykan oo ergay u
dirtey labada dal iyo qorshaha uu soo jeediyey Goleha kongaraska ee Maraykanka
oo taageeray go'aankii gudiga caalamiga ee soohdinta labada dal.
Warmurtiyeedku wuxuu intaas ku daray in shacabka Itoobiya iyo kuwa ay gumeysato
dhibaato ka soo gaadhey xukumadda dagaal abuurka ah ee Adis Ababa, isla markaana
hadii dagaal ka qarxo soohdinta labada dal in wax kasta oo kayd ah ay u jahayn
doonta dhinaca dagaalka, sidaas darted meel marinta go'aankii gudga caalamaiga
ee soodinta labada dal ay dan ugu jirta xasiloonida Geeska Afrika.
Kaligii taliye Meles Zenawi oo sheegay in
uuna xukunka ka dagaynin.
war aanu ka soo xiganay Wakaalda Wararka Ogadeniya ayaa sheegay in xubno aad u
yar ay ka soo qayb galeen munaasabaddii furitaanka Barlamaanka Itoobiya oo ku
beegnayd maalintii khamiista ahayd, waxaana fadhigaas ka soo qayb galay 356
xubnood oo kaliya, iyadoo tirada guud ee xubnaha Barlamaanku ay gaadhayso 540.
Waxaa baarlamaanada adduunka caado u ah in
maalinka baarlamanka la furayo ay xubnaha oo dhami ka soo qayb galaan. Tiradan
yar ee munaasabadda furitaanka baarlamaanka timid waxaa lagu fasiray caga-jiid
ay xubnaha baarlamaanku ka caga-jiidayaan gudashada hawlohooda xildhibaanimo,
taasoo macneheedu yahay inay ka biya-diiddan yihiin siyaasada xukuumadda Meles
Zenawi.
Wararku waxay kaloo intaas ku dareen in xildhibaanadii fadhigaas ka soo qayb
galay ay su’aalo badan u soo jeediyeen keligii taliye Meles Zenawi, isla
markaana ay ugu baaqeen inuu xukunka iskaga dago, hasa yeeshee wuxuu ku
adkaystay inuusan xukunka ka dagaynin wax kasta oo dhaca.
Waxaa jira xildhibaano badan oo baarlamaanka Itoobiya ka tirsanaa, kuwaasoo
Itoobiya ka soo baxsaday oo magangalyo siyaasadeed ka codsanay wadamo kala duwan
oo reer galbeedka ah.
Shir Itoobiya iyo hoggaamiye
kooxeedyadyo soomaaliyeed ka burburay.
Wargayska lagu magacaabo Itobi ayaa qoray in shir ay dawlada Itoobiya si
qarsoodi ah ugu qabatay qaar ka tirsan hooggaamiye kooxeedyada Soomaaliya uu
burburay oo ayna waxaba ka soo bixin.
Sida uu wargaysku qoray wasiirka arrimaha
dibada ee Itoobiya Siyoum Mesfin ayaa jimcihii la shiray hooggaamiye kooxeedyada
soomaaliyeed ee kala ah: Xuseen Maxamed Caydiid, Cumar Xaji Masale iyo Cismaan
Xasan Cali Caato, wuxuuna kala hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen in aynan kooxaha
soomaalidu caawinin mucaaradka taliska Itoobiya.
Wargaysku wuxuu kaloo intaa ku daray in hooggaamiye kooxeedyadu ay iyaguna
dhinacooda xukuumadda Itoobiya ka codsadeen inay joojiso dhaqdhaqaaqyada
millatari iyo farogalita liddiga ku ah Soomaaliya ee ay waddo, taasina waxay
keentay inuu shirkii burburo.
Addis Ababa oo mar kale weerartay Ergada xadka ee Qaramada Midoobey
Xukuumadda Itoobiya ayaa mar kale si wayn u
weerartay Ergada caalamiga ah ee Qaramada Midoobey ay u xilsaartay calaamadaynta
xadka uu dheerarkiisu dhan yahay 1000 km ee u dhexeeya dalalka Eritereya iyo
Itoobiya.
Bayaan ay dhammaadkii toddobaadkii hore soo
saartay wasaarada arrimaha dibada ee Itoobiya ayay ku eedysay Ergada Qaramada
Midoobey ee xadka Eritereya iyo Itoobiya ee EEBC, waxayna Itoobiya Ergada ku
eedaysay isla-wayni iyo khaladaad culus oo ay gashay, iyadoo saldhig uga
dhagaysa go’aankii Ergada ka soo baxay ee magaalada Bademe lagu siiyay dalka
Eritereya.
Keligii taliye Meles Zenawi ayaa isaguna
maalintii khamiista ahayd furitaankii baarlamaanka ka sheegay in Ergada EEBC ay
tahay “mid aan waxba ka jirin”, Meles Zenawi wuxuu kaloo yidhi; “Dhibaatadu way
ka sii daraysaa, waxayna iyadoo waji kale leh qarxi kartaa waqti kasta”.
Dhinaca kale masuul maraykan ah ayaa isaguna
khamiistii dawlada Maraykanka ugu baaqay inay joojiso gabi ahaanba caawimaada
dhaqaale ee Itoobiya ay u fidiso, sababtoo ah buu yidhi, waxay Itoobiya
hortaagan tahay calaamadaynta xuduudda ay Eritereya la leedahay.
Donald Payne, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadi,
isla markaana xubin ka ah Kongareska Maraykanka, ayaa Itoobiya ku canbaareeyay
caqabadaha ay hordhigayso hawlaha calaamadaynta xadka ay Eritereya la leedahay.
Mudanuhu wuxuu kulanka Kongareyska Maraykanka
ka yidhi; “Dhaqanka noocaas oo kale ah ma aha mid la aqbali karo, wuxuuna labada
dal u horseedi karaa dagaal lagu hoobto”.
Jaaliyda Oromada ee Yeman oo dhaqaale ugu
deeqday OLF
Radyowga Oromada ayaa sheegay in Jaaliyada Oromada ee dalka Yaman ku dhaqan ay
yeelatay shir ballaadhan oo lagu soo qaatay arrimo aad muhiim u ah, kuwaasoo ay
ka mid ahaayeen sii xoojinnta halganka lagula jiro gumaysiga Itoobiya.
Jaaliyaddu waxay halkaas ka sheegtay inayna marna ku niyad jabaynin waxyaabaha
foosha xun ee dawlada wayaanuhu ay ku samayso umadda Oromada, balse ay
waxyeellooyinka noocas ahi sii kordhinayaan dadaalka lagu baadi-goobayo sidii
heerayad gumaysiga la isga tuuri lahaa.
Jaaliyaddu waxay canbaarayn kulul dusha kaga
tuurtay xukuumadda Wayaanaha iyo xadgudubyada ay ku hayso shucuubta ay gumaysato,
ka dibna waxay Jabhada Xoraynat Ormiya OLF ugu deeqday lacag dhan 175.000 oo
raiyaal.
Rag ka mid ah ergooyinka shirka dib u-heshiisiinta
soomaalida o la dilay.
Seddex nin, oo uu ka mid yahay nin ka mid ahaa
ergada ka qayb qaadanaysa shirka dib u-heshiisiinta soomaalida ee ka socda dalka
Kenya, ayaa la dilay oo maydkoodii lagu xooray duleedka magaala madaxda dalka
Kenya ee Nairobi.
Sheekh Ibraahim Cali, oo ergada shirka ka mid
ahaa, saaxiibkii Xuseen Axmed Maxamed iyo darawalkoodii ayaa la waayay
fiidnimadii sabtidii, waxaana axaddii maydkooda laga helay kayn ku taalla
duleedka magaalada Nairobi.
Sheekh Ibraahim Cali wuxuu ka tirsanaa
baarlamaanka dawlada ku meelgaadhka ah, wuxuuna ak mid ahaa xubnihii ku gacan
saydhay inay shirka ka soo baxaan, markii ay dawlada ku meelgaadhka ahi shirka
qaaddacday.
Booliska Kenya ayaa sheegay in nimankaas rasaas
lagu laayay, ayna maydkooda xabbado badani ku yaalleen. Warar hada soo baxayna
waxay sheegayaan in dilka nimankas ay ka danbeeyeen Nabad sugida Itoobiya.
21.10.003
Dhiidhi Nuur.
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|