|
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.
- Ø Dad ay ciidamada cadawga Itoobiya ku laayeen meelo ka mid ah Ogaadeenya.
- Ø Geeska Afrika oo noqday meelaha aduunka ugu khilaafka badan.
- Ø Qorshaha Meles oo la sheegay in uu aad u liito.
- Ø C/qaasim oo eedeeyay Kenya iyo Itoobiya.
- Ø Maqaal dheer oo uu mdaxwaynaha JWXO ugu hanbalyeeynayo Bisha Soon
Shacabkiisa iyo waliba suugaan halgameed dareenkiina dhaqaajin.
Dad ay ciidamada cadawga Itoobiya ku laayeen
meelo ka mid ah Ogaadeenya.
Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay gumaad
joogta ah ku hayaan shacabka Ogaadeenya, waxaana ugu danbeeyay falalka argagaxa
leh ee ay ciidamada Itoobiya ku gumaadayaan shacabka Ogaadeenya kuwan.
10.10.03 waxay ciidamada dheefsada dulmoiga ee
Itoobiyo ku dileen Dagmada Danood Nin ganacsade ahaa oo lagu magacabi
jiray Axmed cabdi dacar (Timo-jilic)
sida oo kale waxay ciidamada Taliska Adis
Ababa ka amar qaata ee Itoobiya ku dileen magaalada Awaare 11.10.03
nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray
Xussein C/qaadir Adan deyl.
11/10/03
waxay ciidamada Wayaanuhu Tuulada Garoonka ku dileen, nin shacaba oo
magaciisa la yidhahdo Xassan Ahmed Bucul.
Isla 11.10.03 waxay ciidamada cadawgu ku
dileen Tuulada Dig nin shacabka deegaankaas ka mid ahaa oo lagu magacaabi
jiray Ahmed Nuur Shaafi.
12.10.03 waxay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya
magaalada Caado ku dileen gabadh Shacb ah oo lagu magacaabi jiray
Faadumo maxamed Cabdi Gaas.
22.10.03
waxay ciidamada dulmiga dheefsada ee gumaysiga Itoobiya ka soo afduubteen
Tuulada Wijiwaaji gabadh lagu magacaabi jiray Xaliimo Macalin Cabdi oo
shacabka deegaankas ka mid ahayd. Gabadhaas ayaa la sheegayaa in ay ciidamada
cadawga Itoobiya dileen kadib markay si xoog ah u faraxumeeyeen. Sida oo
kale deegaanka Qoratto ayaa lasheegayaa wiilyar oo ay ciidamada cadawga Itoobiya
ku dileen.
Dhinaca kale Ciidamada Itoobiya ee ku caanbaxay
boobka hantida dadwaynaha ayaa bilaabay hanti ay dadka si xoog ah kaga
qaadanayaan, taas oo loogu tala galay in ciidamada xasuuqa iyo xaqdarada u jooga
Ogaadeenya lagu biilo, waxayna tuulooyinkan ku xukumeen Lacag ay ku sheegeen
ganaax oo ayna dadku awoodin, waxaana ka mid ah Tuulooyinka laganaaxay kuwan.
1- Tuulada Dusmo waxaa lagu ganaaxay 10/kun, oo Bir.
2- Tuulada Yoocaale waxaa lagu ganaaxay 10/kun, oo Bir.
3- Tuulada Garawo, waxaa lagu ganaaxay 6/kun, oo Bir.
4- Tuulada Dhagax-tuur, waxaa lagu ganaaxay 4/kun, oo Bir.
5- Tuulada Meer-meersane waxaa lagu ganaaxay 4/kun, oo Bir.
6- Tuulada Ceelka Bulxan waxaa lagu ganaaxay 2/kun, oo Bir.
sida oo kale waxaa Badhtamihii Bishan ganaax iyo xadhig laysugu daray Labanin oo
ku noolaa Dagmada Danood, lana kala Odhan jiray.
1- Cabdi Buuni Xassan (Tamiin)oo lagu ganaaxay 2000 Bir iyo.
2- Cali Qodhob (afguduud) oo isagana lagu ganaaxay 2000 oo Bir.
Degaanka Ararso waxay ciidamada cadawgu ku xidheen nimanka lakala yiraahdo
1- Mukhtaar Ibraahin Ciid iyo
2- Cabdi Xassan. oo kiiba lagu dhacay lacag dhan 5/Milyan oo Sh. Soomaali ah.
Ciidamada cadawgu waxay deegaanka galaashe ka
qabteen 8 Nin oo ay ka qaateen Qoryo ay horay ugu sharciyeeyeen, kuwaas oo ay
dakaasi Dugaaga kaga ilaashan jireey duunyadooda. Nimankaas ayaa la sheegayaa in
loo dhaadhiciyay xabsiga magalada Jig-Jiga.
dhinaca kalana waxay ciidamada cadawga Itoobiya xabsiyada ka buuxiyeen dad aad u
farabadan, waxaana ka mid ah dad ay 15/10/03, Dagmada Dhanaan ku xidh xidheen oo
ay ka mid yihiin.
1- Bashiir Ahmed Cabdi.
2- Mursal Xaji Cabdi.
3- Mohamed Cabdi Maxamuud.
4- Bashiir Kaamil Ahmed.
5- Kaamil Shafeec Yuusuf.
6- Bashiir Cali-noor Cabdi.
7- Hanad Ahmed Cabdi-bedel iyo
8- Cabdi-noor Cabdi Budul.
Isla xiligaas waxaa xabsiga magaalada shilaabo
loo dhaadhiciyay dad shacab ah oo laga soo qabqabtay Tuulada Garoonka waxaana ka
mid ah dadkaas.
1- Ibraahin Sheekh Muuse.
2- Faysal Cago Laab.
3- Cali Xaaji Maxamuud.
4- Ahmed Faarah Dhofaan.
5- Aamina kaaro dile.iyo
6- Ardo Mahamed.
sida ay sheegayaan dadka deegaanadaas oo u waramayay wariyaha Radio Xoriyo ee
Magaalada Dhagax Buur, oo kormeer dagmooyinkaas ku tagay, wax danbi ah oo
dadkaas ay galeen ma jiraan balse waxaa dhibaatooyikaas loogu gaysanayaa oo
kaliya tuhun ay ka qabaan ciidamada Itoobiya in ay taageersanyihiin Jabhada
Xoreeynta Ogaadeenya oo dagaal hubaysan kaga soo horjeeda Xukuumada Itoobiya..
Geeska Afrika oo nqday meelaha aduunka ugu
khilaafka badan
Wargayska The Press la yidhaahdo ayaa jimcihii
la soo dhaafay qoray in Geeska Afrika uu yahay meesha aduunka ugu khilaafka
badan.
Wargaysku wuxuu qoraalkan ka soo xigtay shir
wayn oo lagaga hadlayay arrimaha nabad galyada gobolka Geeska Afrika oo lagu
qabtay School of International Service, waxaana shirkaas ka soo qayb galay
aqoonyahano aduunka ka kala yimd, safiiro aad u tiro badan iyo dad kale oo
arrimaha Geeska Afrika daeenya.
Halkaas waxaa hadal dheer oo dadka soo jiitay
ka jeediyay safiirkii hore ee dalka Marykanka Itoobiya u joogi jiray Mr. David
Shiene.
Waxa kaloo shirkaas lagu qaadaa-dhigay
khilaafka ka dhextaagan Itoobiya iyo Eritreya, iyadoo la sheegay in muddadii uu
labadaas dal dagaalku ka dhex socday ee sadexda sano ahayd ay ku naf waayeen dad
ka badan 120.000 oo qof.
Shirkaas dadkii ka soo qayb galay waxaa mid
ahaa labad safiir ee Itoobiya iyo Eritreya u jooga waddanka Marykanka.
Sfiirka wadanka Eritreya u fadhiya Marykanka
Mr. Girma Asmarom oo shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in dawlada Eritreya ay
qaadatay go'aankii ay Qaramada Midoobay ka soo saartay khilaafka xadka, wauxuuna
eed ballaadhan dusha kaga tuuray dalka Itoobiya, wuxuuna sheegay inuu aad ula
yaabay siyaasda gurracan ee dawlada Itoobiya ee lagu macnayn karo Aniga mooye
cid kale ma noolaan karto”.
SAfiirka Itoobiya u fadhiyay wadanka Marykanka
fagaarahaas wax haba yaraatee hadal ah oo uu ka jeediyay ma jirin.
Qorshaha Meles oo la sheegay in uu aad u liito.
Nin ka tirsan baarlamaanka Itoobiya ayaa
sheegay in qorshaha dawlada Meles uu yahay mid aad u liita oo aan horumar lahayn,
isla markaana uu magac u-yaal oo kaliya yahay.
Wuxuuna sheegay inay tahay arrin lala yaabo in
ra’iisul wasaaruhu uu warbixintiisa ka reebo lacagtii dunida laga soo barayay ee
loogu talogalay barnaamijka dhimista saboolnimada.
Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in qorshe
sanadeedka uu Meles Zenawi baarlamaanka soo hordhigay uu aad uga sii liitay
midkii sankii hore, waxaa kale oo uu intaa raaciyay inay dawlada Meles ku
dadaalayso oo kaliya sidii mar kale Meles loo dooran lahaa.
C/qaasim oo eedeeyay Kenya iyo Itoobiya.
Madaxwaynaha dawlada ku meelgaadhka ah ee
Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa eed dusha kaga tuuray dalalka Kenya iyo
Itoobiya, oo uu ku eedeeyay inay shirka dib u-heshiisiinta soomaalida ka
leexiyeen dariiqii saxda ahaa.
Madaxwayne C/qaasim wuxuu shirka ay magaalada
Kampala ku yeesheen madaxda dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ka
sheegay in shirkii dib u-heshiisiinta, ee sanadka ka badan soomaalida uga socday
dalka Kenya, uu guud ahaanba burburay.
Wuxuuna guddiga farsamada ee IGAD ku eedeeyay
inay iyagu masuul ka yihiin burburka shirka, wuxuu kaloo sheegay in ururka IGAD
uu shirka iska dhaga-tiray, isla markaana Itoobiya u oggolaaday inay iyadu
dejiso ajandayaasha shirka.
Madaxwayne C/qaasim wuxuu intaas ku daray in
ergadii rasmiga ahayd ee dawlada ku meelgaadhka ah ay noqotay mid laga tira
badan yahay, ka dib markii ay hadheeyeen kooxo fara badan oo Itoobiya ay
abuurtay, isla markaana gacan ku siisay inay shirka ka muuqdaan.
Wuxuu sidoo kale dalka Kenya ku eedeeyay inay
ku guul farraystay inuu ka soo baxo axdigii uu galay ee ahaa inuu qabanqaabinayo
shir loo dhan yahay.
Wuxuu labada dal ee Kenya iyo Itoobiya ku
eedeeyay inay isku dayayaan inay Soomaaliya kala qaybiyaan, iyagoo rumaysan in
Soomaaliya oo mid ah oo xoog badan ayna iyaga dan u ahayn.
28.10.003
Dhiidhi Nuur.
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|