|
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo
Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.
- Ø Dagaalo dhex maray ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo ciidamada xoreunta
ogadeenya.
- Ø Xubno guddiga fulinta ee EPRDF ah oo xilalkoodii laga eryay.
- Ø Jabuuti oo xukuumadda Itoobiya alaab Dakedeeda u taalay ganaax ku soo
rogtay.
- Ø Ururka macalimiinta Itoobiya oo mudaharaad isu diyaarinaya.
- Ø Isayas Afwareke oo ka qayb galay shir Tokyo lagu qabtay.
- Ø Faallo ku saabsan barnaamijkii Kaftan maaha kulanka Waaberi ee horta
maxaa isu keenay.
- Ø Todobaadkan iyo geeska Afrika waxyaabihii ugu waaweeynaa.
- Ø Waraysi aanu la yeelanay Fanaanada Caanka ah ee Hobo Maxamed (Hobo Nuur)
iyo waliba waxyaabo kale oo mihiim ah.
Dagaalo dhex maray ciidamada gumaysiga Itoobiya
iyo ciidamada xoreunta ogadeenya.
Dagaalada dhex maraya ciidamada Gobonimadoonka
Xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa ah kuwo marba marka
ka danbeeysa sii xoogaysanaya, kuwii u danbeeyayna waxay dheceen xiliyadan.
24.09.03 waxuu dagaal khadhaadh ku dhex maray
ciidamada Geesiyiinta Xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada dulmiga waheshada ee
gumaysiga Itoobiya galbeedka Magaalada Garbo, halkaasna waxaa ciidamada cadawga
lagaga dilay 1 Askari waxaana lagaga dhaawacay 2 Askari oo kale. Ciidamada
Itoobiya oo duulaankaas soo qaaday ayaa la sheegayaa in ay weerakaas ku soo
jabeen oo firxadkoodii mid mid magaalada u soo galeen kadib markii ay
dagaalyahamiinta xoraynta Ogaadeenya difaac aan la gudbi karin.
Xubno guddiga fulinta ee EPRDF ah oo xilalkoodii laga eryay.
Shirwaynihii uu Isbahaysiga EPRDF dhawaan ku qabsaday magaalada Baxardaar, waxa
jagooyinkii ay hayeen lagaga qaaday 7 nin oo ka tirsanaan jiray guddiga fulinta
ee EPRDF.
Nimanka xilalkoodii laga qaaday waxaa ka mid ah Mulugeeta Alamsagadh, oo muddo
dheer la-taliye u ahaa keligii taliye Meles Zenawi, waxaana lagu beddalay Abay
Sahay, oo hadda noqday ninka Afraad ee Isbahaysiga EPRDF.
Ninmanka ka tirsanaa guddiga fulinta ee EPRDF ee xilalkoodii laga qaaday waxay
kala yihiin:
1- Dr. Kabadhe Tadhase
2- Alamayhu Asmina
3- Mukhtar Khadar
4- Ismaciil Ero
5- Dharota Dhajaamo
6- Akehidhna
Waxaana boosaskoodii lagu beddalay nimanka kala ah:
1- Abbay Sahay
2- Filmon Hadero
3- Shifaraw Shegotanaa
4- Aydhaki Gasahin iyo kuwo kale.
Warku wuxuu kaloo intaas raaciyay in ururrada isku bahaystay EPRDF oo dhan aan
xubno cusub loogu soo darin Golaha Dhexe ee hadda la dhisay, balse qaar ka mid
ah Loo kordhiyay xubnihii golaha dhexe..
Ururrada xubnaha cusub loogu daray Golaha Dhexe ee EPRDF waxay kala yihiin
labada Urur ee Xabashida iyo midka maqaar-saarka ah ee Oromada. Waxaan iyaga
Golaha
Dhexe xubno intii hore ka badan loogu soo darin ururka dadyowga koonfurta
Itoobiya.
Jabuuti oo xukuumadda Itoobiya alaab Dakedeeda u taalay ganaax ku soo rogtay.
Dawlada Jabuuti ayaa xukuumadda Itoobiya ugu
baaqday inay sida ugu dhakhsaha badan ula baxdo alaabo fara badan oo muddo dheer
ka taallay dekada Jabuuti, isla markaana ay lacag adag oo doollarka Maraykanka
ah alaabtaas ka bixiso, waxayna arrintani ka denbaysay, ka dib markii ay
alaabtaasi si wayn u xayirtay hawlihii dekada magaalada Jabuuti.
Dawlada Jabuuti waxay sheegtay in alaabtaasi ay dhaaftay xilligii loogu
talagalay in dekada lagaga bixiyo, waxayna sheegtay in qaanta alaabtaas lagaga
leeyahay dawlada Itoobiya lagu bixin karo lacag adag oo kaliya.
Wasaaradda ganacsiga ee xukuumadda Itoobiya ayaa daboolka ka qaadday in lacagta
Itoobiya laga doonayo ay tahay lacag aad u fara badan, oo maalin walba gaadhaysa
boqollaal kun oo doollar, taasoo khasaare ba’an u keeni doonta dalka Itoobiya.
Ururka macalimiinta Itoobiya oo
mudaharaad isu diyaarinaya.
Wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadeniya ayaa sheegaya inuu Ururka Macalimiinta ee
Itoobiya isu qabanqaabinayo mudaharaad aad u ballaadhan oo lagaga soo horjeedo
nidaam cusub oo xukuumadda Wayaanuhu ay soo saartay.
Mudaharaadkan, oo la filayo inay boqollaalan kun oo macalimiin ah ka soo
qaybgalaan, waxay macalimiintu kaga cabanayaan xadgudubyo loo gaysto oo ay ka
mid yihiin iyagoo shaqooyinka laga caydhiyo haddii ayna taageerin aragtida EPRDF
oo ayna ka mid noqonin
waxa ay ku sheegaan kaadiriinta u adeega.
Waxaa kaloo ka mid ah arrimaha ay ka cabanayaan nidaamka cusub ee xukuumaddu ay
dejisay ee waxbarashada gaarka ah lagu oggolaanayo.
Guddoomiyaha Ururka Macalimiinta Dr. Taaye ayaa sheegay in dawladu ay horay ugu
guul-darraysatay adeegyada bulshada ee caafimaadka iyo waxbarashadu ay ka midka
yihiin, haddana ay waalidiinta dhibaatooyin badan la soo gudboonaan doonaan
haddii waxbarashada gaar laga dhigo. Wuxuu kaloo intaas ku daray in nidaamkani
uu yahay nidaam loogu danaynayo dad gaar ah, oo aan dunida horay loogu arag.
Isayas Afwareke oo ka qayb galay shir Tokyo lagu qabtay.
Madaxwaynaha waddanka Eritereya Isayas Afwareke
ayaa ka qayb galaya shir caalami ah oo lagaga hadlayo horumarka Afrika, kaasoo
ka dhacaya magaalada Tokyo ee dalka Japan.
Madaxwayne Isayaas waxa u madadii u halkaas joogay soo booqday xarunta ”doonta
nabda ee Tokyo”, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Mr. Yoshiko Tasuya.
Madaxwayne Isayas oo shirkaas ka hadlay wuxuu aad ugu mahad-naqay dawlada Japan
sida gacmaha furan ee ay u soo dhawaysay iyo sida ay dadaalka ugu jirto sidii
loo horumarina lahaa Qaaradda Afrika.
03.10.003
C/Nuur Sh. Maxamed.
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7:
30PM waqtiga Afrikada Bari.
Faallo ku saabsan barnaamijkii Kaftan maaha
kulanka Waaberi ee horta maxaa isu keenay?
Magaca loo bixiyay barnaamijkan kor ku xusan,
oo gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka lagu qabtay 27 sebtember 2003, wuxuu u
muuqdaa mid markii horaba loogu talagalay inuu ka turjumo ahmiyada uu leeyahay
barnaamijku iyo macnaha uu xanbaarsan yahay. Waxaa hubaal ah in dadkii
magac-bixinta barnaamijka ka denbeeyay ay ahaayeen kuwo Eebe ku mannaystay
xikmad hal-abuurnimo, isla markaana si wayn ugu xeel-dheer fahanka afka
soomaaliga ah.
Waxay magac-bixinta barnaamijku si fiican ugu
qotontaa xirfadaha ay isticmaalaan dadka saxaafadda isku hawla, kuwaasoo
rumaysan in qiimaha iyo mudnaanta maqaalku ayna ka soo hadhin magiciisa. Si aan
u fahanno in magaca barnaamijka si fiican loogu saleeyay xirfadahaas iyaga ahna,
waxaan soo qaadanaynaa magaca qaybtiisa ugu horraysa Kaftan maaha kulanka
Waaberi iyo qaybtiisa denbe ee Maxaa isu keenay.
Kaftan maaha kulanka Waaberi, waxay akhristaha
ama qof kasta oo daalacda ku baraarujinaysaa in kulanka Waaberi uu yahay mid
muhiim ah oo ”mar-la-arag” ah. Waxay kaloo ku baraarujinaysaa in arrinta Waaberi
kulmisaa ay tahay arrin muhiim ah, maadaama ay hooballada Waaberi yihiin
Hooballadii Qaranka ee ummada soomaaliyeed oo dhami ay ku dhaadan jirtay, meel
kastoo ay joogto, isla markaana aan la arag, lana maqlin iyagoo madal ku
wada-kulmay intii ay burburtay dawladii Soomaaliya.
Maxaa isu keenay” iyadu sharraxaad badan uma
baahna. Waa su’aal. Su’aalna waxay ku furfurantaa jawaab laga bixiyo oo kaliya.
Waxaa markaas hubaal ah in qof kastoo magacan akhriya uu jeclaanayo inuu ogaado
sababta isu keentay. Waxaa laga yaabaa inuu is-waydiiyo waxyaalo badan oo uu
rabi lahaa inuu ogaado, balse aanuu ku guulaysanin, taasoo keenaysa inuu
baadi-goobo sidii uu ku ogaan lahaa. Sida kaliyee uu ku ogaan karana waa inuu
barnaamijka galo ama raadiyo xogo badan oo ku saabsan, waana middaas sirta ku
qarsoon su’aasha barnaamijka loogu wan-qalay.
Haddii aan eegno dhinaca hooballada
barnaamijkan ka qayb qaatay, aan soo qaadano: Maxamuud C/llaahi (Singub), Xasan
Aaden Samatar, Saado Cali Warsame, Hibo Maxamed, Axmed Cali Cigaal, Shankaroon,
Khadiija Boqran, Cadar Axmed Kaahin, Luul Jaylaani, Maxamuud Jangow, Cabdi Janan
iyo Kimiko.
Qof kastoo si wanaagsan u yaqaanna hooballada
soomaaliyeed ee casrigan jira ee daalacda magacyada aan kor ku soo xusnay, waxaa
hubaal ah inuu markaba la soo boodi lahaa, waa xiddigihii Soomaaliya”, isla
markaana uu ku doodi lahaa in xirfad faneedkii iyo maskaxdii hal-abuurnimo ee
soomaalida aan waxba ka maqnayn.
Wuxuu markaas qiri lahaa in arrinta isu keentay
ayna ahayn mid caadi ah oo madadaalo iyo maal-uruursi looga jeedo, ee ay tahay
qadiyad intaas ka qodda-dheer oo u qalanta miisaanka ay Hooballada Qaranku
siiyeen, dadwaynuhuna ay ku qaayibeen.
Dareenkii wax-raadineed ee akhristaha ay
su’aashii kore ku beertay wuxuu biya-dhiciisii noqday in qadiyada miisaankaas
leh ee barnaamijkan muhiimka ah loo qabtay ay tahay Qadiyada Soomaalida Ogadenya.
Akhristihii soomaaliyeed ee haybad Qaranimo beri hore ka quustay hullaabtii ayuu
markaas iska qaaday oo wuxuu ku hammiyay Allaylahee hooballadii waxay guteen
waajib Qaran oo ummadii kale ee soomaaliyeed ee ka seexatay, wuxuuna isku
canaantay sababta uu isagu Qadiyadaas wax u taaran wayaay.
Muwaadinka soomaalida Ogadenya ayaa isaguna ku
sii dhiirraday soomaalinimadiisii oo ogaaday in difaaca sharafta soomaalinimada
iyo soo dhicinta xaqa soomaalida Ogadenya lagu weheliyo oo aan wali la duugin
qiiradii isu-hiilinta ahayd ee ummada soomaaliyeed ka dhaxaysay, taasoo ay
xukuumadaha Itoobiya aasiddeeda ku dadaalayeen kontankii sano ee ugu denbeeyay.
Wuxuu muwaadinka Ogadenya wali niyadda ku sii
hayaa taageeradii hagar la’aanta ahayd ee hooballada soomaaliyeed ay waligood la
garab taagnaayeen qadiyada xaqa ah ee Ogadenya. Wuxuu muwaadinka Ogadenya
yiqiinsaday in hooballada Qaranku ay wali heegan u yihiin inay halkoodii ka sii
wadaan u hiilinta xaqa iyo ka hortegga dulmiga.
Barnaamijkani ma aha mid ay muhimmadiisu ku
kooban tahay taageerada halganka soomaalida Ogadenya oo kaliya, balse wuxuu
xanbaarsan yahay macne intaas ka qoddo-dheer. Wuxuu ka turjumayaa in Qaranka
kaliya ee soomaalidu u gudboon tahay ee maanta ka jira dhulalka ay soomaalidu
degto uu yahay Ogadenya iyo ururkeeda JWXO.
Waxay masuuliyiinta JWXO ee gobolka Minnesota
(USA) muujiyeen oo qof walba far waawayn ugu qoreen in JWXO ay ku guulaysatay
wixii ay soomaalida kale ku guul-darraysteen, isla markaana ay buuxisay
gol-dalooladii (firaaghii) ku timid Qaranimada Soomaaliya intii ay burburtay
dawladii Soomaaliya.
Waxaa la wada-ogyahay in gabagbadii barnaamijka
ay masuuliyiinta JWXO shahaado sharafyo guddoonsiiyeen hooballadii barnaamijka
ka qayb qaatay, arrintaasoo tusaale cad ka bixinaysa martabada JWXO iyo
dhaqankeeda hannaanka dawladnimo ku salaysan.
Guushaas waxaa libinteeda iska leh, marka laga
soo tego Hooballadii Qaranka ee barnaamijka ka qayb qaatay, madaxda JXWO iyo
masuuliyiinta Jaaliyada Ogadenya ee gobolka Minnesota iyo dhammaanba intii ka
qayb qaadatay qabanqaabada barnaamijka ”Kaftan maaha kulanka Waaberi ee horta
maxaa isu keenay”. Waxaana guyaal badan ku diirsan doono dadwaynaha soomaalida
Ogadenya iyo inta jecel xaqa ee ka soo horjeedda dulmiga gumaystaha.
Ahmed Gaal, eri.
Radio Xoriyo
Todobaadkan iyo geeska Afrika waxyaabihii
ugu waaweeynaa.
- Ø
Xaaladda Soohdinta Eritrea iyo Itoobiya oo meel halis ah maraysa
- Ø
Qarax ka dhacay Tareenka Jabuuti iyo Eritrea.
Jabuuti oo ergadeedii kala baxdey shirka dib u heshiisiinta Soomalida
- Ø
Ismaamulka Diridhabo oo aad u qasan.
Qarax ka dhacay Tareenka Jabuuti iyo Eritrea.
Qarax geystay dhimaso laba qof ah iyo dhaacaw
sagaal qof ah ayaa ka dhacay Tareenka isku xira Jabuuti iyo Itoobiya. Qaaxaas oo
dhacay bishii Sept 27, 2003 aaga magaalada Hadhigaale.
Ilaa hada ma cadda ciddka ka danbeysa, in kasta
oo dalwada Itoobiya dusha ka saarety Jabhada u dagaalanta Ayaa ka atalinta
qoomiyadda Oromoda, taas oo si adag kulul u beenisay
Dadka aad u yaqaana tabaha Maamulka ka taliya
Itoobiya waxay sheegayaanxa in uusan shaki ku jirn in arintan ay ka danbeyso
dawladda Itoobiya lafteeda. Taas oo doonaysa in ay kaga faa’ideysato kaarka la
dagaalanka argagixisada caalamiga.
Ismaamulka Diridhabo oo aad u qasan.
Wararka naga soo gadhaya magaalada Diri-dhaba
ayaa sheegaya buuq hadheeyay maamulka magaalada Diridhaba, kadib markii loo soo
magacaabay nin ka tirsan Ururka TPLF oo lagu magacaabo Sibahat Nega.
Magaalada Diridhaba oo ay ku noolyihiin
qoomiyado kala duwan ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxay aheed meel uu
maamulkeedu qasan yahay, taasna waxaa loo aaneeynayaa qoomiyadaha ku nool
magaaladaas oo ku hardamaya maamulka magaaladaas.
Dhinaca kalana waxay xukuumada Adis Ababa
doonaysaa inay ka dhex bixiso magaaladaad qoomiyadaha wada daga oo ay ka dhigto
magaalo gacanta u gasha qoomiyada talada wadanka Itoobiya haysa ee Tigreega,
taasna waxaa cadaynaya ninka loo soo magacaabay oo ka soo jeeda qoomiyada
Tigreega.
Xaaladda Soohdinta Eritrea iyo Itoobiya oo mel
halis ah maraysa
Todobaadyadan danbe waxaa warbaahinta danaysa
Geeska Afrika aad u ahadal hayeen xaaladda shoodinta u dhaxaysa Eritrea iyo
Itoobiya, taas oo warbaahinta qaarkood ku tilmaameen in ay marayso meel halis
ah.
Haddaba September 13, 2003 ayaa Gudiga
Nabadgelyada ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxaysa dib u cusbooneysiin ku sameeyeen
waqtigiina u dheereeyeen ciimada ilaaliya soohdinta u dhaxaysa labadaas dal,
iyadoo labada wadan loo sheegay in ay khilaafkooda ku xaliyaan qaab wada hadal.
Balse Itoobiya ayaa ka soo taagan in ay qaadato
go’aankii gudiga caalamiga ee magaalada Hage, kaas oo labada dalba saxeexeen in
u hoganasami doonaan.
Sidoo kale Eritrea ayaa ku baaqdey in Itoobiya
lagu soo rogo cuna qabateyn, maadama ay is hortaagaysp go’aankii gudiga caalamku
ku soo afjareen soohdinta labada dal. Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa dar
dar cusb wada ay ku doonayso in go’aanka gudiga wax laga bedelo.
Diblomaasiyiinta iyo dadka u dhuun daloola
arimaha Geeska Afrika waxaa welwel geliyey oo ay la yaabeen isbedelka aan
qarsoodiga lahayn ee uu muujiyey Maamulka Adis Ababa, kaas oo uu dhawaan Meles
Zenawi qoraal u diray Kofi Anan iyo Gudiga Nabadgelyada ee Jimciyadda qurumaha
ka dhaxaysa,uu ku dalbanaya in gudga Caalamagiga ah iyo go’aamadiisaba wax laga
bedelo.
Dhinaca kale Urur fadhigiisu yahay Magaalada
Brusseles ee wadanka Belgium oo u ololeeya arimaha nabada ayaa ka codsadey
wadanka Maraykkanka, Midowga Afrika iyo MidowgaYurub in ay qaadaan talaabo
siyaasadeed oo arinta soohdinta labada dal wx lagaga qabanayo, iyadoo la raacayo
heshiiskii Algeris, ururku wuxuu intaas ku daray in wadankii hor istaaga
heshiiskii Algeris lagu soo rago cuna qabatey isagu jirta dhaqaale iyo siyaasad.
Jabuuti oo ergadeedii kala baxdey shirka dib u
heshiisiinta Soomalida.
Jabuuti oo ka mid ah dawladaha safka hore ee
IGAD ayaa ergadeedii kala baxdey shirka dib u heshiisiinta Soomalida ee ka socda
duleedka magaalada Nairbi.
Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya oo ka mid ah
Gudiga farsamada ee IGAD ayaa shaaca ka qaadey in gudiga farsamada ee IGAD ka
leexdeen qaabkii shirku ku socdey, isla markaana aysan dhexdhexaad ka ahayn
arinta Soomaaliya. Mudanuhu wuxuu intaas ku daray in aysan dalwadiisu ka sii jri
karin waxa uu ugu yearay in ay “horseedi karto dagaal iyo dhiiga oo sii data”,
wuxuuna intaas raaciyey in ay ajwaab ka sugayaan dalwadda Kenya oo marti
looyahay iyo caalamka nabada jecel.
Dhinaca kale ninka Itoobiya wakiilka uga ah
shirka Soomalida ayaa ka bixitaanka Jabuuti shirka ka baxdey ku tilmaamey “in
aysan wax saameyn ama raad ah ku yeelanaynin qaabka shirku ku socdo”. Taas oo uu
gundhig uga dhigay in shirku hadda marayo meel gabaabsi ah oo ah qaabkii awooda
loo qaybsan lahaa.
Balse waxaa hubaal ah in shirka ka socda
duleedlka magaalada Nairobi aysan wa natiijo ah ka soo naaso cadeyn xiligan
xaadirka ah. Wuxuuna shirku u qaybsamey laba kooxood oo mawqifkoodu aad u kala
fogyahay, kuwaas oo ah kuwo lagu tiriyo in ay u janjeedhaan doonista Itoobiya ee
ku wajahan natiijada shirka iyo kuwo ka soo horjeeda.
Axmed Xidig
Radio Xoriyo
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk
|