SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BOSASO
XAFLAD HORDHAC U AH XUSKA MAALINTA NABADA ADUUNKA OO AY SOO QABAN QAABIYEEN URURKA ARDADA PUNTLAND(PSA)  OO KADHACDAY MAGAALADA BOOSAASO

Qore: Cawaale Jaamac Salaad
SomaliTalk | Bosaso, somalia
jamnaf87@hotmail.com 


Waxa kadhacday dhisme aad u qurux badan oo lagu Magacaabo International Village ee magaalada boosaaso xafladan oo si weyn loo soo agaasimay oo ay soo qabanqaabiyeen ururka ardada pl ee puntland students Association (psa), xafladan ayaa waxaa kasoo qayb galay madax kasocota MGPL, hay'ado caalamiya, iyo ururada bulshada rayidka ah.

Xafladaan oo iyadu runtii ahayd mid ay siweyn uladhaceen dadweynihii kasoo qaybgalay oo ay kujireen ajnabi ayaa dadkii kahadlay waxa kamid ahaa gudoomiyaha ururka( PSA) kamaal nidaam aadan, gudoomiyuhu waxa uu sidheer uga warbixiyay asaaskii iyo waxqabadkii ururka tan iyo intii uu jiray, intaas kadib waxaa masuu liyiintii halkaas kahadlay kamid ahaa c/raxmaan budul oo ah gudoomiyaha hay,da SOFIHA oo iyda xafladani lagu gudoon siiyay shahaado sharaf, Budul waxa uu mahad balaaran usoo jeediyay Ururka PSA oo ah Urur aad u firfircoon waxana uu Guddomiyaha Sofiha Sheegay in Nabadda laga shaqeeyo lana gaarsiiyo meel kasta , wuxuuna Yiri Nabadda Puntland waa mid ku dayasho Mudan .

Sidoo kale waxaa Halkaasi yimid RPO UNICEF u qaabilsan Puntland MR. Douglas oo sheegay in Ummada Puntland ay yihiin kuwo Nabadda Jecel , wuxuuna u Mahad celiyey Ururka PSA isagoo yiri mar aan dhawr iyo sagaashankii imid waxaan Ardkay dad waaweyn oo meelahan oo kale yimaada Balse waxaa Nasiib wanaag ah In dhallinta Puntland gaar ahaan PSA ay Nabadda sidaasi u xusayaan . waxaa kaloo joogay meeshaasi hadalna ka jeediyey Alperto oo ah Madaxa Puntland U jooga EU da iyo Haya'addo kale sida WFP.

Dawladda ayaa iyana aad ugu faraxday hawshan weyn ee ay PSA ku dhaqaaqeen waxayna Madaxda Maamulka Puntland ku tilmaameen mid aad u weyn oo qiimo leh .
Ururka ayaa si weyn Uga hadlay Nabadda , waxaana Afhayeenka PSA Mohamed Abdi ibraahim Sheegay In Ururku had iyo jeer Nabadda u diyaar yahay .

Waxay soo bandhigeen talo ah in Nabaddii Puntland Taallo loo dhiso jidka Ubucda u ah magaalada ee isku xira Madaxtooyada iyo Gegeda diyaaradaha in loogu magac daro Ninka Nabadda Billadaha ku bixiyey lana yiraahdo JIDKA NABADDA EE BUDUL.

intaas ka dib waxaa Halkaasi hadal dheer ka jeediyey soona gunaanaday xafalladda sii Hayaha Xilka Dawladda G/ BARI Faarax maxamuud Yuusuf Dooxa-joog oo sheegay in meelaha Nabaddu ka jirto la xoojiyo Sida Puntland , wuxuuna Hay'adaha u sheegay In Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ay Puntland yihiin oo deeqdooda loo soo Mariyo meesha ay ka tirsan yihiin, intaa kadib waxaa uu u mahad Celiyey Ururka PSA .

Gebagebadii waxay ku dhamaatay jawi wanaagsan iyo weliba bilicda Goobta International Village oo dadka soo jiidatay.

Sidee Koonfurta Soomaliya Looga Soo Dhaweeyey
Ubaxyadii Nabadda ee SOFIHA u dirtay?. Warbixin...

Qore: Cawaale Jaamac Salaad
SomaliTalk | Bosaso, somalia
jamnaf87@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2003 | 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

  Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD