SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
Raysal Wasaaraha Israel oo Mudaharaad kala Kulmay Booqashadiisa Hindiya

Abdiaziz Ahmed Mousa, Hindiya
abdiaziz2@hotmail.com

New-Delhi:-Raysal wasaaraha Dalka Israel Ariel Sharon ayaa Shalay Booqasho ku Soo Gaadhay Caasimadda Dalka Hindiya Ee New-Delhi Mr Sharon oo casuumad ka Helay Xukumadda Dalka Hindiya ayaa ku tilmaamay Booqashadiisa Mid Sii xoojinaysa Xidhiidh-ka ay Israel la leedahay wadamadda Koonfur bari Eeshiya Mr Sharon waxa uu Amaanay Demoqiraadiyadda iyo Horumar-ka Xagga Technologyaddda Ee Ay Gaadhay Jamhuuriyadda Hindiy , mr Sharon oo Sii Wata hadalkiisa ayaa ku tilmaamay Hindiya in uu yahay dalka koowaad Ee ugu Muhiimsan Aduun-ka.

Raysal wasaaraha Dalka Hindiya Atal Bihari Vajpyee ayaa isna ku Soo Dhaweeyay Dalkiisa Mr Sharon, mr Vajpyee waxa uu ku tilmaamay Booqashadda Ariel Sharon mid Taariikhiya oo Korinaysa Xidhiidh-ka u Dhaxeeya Hindiya Iyo Israel.

Dhinac kale Kumanaan kun oo qof Oo Muslimiin ah ayaa kala Hor yimid Raysal wasaaraha Israel Ariel Sharon Mudaharaad aad u balaadhan oo ay ku Diidan Yihiin Booqashadiisa uu ku Yimid Dalka Hindiya.

Imam-ka Misjid-ka ugu weyn Hindiya Maulana Syed Ahmed Bukhari oo Hogaaminayey Mudaharaad-kaas ayaa ka Codsaday Muslimiinta Hindiya in ay Mudaharaad kala Horyimaadan Meel-kasta oo uu tago Mr Sharon, Maulana Bukhari waxa uu ku Tilmaamay Mr Sharon Dhagar qabe .

Maulana Bukhari waxa uu ku Eedeyay Xisbiga taladda Dalka Hindiya haya Ee BJP iyo Raysal wasaaraha Israel in ay wadaan Olole siyaasadeed oo la doonayo in lagu go,doomiyo Muslimiinta Hindiya iyo ta caalam-kaba

Saxaafadda Hindiya oo Hore uga Faalootay Booqashadda Sharon ayaa ku tilmaanatay Waftiga Israel in laga faa,iidaysan Doono Sida loola Dagaalamo Argagixisada Taas oo loo macnaysan karo sida loola Dagaalamo Kooxaha Muslimiinta ah Ee ka Dagaalama Gobol-ka Kashmir.

Magaaladda Bombay oo Uu Booqan Doono Mr Sharon ayaa Amnigeeda la Xoojiyay iyadoo laga baqo qabo in ay werar ku Soo qaadan Kooxaha ka Soo horjeeda Imaatinka Waftiga Israel.

Bombay oo ah Magaalo ay ku Nool yihiin Dad lagu Qiyaasay 20 Milyan oo qof ayaa 5 Milyan oo ka midi yihiin Muslimiin kuwaas oo intooda badani isku Diyaarinaya Mudaharaad balaadhan oo ay ku Diidan yihiin Waftiga Israel.

Dalka Hindiya waxa ku Nool Hindi Badan oo Asalkoogu ay Yihiin Yuhuuda yimid boqolaal Sano ka hor kuwaas oo la filayo in uu Mr Sharon uu kula kulmo Doono Magaaladda Ganacsi Ee Bombay.

Israel ayaa Daneynaysa in Ay Sii balaadhso Suuqa Ganacsi Ee Ugu weyn ee ay ku Leedahay Dalka Labaad Ee Ugu Dadka Badan Aduunka Sida la wada Ogyahayna Dalba dalka uu ka Dad badan yahay ayuu ka Dhaqaalo badan yahay Waayahan oo uu ka suuq badan yahay taas oo baryahan keentay in Dhaqaalaha Dalka Hindiya kor u kaco ka Dib markii Dalal badan ay Maalgashi ku sameeyeen.

Hindiya ayaa Horumar ka Gaadhay Hub-ka Nuclear-ka iyo gantaalaha Ridada Dheer.taas oo la filayo in ay Israel ka wada Xaajoodan arrimo khuseeya Horumarinta Gantaalaha Ridada Dheer Mr Sharon ayaa la Filayaa in uu Hindiya Waydiisto Khubaro Hindiya oo U Sameysa Israel Hub-ka Nuclear-ka

Abdiaziz Ahmed Mousa Hindiya

abdiaziz2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2003 | 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

  Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD