SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NASHVILLE

Hab-Qoraalka Miro-Dhalka ah

W. Q. Cabdishakur Ibrahim

Cabdishakur@yahoo.com

Waxaan dhowrkii sano ee ugu dambeeyey daalacanayey una kuurgalayey qoraallo iyo maqaallo ay soo saaraan rag iyo dumar badan oo qaarkood yihiin qoraayaal rasmi, qaarna is mooday in ay qoraa noqon karaan, iyagoo oo aan aqoontii, xirfaddii, iyo khibraddii habqoraalka toona lahayn. Waxaa qoraaldaas qaar badan oo ka mid ah laga dareemayaa aqoon yari, laab la kac, janjeerid (bais) ama cadaalad darro iyo soo jiidasho iyo saameyn yari ama la’aan dhinaca akhristaha ah.

Haddaba waxaan qormadan kooban doonayaa inaan ku soo bandhigo talooyin iyo xirfado qoraaga ka kaalmeyn kara inuu qoraalkiisu noqdo mid mira dhala, saameyna ku yeesha akhristayaashiisa, qoraalkaasi ha noqdo mid uu qoraagu curiyey, mid uu ka waramayo, mid uu ku falanqaynaya kuna qiimeynaya ama mid uu kaga jawaabayo qoraal kale.

Waxaa habboon in qoraaga soomaaliyeed tixigeliyo aarimaha soo socda:

1. Doorasha Cinwaanka ama u-magaca-bixinta-qoraalka.

Cinwaanku waa qaybta ugu mihiimsan ee qoraalka, sidaas awgeed waxaa muhiim ah, in uu qoraagu aad uga baaraan dego magac-bixinta qoraalkiisa. Waxaa muhiim ah inuu cinwaanku matalayo ubucda iyo dulucda ujeedada qoraalkaaga. Sidoo kale ma aha inuu cinwaanku muujiyo ray’iga kama dambeysta ah ee qoraalkaaga, taasi waxay keeni kartaa inaanba qoraalkaaga la akhrisan, maadaama aya natiijada qoraalkaagu cinwaanka ka muuqato, tusaale ahaan haddii aad wax ka qoraysasid mowduuc QAADKA ku saabsan, isla markaana aad rabto inaad muujiso inuu qaadku xun yahay ama dhib leeyahay, maxaad u bixin lahayd qoraalkaaga?, a) Dhibaatada qaadka b) Xaqiiiqada Qaadka c)Sunta cagaaran. c ) Muskiladaha Bulshadeena Soomaaliyeed Haysata. Jawaabtu waa (b), sabab too ah, haddii aad ku magacawdo dhibtaada qaadka ama suntan cagaaran, waxaad cadeysay inaad qaadka u aragto in yahay dhib ama sun, marka ninka cuna uma badna inuu eegoba, sidoo kale kuma magacaabi kartid sida ka muuqata qodobka (c) sababtoo kama turjumaya xaqiiqda qoraalkaaga, oo ah qaadka oo kaliya, maadaam mushkiladaha bulshada soomaaliyeed ay badan yihiin.

Waxaa kale oo muhiim inuuna qoraagu isku dayin inuu bixiyo magac cajiib oo ay ka muuqato ka badbadin (exaggeration) ah oo aan xaalada rasmiga ah ee qoraalkiisa ka turjumeen isaga oo is leh akhristaha soo jiido. Waxaa dhici karta inaan qoraalkaaga la akhristo, laakiin aan adiga iyo aragtidaadab loo bogin, dibna loo akhrisan qoraalkaaga.

2. Ereyada iyo erey bixinta qoraaga

Waa muhiim inuu qoraagu ka fiirsadao erayada uu qoraya. Fadlan tigeli qodobadan

  • Waa in qoraagu wax u qoro hab aqoon yahan (academic)
  • Waa in uu qoraagu ka fogaada isticmaalka ereyada ama hadalada suuqa
  • Waa in uu qoraagu iska ilaaliyo isticmaalka ereyada maxaliga ah ama degaanka/gobolka/qabiilka gaarka lagu yaqaano. (waa hadii uu qoraalku ku wajahan yahay bulshada guud)
  • Waa in qoraagu ka taxadaraa soo celcelinta kalmadaha iyo jumladaha isku midka ah
  • Qoraagu si uu ilaaliniya tayada qoraalkiisa, waa inuu ilaaliya luqadda iyo xeerarkeeda, kana dhawrsadaa isticmaalka erayada luqadaha kale, wixii ay baahi keento, sida cadeynta arrimaha qaarkood iyo wixii loo waayo kalmad ama jumlad af-soomaali ah.
  • Sidoo kale waa muhiim in qoraagu dadku u sahlo in la fahmo ujeedadiis, kana dhawrsado isticmaalka kalmadaha iyo maahmayada adadag ee marin habaabinta ku keeni kara qoraalka.
  • 3. Fahan waaqaca dadka aad la hadlaysid

    Waxaa qoraaga looga baahan yahay inuu fahmo dhaqanka, diinta, xaaldaha siyaasadeed iyo kuwo bulsho ee ay ku sugan yihiin dadka uu la hadlayo. Waxaad marar badan arkaysaa qoraallo la soo guuriyey, gaar ahaan kuwa ay qoraan dadka dibadaha ku nool, qoraaladaas oo aan la nooleyn xaqiiqada bulshadeena, isla markaana aan u aabo yeelayn dareenka iyo waaqaca ay bulshada soomaaliyeed ku sugan yihiin.

    Qoraagu waa inuu fahmo inuu yahay dhakhtar, qoraalkiisuna waa inuu noqdaa dawo.

    Waxaa iyana lagam maarmaan ah in qoraagu uu door bido inuu wax ku qoro af-soomaali, kana dhawrsado isticmaalka luqadaha kale sida Ingiriiska, Talyaaniga, Carabiga iwm. (waa haddii uu qoraalkaasi ku wajahan yahay bulshada guud). Sababtoo ah, dadkii luqada ajnabiga ah ma wada fahmayaan, xitaa aqoonyhayanada wax bartya kan Ingiriiska yaqaan, Carabi ma yaqaano, kana Carabiga yaqaanana Talyaaniga ma yaqaano. Tan kale, nooleynta luqadu waxay ka mid tahay houmarka bulshada.

    4. Habka Bandhiga qoraalka

    Qoraalka u soo bandhig hab seddex-gees ah (triangle) sida xabada saambuus ah oo taagan oo kale, waa in dulucda, ubucda iyo natiijadu qoraalku hoos jirtaa, oo sii ballaarataa siina weynaata, akhristahana ku xambaartaa inuu raadiyo gabgabada maqaalka si uu u dhameysto akhrinta qoraalka. Haddii aan dib ugu noqono tusaalihii qaadka. Qoraalka haadii aad ku bilowdo xumaanta qaadka, waxba kuuma dhina, waanad sheegtay natiijada qoraalkaaga. Waa inaad marka hore xustaa taariikhdiisa, meelaha uu ka baxo ama lagu cuno, qiimahiisa, dhibaatooyinkiisa dhaqaale, caafimaad, siyaasi, diin, qoys iyo sida u bulshada u saameeyey, tusaalayaal rasmi ah, iyo natiijada ka dhalatay cuniddiisa oo waxa ugu dambeeyey

    Hordhac,
    Araar,
    Bilow,
    Duluc,
    Natiijo,
    Gabagabo

    Waa muhiim inuu qoraalku leeyahay Hordhac, Araar, Bilow, Duluc, Natiijo, Gabagabo. Sidoo kale waa inuu qoraalka rasmiga lahaado lifaaqyo iyo tixraacba. Waxaa iyana muhiim inaad qoraalkaaga ku taageertaa xaqaa'iq raadraac rasmi leh (references). Tusaale ahaan haddii aad tiraahdo 90% ragga soomaliyeed qaadka ayey cunaan, waa inaad caddeysaa halka aad ka keentay lumbarkaas, ma tirokoob (statistics) la sameeyey baa? yaase sameeyey ?, heerkee ayeyse gaarsiisan tahay tayada cidda tirakoobka sameysay?. Waxaanad ogaataa in tirokoob kasta looga baahan yahay inuu mid si rasmi ah wax u matalaya (representative) isla markaana si gaar ah aan loo xulan (random). Haddi kale waa inaad caddeysaa inaad adigu sidaas u maleynaysid, xaqiiqduse ka duwanaan karto sida ay qortay.

    Ugu dambeystii ka fogow cayda, aflagaadada, duridda iyo xaqiridda dadka.

    5. Kala fahan curinta, waramidda, falanqaynta iyo radinta ama ka jawaabidda qoraal kale.

    Qoraaladu waxay isugu jiraan kuwa oo qofku allifay, kuwa uu ka waramayo, kuwo horey u jiray ama cusub oo uu qoraagu falanaqaynayo ama qiimaynaya iyo kuwo raddin ama jawaab celin ah. Mid kastaana asluub gooni ah ayuu leeyhay.

    Waxaanse jeclahay inaan xuso dhowr qodob oo aasaasi ah waxaana ka mid ah:

  • Qoraalada wararka ah waa inaad ka ilaalisaa aragtidaada, shucuurtaada iyo dareenkaagaba, waa inaad warka keliya soo gudbisaa adiga oo aan waxna ku darin waxna ka dhimin.
  • Kan curinta ama aad alliftay waxaad si rasmi ah ugu muujinaysaa dareenkaaga, shucuurtaad, aragtidaada iyo wixii macluumaad kale ah ee aad haysid.
  • Falanqaynta iyo qiimeynta waxaad ku daraysaa wixii war ama macluumaad ah ee ku ayidaysid ama ku diidan tahay arrinta ama xaaldda aad ka hadlaysid, dareenkaaga shakhsi na boos kuma laha.
  • Kan radinta ama jawaab celinta (badanaa dadku halkan aad bay ugu xadgudbaan) waa inaad kala saartaa qofka iyo aragtidiisa, ha ku xadgudbin qofka shakhsiyaddiisa iyo sharaftiisa toona, muuji waxa uu qofku ku khaladan yahay, iyo waxa aad kaga saxan tahay adigu, hana iloobin habka bandhiga qoraalka ku xusan 4aad.
  • 6. Qoraalkaaga ka ilaali inuu noqdo mid dhan u janjeera

    Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee hab qoraalka soomaalida haysta waa caddaalad xumo, waxaad markiiba garan karataa in qoraagu yahay qabiil hebel, ama degaan hebel ka yimid, sidoo kale inuu koox hebel raacsan yahay. taasina waa ceeb iyo nusqaan qoraaga asiibtay. Qoraaga rasmiga ah ma aha in la garto qabiilkiisa iyo gobolka uu ka yimid toona. (marka laga reebo afhayeen qabiil ama gobol). Ugu dambeystii oggolow in aad khaldami karto, lagu sixi karo, laguna khilaafi karo.

    Wixii su’aal, sixid, ama soo jeedin ah ku soo hagaaji Cabdishakur@yahoo.com

    Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2003 | 

    Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan


    Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
     
    Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

     .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

    Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

     

     

    Powered by www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More...
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
    xayaysiis
    mahuraan 
    MAHURAAN
    : Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

    XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
    Akhri


    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD [an error occurred while processing this directive]