SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
 Nin dhalashadiisu ciraaqi tahay oo afduub loogu haysto magaalada muqdisho

waxaa mudo dhan sadex todobaad gacanta afduubayaal kujira nin udhashay wadanka ciraaq, ninkan ciraaqiga ah ayaa sida lasheegay waxaa laga dayrinayaa xaaladiisa caafimaad kadib markii uu cunada kasoomay iyadoo lasheegay in uu waayay cuntadii uu quudanjiray oo aanu haysanin, waxaa loodiiday inay eheladiisu booqdaan gaar ahaan xaaskiisa oo ah haweenay soomaaliyeed oo magaceeda lagu sheegay amaal maxamad.

Mar ay saxaafada magaalada muqdisho uwarameeysay amaal maxamad ayeey waxay sheegtay inaysan wanaagsaneyn xaalada ninkeeda islamarkaasna ay dhowr jeer isku dayday inay booqato hasayeeshee ay udiideen sida ay sheegtay kooxda afduubayaasha ah ee gacanta kuhaya.

Amaal waxay intaas kudadhay in ninkeeda xaqdaro lagu haysto, waxayna sheegtay in nin keeda ciraaqiga ah lagu hayo degaanka dayniile iyadoo sheegtay inay afduubteen maleeshiyooyin taageera hogaamiye kooxeedka maxamad qanyare afrax.

Amaal oo hadalka siiwadata ayaa waxay tiri  "waxa larabaa in lagu masibito oo lagu sheego waxaanu ahayn lana yiraahdo waa argagixiso oo soomaaliyuu kusoo dhuuntay".

Sikastaba ha,ahaatee ninkan ciraaqiga ah ayaa mudo labo sano ah kunoolaa magaalada muqdisho oo sida lasheegay markiisii hore kayimi wadanka iiraan oo uu mudo kunoolaa.


cawaale jaamac salaad , somalitalk . somaliya
jamnaf87@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16, 2003 | 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD