|
Shirweynihii
2aad ee Golaha Masaajidda America
Columbus, OH, USA August 30, 31 & September 1, 2003
September 1, 2003
Ujeeddo: Baaq ku wajahan shirka dib u
heshiisiinta Soomaalida
(iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed)
Annagoo ah ummadda soomaaliyeed ee degen
Maraykanaka, anaga oo ah Imaayada iyo Ducaadda Masaajidda Soomaaliyeed, anagoo
ah dadka ka qayb galaya shirweynaha labaad ee golaha Masaajidda ee ka dhacaya
Masjidka Ibnu-Taymiyhay ee magaalada Columbus. OH, USA oo lagu qiyaasay in ay
ka qayb galayaan in ka badan 3000 oo qof.
Waxaan ugu horreyntii idinka mahadcelinaynaa
waqtiga, dhaqaalaha, dadaalka iyo juhdiga aad gelinaysaan sidii ummadda
soomaaliyeed loogu sameyn lahaa dowlad soomaaliyeed oo loo dhan yahay.
Marka xiga waxaan idiin soo jeedinaynaa
arimaha hoos ku qoran:
1. Waa inay muujiyaan xubnaha shirka ka
qaybgalaya xilkasnimo, aragti fog, daacadnimo, dulqaad iyo isu tanaasul.
2. In aan la luminin fursadan oo la
xaqiijiyo ujeedadii loo yimid shirkan, uuna noqda mid miro dhala.
3. In dastuurka dalka lagu dhiso
shareecada Islaamka ee ku saleeysan Qur’aanka iyo Sunada Nabiga, taas oo ah
rabitaanka iyo waxa ay ummadda soomaaliyeed doonayso.
4. In talada iyo hogaanka loo dhiibo dad
leh aqoon, Alla ka cabsi, xilkasnimo, karti iyo daacadnimo.
5. In ummaadda soomaaliyeed ay is cafiyaan,
lana hilmaamo wixii ummadda kala gaaray, horeyna loo socdo, loona soo
jeesto wax ka qabadka aayaha mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.
6. In masiirka iyo hanaan socodka shirka
ay ummadda soomaaliyeed yeelato, una tashato aayaheeda isla markaana soo
dhoweeyaan cid kasta oo gacan ama taageero ka geesanaysa aasaaska dawlad
soomaaliyeed oo loo dhan yahay.
7. Waxaan ummadda soomaliyeed
xasuusinaynaa in liibaantooda adduun iyo aakhiraba ay ku jirto qabsashada
xariga ilaahay.
Waxaa qoraalkan soo saaray Imaamyada afar iyo
toban (14) Masaajid oo Soomaliyeed oo ku kala yaala gobolada kala duwan ee
Maraykanka iyo qaar ka mid ah indheer garadka soomaliyeed in Maraykanka ku
sugan. Wixii faahfaahin fadlan la soo xiriir Sh. Maxamed Idriis Imaamka Masjid
Assunah Atlanta, GA, Sh. Cabdirahman Cumar Imaamka Masjid Imaam Ashaafic
Minneapolis, MN, Sh. Ibrahim Maxamed Masjid Abuubakar Assidiiq, Seattle, WA iyo
Sh. Cabdishakur Ibrahim Imaamka Masjid Al-Farooq, Nashville, TN.
Jawaabta qoraalkan waxaa lagu hagaajin karaa
Email:
cabdishakur@yahoo.com | C/O: Imam Abdi-shakur
Faafin: SomaliTalk Sept 3, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|