SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Nacas Nacab ah!

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

“Nacas“ waa erey ay dadka ku hadla afka “Maxaa“ wada yaqaanniin oo wuxuu la macne yahay ”doqon”, hase yeesho ee dadweynaha ”May” ku hadla lama hubo in ay wada garanayaan. Waxaa laga yaabaa in uu ereyga ”nacab” xoogaa adag yahay, wuxuuse haddii la soo koobo u dhigmaa kalmadda ”cadow”.

Waxaa si fudud loo caddayn karaa in cadownimada iyo nacabnimadu ay ka buuxaan qof kasta oo soomaali ah maskaxdiisa iyo laabtiisa oo ay yihiin dabeecado uu soomaaligu iska leeyahay, hase yeesho ee isweydiin baa ka iman karta in nacasnimada iyo doqonnimadu laftoodu ay dadkeenna dhiigga iyo dhuuxa kaga jiraan iyo in kale.

Dawladdii ugu danbaysey oo kacaanka ahayd intii ay jirtey waxaa bulshada lagu dhexbaahiyey in uu qofka soomaaliga ahi diric yahay. Dadkeenna in ay diricyo ka mid yihiin ujeeddadu ma ay ahayn, ee wuxuu kacaanku sheegay in uu soomaali kastaa gaar ahaan diric u yahay, oo ay diricnimadu tahay tilmaan uu qofka soomaaliga ahi ku dhasho, isla markaas aan tilmaan kale dadkeenna looga baahnayn ee in uu qowmiyadda soomaalida ka dhashay ay ugu filan tahay in uu qaato shahaadada diricnimada.

Waxaa jira labo erey oo isu dhawaaq dhow oo kala ah ”diric” iyo ”dirac”. Midka hore macninihiisu waa qof caqli badan oo firfircoon, midka danbena waa maro khafiif ah oo ay dumarku ku lebbistaan markii ay rabaan in jirkooda meelo ka mid ah la daawado. Waxaa qorraxda ka cad in aysan maro khafiif ah ahayn shahaadadii uu kacaanku innaga oo caamo ah inoo qaybiyey, ee waxaa qof walba soomaali ah waagaas loogu bishaareeyey in ay caqli iyo firfircooni ka dheregsan yahay.

Inta aynaan maqaalka dulucdiisa shaaca ka qaadin ayeynu si kooban u sheegaynaa qiso ku saabsan sida uu kacaankii diricnimada inooka safay innaga oo aan malaha diricyadu inaku badnayn. Oday kacaankii muddo dheer ka mid ahaa baan maalin dhaweyd saacad la sheekaysannay. Afeef ahaan baan u sheegaynaa in uusan sheekaysigaasi ahayn mid ay qalbiyadu isu furnaayeen, waayo waxaannu qabnaa in qofkii kacaankii xilli dheer ka mid ahaa uusan damiir fiican lahayn.

Idaacaddii kacaanka ayey markiiba sheekadii nala gashay, waxaana hadalkii ka soo baxday qiso xilliyo kala duwan laga baahiyey idaacaddaas oo malaha ahayd in nin ingiriis ah la weydiiyey bulshada adduunka ugu diricyo badan, uuna ku jawaabey ”Waa Ingiriiska”, dabadeedna uu sheegay in uu markii uu jawaabayey niyadda iska lahaa ”Waa soomaalida”, hase yeesho ee uu ummaddiisa ka xishooday, oo uu markaas eex cad ku tillaabsaday.

Qisadaas ayaa ugu cuslayd daliilihii uu kacaanku u cuskaday in uu qof kasta oo soomaali ahi diric yahay, waxaana hadalkaas idaacadihii kacaanka laga sii daayey boqollaal goor, si loogu bishaareeyo qof kasta oo soomaali ah in uu meesha uu joogo diric ku yahay.

Xataa haddii ay run tahay in nin ingiriis ah su’aashaas la weydiiyey, oo ay run tahay in ay qalbibigiisa ku soo dhacday diricnimo soomaaliyeed ma diricyaynu arrintaas ku noqonaynaa? Waxyaalaha dadka qalbiyadooda ku soo dhacaa aad ayey u badan yihiin, oo xataa malaa’igta dadka garbahooda saarani ma ay qorto. Waxaannu hubnaa in dadka caddaanka ah badankoodu markii ay arkaan soomaalida iyo madowga kale ay qalbiyadooda ku soo dhacdo ”Devil Negro” oo ah ”Shaydaan madow”. Meel kasta oo uu caddaan ku dhaqan yahay haddii uu qof madoobi ku noolaado wuxuu maqlayaa ereyadaas oo markii ay caddaanku sarqaamaan ay sida fallaartii ugu soo ganayaan.

Dadyowga la gumaystey oo dhan dhibaato ayaa ka haysata in ay u dullaysan yihiin hadal laga soo sheegay qof ingiriis ah, laakiin dhibaatada ugu weyni waxay malaha ku habsatey soomaalida iyo carabta. Qoraallada carabiga iyo kuwa soomaaliga waxaa ku walaaqan kalmado afka ingiriiska ah, hase yeesho ee qoraallada ku qoran afafka lagaga hadlo Jarmal, Denmark, Norway, Holland iyo Iswiidhan haddii indhaha lala raaco erey afka ingiriiska ah malaha lagama heli karo. Laga yaabee in lagu arko erey ay afafkaas qaarkood la wadaagaan afka ingiriiska sida ”information” oo markaas uu ereygu ka mid yahay luqaddaas.

Xaggeenna haddii uu qof maqaal yar qoro oo uu rabo in uu dadka soomaalida ah u sheego xog kooban wuxuu si qaab daran ugu barxayaa ereyo badan oo ingiriis ah. Waxaa badan in qoraallada soomaalidu ay sidaan u eg yihiin: ”Xog (information) ku saabsan (about) tacliinta (the education) oo laga sii daayey idaacadda qaranka (the national radio”!

Ujeeddada ka banbaysa in uu qofka soomaaliga ahi sidaas qaabka daran dadkiisa wax ugu gudbiyaa waa isla ujeeddada ka danbeysey in aynu diricnimo ka raadinno hadal la sheegay in uu ku soo dhacay nin ingiriis ah qalbigiisa. Haddii ay innaga qalbiyadeenna kun goor ku soo dhacdo in aynu diricyo nahay kuma aynu kalsoonin, oo xataa madaxdii kacaanku waxay awoodi waayeen in ay ayagu soomaalida u sheegaan in ay diricnimo riman yihiin. Sidaas darteed ayey nin cad oo London khamro ku cabbaya niyaddiisa diricnimo uga soo xigteen jeeljiraha harraadan ee soomaalida.

Ereyada sida fooshaxun loogu walaaqo afka soomaaliga markii la qorayo iyo markii lagu hadlayo waxaa ka danbaysa nacasnimo xun oo fadeexad ah. Qofka soomaaliga ahi wuxuu xoogga ugu badan saara sidii uu bulshada inteeda kale u gelin lahaa in uu asagu wax yaqaan. Haddii uu jaamacad ka baxo danta ugu weyn oo uu uga jeedaa waa in ay soomaalidu ogaadaan in uu aqoon leeyahay. Markii uu dandaas gaaro wax kale uma uu baahna oo in uu xirfaddii uu bartay shaqo ku helo iyo in kale waa isugu mid, waayo awalba wuxuu gudanayey xil ah in ay dadku ogaadaan in uu jaamici yahay, waana uu gutey xilkii saarnaa!

Markii uu aqoonyahanku xilkaas weyn guto ka dib wuxuu ku dadaalayaa in uu soomaalida u muujiyo in uu ka aqoon badan yahay. Haddii uu diinta soo bartay waa in uu wacdiga ku jeediyaa hadal uu carabigu ku badan yahay si ay shiikhnimadiisu uga cagadhigato bulshada soomaalida dhexdooda. Dadka uu wacdinayo waxaa malaha ka mid ah hooyadiis oo aan wax weyn ka fahmayn wacdiga uu wiilkeeda daaciga ahi jeedinayo. Sidaas awgeedna waa in hooyooyinka iyo wiilashooda culumada ah loo kala turjumaa!

Haddii uu maaddi iskoolka sare uga soo baxay waxaa lagama maarmaan ah in uu caadaysto in uu afka ingiriiska ereyadiisa soomaaliga ku barxo. Kalmad kasta oo uu afka soomaaliga ku qorayo waa in uu macneheeda oo ingiriis ah ku dabaqoraa haddii uu garanayo ereyga ingiriiska ah oo la macnaha ah.

Hal dhibaato ayuu qofka soomaaliga ahi qabaa, waana in uu ka baqayo in aysan soomaalida kale citiraafin. Ummadaha kale iskama uu dhiso ee wuxuu iska gadaa soomaalida, wuxuuna soomaalida u soo bandhigaa inta uu ka garanayo afafka qalaad. Haddii qoraalkiisa laga waayo luqad kale wuxuu dareemayaa in ay soomaalidu jaahil u haystaan. Sidaas awgeed wuxuu ka shaqeeyaa in uu soomaalida harawsado, wuxuuna shahaadadiisa ku soo bandhigtaa in uu hadalkiisa ku walaaqo ereyo qalaad, markaas ayuu qancaa.

In uusan qofka soomaaliga ahi ku kalsoonayn afkiisa, oo uusan barashadiisa cilmi u qabin waxaa uga daran in uusan ku kalsoonayn sidii uu u soo noolaa iyo meeshii uu ku dhashay. Waa uu yar yahay qof soomaali ah oo ku kalsoon in uu run ka sheego meeshii uu ku soo koray iyo habkii uu u soo koray. Haddii uu madax yahay wuxuu taariikhdiisa ku dheeraadaa intii uu madaxda ahaa, intii ka horrayseyna waa uu qariyaa, waayo waxaa maskaxdiisa ku jirta in uusan sharaf lahayn intii hore oo uu ceebaysnaa.

In siyaalo kala duwan loo soo noolaa oo meelo kala duwan lagu soo noolaa waxay nolosha u tahay qurux, waxayna leedahay xiiso weyn. Qof kastaa wuxuu soo maray waddo u gaar ah oo aysan dadka kale soo marin, oo wuxuu la soo kulmay dhacdooyin xallad leh oo aysan dadka kale la soo kulmin. Tuulo kasta iyo degaan walba waxaa ka jira murtiyo u gaar ah oo ay tuulooyinka kale u baahan yihiin in looga warramo, waxaana ku duugan nolol qurux badan oo aan tuulooyinka kale ka jirin.

Dunida inteeda horumarka fiican haysata waxaa ku badan dadka qora taariikhnoloneedkoodii, waayo in qof aftahan ahi uu filimadii nolosha oo uu soo maray soo bandhigo waxaa ku duugan xikmad weyn oo ay bulshadu u baahan yihiin.

Innagu arrintaas oo kale ma aynu samayn karno, waayo kalsooni ma aynu hayno. Afkii aynu ku qori lahayn kuma aynu qanacsanin, oo dalkii iyo noloshiisa kuma qanacsanin. Qof kastaa meeshii uu ku dhashay iyo hannaankii uu u soo koray waa uu qarsanayaa, siiba dadka miyiga ku dhashay oo magaalooyinka soo galay ibtilo weyn baa haysata, oo waxay marayaan heer ay noloshoodii oo dhan inkiraan. Kuwa magaalooyinka ku soo koray qudhooda haddii ay faqri ku soo koreen inkiraad bay gelayaan, dadkuna faqri bay u badnaayeen, oo dhawr wasiir oo lacag xaday iyo dad farokutiris ah baa ladnaa. Qofkii uusan aabbihiis waddanka lacag ka musuqmaasuqin waa in uu taariikhnololeedkiisa inkiraa. Odayga laftiisu waa in uu noloshiisa inteedii hore qariyaa, waayo inkiraad baa socota!

Qofka soomaaliga ah yaa ka dhaadhiciyey in ay saboolnimada iyo nolosha miyigu fadeexad yihiin? Bulshooyinka kale oo afrikaanka ah badankoodu ma ay qabaan dhibaatadaan, waxaanse arkay dad ku doodaya dabuub aan lagu qanci karin oo ah in ummadaha ay risaaqaddoodu roobka ku xiran tahay dhammaantood ay ka lunto kalsoonida nolosha oo dhami. Maaddaama xoolaha iyo beeruhuba roob ugu cimriyaan, roobkuna uu yahay wax aan imaatinkiisa lagu kalsoonaan karin ayey dadka maskaxdoodu khalkhashay oo waxba kuma ay kalsoonaan karaan.

Dooddaas waxaan ka maqlay dad ku dadaaley ni ay xal u helaan dhibaatadaan, laakiin waa hadal aysan aragtitayda waxba ka jirin, waayo dadka xoolaha iyo beeraha ka shaqeeyaa waa ay isku kalsoon yihiin. Qofka xoolodhaqatada ah ama beeraleyda ahi inta uu xoolaha iyo beeraha la joogo kalsooni buu qabaa beenna ma uu ka sheego nolosha oo wax kasta sida ay yihiin buu uga warramaa. Markii uu beerta iyo xoolaha ka tago oo uu magaalada qaraabo ugu tago ayuu wuxuu bilaabaa in baararka fariisto oo noloshiisa been ka sheego, waayo wuxuu ku dayanayaa dadka uu soo dhexgalay oo beenta badan.

Waxaa jirta dood kale oo sheegaysa in ay kalsoonidarrida uu soomaaligu afkiisa, hantidiisa, hoygiisa iyo dalkiisa ka qabo ay ugu wacan tahay in uu yahay qof asalkiisu reerguuraa ahaa oo aan degganayn. Dooddaan waxaa rumaysan dad aan reermiyiga aqoon, waayo dadkeenna miyiga deggani aad bay isugu kalsoon yihiin. Afka soomaaliga waa ay jecel yihiin, degaanka aad bay u jecel yihiin, mid kastaana hantidiisa waa uu ku iimaanqabaa, mana uu qariyo degaankiisa iyo xoolihiisa, beenna kuma uu faano haddii aysan labo beelood isxifaalaynayn.

Qofkii sidaas ahaa markii uu magaalo yimaado oo uu kalmado carabi iyo ingiriis ah barto wuxuu inkiraa afkii soomaaliga, wuxuuna sheegtaa in uu wasiir dhalay oo waalidkiisii lo’da ama beerta lahaa oo uu ka yimid badda ayuu ku daraa. Waxaa laga yaabaa in uuba laftiisu sheegto in uu wasaarad agaasiye ama maareeye guud ka ahaan jirey, ama uu gashaanle sare ahaa oo uu ciidamada ka ruqsaystay!

Waxaas oo shakhsiyadxumo iyo been ah ma uu aqoon intii uu xoolaha iyo beerta ka shaqaynayey. Haddaba waxaa jira hadal oranaya soomaalida reermagaalkoodu waxay la dhaqan yihiin carabta, reermiyigooduna waxay la dabeecad yihiin reergalbeedka. Dadka reergalbeedka ahi waxay ku kalsoon yihiin noloshooda iyo duruufohooda, mana uu jiro qof ay sida uu u nool yahay ceeb la tahay, oo dadkooda qof kastaa waa uu ka sheekayn karaa sidii uu u soo noolaan jirey, waana uu ku faraxsan yahay.

Xagga carabta waxaa ka jira isyasitaan iyo isu faanfaan caqliga ka baxsan. Sidaas darteed waa in uu qofku sheegtaa in uu ka mid ahaan jirey heerka bulshada inteeda kale ka sharaf badan oo ah madaxda iyo maalqaabeenna. Halkaas ayeyna ku dhimatay shakhsiyaddii qofka carbeed, waxaana ku dayday reermagaalka soomaalida oo dhammaantood wada maareeye, agaasime iyo gashaanle ama saddex xidigle midkood ah!

Kalmadaha afafka qalaad ah oo la iska soo hormarinayo, jagooyinka beenta ah iyo hantida la sheeganayo dhammaantood wuxuu qofka soomaaliga ahi ka dhiganayaa gaashaan uu isaga difaaco bulshada, waayo wuxuu ka baqayaa in la yaso. Waxa uu yahay waxaa kala weyn waxa ay ka aamminsan yihiin dadka ay baararka ku murmaani.

Madaxmimada loo dagaallamayo iyo boobka Soomaaliya ka jiraa waxay salka ku hayaan arrimahaan, waayo sharaftii baa waxay gashay in madax la noqdo ama hanti la boobo. In uu qof kasta oo waddani ahi qiimo iyo sharaf leeyahay, nabadduna ay tahay karaamadii dadka waxaa laga jeclaaday in lagu dadaalo sidii jagooyin iyo hanti la isugu harowsan lahaa, oo weliba qabyaalad damacaas loogu gaari lahaa. Dhaqanxumadaani ma ay aha dabeecad afrikaan ee waa fakarxumo xagga carabaha laga keenay.

Dhaqanka carabtu gebi ahaan wuxuu ku salaysan yahay in ay dadku isgumaystaan. Ninka carabka ahi xaaskiisa iyo carruurtiisa wuxuu u gumaystaa qaab yaqyaqsi ah oo banii’aadanimada ka fog. Markii uu oday noqdo wuxuu gumaystaa qaraabadiisa oo dhan, wuxuuna noqdaa ilaah gaban ah oo ehelkiisa uga sokamara ilaaha weyn oo salaadda, sakada iyo soonka lagu caabudo. Nin kasta oo carab ahi markii uu cirroole noqdo wuxuu noqdaa sanab ay qaraabadiisu caabudaan, oo aan laga dabahadlin. Haddii uu madax yahay ama uu maalqabeen yahay wuxuuba ninka carabka ahi ilaahnimo isu diyaariyaa asaga oo dhallinyaro ah, waxaana caabuda dadka yaqaan dhammaantood.

Ereyga ”rag” markii uu qofka soomaaliga ahi maqlo wuxuu dareemaa sharaf, laakiin ereyga ”naago” wuxuu dareemaa ceeb. Haddaba maxaa labada nooc oo dadka mid sharaf magaciisa ka dhigay midna fadeexad ka dhigay. Waa dhaqan carbeed in ”rujuula” oo ah ”ragannimo” ay faan tahay, waxayna rujuuladu bannaysaa in dumarka iyo carruurta la addoonsado!

Qofka soomaaliga ahi wuxuu ku jiraa halgan uu nacabkiisa kaga hortegayo. Haddaba nacabka qofka soomaaliga ahi waa kuma? Nacabka ruuxa soomaaliga ahi waa bulshada soomaalida, wuxuuna qofku cadowgaas isaga difaacaa in uu cilmi been ah, jago been ah iyo hanti been ah u sheegto, isla markaas uu ka qariyo taariikhnololeedkiisa iyo filkiisa si aysan uga helin goldaloolo ay ka yasaan, waayo dhagar baa socota sida uu u fakarayo marka la eego. Si uu qofka soomaaliga ahi nacabkiisa uga guulaysto ayuu dagaal uu ku xukumo iyo boob uu hanti ku helo u lebbisan yahay.

Nacabka qofka soomaaliyeed uma uu turo dantooda guudna waxaa kala weyn difaaca adag oo uu ku dhacsanayo sharaftiisa ay nacabku hororayaan. Xoolaha nacabka in uu dhaco iyo in uu caayo labaduba waa ay u bannaan yihiin sida uu u fakarayo, isla markaas dhiiggoodu xataa waa mubaax, waayo waaba nacab.

Xaasidnimo iyo xiqdi ay nacasnimo ku dheehan tahay buu qofka soomaaliga ahi bulshadiisa kula dhexjiraa. Marka aynu xaasidnimada iyo xiqdiga caadiga ah ka hadlayno waa wax la garan karo oo aynu aadamiga kale la wadaagno, laakiin xagga soomaalida waxaa xaasidnimada ku dhafan nacasnimo aan lala qabin. Tusaale cad waxaa ah in uusan ruuxa soomaaliga ahi qofka uu neceb yahay dadnimadiisa iyo kartidiisa qiri karin, ee uu toos u inkiro asaga oo axmaqnimo ku dhiirranaya. Qof ay kartidiisu qorraxda ka caddahay ayaa haddii la neceb yahay waxaa la iska oranayaa ”Waxba ma uu qaban karo”, isla markaas qof liita ayaa haddii la jecel yahay waxaa la iska oranayaa ”Waa halyey”. Sababaha qof lagu jeclaado ama lagu nebcaadaa waxay xagga soomaalida u badan yihiin nacasnimo, sidaas darteed waxaa aad u badan dad aan wax weyn ku fiicnayn in ay bulshada ugu magacdheer yihiin, waayo habkii wax loo qiimaynayey baa waxaa ka buuxa axmaqnimo iyo xaasidnimo isbarkan.

Waxaa ugu daran in haddii uu qofka soomaaliga ahi arko labo qof oo isku xirfad ah uu isku mid u qabo oo uusan weligiis kala garan karin midka kartida fiican. Metelan haddii uu maqlo labo qof in ay jananno yihiin ama ay wadaaddo yihiin ama ay magac kale wadaagaan, sida gabyaa, wuxuu soomaaligu isku qancinayaa in ay siman yihiin, lagama loodin karo aragtidaas, waayo waa nacas nacab ah.

Haddii ay iskaashadaan xaasidnimo iyo nacasnimada noocaan ahi waxaa ka dhalanaysa in ay bulshadu gebi ahaanba dunto, waayo dadkii baan la kala aqoon ama loo quurin mid kastaa hawsha uu ku fiican yahay oo kulli isku mid ah.

Mar kasta qof baa waxaa loo dirayaa hawl uusan ka bixi karin, markii uu guuldarraystana waxaa lagu beddelayaa mid ka sii liita, waxaana meeshaas fadhiya dad sida ugu habboon ugu guulaysan lahaa hawshaas, laakiin uusan nacaska nacabka ahi ogayn ama uusan kartidooda u qirayn. Doorasho kasta oo ay dad soomaali ahi sameeyaan waxaa ku milan nacasnimo iyo nacabnimo, waana lagu guuldarraysanayaa. Runtii waa wax laga murugoodo in uusan qofka soomaaliga ahi waxba kala aqoon oo uu yahay nacas nacab ah, laakiin waxaa laga yaabaa in bollaal sano ka dib la arko qof soomaali ah habayaraato ee wax fahmi kara!

Waxaynu qofka sidaas nacaska u ah oo dadka uu nacabka ku yahay iska difaacaya hadalkiisa kaga haraynaa mirarkaan gabayga ah, oo soomaalida ku saabsan:

Macrifo uma yeeshaan wuxuu, baran metaalkoode
Ayagaysu muuqanahayee, moog adduunyada’e

Cismaan Keenaddiid

 

Shaafici Xassan Maxamed

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

 QORAALADII HORE EE SHAAFICI


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]