Waxaa 20 Bishan sagaalaad kadhacday magaalada boosaaso munaasabad lagu furayo
mac-hadkii kalkaaliyayaasha caafimaadka oo arday badani kasoobaxeen.
Sanadihii hore ee waxbarashada ee machadkan waxaa waxkabaranjiray gabdhaha
soomaaliyeed oo keliya balse sida uu somalitalk usheegay xiriiriyaha machadka
caafimaadka cabdikariin xuseen xasan wixii sanadan laga bilaabo waxaa machadka
lagu soo daray qayb shaybaarka ah taasoo ay wax kabaranayaan wiilal iyo gabdho
socondoontana mudo labo sano ah. Waxa kale oo uu c/kariin noo sheegay in
imtixaan laga qaadayo 40 arday oo 30 kamida loo qaadan doono qaybtan.
Sikastaba ha,ahaatee dadweynaha kudhaqan magaalada boosaaso iyo guud ahaanba
gobolada puntland waxay siweyn usoo dhaweeyeen waxbarashada machadka ee lagu
daray waxbarashada wiilasha.
Dhinaca kalena guud ahaanba gobalada pl waxaa kabiloowday waxbarashada sanad
dugsiyeedka dhamaanba dugsiyada waaweeyn sida kuwa hoose/dhexe iyo kuwa sare.
cawaale jaamac salaad, somalitalk.com somaliya
jamnaf87@hotmail.com