| w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
|
SOMALITALK
- NAIROBI
|
|
Nairobi oo Laga Xusay Maalinta
Nabada Aduunka
Ridwaan
Xaaji Cabdiweli
Nairobi,Kenya.
ridwanhaji14@hotmail.com
22/9/2003
Waxaa magaalada Nairobi xalay ilaa iyo shalayba ka
dhacayay munaasabadaha xuska maalinta nabadda aduunka ee 21 sep ,waxaana lagu
kala qabtay dhowr meel oo katirsan Nairobi oo ay kamid yihiin shirka soomaalida
iyo Hotelka Grand Regenc ee Magaalada Nairobi.
waxaa ka hadlay dad fara badan oo isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin, odayaal
dhaqameedyo iyo dadka nabadda ka sheqeeya , waxaana soo abaabulay xafladii ka
dhacday hotlaaka Grand Regence ururka dhalinyarada ee Somali Concern Group
Fadhigooduna yahay dalka Ingiriiska, dhalinyaradaas waxaa kamid ahaa Bashiir
Goobe iyo Cali Xaashi Dhoore.
waxaa munaasabadan hadal ka jeediyay mas'uul ka tirsan Qaramada Midoobay oo
lagu magacaabo Femu Badeja oo soo gudbiyay dhambaalka xoghayaha guud ee
qaramada midoobay ee ku aadan maalintan iyo muhimada gaarka ah ee ay uleedahay
soomaaliya.
Run ahaantii waxaa aad loola dhacay khudbadii ay soo gudbiyneen dhalinyaradan
oo uu soo jeediyay Xuseen Sheekh Cali (damumaye) sidan ayayna u qornayd.
Mudanayaal iyo marwooyin, martida sharafta leh ee nagu soo maamuustay ka soo
qeybgalka munaasabaddan qaaliga ah ee aan ku xuseyno iskuna baraarujineyno
qiimaha ay nabaddu u leedeahay, nolosha aadanaha, horumarka, caddaaladda iyo
ilbaxnimada dhammaantiin maalin wanaagsan.
Mudanayaal iyo marwooyin, ayadoo ay bulshada caalamku garowsan tahay muhimadda
ay nabaddu u leedahay noolaha, ayuu golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midooobay
ku go’aamiyey (7th Sep 2001) kalfadhigiisii 57aad ee caadiga ahaa in laga
bilaabo 21 Sep. 2003 caalamka looga aqoonsado in sannad walba maalintaas looga
dabbaaldago maalinta nabadda adduunka.
Maalintaas waxay astaan u noqoneysaa nabad jaceylka, waxay yeelaneysaa astaan
ah in la isku baraarujiyo nabadda iyo nabad kuwa noolaashaha, waxay astaan u
noqoneynaa joojinta colaadaha iyo dagaalada, waxayna aadanaha caalamka guud
ahaan u noqoneynaa maalin deggenaasho, maalin xasilooni iyo maalin colaad
la’aaneed.
Maantay waxa dhammaan dawladaha waddamada xubnaha ka ah qaramada midoobay iyo
ururadooda bulshadu sida ugu habboon ay u xusayaan uguna dabbaaldagayaan
Maalinta Nabadda aduunka, ayadoo la sameynayo wacyi galin, la bixinayo casharro,
lana abaabulayo kulamo baraarujineed. Sidoo kalena waxaa Qaramada Midoobay
lagala shaqeyn doonaa in la hirgaliyo xabbadjoojin guud oo caalami ah.
Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan shaki ku jirin in nabaddu tahay furaha
horumarka, qiimaha jiritaanka, macaanka nolosha iyo astaanta ilbaxnimada.
Haddaba Umadda Soomaaliyeed oo ka mid ah ummadaha caalamka qargigan 21aad,
maxay ku nooshahay? maxay nabaddu qiime ku leedahay? mase loo dulqaadan karaa
sida nabadda loogu kufsaday dalkeenna, dadkiisana loo baday dullinimada.
Tan iyo intii nidaamkii dalkeenna ka jiray burburay, bulshada caalamka iyo
sokeeyahuba waxay inoo abaabuleen 14 shirweyne dib u heshiisiineed kuwaasoo uu
ugu dambeeyo kan hadda gebi dhaclaynaya ee dalkan Kenya.
Tan iyo intii nidaamdarradu sadka inoo noqotay waxa dalka ka qaxay boqollaal-kun
oo Soomaaliyeed kuwaasoo nasiib wanaag ama nasiib xumo midka ay tahayba aan ka
mid nahay dadkayaga xafladdan soo qabanqaabiyey. Haddaan si gaar ah laba eray
ugu xuso dullinimada, karaama-darrada iyo ihaanada nagu heysata qurbojoogga
waxaa idiinka filan midda aynu manta isla\soo hor yuururno. Waa kuma keenna
magaaladan bilicdasan qabkii Soomaliga lagu yiqiin ku dhex mushaaxi kara, waa
kuma keenna damiirka leh ee indhaha u dhamayn kara gabdhaha Soomaaliyeed ee ku
dulleysan waddooyinka iyo goobaha lagu kulmo ee Nairoobi, waa kuma keenna aan
yaxyaxin oo aan danqan marka Hoteelada waaweyn ee aan degganahay hortooda ay
farqaha iska kaa lulaan waayeello, hooyooyin iyo caruur Soomaaliyeed oo dayacan,
dulleysan oo dawarsanaya.
Walaalayaal, waxyaabaha aad ku arkeysaan halkan waa loo qaateen marka la
barbardhigo kuwa nagu heysta Yurub , Amerika iyo Australia. Waddamadaas waxaa
looga noolyahay ihaano, karaamo darro iyo bahdil. Dumarkeenna, raggeenna
aqoonyahankeenna, juhaladeenna, waxgaradkeenna, maangaabkeenna, cuqaasheenna,
ciyaalkeenna, culumaau’diinkeenna,caamadeenna, dhammaantood waxay wadaagaan hal
magac oo la yiraahdo “qaxooti”waa isma dhaanto waana isuma taliso. Waxa sii
lumaya dhaqankeennii, waxa sii aasmaya diinteennii, dadnimona haba sheegin.
Waxaa ayaguna dhinaca kale masiibooyinkaas aan soo xusay kuwa ka sii daran ay
ku habsatay bulshadiii dalka ku hartay kuwaasoo ayagana nasiibkoodu ama nasiib
darradoodu u saamixi weysay inay meelna u baqoolaan. Waxaan jirin mustaqbal,
waxaa la xabaalay aqoontii iyo waxbarashadii, waxa la waayey daryeelkii
caafimaad iyo adeegyadii guud ee bulshadeed, waxaasoo dhanna waxay abuureen
jiil aayaahoodu madow yahay, mas’uuliyaddana aan waxba ku laheyn.
Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan waxyaabahaas u soo xusay in aan isu sheegno
xaqiiqada waxa jira oo ay nabad la’aantu na badday. Waxaa iyadana barbar socda
oo xusid mudan wanaagyada ay bulshada rayidka Soomaliyeed ka wadaan dalka
gudihiisa; oo isku tashiga ah, isku hiiliska ah iyo isku dayga soo celinta
adeegyadii guud ee dadwaynaha
Isku soo duub, dhibaatooyinka nagu dhacay! yaan ku eedeynaa, yaan eersaneynaa,
ma bulshada caalamka, ma qaaradda, ma gobolka, ma deriska mise innaga ayay
maskaxdeennu, garashadedennu, dadnimadeennu gaabis tahay? Meel fog yeynaan ka
raadin, ummadaha Ilaaheyna aan ammaan gelinno, wax aynaan is yeelinna cidina
inama yeeli karto ee ilaaheen inaan runta isu sheegno, kalana qaadanno ha ina
tuso. Maahmaah Soomaali ayaa aheyd:”Laxiba shillalka ay is dhigto ayaa lagu
qalaa”! Waxaynu ku sifoownay kuligeen hal abuurkii abwaan ,Mudane Yamyam uu mid
ka mid ahaa shirarkii guuldarreytay ee la inoo qabtay uu ergooyinkii kuraas ku
dirirka ahaa ku sifeeyey:”mici ku dhiiglayaal, maskax ku dhiiglayaal, muruq ku
dhiiglayaal, mara ku dhiiglayaal, jeeb ku dhiiglayaal iyo meelo kale ku
dhiiglayaal aanan soo koobi Karin.
Walaalayaal, caalamkii wuxuu inaga taagan yahay quus, waxa wax laga xishoodo ah
in la inoo baryo nabaddeena, nolosheenna iyo aayaha ubadkeenna. Waa ayaandarro,
waa garaad li’i, waana garasho yari, ku gorgortonka maatada, ku faanka waxii ay
aheyd in laga faano.
Mudanayaal iyo Marwooyin, aan u jeedinno, Madaxda Soomaalida ee shirkanu ku kor
sakaraadayo, in uu geesigu yahay kan tanaasula, fuleyguna yahay kan macangaga,
in uu halyeygu yahay kan quura, looharahuna yahay kan qaaqleh. Mudanayaal
hoggaamiyayaal, maatadiinna ma qabato falsafadda aad ku shaqeeneysaan oo
abwaanka soomaaliyeed ku soo koobay: “ii talin meysid, kuu talin mayo, wada
tashan meyno, kalana tagi meyno”!
Mudanayaal iyo marwooyin, kan tagay yuu u tagay, yuuse ka tagay, kan joogaase
yuu u joogaa, yuuse ka joogaa. Ogsoonaada, idinkaa isku dan ah, guushiinnu waa
inaad wada guuleystaan, guuldarradiinnuna waa markaad is garbisaan, meel ku
guntada koox guuldarradoodu in aysan koox kale guul u noqoneyn ee inta aan
mudnaanta idin siineyno na maamula, inta aan hayinka idiin nahay na hoggaansha,
haddii kale ummadu way idinka tashanaysaa!
Ugu danbayntii waxaan idiin kula dardaarmaayaa sidan:
Bulshooy isgarabsi ayaa guul leh, iskaashi ayaa karaamo leh, isbahaysi ayaa
badbaado leh.
NABAD AYAA NAAS LA NUUGA LEH!!!!!
Ridwaan Xaaji C/weli
Nairobi.
ridwanhaji14@hotmail.com
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|